Faylasoofyada iyo nacaybka dumarka.
![]() |
Sida uu Dr. Maxamed Camaara (1931-2020) tibaaxo, dulmiga iyo xad-gudbka dumarka lagu la kaco waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood oo kala ah: Kow) Taariikh; dulmiga dumarka lagu sameeyey waa mid ay taariikhda aadmiga oo dhami xustay, labo) Bulsho: xad-gudubyada ka baxsan bini-aadantinimada ee lagu samayn jirey dumarka; waa mid ay inta badan samayn jireen bulshooyinka dunida ku nool—sida Giriigii iyo Carabtii hore. Saddex) shakhsiyaad: nacaybka dumarka loo qabo iyo dhibaatooyinka loo geysto waa mid iyaguna ay qayb ka yihiin shakhsiyaadkii dunida soo marey, kuwaas oo qaabeeyey aqoonta iyo ilbaxnimadii bulshooyinkii ay la noolaayeen.
Taariikhdu waxa ay warisaa qaabka ay ilbaxnimooyinkii dunida soo marey ula dhaqmi jireen dumarka, tusaale ahaan: Ilbaxnimaddii Giriigu dumarka waxa ay u arkeysay in ay yihiin shaydaan muddan in layska qabto, waxa ayna rumaysnaayeen dhibaatada dunida jirta oo dhami in ay sal u tahay dumar. Waxa la mid ah ilbaximaddii Roomaanka, middii Hindida iyo tii Shiinaha—dhammaantood dumarka waxa ay u arkayeen, in ay dumarku qayb ka yihiin hantida uu ninku leeyahay, sidaa awgeedna uu ninku xaq u leeyahay in uu gabadhiisa iibin karo xilliga uu doono, kana iibin karo cidda uu doono. Waa sooyaal fool xun oo ku xardhan dhigaallada qoraayada aduunka.
Haddaba qoraalkan yar, waxa aynnu ku eegi doonaa: nacaybka ay faylasoofyadu u qabeen dumarka, iyo waxyaabii ay ka rumaysnaayeen, taas oo keentay in ay dumarka ka saaraan gabi ahaanba nolosha. Inta aynnu qoraalka ku guda jirno, waxa aynnu soo qaadan doonaa faylasoofyo caan ka ahaa dunida, bud-dhigna u ahaa falsafada reer galbeedka sida: Socrates, Plato, Aristotle iyo kuwo kale oo badan. waxa aynnu isku dayi doonaa, in qoraalku koobnaado, nuxurkiisuna buurnaado, haddii uu Eebbe idmo.
Haddaba Marka uu qof waliba maqlo ereyga 'falsafad', waxa uu garowsanayaa in ereyga ujeedkiisu yahay 'xikmad jacayl.' Haddaba qofka loogu yiraahdo 'faylasoof', waxa markiiba maskaxadaada ku soo dhacaya in uu yahay—qof caqli iyo xikmad badan, qof nolosha wax ka beddela, qof dadka inta ay arkayaan in ka durugsan arka, qof hormuud u ah isbeddelada ay bulshooyinku doonayaan, qof dhiirran, qof dadka oo dhammi u siman yihiin, qof nabadda iyo wada-noolaashiyaha jecel, qof xaqa u hiiliya, dulmiga neceb. Haddaba qofka tilmaamaha noocaas ah leh, marna ma kaa dhaadhici kartaa, in uu horumuud u yahay; dulmiga, yasida, nacaybka, iyo fogeynta dumarka? Haa! Way kaa dhaadhaaci kartaa, waayo! Waxa aynnu nahay aadane gafka iyo dulmigu ba ku badan yahay. Haddaba qoraalkan waxaan kugula wadaagayaa faylasoofyo dhawr ah oo nebcaa dumarka. Inkasta oo aqoonyahannada qaar ay yiraahdaan, ma jiro amaba waa uu yar yahay, faylasoof dunidan soo marey oo aan dumarka necbayn, ama se dadnimadooda gef u geysan.
Buugga caanka ah ee ay qortay —Drs. Asma Mansuur, ee lagu magcaabo (Plato iyo gabdha/أفلاطون و المرأة.)—Waxa ay ku soo bandhigeysaa 'daraasad' ku saabsan halka uu faylasoofkii weynaa ee Plato ka taagnaa haweenka iyo sida uu u arkayey. Asmo Mansuur, waxa ay xusaysaa in uusan jirin amaba uu yar yahay faylasoof dunidan soo marey, oo aan dumarka dadnimaddooda durin. Haddaba Plato waxa uu ka mid yahay amaba hormuud u yahay—faylasoofyada dumarka liida, xuquuqdoodana inta badan duudsiiysa.
Haddii aynnu eegno Plato dumarka halka uu ka taagnaa, waxa aynnu arkaynaa waxyaabo laga yax-yaxo, tusaale ahaan: Plato dumarka waxa uu u arkayey in ay ragga ka hooseeyaan kana liitaan, waxa uuna oran jirey: ''Dumarka shaqadoodu waa in ay ubadka dhalaan, koriyaan, tarbiyadeeyaan, waana ceeb dumar suuqa soconaysa.'' Plato, waxa uu aad uga murugoon jirey, in ay gabadhi dhashay, hooyaddiina wuu xaqiri jiray, waxa uuna oran jirey: dumarku waa dhedig aan caqligoodu bislayn.''
Halka uu Plato nacaybka uu dumarka u qabo ka gaarey, waxa uu u diidey in dumarku ay wax dhaxlaan, waxa uu soo jeediyey in aysan gabadhu qofkii ay doonto guursan karin. Plato waxa uu aaminsanaa in dumarku yihiin kuwo aan u qalmin in raggu guursaddaan ama ay saaaxiib ka dhigtaan, waxa uuna rumeysnaa in dumarku yihiin caruur cagweyn, xitaa magaaladdiisii qummanayd (the ideal city/ مدينة الفاضله), waxa uu diidey in dumarka la guursado.
Waxa uu se dumarka u ogalaaday in ay ninkii ay doonaan la seexdaan (galmo), waana halka uu Ustaad Maxamed Camaara ka yiraahdo: "Plato waxa uu ka mid yahay raggii ugu horeeyey ee ogolaaday in wixii isku jinsi ahi isu galmoodaan.'' Si kastaba ha ahaatee, aqoonyahanno badan ayaa qaba in Plato taageeri jirey: 'in wixii isku jinsi ahi isu tagaan.' Waxa se muddan in la xuso, in Plato dumarka u ogolaaday waxbarashadda, shaqadda iyo in ay ciidanka ka mid noqdaan. Waxa se uu diiday in ay dumarku wax dhaxlaan.
Dr. Imaam Cabdi Fataax, waa xeel-dheere darajadda 'Ph.D' ka sita aqoonta falsafadda, waana madaxa kuliyadda falsafada ee jaamacadda Kuweyt. Waxa uu leeyahay maqaalo iyo buuggaag badan oo uu u bixiyey (Faylasofka iyo gabadha/الفيلسوف و المرأة), waxa uu aad uga warramaa faylasoofyadu sida ay dumarku u arki jireen, waxa uuna leeyahay buugg caan ah—oo aan anigu si gaar ah u jeclahay— oo lagu magcaabo (Aristotle iyo gabadha/أرسطو والمرأة), buuggan qoraaggu waxa uu aad ugu lafa gurayaa, sida uu faylasoofkii weynaa ee Aristotle u arkayey dumarka iyo halka uu ka taagnaa. Aristotle waxa uu ka mid yahay; faylasoofyada af-lagaaddada u geystay dumarka wuxuuna rumeysnaa, in dumarku aysan ahayn aadane, ee ay yihiin shaydaan maryooley.
Wuxuu oran jirey, dumarka shaqadoodu waa wax dhalid, oo ma laha awood ay ku yeeshaan akhlaaq iyo karaamo sarreysa, waayo waa aadmi ragga ka hooseeya. Aristotle dumarka waxa uu u diidey in ay siyaasadda galaan, wuxuuna adeegsan jirey weedho uu dumarka ku bahdilayo oo oranaya; "Jinsiga labka ah ayaa u qalma madaxtinimadda, ee dhedigu uma qalmaan." Waxa kale oo uu oran jiray: "Raggu waxa ay leeyihiin siyaasadda, dumarkuna guriga." Waxa kale oo laga qoray: ''Saddex maamul ma leh: gabadha, qofka waalan iyo ilmaha yar.'' Aristotle waxa uu dumarka la simay caruurta iyo qofka waalan.
Socrates, waxa uu caan ku yahay magaca ah 'aabaha falsafadda reer galbeedka', waxa uu kow u yahay ragga bud-dhigay falsafada, waxa uu sida oo kale hormuud u yahay faylasoofyada dumarka neceb, tusaale ahaan weedhaha laga soo guuriyo waxa ka mid ah: ''Dumarku waa isha ay ka soo burqadaan dhammaan dhibaatooyinka dunida ka jira", "Dumarku waa geed sumeysan oo dusheedu qurux badan tahay, laakiin shinbiruhu (raggu), ay ku dhintaan marka ay cunaan." Socrates waxa uu, Plato iyo Aristotle kala mid yahay liididda dumarka, haddii ay noqoto gabi ahaanba nolosha, waxa aynnu oran karna, waxa saameeyey casrigii ay noolaayeen oo ahaa xilli kakan, oo ay kaniisaddu awood lahayd."
Arthur Schopenhauer, waa faylasoof Jarmal ah waa mid ka mid ah, faylasofyada nacaybka aadka ah u qaba dumarka. Schopenhauer waxa loogu yeeraa faylasoofkii rejada xumaa (الفيلسوف التشاؤم). Schopenhauer dumarka marka uu liidayo waxa uu oran jirey: "Dumarku waa noole u dhexeeya ragga iyo caruurta, waa suurtagal in aynnu dumarka dhahno waa caruur qaan-gaadhay." Waxa kale, oo uu Arthur Schopenhauer oran jirey marka uu quudhsanayo dumarka, "Munaafaqnimaddu waa mid ka mid ah hubka dumarka ku abuuran, beentu waa qayb ka mid ah dabeecaddaha dumarka."
Schopenhauer, waxa uu rumeysnaa—in dumarku yihiin ceeb ka mid ah ceebaha bulshadda ama bulshooyinka haysta. Waxa kale oo laga soo guuriyaa faylasoofkan in uu hooyaddii nebcaa, waxa nacaybka keenayna waxa lagu sheegaa in hooyadii qayb ka ahayd in aabihiis is-dilo. Si kastaba ha noqotee Arthur Schopenhauer, waxa uu ka mid yahay faylasofyada aadka u neceb dumarka.
Friedrich Nietzsche —waa qoraa, faylasoof iyo suugaan-yahan Jarmal ah—waxa lagu naanaysaa 'cadowga gabadha/[عدو المرأة] Nietzsche, waxa uu magacani ugu baxay nacaybka fog ee uu dumarka u qabo, waxa uu buuggiisa (هكذا تكلم زرادشت), ku yiri weedh uu dumarka ku liidayo, dadnimadoodana uu waxa kaga sheegayo, waxa uuna leeyahay: ''Dumarku waa aadanne kala dhiman, oo daciif ah.'' Friedrich Nietzsche, waxa uu aaminsanaa, in dumarku yihiin noole dhib badan, oo muddan in la garaaco. Waxa hal-hays u ahayd weedh uu dilka iyo garaacida dumarka ku dhiirrigalinayo midaas oo oranaysa: "Markasta oo aad dumarka aadeyso, waxa aad sii qaatadaa jeedalkaaga, si aad u garaacdo." Nietzsche, waxa uu aaminsanaa in dumarka ragga ka hooseeyaan, xagga caqliga iyo garaadka.
Charles Darwin, isaguna waa qoraa iyo faylasof ku takhasusay cilmiga nooleyaasha (biologist), waxa uu ka mid yahay faylasofyada xad-gudubka daran u gaystay dumarka, wuxuu aaminsana in dumarka dunida laga kexeeyo; iyagga iyo waxa la mid ka ah, waxa uu qabay aragtidda lagu magcaabo (the survival of the fittest"/البقاء للأصلح), aragtidani waxa ay tibaaxaysaa, in cida nolosha xaqa u leh, ay tahay qofkii ama kooxdii awood leh, sidaa awgeed, qof walba oo daciif ah, sida [dumarka, caruurta, dadka naafadda ah, iyo waayeelka], dhammaantood waa in nolosha laga saaro, maadaama oo aysan waxba dunida u tareyn, waa aragtida ay qaateen, dhiigcabayaashii dunida soo marey—sida Adlof Hitler iyo Benito Mussolini.
Charles Darwin, waxa uu leeyahay buug doodo badan dunida ka dhaliyey, oo lagu magcaabo (أصل الإنسان). Buuggan waxyaabaha lagu duro waxa ka mid ah: meel ka soo jeedka aadmiga iyo xaqiraadda dumarka. Charles waxa uu leeyahay: "Dumarku waxa ay ka martabad hooseeyaan ragga." Waxa kale oo Charles yiri: "Dumarka waxa ka qiimo badan Eyga." Charles waxa uu meel ka dhac u geystay jiritaanka dumarka. Aqoonyahanaddii kale ee akhriyey qaatay na fikradiisa, waxa ay iyaguna liideen oo dureen jiritaanka dumarka—sida Karl Foget, oo ah xeeldheere ku takhsusay aqoonta noolaha iyo Gustave Le Bon, oo isaguna ah faylasoof iyo dhakhtar Jarmal ah. Labadan nin, waxa ay dureen maskaxda dumar waxa ayna aamineen, in dumarka iyo xayawaanku isku mid yihiin, oo aysan wax kala duwanaan ah oo weyni u dhaxayn, maskaxdooddu.
Jean-Jacques Rousseau, waa qoraa iyo faylasoof asalkiisu yahay Suwiiserlaan, waxa uu ka mid yahay faylasoofyadii horumuudka u ahaa kacdoonaddii isbeddel doonka ahaa ee Yurub ka dhacay, waxa kale oo uu ka mid yahay, raggii hor kacayey, fufkii Yurub (Enlightenment period). Rousseau, waxa lagu sheegaa, in uu ahaa ruux diimaha jecel, dadku in ay xoroobaan jecel, buugg badan qorey, oo uu kaga soo horjeedo kalitaliyaasha iyo cabudhinta bulshadda. Waxa se uu saaxiibaddiisa kale ee faylasoofyada ah kala mid yahay dumar nacaybka, waxana laga soo guuriyaa in uu oran jirey: "Dumarka looma abuurin aqoon iyo xikamad toona, waxa loo abuurey in ay haqab-tirtaan baahida jinsiga ah ee ragga ku abuuran." Cayda iyo af-xumadda dumarka lagu sameeyo waxa qayb ka ah, faylasoofyo Muslim ah; tusaale ahaan, Ibn Sina oo ahaa—qoraa, saynisyahan iyo faylasof Iiraani ah, waxa uu buuggiisa (الشفاء) ku yiri: ''dumarku, waa aadmi caqli gaaban.''
Ibn Carabi, waa suuggaanyahan, qoraa iyo faylasoof Muslim ah, waxa laga qorey weedho ku suntan nacayb, durid iyo yasid ku aadan dumarka, tusaale ahaan Ustaad Kamaal Xaydari, waxa uu leeyahay barnaamij uu kaga faallooddo yasida iyo af-lagaadada ay faylasoofyadu u geysteen dumarka, marka uu Ibn Carabi ka warramayo waxa uu yiraahdaa: "Ibn Carabi dumarka waxa uu ku sheegay in ay yihiin, aadmi garaad gaaban oo muddan in ay u adeegaan ragga." Xakiim Sabsawaari—waa faylasof Shiici ah—waxa uu yiraahdaa: "Dumarku waa aadanne garaad gaaban, dhaqankooduna waa midka xayawaanka oo kale." Thomas Aquinas, waa wadaad kaatolig ah, dhakhtar ah, sidoo kalena faylasuf ah, waxa uu dafirey jiritaanka dumarka waxa uuna yiri: "Ma jiro hal jinsi oo kaliyaata mooyee (labka), gabadhuna waa noole garaad hooseeya, oo aan dhamystirnayn."
Singmud Freud waxa loogu yeeraa, (aabbaha kasma-nafeedka casriga ah (The Father of Modern Psychology), sida uu Dr. Maxamed Camaara, ku soo guurinayo buuggiisa (تحرير المرأة بين الغرب و الإسلام), Waxa uu Freud yiri: "Ninku waa insaan dhamaystiran, gabadhuna waa nin kala dhiman." Immanuel Kant, waa faylasoof Jarmal ah waxa uu ka mid yahay Indheergaradkii horboodeyey kacdoonaddii isbeddel doon ee Yurub ka socday, waxa uu si gaar ah ugu suntan yahay dhanka akhlaaqda, waxa uuna leeyahay aragtiyo ku aaddan akhlaaqda. Kant dumarka marka uu ka warramayo waxa uu yiraahdaa; "Garaadka dumarku waa mid ka hooseeya kan ragga—bahalnimadda marka la joogo dumarku waa mayeedhaan (xayawaan)."
Friedrich Hegel, waa faylasof Jarmal ah, sida uu Kamaal Xaydari tibaaxayo, Hegel waxa laga qorey weedh ku aaddan kartida dumarka midaas oo u dhigan sidatan, "Dumarku waxa ay awoodaan in ay wax bartaan, laakiin looma abuurin waxqabadyo u baahan karti dhamaystiran, sida cilmi sare ama falsafad." Jean-Paul Sartre, waa faylasof iyo sheeko qore, Faransiis ah, waana ninkii ay is-jeclaayeen Simone de Beauvoir oo ahayd haweenay ku ad-adag aragtidda dhegdignimadda (feminism), Jean-Paul Sartre waxa uu ka mid yahay Muxlidiiintii ugu waaweynaa qarnigii labaatanaad. Waxa uu ahaa nin u dooda bini-aadantinimadda, marka ay Simone de Beauvoir, ka warramayso waxa ay tiraahdaa; 'Sartre waxa uu ahaa ruux, ay ku weyntahay labnimaddu ma ahayn mid ka warrama arrimaha dhediga.' Waxa muuqata in Jean-Paul Sartre, dooddiisa bini-aadantinimadda uu ku koobay, ragga oo kaliya sida ay xusayso mucaashaqaddiisa Simone de Beauvoir.
Isku soo wada duuboo, mufakiriinta, aqoonyannada iyo dadka dunida aragtiyaha la nool, waxa ay ka sinnaayeen liiditaanka dheddiga iyo ku jees-jeeskooda, haddii aanay ku jees-jeesin ama aanay hadal durid ah ula badheedhin, waxa ay ku suntanaan lahaayeen kuwo u tura, oo daryeela dumarka. Sababta ay sidaasi u dhacday weli ma cadda, balse waxa uun jira in arrintaasi ay marag ma doon tahay, in ay ku saxsanyihiin. Waxa kale oo xusid muddan, in ay jiraan boqollaal mufakir, aqoonyahan, qoraa iyo faylasof, oo arrintan ka soo hor jeeda ama dhinaca kale ka jooga, kuwaas oo aanan qormada ku xusin. Ugu dambayntii ujeedka qoraalku waxa uu ahaa in aan bidhaamiyo oo aan tooshka ku ifiyo xad-gudubyada ka dhanka ah dumarka, gaar ahaan faylasofyada.
Xigasho:
1: أرسطو والمرأة ~ أسماء منصور
2: تحرير المرأة بين الغرب والإسلام ~ د. محمد عماره
3: الجمهورية ~ أفلاطون
4: الجزير نت
5: برامج حول فلاسفة و المرأة ~ السيد كمال الحيدري
6: د. حسن حماد 'لماذا يكره الفلاسفة المرأة.'
Comments
Post a Comment