Alle-koodnimadu ma doorasho caqliyaa mise waa xanuun nafsiya?.

Qoraaga iyo kasmanafeedka reer Mareykan ee Paul Vitz, waxa uu leeyahay; "Qof kasta oo Mulxid ah kuna ad-adag aragtidiisa ilxaadka, si kasta oo uu u soo ban dhigo sababo caqli iyo maan gal ah oo ku riixday in uu qaato fikirka ilxaadka waxaa mar walba soo baxaysa in ay jirto sabab nafsiya, mid shakhsiya iyo mid bulsho oo saamayn ku leh inuu qaato ilxaadka." Guud ahaan dunida waxa ku soo badana dadyowga alle-kooda ah. Sida ay sheegtay Jaamacada Harvard University, labaatanka sanno ee soo socota afkaarta dunida hagaysa waxa ay noqon doontaa, saddex kooxood; kow, kooxda u dooda galmadda dadka isku jinsiga ah (Homosexuality), labbo; kuwa maandooriyaasha, saddex; kooxda u dooda alle-koodnimadda (atheism). Aqoonyahanadda wax ka qora, arimaha ilxaadka waxa ay xusaan in ay jiraan sababo nafsiya, kuwo shakhsiya iyo kuwo bulsho oo ka qayb qaatay in dadku qataan fikirka ilxaadka, dadkaas waxa kamida; Dr Amr Sharif oo ah aqoonyahan wax ka dhiga jaamacada Ain Shams ee waddanka Masar. Waxa...