Hantiwadaaggii Soomaaliya: Guul mise Guuldarro
Hordhac
Warshadaha saboolkiyo
Wadhatada la qaybsaday
Wiil ay dhashaan ahay
Weeraarta hoosiyo
Waaheel rug sare furan
Marka laysku kala waco
Ninka labada waaxood
Danyar weheshadaan ahay.
—Maxamed Ibraahin W. Hadraawi, "Waxyi", 1983.
Intii taariikhda insaanka taxanayd loollan dabaqadeed, siyaasadeed, bulsheed, diimeed iyo dhaqaale ayaa dadka u dhexeeyey. Loollankaasi mar walba waxa uu joogay marxalad goonni ah. Hantiwadaagguna waxa uu qayb ka yahay arrimaha fasirka iyo mudnaanta gaarka ah siinaya loollanka bulsheed halka salka u ah. Hantiwadaagga Cilmiga ah waxa uu sharraxaad iyo faaqidaad weyn ku samaynayaa arrimaha shidaaliya kala qoqobka, diigmiirashada iyo kala sarraynta bulshada. Karl Marx, Friedrich Engels iyo Vladimir Lenin waxa lagu abtiriyaa in ay yihiin abwaannada Hantiwadaagga Cilmiga ah. Hantiwadaagga waxa kacdoomeeyey oo aydhiyoolajiyadeeyey, oo shaacsaaray Marx iyo Engels, se waxa barbaariyey, oo naaxiyey oo fidiyey, oo dogobyo siisaaray si camali ahna u fuliyey Vladimi Lenin. Lamahuraannimada Hantiwadaaggu waa in la abuuro bulsho cusub oo kacaan ah. Waa in laga takhaluso wax walba oo keeni kara kala qoqob iyo kala oodan bulsho. Hantiwadaaggu wuxuu dagaal weyn kula jiraa imbiriyaalismka iyo burjuwaasiyadda. Lenin wuxuu qoray "imbiriyaalismku waa halka ugu sarreysa ee uu gaadho Hantigoosadku."
Shaqaaluhu waa uhda Hantiwadaagga iyo shidaalka uu quuto. Lenin oo tan ka warramaya wuxuu qoray; "shaqaaluhu waa dhuuxa iyo tiirdhexaadka Hantiwadaagga." Marx sida uu tibaaxay kacdoonku waa jidka keli ah ee lagu gaadhi karo nidaam Hantiwadaag ah. Lenin oo ka dabqaatayna wuxuu ku tagay, "ma jiri karo dhaqdhaqaaq kacdoonnimo oo aan lahayn aragti kacdoonnimo." Hantiwaadaggu wuxuu metalaa shaqaalaha iyo dabaqadda kadeedan, waana aragti horusocod ah, tani waxa ay ku hirgeli kartaa in uu jiro xisbi Hantiwadaag ah. Lenin wuxuu qalinka ku sugay, "dhismaha Hantiwadaaggu wuxuu hirgeli karaa marka uu jiro xisbi Hantiwadaag ah oo leh aragti horusocodnimo, kuwaas oo metela shaqaalaha." Cashuur (1976), Hantiwadaagga Cilmiga ahi dagaal joogto ah ayuu kula jiraa aydhiyoolojiyadda burjuwaasiyada iyo dibusocodka, kuwaas oo raba in xoogsatada adduunka maskaxda ka addoonsadaan si ay danahooda burjuwaasiga ugu fushadaan. Hantiwadaagga Cilmiga ahi waa cadowga joogtada ah ee dibusocodyada midigta iyo bidixda fog.
Kacdoonku waa dawga lagu gaadhi karo bulsho cusub oo Hantiwadaag ah. Karl Marx wuxuu yidhi; "kacdoonnada bulshadu waa taayirka/shaagga roga taariikhda." Sidaa darteed si walba waa u lamahuraan in gees walba laga kiciyo kacdoon si dabaqadda bolorataariyaddu u yeelato gacanta sare. Marx tan wuxuu ugu yeedhay digtaatooriyadda bolorataariyadda (The Dictatorship of the Proletariat). Waa in gacanta sare iyo maamulka siyaasadeed iyo dawladeed ay yeelato dabaqadda shaqaaluhu, waa in la afgembiyo burjuwaasiyadda tadhahday. Loollanka dabaqadeed ee ka dhex qarxa boroolataari gedooday iyo burjuwaasi is dhigtay oo tacaddi miidhan ah, ayuu Marx ku dooday waxa ka dhasha isbeddel bulsheed. Karl Marx wuxuu qaadaadhigay qaabdhismeedka iyo iimaha Hantigoosadka, wuxuu faaqiday jirrooyinka iilka dhigi doona Hantigoosadka. Marx wuxuu ku dooday in Hantigoosadku "xusullada ku sito xadhkihii lagu qooli lahaa." Marx wuxuu tilmaamay in gaboodfalladii iyo dhiigmiiradkii dhaqaale ee ay Yurub kula kacday Afrika iyo Aasiya, in ay yihiin wixii barbaariyey Hantigoosadka, geesta kalena dhaliyey horumarka Yurub.
Marx wuxuu si walba ugu dooday in haddii aan dimuqraaddiyadda laga fulin goobta shaqada (Democracy in Workplace), ay adkaanayso in laga dhaqageliyo siyaasadda. Waxa jira arrimo si iyo si kalaba xidhiidh u leh oo ay dadku isku khaldaan, waxana ka mid ah; Shuuciyadda, Maarkiisiyadda iyo Hantiwadaagga. Marka si fudud loo dhigo waxa la odhan karaa: Maarkiisiyad oo idil waa Shuuciyad, se Shuuciyad oo dhami Maarkiisiyad ma aha. Waxa la mid ah Hantiwadaagga iyo Maarkiisiyadda. Maarkiisiyaddu waxay isku mar tahay laan ka mid ah geedka Shuuciyadda iyo fasir laga bixiyey Hantiwadaagga. Dhanka kale waxa jira kala duwaan u dhexeysa Hantiwadaagga iyo Shuuciyadda. Shuuciyaddu way ka af iyo gacan kulushahay, oo waxay ku baaqdaa in hantida gaarka ah gebi ahaanba laga takhalluso, nidaamka dhaqaale iyo baahiyaha asaasiga ahna dawlad dhexe oo awood badani ay maamusho, sida uu Marx ku soo koobayna, Shuuciyaddu waa in "qof kasta laga soo qaado inta uu karayo, qof kastana la siiyo inta uu u baahan yahay." Hantiwadaaggu isagu ma dhibsado in dadku yeeshaan hanti gaar ah, se waxsoosaarka warshadeed iyo wixii la mid ah ee ummadda muhimka u ah ayey dawladdu gacanta ku haynaysaa.
Shuuciyaddu waxay ku baaqaysaa in afka dhulka loo daro nidaamyada bulsheed iyo in gacanta sare iyadu yeelato, si loo abuuro bulsho shuuci ah. Hantiwadaaggu wuu ka duwan yahay, oo isagu ma qabo in nidaamyada jira la dumiyo. Marx, Engels iyo Lenin waxa ay dhiirrigeliyeen adeegsiga cunfiga. Engels wuxuu ka faallooday wax walba oo bolorataariyaddu u baahan tahay xagga dagaalka. Engels dagaalka wuxuu u arkaa in uu yahay qaab halgan siyaasadeed oo dabaqi ah. Sida uu Cashuur qorayo Hantiwadaaga Cilmiga ahi waa qayb ka mid ah cilmiga Marksism-lenin (Marxism-leninism). Wuxuu dersaa qaab kacdoonneedka loo burburiyo Hantigoosadka gumeysiga iyo xeerarka suurtagelinaya; dhalashada, abuuridda iyo barbaarinta bulsho Hantiwadaag ah. Marksism-leninku waa aqoon keli ah oo abbaaraysa awood siinta shaqaalaha, waa hab falsafadeed lagu abuurayo bulsho kacaan ah. Lenin wuxuu qoray, "waxa aad mooddaa in aqoonta Maarkiisiyada hal koob oo keli ah laga soo shubay."
Cashuur (1976), buuggiisa "Hantiwadaagga Cilmiga ah", wuxuu ku qoray in Hantiwadaaggu ku dul wareego qodobbo ay ka mid yihiin: xorreynta shaqaalaha, suulinta dabaqadaha, dhiigmiirashada, gumeysiga, dulliga, cunsuriyadda, sinnaanta iyo caddaaladda bulsheed. Arrimo dhawr ah ayaa la xusaa in ay dhaliyeen Hantiwadaagga Cilmiga ah, waxana ka mid ah: Hantigoosadkii oo xooggeystay, iska hor imaadkii dabaqadihii bulshadii Hantigoosadka oo xooggeystay iyo tiradii boloraatiyaadka oo badatay, halgan dabaqi ahna u bislaatay.
Hantiwadaagga Cilmiga ah waxa ka horreeyey Hantiwadaagga Dhalanteedka ah (Utopian Socialism). Hantiwadaagga Dhalanteedka ah arrimaha ay mudnaanta siiyeen waxa ka mid ah:
- waxay si aad ah u dureen Hantigoosadka.
- waxay caddeeyeen in dadka isku dul nool aysan gaadhi karin sinnaan, walaalnimo iyo xornimo.
- waxay ku doodeen in bulsho Hantiwadaag ahi ku dhalan karto kacdoon dadku sameeyo iyo gacanta sare oo yeelata xoogsatadu.
- mustaqbalka bulshada Hantiwadaagga ahi waa in dadku shaqeeyo.
Hantiwadaagga Dhalanteedka ahi wuxuu ahaa fekradihii gundhigga u ahaa Hantiwadaagga Cilmiga ah, inkasta oo aanay fekradahaasi tijaabo gelin. Lenin wuxuu ku dooday in Hantiwadaagga Dhalanteedka ahi uu qaadhaan weyn ka geystay, isla mar ahaantaana u gogolxaadhay in uu dhasho Hantiwadaagga Cilmiga ah.
Marx wuxuu u halgamay in dabaqadda xoogsatadu lamahuraan tahay in ay samayso kacdoon, si xididdada loogu saaro Hantigoosadka. Ujeedku waa in la xaqiijiyo isxorrayn bulsheed iyo dhaqaale. Sida oo kale waa in la abuuro kasmo dabaqi ah (Class Consciousness). Marx wuxuu qabay in taariikhdu ka unkanto loollanka u dhexeeya dabaqadaha bulshada, gaar ahaan Burjuwaasiyiinta iyo Boroolataariyaadka. Waxa kale oo uu ku tagay in gacanta sare cidda lihi ay tahay hadba kooxda dhaqaale badan. Marx wuxuu ahaa aqoonyahan dhaqaale iyo faylasuuf siyaasadeed. Wuxuu ahaa aragticuriye shaqaalaha la jira isaga iyo jaallihiisii Engels. Weedha "shaqaale weynaha adduunkow midooba", ee ay Marx iyo Engels ku qoreen buuggooda “Baaqa Shuuciga (The Communist Manifesto)”, waxa ay barbilow u noqotay in xididdada loo saaro dawlado badan oo Hantigoosad ah. Waxa ayna dhalisay kacdoonno dadweyne oo gees walba ah, waxa ayna keentay in af iyo addinba lagu hirgeliyo afkaartii Hantiwadaagga. Sidaa ayey labada jaalle taariikhda insaanka ku galeen.
Qarnigii labaatanaad Hantiwadaaggu wuxuu sameeyey horumar iyo horusocodnimo taabbagalay, wuxuuna noqday nidaamka keli ah ee lagaga hortagi karo is baahinta iyo is fidinta Hantigoosadka iyo imbiriyaalismka. Dunida Koonfureed, khaasatan Afrika Hantiwadaaggu wuxuu noqday mid la isagaga kiciyey heeryadii gumeysiga. Waddamo badan oo Soomaaliya ka mid tahay waxa ay qayb ka noqdeen waddamada ku abtirsada dalalka Hantiwadaagga ah. Loollankii u dhexeeyey Bariga iyo Galbeedka adduunka. Dunida Galbeedka waxa hoggaaminayey Mareykanka oo Hantigoosad ahaa. Dunida Bariga waxa hoggaaminayey Midowga Soofiyeet oo Hantiwadaag ahaa. Waxa labada afkaarood dhexmaray waxa taariikhda casriga ah marka la joogo loogu yeedho; Dagaalkii Qaboobaa (Cold War).
Hantiwadaagga Soomaaliya qaadatay waxa lagu gaadhay guulo saamayn la taaban karo ku leh nolosha ruux walba oo Soomaali ah. Dalku wuxuu noqday mid horumar iyo horusocodnimo bulsheed sameeyey, haddii ay noqoto xagga; siyaasadeed, bulsheed, dawladeed iyo dhaqaale. Geesta kale waxa jira guuldarrooyin iyo fashil aad u weyn oo loo aaneeyo Hantiwadaagga. Aqoonyahannada qaar waxa ay ku doodaan in Hantiwadaaggu yahay ka keenay fashilka dhan walba ah iyo kala'irdhowga bulsheed ee illaa maanta la la daalaadhacayo. Wuxuu sababay qaranjab ummadeed iyo kala’aamin bax bulsheed ayey ku tageen. Haddaba maqaalkan wuxuu faallayn iyo faaqidaad ku samayn doonaa, waayihii Hantiwadaagga Soomaaliya.
Wuxuu u jilibdhigayaa muddadii ay Soomaaliya ahayd dawlad Hantiwadaag ah fashilkii la la kulmay iyo guulihii la gaadhay. Geesta kale wuxuu irridda uga gelayaa qaadhaanka Hantiwadaaggu ku leeyahay qaranjabkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Si kale wuxuu abbaarayaa saamaynta bulsheed iyo xagjirnimada diimeed ee Hantiwadaaggu reebay. Wuxuu noqon doonaa maqaal ku arooraya maxsuulkii ka soo baxay Hantiwadaaggii aynu ku hor kufnay.
Waayihii iyo Guulihii Hantiwadaagga Soomaaliya
Marx, Engles iyo Lenin waxay aadmiga oo dhan ka mudan yihiin sharaf, waayo waa kuwii soosaaray aragtida aadmiga oo dhan ugu baaqaysa sinnaan iyo horumar. Hantiwadaaggu waa mid keli ah waana Hantiwadaagga Cilmiga ah, kan Soomaaliya qaadatay ee hirgelinaysana waa isaga.
—Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Sannadkii 1969-kii waxa waddanka ka dhacay afgembi uu hoggaaminayo Maxamed Siyaad Barre. Samatar iyo Laitin (1987), waxa ay qoreen in la taliyayaal Ruush ahi ay Siyaad Barre ka caawiyeen afgembigii guuleystay ee uu hormuudka u ahaa. Wixii afgembigaas ka dambeeyey waxa bulshada Soomaalida u bilowday nidaam siyaasadeed cusub iyo hab-dhaqan-dhaqaale oo ka duwan kii hore. Siyaad Barre wuxuu gebi ahaanba tirtiray wax walba oo dammaanadqaadayey xorriyadda muwaaddinka. Wuxuu banniday; xisbiyadii siyaasadeed, baarlamankii iyo dastuurkii. Jaamac Maxamed Qaalib (2019), Siyaad Barre wuxuu ganafka ku dhuftay urur diimeedyadii Islaamiyiinta, oo dhaqdhaqaaqyadii Suufiyada ee Saalixiyada iyo Qaaddiriyada dib looma arag. Trunji (2022), wuxuu qoray Oktoobar 10, 1970-kii in Maxamed Siyaad Barre soosaaray xeer tilmaamaya in la tuuray mabda'ii “Habeas Corpus”, ee dhigayey ilaalinta xorriyadda iyo xuquuqda muwaaddinka.
Xaaladdan dalka la galiyey waxa loo diyaarinayey isbeddel cusub iyo nidaam ku cusub Soomaalida raacatada ah. Oktoobar 21, 1970-kii, sannadguurradii koowaad ee Kacaanka Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhawaaqay in dalku qaatay Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan (Scientific Socialism). Si gaar ah waddanku wuxuu qaatay Marksism-lenin. Aqoonyahanno badan waxa ay fasir u raadiyeen sababta keentay in waddanku qaado jidka Hantiwadaagga. Samatar iyo Laitin waxa ay ku doodeen in Siyaad Barre nidaamka Hantiwadaagga u qaatay in uu ku raalligeliyo dawladda Ruushka oo abaal weyn ku lahayd afgembigii uu sameeyey. Ismail (2010), wuxuu tilmaamay in Siyaad Barre nidaamka Hantiwadaagga u qaatay in uu ku sharciyeysto xukunkiisa. Sharraxaado kala duwan ayaa laga bixiyaa sababta dhabta ah ee keentay qaadashada Hantiwadaagga, weli se la iskuma raacin.
Markii ay dawladdu qaadatay Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan, waxa adkaaday hannaankii bulshada xooladhaqatada Soomaaliyeed loogu turjumi lahaa nidaamkan cusub. Dawladdu Scientific Socialism waxa ay ku turjuntay “Hantiwadaag Cilmi ku dhisan”, se dadkii reer miyiga ahaa waxa loogu fasiray “xoolo qaybsi cilmi ku dhisan.” Tani waxa ay keentay in fahanku fogaado bulshaduna garan kari weydo nidaamka cusub ee ay dawladdu keentay. Ammintii Hantiwadaagga la qaadanayey dadweynaha dalku waxay 86% ku maqnaayeen miyiga, noloshooduna waxa ay ku tiirsanayd xoolaha nool iyo beeraha.
Mar haddii Hantiwadaag la qaatay dawladdu waxa ay qaramaysay wax walba oo idil, marka laga reebo muuska iyo xoolaha nool, iyaga lama qaramayn oo waa laga tagay. Sababta waxa lagu sheegay in muusku door weyn ku leeyahay horumarinta qaranka. Halka xoolaha nool aan la la wareegin maaddaama dawladdu aaminsanayd in xooladhaqatada reerguuraaga ahi ay yihiin shaqaale ee aanay ahayn hantiilayaal. Aqoonyahannada qaar waxa ay ku doodeen in ay si walba u adkayd in la qarameeyo xoolaha nool. Guud ahaan waddamada Afrika Hantiwadaagga waxa ay qaateen xilliyo kala duwan. Waddamada qaar xilligii gobonnimo doonka ayey qaateen, qaar kale gobonnimadii kaddib. Qaar kale na waxa ay qaateen markii ay afgembiyo dhaceen. Dawladaha Afrikaanka ee qaatay Hantiwadaagga waxa ay u qaybsanaayeen saddex jaad oo kala ah: African Socialist Countries, Afro-marxist Countries iyo Afro-communist Countries. Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd dalalkii la odhan jiray Afro-marxist Countries.
Markii uu kacaanku dhashay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed si weyn ayey u soo dhaweeyeen curashada kacaanka. Sababta oo ah waxa si walba loo nacay maamulkii rayidka, kaas oo ku fashilmay wax walba oo leh macne iyo maamul dawladeed. Maamulladii rayidka waxa si walba u biyo-dhigay; maamul xumo, fawdo, kutagrifal awoodeed, eex, qaraabokiil iyo musuqmaasuq qaawan. Tan darteed ayaa loo soo dhaweeyey afgembigii ay askartu ku kaceen. Islaamiyiintu si weyn ayey ugu faraxsanaayeen waaga cusub. Cabdishakuur (2011), wuxuu qoray, "......waaga cusub ee beryay waa ku faraxsanaayeen Islaamiyiintu isbeddelka askartu samaysay ee ay awoodda dalka ku maroorsadeen wuxuuna kacaanku u dhiibay jagooyin sarsare." Abwaannadu judhiiba waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen curashada kacaanka. 1970-kii waxa la sameeyey gabayo iyo heeso lagu ammaanayo Siyaad Barre iyo waaga cusub ee dalku galay. Xilliyadaas abwaan Qaasim ayaa ku gabyey; "cishadii gashaba waagu waa caynad gooniya e, inay curato khayrlihii kacaan ciidan la arkaaye." Sida oo kale Cabdi Muxumed ayaa ku heesay, "cimrigii jiryow caynaanka hay hay, waligaa hay." Mar kale Cabdi Muxumed wuxuu tiriyey maansadiisii caanbaxday ee "Xaaraan-quutayaashii", taas oo uu kacaanka uga mahadcelinayo in ay afgembiyeen dawladdii rayidka ee musuqa ahayd. Geesta kale Xasan Xaaji ayaa allifay heestii ahayd, "guulwade Siyaad, aabbihii garashada geyigow." Dhanka kale Bashiir Indhobuur ayaa ku maansooday, "wehelkii calankow wadnihii ummaddow noo waar."
Dawladdu waxa ay qaadashada Hantiwadaaga ku sababaysay in lagu gaadho isdhalanrog bulsheed oo togan, si dawga loo saaro; horumar, sinnaan, caddaalad iyo isku filnaansho. Samatar iyo Laitin (1987), waxa ay tilmaameen in Siyaad Barre nidaamka Hantiwadaagga ku xaqiijiyey guulo wax ku ool ah oo la taaban karo. Muddadii uu kacaanku jiray guulihii lagu xaqiijiyey waxa ka mid ah labo yool siyaasadeed oo ay ka mid yihiin; qorista far Soomaaliga iyo sinnaan la'aantii bulsheed. Axmed Samatar (1988), wuxuu xusay Golaha Sare ee Kacaanka in ujeeddooyinkooda ay ka mid ahayd in la la dagaallamo sinnaan la'aanta bulsheed. Sannadkii 1972 Siyaad Barre wuxuu qoray far Soomaaliga, wixii kacaanka ka horreeyey dalku ma lahayn far qoraal midaysan. Waxa waddanka ka jiray isdhexyaac far-qoraalleed. Maamulladii rayidka ahaa way ku fashilmeen in ay dalka far u qoraan.
Qoridda far Soomaaligu waxa ay noqotay dhaxal weyn oo lagu xasuusto maamulkii askarta, waana waxqabad aan duugoobin, wixii intaas ka dambeeyey waxa la gaadhay horumar xagga afka ah, dalkuna wuxuu mudnaan ka helay adduun weynaha oo idil. Waxa baahay dhaqan-akhris-qoraal. 1974 dawladdu waxa ay samaysay ololihii reer miyiga ee ahaa; "bar ama baro." Samatar iyo Laitin waxa ay tilmaameen in wixii qoridda far Soomaaliga ka dambeeyey in uu sare-u-kac ballaadhan uu ku yimi akhris-qoraalka. Waxa mudnaan gaar ah la siiyey waxbarashada, waxa la turjumay oo la Soomaaliyeeyey manhajyadii dugsiyada. Dawladdu waxa ay soosaartay in af Soomaaliga loo adeegsado hawlaha maamulka dawladeed. Halkaas waxa ka billaabmay ereybixinno iyo hal'abuur cusub oo afeed. Aqoonyahannada wax ka qora far Soomaaliga waxa ay yidhaahdaan; "far Soomaaligu wuxuu sameeyey koboc ka badan inta cimrigiisa ah." Tan waxa lagu tilmaamaa guul weyn oo la gaadhay. Kacaanku wuxuu hirgeliyey barnaamijkii “iskaa-wax-u-qabso”, kaas oo lagu xaqiijiyey guulo wax ku ool ah. Wuxuu noqday barnaamij la mahadiyey waxqabadkiisa. Taano (2009), mashaariicda kale ee dhaqaale ee la fuliyey waxa ka mid ah mashruucii degdegga ahaa ee beeraha ee ku caanbaxay “Crash Program.” Mashruucaas waxa laga hirgeliyey dhulka webiyada iyo beeraha leh, waxana la beeray dhul aad u ballaadhan waxana ka soo go’ay miro durbadiiba dalka qarqiyey oo meel walba laga dareemay. Waxa aanay cidina qarin karin mashruucii bacaad-celinta ee Shallaambood. Geesta kacaanku wuxuu abuuray iskaashatooyin isugu xidhan hab dano bulsheed ah. Tan wax badan ayey ka geysatay isku-xidhnaantii bulsho (social cohesion).
Kacaanku wuxuu mudnaan gaar ah siiyey gabdhaha Soomaaliyeed. Wixii kacaanka ka horreeyey ragga iyo dumarku ma aysan lahayn xuquuq siman. Samatar iyo Laitin (1987), waxa ay diiwaangeliyeen, kacaanka ka hor gabdhaha dhigta dugsiyada hoose in ay koobnaayeen, se intii kacaanku jiray kor ayaa loo qaaday. Dumarka jaamacadaha gala way hooseeyeen kacaanka ka hor, se xilligii kacaanka kor ayaa loo soo qaaday. Dumarka macallimiinta ah ayaa ka hor kacaanka yaraa, se curashadii kacaanka meel weyn ayaa la gaadhsiiyey.
Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu buuggiisa "Making Sense of Somali History", ku dooday in dumarku aanay xuquuq siyaasadeed helin muddadii ay jireen maamulladii rayidka. Wuxuu qoray; "gobonnimadii kaddib intii u dhexeysay 1960 - 1969, waxa dhacay labo doorosho oo ah baarlamaan iyo madaxweyne. Ma jirin hal gabadh oo noqotay xubin baarlamaan. Intii ay jirtay dawladdii dimuqraaddiga ahayd dumarku bannaan joog ayey ka ahaayeen baarlamanka." Mudane Baadiyow wuxuu tilmaamay curashadii kacaanka in isbeddel weyni ku dhacay xuquuqdii siyaasadeed ee dumarka. Wuxuu xusay in kacaankii Hantiwadaagga Soomaaliyeed dumarku qaadhaan weyn oo sheegan ku lahaayeen, haddii ay noqoto faafinta afkaarta kacaanka iyo xarumihii hanuuninta dadweynaha. Waxbarashada iyo maamulka dawladeed ayey dumarku meel sare ka gaadheen. Dumarku waxa ay noqdeen; safiirro,duuliyayaal,, maareeyayaal iyo saraakiil ciidan. Intaa kaddib dumarku xubno ayey ka noqdeen baarlamanka iyo xukuumadda. Waxa ay noqdeen xildhibaanno iyo wasiirro ku xigeenno. Waxa kordhay haweenka ku jira maamulka guud, celcelis ahaan waxa ay gaadheen 39.5%. Sannadkii 1976 waxa la asaasay Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, hal gabadh oo keli ah oo la yidhaahdo Faadumo Cumar Xaashi ayaa ka mid noqotay 76 xubnood ee Guddida Golaha Dhexe ee Xisbiga.
Si loo horumariyo dumarka waxa sannaddii 1977-kii, seeska loo dhigay; Ururka Dimuqraaddiga Haweenka Soomaaliyeed (The Somali Women Democratic Organization), wuxuuna qayb ka noqday XHKS. Ururkaasi wax weyn ayuu ka geystay wacyiga siyaasadeed ee dumarka Soomaalida. Wixii ka dambeeyey burburkii iyo qaranjabkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, dumarku cod kaalingal ah ayey ku lahaayeen siyaasadda iyo dawladnimada Soomaalida. Tan in ay timaaddo waxa u gogolxaadhay dawladdii kacaanka, taas oo dumarka siisay xuquuq iyo metelaad siyaasadeed oo buuxda. Kacaanku abaal weyn ayuu gashtay dumarka. Siyaad Barre wuxuu si walba u aaminsanaa kartida iyo karaanka dumarka Soomaaliyeed.
Muddadii ay dawladdii Hantiwadaaggu jirtay, Soomaaliya waxa ay ka mid noqotay dalalka ugu awoodda badan ciidanka Afrika. Keli ah waxa ka horreeyey Koonfur Afrika, Masar iyo Nayjeeriya. Waxa ay noqotay dalka afraad ee ugu xoogga badan ciidanka. Waxa la tayeeyey qiimaha ciidanku leeyahay, waxa sare loo qaaday maamuuska ciidanku ku leeyahay bulshada,waxana looga qalabeeyey si walba. Intii kacaanku jiray waxa uu ku guuleystay in uu metelaad iyo kaalin muuqda ay Soomaaliya ka noqoto qaaradda Afrika. Maamulkii askartu wuxuu heshiisyo nabadeed ka dhex abuuray dalalkii ay colaaddu dhextaalay, sida Yugaandha iyo Tansaaniya. Siyaad Barre wuxuu safarro ku maray inta badan dalalkii Afrika ee waagaas jiray.
Ciidanka Xoogga Dalka waxa ay kaalin ka geysteen dagaalladii gobonnimo doonka ee Afrika ka socday. Angoola, Musanbiik iyo Namiibiya ayey ka dhinac dagaallameen iyaga oo xornimadooda qayb ka ah. Idaacadda Muqdisho ayaa laga baahiyey oo laga faafiyey, isla mar ahaantaana laga joogteeyey barnaamijyo loogu talagalay kicinta, guubaabinta iyo dhiirrigelinta shucuubta Afrika ee ku jira halgannada isxorraynta iyo gobonnimo doonka. Heestii "Afrikaay huruddooy", ayaa ka mid ahaa heesihii la allifay ee laga baahiyey Idaacadda Muqdisho.
Kacaanku intii uu jiray wuxuu abuuray wacyi afrikaannimo, dalkuna wuxuu si weyn ugu xidhmay waddamadii Afrika ee bixida ahaa. Xamar waxa ay noqotay magaalo lagu qabto shirarka caalamiga ee gobolka iyo adduunka. 1974 waxa Xamar lagu qabtay shirka Midowga Afrika, waxana shirkaas guddoomiye loogu doortay jaalle Maxamed Siyaad Barre. Geesta kale Muqdisho waxa ka qabsoomi jiray shirarka caalamiga ah ee Dunida Koonfureed.
18kii bishii Juun 1979-kii, waxa magaalada Muqdisho ka furmay shirkii saddexaad ee caalamiga ahaa ee machadka cilmibaadhista iyo horumarinta ee Frantz Fanon. Machadka fadhigiisu wuxuu ahaa magaalada Los Angeles ee gobolka Callifornia ee carriga Mareykanka. Shirka machadka waxa ka soo qayb galay indheergarato ka kala socda Mareykanka, Karibiyaanka, Panama iyo dalalka Afrika. Dhinaca Soomaaliya waxa shirka ka qayb galay indheergarato horusocod ah.
Shirka waxa si rasmi ah u furay Maxamed Aadan Sheekh, guddoomiya Hoggaanka Aydhiyoolojiyadda ee Golaha Dhexe ee XHKS. Khudbaddii furitaanka shirka Maxamed waxa uu hadalkiisa gundhig iyo halqabsi uga dhigay qayb ka mid ah afkaartii Fanon, si gaar ah qaybta tilmaamaysa in qaaraddu samayso horukac bulsho oo taabbagal ah. Maxamed waxa uu sheegay in Soomaaliyada Hantiwadaagga ahi ay samaysay horukac bulsho oo casri ah, si gaar ah xagga dhaqaalaha. Guddoomiyuhu wuxuu ku nuuxnuuxsaday kacaankii curtay 21 Oktoobar 1969-kii in ay ujeeddadiisu ahayd in la helo bulsho udubdhexaadkeedu yahay: shaqo, caddaalad iyo sinnaan. (Tan maxaa ka rumoobay, waa weyddiin innoo taal). Shirku wuxuu xoogga saarayey guulihii laga xaqiijiyey qaadashada nidaamka Hantiwadaagga.
Wuxuu shirku ku soo beegmay sannadguurradii 10aad ee kacaanka. Shirka waxa si gaar ah loogu lafaguray kaalinta dhaqanka, fekerka iyo luuqaddu ku leeyihiin isbeddelka bulsheed.
In Soomaaliya waagaa ay marti geliso shir caalami ah oo jaadkan oo kale ah, waxay ka dhignayd sida ay dawladdii askartu u ahayd mid horusocod ah, waxa kale oo ay ka dhignayd sida ay Soomaaliya ugu xidhnayd dunidii waagaas. Si kale waxay tilmaan u tahay halka aynu adduunka ka joognay iyo thaqaafadeenna bulsho halka ay joogtay. Soomaaliya ammintan la joogo iska dhaaf in shir caalami ah lagu qabto e, shirarka gobolka Geeska Afrika ayaan lagu qaban. Waa caalamad muujinaysa hoobadka bulsho ee aynu galnay. Meeriskii abwaan Hadraawi wuxuu ahaa—"wixii dumay bay lahayd."
Dawladdii kacaanku waxa ay dhidibbada u malaastay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, taas oo ka koobnayd 15 kulliyadood. Kacaanku wuxuu wax ka qabtay sinnaan la'aantii bulsho. Wuxuu magaalada ka uruuriyey carruur aggoon, rajay iyo sabool ah, kuwaas oo loo bixiyey; "Ubixii Kacaanka Soomaaliyeed." Waxa ayna qayb ka ahaayeen kooxaha faafiyaha afkaarta Hantiwadaagga. Dawladdu waxa ay samaysay warshado yaryar oo dalka gudihiisa ah. Inkasta oo Axmed Samatar (1988), uu xusay in Hantiwadaagga Soomaaliya aanu xaqiijin guulihii dhaqaale ee loo qaatay sababo la xidhiidha; yaraanta shaqaale xirfad leh iyo maamul hagaagsan.
Xagga horumarinta dhaqaalaha waxa la aaminsan yahay in kacaanku ku fashilmay. Mubaarak (1996), wuxuu tilmaamay in kacaanku ku guuldarraystay dadaalladii horumarinneed ee xagga dhaqaalaha, guuldarradaasi waxa ay qaadhaan ka geysatay qaranjabkii waddanka. Khadar buuggiisa "Dhaqaalihii Jamhuuuriyadda Soomaaliyeed 1969 - 1991", wuxuu ku qoray in kacaanku si walba ugu fashilmay ujeeddooyinkii loo qaatay ee ahaa horumarinta dhaqaalaha iyo in dalku gaadho isku filnaansho amniga cuntada ah. Doodda fashilka dhaqaale ee kacaanka inkasta oo ay xooggan tahay, haddana aqoonyahan badan waxa ay qabaan in kacaanku wax badan ka qabtay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Muddadii uu kacaanku jiray waxa la gaadhay horumar gees walba ah oo illaa maanta ay Soomaalidu dheefsato. Maamulkii askartu wuxuu noqday nidaamka keli ah ee wax Soomaalida aragti ahaan ka korran keenay, taasi waxa ay fududaysay in guulo iyo guuldarrooyinba la gaadho. Kacaanku wuxuu wax ka qabtay arrimo aayo-tiin leh haddii ay noqoto xag; siyaasadeed, bulsheed, fekradeed, dhaqammeed iyo dhaqaale. Hantiwadaaggu wuxuu macne u yeelay nidaamka dawladnimo ee Soomaalida, wuxuuna isku mar kaalin lixaad leh ka geystay horusocodnimada iyo hoobadka iyo habowga ummadeed ee Soomaalida.
Guuldarrooyinkii Hantiwadaagga Soomaaliya.
Siyaad Barre ku dhawaad ma garanayn Hantiwadaagga (Marksism-leninism), xataa madaxweynuhu kama uusan warqabin in Karl Marx uu yahay nin Yuhuudi ah.
—Samatar & Laitin, “Somalia: Nation in Search of a State.”
Maamulkii askarta ee qaatay Hantiwadaagga waxa la aaminsan yahay in ay si walba ugu fashilmeen nidaamka ay qaateen. Sababta waxa la la xidhiidhiyaa in aysan aqoon durugsan u lahayn nidaamka ay waddanka u keeneen. Marka hore askartu wax fahan ah kama aysan haysan nidaamka siyaasadeed, bulsheed iyo dhaqaale ee Hantiwadaagga. Cashuur (1976), wuxuu ku fasiray Hantiwadaagga la qaatay in dalka lagu gaadhsiiyo horumar iyo horusocodnimo bulsheed. Samatar iyo Laitin waxa ay tilmaameen in Hantiwadaaggu ku fashilmay in dalka la gaadhsiiyo horumar dhaqaale. Waxa ay qoreen "qalad ayey noqonaysaa in lagu soo gunaanado in Hantiwadaagga Cilmiga ahi uu Soomaaliya ka saaray faqriga amaba uu beddelay doorkii ay Soomaaliya ku lahayd dhaqaalaha iyo waxsoosaarka dunida. Soomaaliya weli waa dal faqiir ah oo xoolaha u dhoofiya Carabta, muuskana Yurub." Dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu ku guuldarraystay in uu isla beddelo koboca dadweynaha dalka. Khadar (2022), wuxuu xusay in Hantiwadaaggu ku fashilmay ujeeddooyinkii dhaqaale, xornimo, madaxbannaani iyo tirtiridda faqriga. Hantiwadaaggii Jumhuuriyadda Soomaaliya wuu guuldarraystay maaddaama oo aanu dhaqaaluhu isbeddel togan oo badan samayn toddobaatannadii oo ah xilliyadii uu Hantiwadaaggu dalka ka shaqaynayey. Gaashaanle Axmed Cashuur wuxuu xusay in Hantiwadaagga loo qaatay in lagaga baxo, gaajada, cudurrada, aqoon darrada shaqo la'aanta iyo qarannimo xumada. Hassan (2004), madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in uu la dagaallamayo fakhriga, jahliga iyo cudurka, se arrimahaas dawladdu way ku fashilantay.
Jamiil Cabdalla Mubaarak buuggiisa "From Bad Policy to Chaos in Somalia: How an Economy Fell Apart", wuxuu ku dooday in dhaqaalihii Hantiwadaagga Soomaaliya ku guuldarraystay qorshihii iyo siyaasadihii horumarinneed. Qoraagu wuxuu burburkii iyo qaranjabkii la xidhiidhinayaa Hantiwadaaga. Geesta Maxamed A. Sheikh wuxuu xusay in kacaanku jidkii horumarinta ka bayray iyo in dalku galay xaalad xun oo dhaqaale. Buuggiisa "Dhaqaalihii Jamhuuuriyadda Soomaaliyeed 1969 - 1991", Khadar wuxuu ku dooday in Hantiwadaaggii Soomaaliya uu fashilmay sababo la xidhiidha aqoondarro, qorshe la'aan siyaasadeed iyo dhaqaale oo cad. Wuxuu xusay in kacaanku mar walba ku soconayey gargaarka shisheeyaha ee Midowga Soofiyeet. Wuxuu qalinka ku sugay, "Hantiwadaagga Cilmiga ahi uma sahlin Soomaaliya in ay xaqiijiso ujeeddooyinkii ahaa; dhalanrog bulsho, horumar, sinnaan iyo isku filnaansho. Xataa markii uu dalku qaatay Hantiwadaagga, Soomaaliya waxa ay ahayd dal faqri ah oo soo koroya, halka dakhliga qofka ee tacabka qaranka (GNP per Capita) lagu qiyaasay US$185 1978."
Intii uu kacaanku jiray waxa si walba gacanta ugu hayey Midowga Soofiyeet, haddii ay noqoto wax walba oo dalku u baahan yahay. 1981-kii ayey Soomaaliya ujeedsatay dhanka Galbeedka, intaa wixii ka dambeeyey Soomaaliya waxa gargaarayey waddamada iyo hay'adaha reer Galbeedka. Sida ay qorayaan Samatar iyo Laitin (1987), muddadaas Soomaaliya waxa ay qaadatay deyn aad u badan, maaddaama dalku dhaqaale xumo galay. Had iyo goor Soomaaliya waxa ay u dabranayd dawladaha reer Galbeedka, Midowga Soofiyeet iyo Carabta. Dawladdii Soomaaliyeed ee lixdankii la rukumay, waxa summad u ahayd tuugsi iyo dawarsi shisheeye, waxa biyo-dhigay gacan-hoorsi shisheeye. Maamulladii rayidka iyo kacaanku labaduba waxa ay ku fashilmeen in dalka la gaadhsiiyo horumar dhaqaale. Kacaanka ka hor iyo kaddiba Soomaaliya waxa la odhan jiray, "qabrigii mucaawinada", se aqoonyahannada shuuciyiinta Soomaalidu arrinkaas way diidaan. Si kooban waxa aynu leennahay kacaanku wuxuu ku fashilmay in uu abuuro horumar dhaqaale, dalkuna wuxuu cagaha la galay dibudhac dhaqaale iyo daymo aad u fara badan. Inta uusan dalku u burburin si waafi ah waxa markii hore burbur iyo barakac dhaqaale ku dhacay khasnaddii dawladda.
Soomaaliya dawladnimadeedu waa mid kor-ka-soo-dhis ah, oo wax walba dushaa lagaga keenaa. Tan awgeed waxa dhaca; xasillooni darro bulsheed, cunfi siyaasadeed iyo kala qaybsanaan bulsho. Waana caqabadda ugu weyn ee hortaagan horusocodnimada bulsheed. Hantiwadaagga askartu qaadatay wuxuu qayb ka ahaa arrimaha dawladnimada Soomaalida korka lagaga keenay. Dawladdu ma deegaamayn nidaamka cusub ee ay keentay, si uu u noqdo mid dadku fahmi karaan. Dalalkii Afrika ee qaatay Hantiwadaagga waxa ay isku hawleen in ay deegaameeyaan. Gaana, Tansaaniya, Gini, Maali, Musambiik iyo Sinigaal, waxa ay ahaayeen dalalkii ugu horreeyey ee qaatay Hantiwadaag Afrikaanka (African Socialism). Hantiwadaagga waxa ay ka dhigeen mid waaqiciyeysan oo ku shaqayn kara qaaradda Afrika oo ah deegaan ka duwan goobtii uu Hantiwadaaggu ku dhashay. Kwame Nkrumah (1909 - 1972), oo ahaa kacdoonyahan iyo madaxweynihii hore ee Gaana, isaga oo ka warramaya Hantiwadaagga Afrikaanka wuxuu yidhi, "Hantiwadaagga Afrikaanka waxa loo qaabeeyey in lagu qabadsiiyo dhaqanka Afrikaanka." Tan lidkeed kacaanku ma deegaamayn Hantiwadaagga. Tan waxa ay abuurtay kala qaybsan iyo kala'irdhow bulsho. Hantiwadaaggu wuxuu ka horyimi dhaqankii iyo habnololeedkii bulsho. Tan sida uu Keynaan (2022) ku doodayo waxa ay abuurtay iskudhac hidde. Keynaan wuxuu qabaa in Hantiwadaaggu uu yahay wixii ugu weynaa ee keenay qaraxa iyo kala'irdhowga ummadeed. Sababta oo ah Hantiwadaaggu wuxuu dagaal xooggan ku qaaday labo hidde oo ay Soomaalidu lahayd waa diinta iyo qabiilka.
Sannadkii 1970-kii Maxamed Siyaad Barre wuxuu soosaaray wareegto abbaaraysa in la tirtiray dhammaan magacyadii kaabo-dhaqammeedka, sida: boqor, garaad, suldaan iyo ugaas, waxana dhammaan magacyo-dhaqameedkaas lagu beddelay nabaddoon. Isbeddelka lagu sameeyey magacyada-odeydhaqammeedka waxa loogu talagalay in la xoojiyo Hantiwadaagga cusub ee ay dawladdu keentay iyo in la yareeyo ku tiirsanaanta qabiilka. Taas iyada oo dawladdu xoojinayso waxa ay la timi ereyga jaalle oo lagu beddelay inaadeer iyo walaal, oo labaduba xanbaarsanaa qaraabonnimo iyo tolnimo. Markii dambe ereyga jaalle waxa uu noqday mid qof kastaba uu isticmaalo si loo arko in uu yahay kacaan. Wuxuu ahaa erey aydhiyoolojiyeed, oo ku beegmaya ereyga shisheeye ee Ingiriisiga ah ee Comrade, waxana adeegsada shakhsiyaadka ka tirsan xisbiyada shuuciga ah. Siyaad Barre wuxuu dirir xooggan ku qaaday qabiilka, 1970 wuxuu ku dhawaaqay in qabiilkii la aasay. Geesta kale wuxuu soosaaray xeer qeexaya in qofkii soo hadal qaada magac qabiil in shan sanno la xidho.
Sida uu Trunji tilmaamayo Siyaad Barre waxa uu dembi ka dhigay; dawladda oo wax laga sheego, qabiilka oo la magac dhabo iyo shir qabiil oo la qabto. Ujeedka tan loo samaynayey waxa ay ahayd in dadka laga dhigo bulsho casri ah oo ka gudubta qabiilka iyo tolliimada reereed. In qabiil laga gudbo iska dhaaf e, taliskii kacaanku wuxuu naaxiyey oo barariyey qabiilka. Wuxuu xilalkii siyaasadeed iyo dawladeed ku qaybiyey hannaan qabiil. Sida uu qorayo buugga "Kalahaadkii Muqisho", ma jirin qabyaalad la aasay, waxase jirtay hab kale oo qabyaaladda lagu geeyey Villa Soomaaliya. Aqoonyahannada bixida ee Soomaalida waxa ay qabaan faragashiga uu Siyaad Barre qabiilka faragashaday in ay kaalin ka geysatay in kacaanku afka dhulka daro. Talisku wuxuu madax isu geliyey qabaa'ilkii Soomaalida.
Hadraawi (2021) wuxuu qoray in kacaanku qabaa'ilka isa sudhay oo colaad raagtay dhexdooda dhigay, si aan xukunkiisa loogu soo jeedsan. Shire (2022) iyo Afyare (2010), waxa ay xuseen in dawladdu geysatay gaboodfallo iyo xasuuqyo qabaa'ilka ka dhan ah. Waxa ay noqotay dawlad dadqal ah oo ummaddii dharaar cad qudhjaraysa. Xaaladdani way sii socotay illaa Africa Watch ay qortay; in dawladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto dadkeedii. Afrax (204), wuxuu qoray; “Siyaad Barre waxa uu ku guuleystay in uu ummadda isaga horkeeno jilib-jilib iyo jibsin-jibsin, isaga oo ka tilmaan qaadanaya siyaasaddii isticmaarkii hore ee ahayd; qaybi si aad u xukunto." Cabdiraxmaan Baadiyow (2018), wuxuu xusay in Siyaad Barre qabiilka u la dhaqmay tub khaldan oo keentay kala'irdhow bulsho. Dirirta uu kacaanku ku qaaday qabiilka waa ta keentay in uu fashilmo nidaamkii Hantiwadaagga ee ujeedkiisu ahaa in isdhalanrog bulsheed lagu gaadho. Kacaanku wuxuu ku fashilmay in Hantiwadaagga la deegaameeyo oo la qabadsiiyo habnololeedka Soomaalida xoolaraacatada ah. Fashilkaasi waa waxa iilka jiifiyey kacaankii Hantiwadaagga Soomaaliya.
Hantiwadaagga ay dawladdu qaadatay waxa uu ahaa Marksism-lenin, oo ah jaad ka mid ah Hantiwadaagga Cilmiga ah. Hantiwadaaggaas waa mid ku dhisan cabbudhin iyo cunfi cayn walba ah, waana mid cadaadis ku dhisan. Markii Hantiwadaaggaas la qaatay bulshada Soomaalida waxa u bilowday tacaddi iyo cunfi hor leh. Toddobaatannaadkii dawladdu waxa ay samaysay hay'ado cabsi iyo cabbudhin ku dhisan. Hay'adaha cabbudhinta dadka loo sameeyey waxa ka mid ah; hay'adda Nabadsugidda Qaranka, Maxkamadda Badbaadada, Hangash iyo Dhabarjebinta. Hay'adahani waxa ay ku hawlanaayeen dadnimotirka bulshada. Waxa ay galeen tacaddiyo insaaniyadda ka baxsan oo reebay doog nafsadeed oo bulsheed. Kacaanku wuxuu sameeyey xabsiyo uu dadka ku cabbudhiyo oo ku jidhdilo, xabsiyadaas waxa ugu af iyo gacan kululaa; Laantabuurta, Labaatan-jirow, Godka-jilicow iyo Buurweyne. Maxamed Baaruud buuggiisa "Weerane", wuxuu ku xusay in hay'adaha caalamiga ahi xabsiyadaas qaarkood aanay booqan jirin, agtoodana mari jirin. Geesta kale wuxuu xusay in Siyaad Barre qarin jiray jiritaanka xabsiyada qaar. Hay'adahaas iyo xabsiyadaas waxa ay u xilsaarnaayeen bahdilka, tumidda iyo dadnimotirka bulshada.
Hay'adda Nabadsugidda Qaranka iyo Maxkamadda Badbaadadu waxa ay ahaayeen labada hay'adood ee ugu gacan kulul, kana sheegan hay'adaha kale. Ismail (2010), wuxuu qoray in hay'addda Nabadsugidda Qaranka (NSS), ay ku dhisantay taageerada Midowga Soofiyeet. Nabadsugiddu waxa ay awood u lahayn in ay dalka ka samayso wax walba oo idil. Waxa ay ahayd dhegta uu Siyaad Barre wax ku maqlo. Dadka ay Nabadsugiddu soo xidh-xidho, waxa la horgeyn jiray Maxkamadda Badbaadada, taas oo aan lahayn wax rafcaan ah. Maxkamaddu waxa ay dil toogasho ku xukuntay: siyaasiyiin, wadaaddo iyo saraakiil ciidan. Intan oo idil waxa nafta loo dhaafiyey si ka fog caddaaladda bulsheed. Hantiwadaaggaas cunfiga ku dhisan waxa loo aaneeyaa in uu qaadhaan ku leeyahay fashilkii kacaanka.
Dawladdu waxa ay faragelin ku samaysay diinta Islaamka. Jeenawari 15, sannadkii 1975 dawladdu waxa ay soosaartay Xeerkii Qoyska (Family Law). Ingiriis (2016), xeerku wuxuu ka koobnaa 49 bog, wuxuu ahaa wareegtadii ugu dheerayd ee uu Siyaad Barre soosaaro intii uu xukunka joogay. Kacaanku wuxuu faraha la galay shareecada Islaamka gaar ahaan arrimaha; guurka, furniinka, dhaxalka iyo xuquuqda dumarka. Jeenawar 13, 1975-kii Maxamed Siyaad Barre wuxuu isugu yeedhay oo la shiray garsoorayaashii dalka oo ay ku jirto Maxkamadda Badbaadada, wuxuuna si cad ugu sheegay in la dhaqangeliyo Xeerka Qoyska ee kacaanku soosaaray. Maalintaas garsoorayaasha hortooda wuxuu Siyaad Barre ka yidhi; "haddii nebi Muxammed maanta joogi lahaa, wuxuu la socon lahaa wakhtiga maanta jira." Madaxweyne Barre wuxuu intaas hadalka ku daray; "suuradda Al-Nisaa aayadaha ku jira ee haweenka iyo ragga magtooda kala sarreysiinaya waa la nasakhay." Jaalle Siyaad wuxuu ciidamada ugu baaqay in aysan ka hor iman go'aanka dawladda ee ku saabsan Xeerka Qoyska. Wadaaddadu codsigaas uu idaacadaha ka siidaayey kama aysan yeelin, dhegna uma jalaqsiin.
Xeerka Qoysku wuxuu abuuray nacayb, colaad iyo dirir ka dhan ah kacaanka. Wadaaddadu waxa ay si weyn uga soo horjeesteen tubta khaldan iyo gefka diimeed ee uu kacaanku ku kacay, waxa ayna si weyn u diideen Xeerka Qoyska ee ay dawladdu soosaartay. Dawladdu waxa ay judhiiba xidh-xidhay wadaaddadii ka horyimi Xeerka Qoyska. Maxkamadda Badbaadada waxa la horkeenay 35 wadaad. Toban ka mid ah waxa lagu xukumay dil toogasho ah. Jeenawari 23, 1975-kii waxa dil toogasho lagu fuliyey tobankii wadaad ee ay Maxkamaddu xukuntay. Wadaaddadii kale waxa lagu xukumay xadhig isugu jira labaatan iyo soddon sanno. Cabdiraxmaan Baadiyow (2017), wuxuu xusay in talisku billaabay kelitalisnimo iyo cadaawad ka dhan ah qabiilka iyo diinta. Siyaad Barre wuxuu kala qoqobay wadaaddada, wuxuuna ku sameeyey boogeyn iyo ceebayn. Wuxuu soosaaray hadal odhanaya; "wadaad xumo." Tani waxa ay keentay isla mar ahaantaana dibadda soo dhigtay nacaybka xididdada dheer ee kacaanku u qabo Islaamka iyo wadaaddada. Dilka wadaaddada waxa la aaminsan yahay in ay barbilow u ahayd hoobadkii iyo dibugurashadii kacaanka ku billowday toddobaatannadii. Tacaddigii iyo cadaadintii ay Islaamiyiintu la kulmeen waxa uu keenay in ay dalka isaga baxaan. Islaamiyiinta Soomaalidu waxa ay aaminsan yihiin in xagjirnimada diimeed ee Soomaaliya ka dillaacday in xididkeeda hoose ay tahay faragashigii uu kacaanku kula kacay diinta.
Abuubakar (2008), wuxuu qoray in dawladdu cadaadis xoog leh saartay wadaaddada. Wuxuu qoray; "xukuumaddu waxa ay mamnuucday casharradii diineed, waxa ay cadaadis saartay firfircoonidii dacwadeed, waxa ayna duldhigtay dabaggal xooggan waxa ayna u la dagaallantay si walba." Kacaanku wuxuu jid walba u galay Islaamiyiinta. Dr. Cumar Iimaan buuggiisa "تجربة محاكم الإسلامية في الصومال", wuxuu ku dooday in cadaadiska diinta la saaray ay sees u tahay xagjirnimada diimeed. Wuxuu qoray, "....dalka waxa ku soo laabtay dhallinyaro badan, waxa ayna la soo noqdeen labo arrin oo kala ah; cilmi diineed iyo mad'habka Takfiirka. Takfiirku in uu baaho oo faafo waxa kaalin ka geystay jewigii cadaadiska ee dalka ka jiray iyo nidaamkii Hantiwadaagga. Jamaacada Takfiirku ma kala soocin bulshada iyo nidaamka Hantiwadaagga, se way gaalaysiisay." Buuggiisa "The Islamic Movement in Somalia", Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow wuxuu xididka hoose ee xagjirnimada diimeed ee Soomaaliya ka dillaacday ku uruurinayaa dilkii uu kacaanku kula kacay culimada. Mudane Baadiyow wuxuu qoray; "gaar ahaan Soomaaliya xagjirnimada magaca Islaamka ah waxa ay billaabantay kolkii qudha laga jaray wadaaddadii ka horyimi Xeerkii Qoyska ama xeerkii arrimaha shakhsiga ee aan waafaqsanayn Islaamka sannaddii 1975." Islaamiyiintu waxa ay qabaan in kacaanku kaalin ka geystay xagjirnimada diimeed, maaddaama uu faragelin iyo fantayn kula kacay diinta. Taasi waxa ay jidka u xaadhay in kacaanka la gaalaysiiyo. Jabhadihii Soomaaliya ka qarxay waxa jiray wadaaddo u fatwoonayey oo tilmaamayey in dagaalka taliska Siyaad Barre la gula jiro uu yahay mid xaq ah, maaddaama uu kufriyey oo xadkii ka tallaabay. Xuseen Khaliif (2021), wuxuu xusay in jabhaddii SSDF ay ku jireen wadaaddo fatwoonayey in dagaalka Siyaad Barre la gula jiro uu yahay mid sharci ah oo jihaad ah, oo xaqa loogu adeegayo.
Markii uu kacaanku dawgii ka lumay cid walba oo markii hore la jirtay way ka hortimi. Wadaaddada iyo suugaanlaydu waxa ay ahaayeen dadkii ka horyimi kacaanka. Cabdi Muxumed Amiin oo curashadii kacaanka judhiiba taageeray ayaa ka soo horjeestay. Hore Cabdi wuxuu u sameeyey heestii shaacbaxday ee, "Caynaanka hay hay, waligaa hay", se 1981-kii isaga oo jooga magaalada Harar, kana mid ah jabhaddii SSDF ayuu Cabdi curiyey heestii caanka noqotay ee "Caynaanka daa", taas oo uu Maxamed Siyaad Barre ugu baaqay in uu xukunka wareejiyo. Cabdi wuxuu qayb ka ahaa jabhadihii Siyaad Barre ku kacay, muddadii uu SSDF ka tirsanaa wuxuu allifay suugaan xul ah oo uu ku dhiirrigelinayo dagaalka ay jabhaduhu kula jiraan Siyaad Barre.
Hantiwadaaggii kacaanka Soomaaliyeed wuu fashilmay, waxa uuna dagaal aan loo meel dayin ku qaaday hiddooyinkii soojireenka ahaa ee Soomaalida. Taasi waxa ay keentay in xididdada loo siibo maamulkii askarta. Kacaanku ma abaabulin barnaamij lagu deegaamaynayo Hantiwadaagga isla mar ahaantaana lagu sargoynayo dhaqanka iyo habnololeedka bulshada. Tan beddelkeeda wuxuu sideeda u soo dhoofiyey Hantiwadaaggii Soofiyeetka, tani waxa ay abuurtay colaad iyo nacayb ka dhan ah kacaanka, maaddaama uu si walba uga weecday dhaqannadii iyo aaminaadihii bulsho. Fashilka uu kacaanku ku fashilmay qaabkii uu u la falgelin lahaa qabiilka iyo diinta, waxa ay dhaxalsiisay in kacaanku shalwado. Fahan la'aanta bulsho, dhaqan, feker iyo diimeed ee maamulka askarta ka haysatay Soomaalida, waxa ay jidka u bannaysay fashil dhan walba ah iyo in ay guuldarraystaan baaqyadii iyo qorshayaashii kacaanka. Burburkii qaranjabkii kaddib, wadaaddada iyo qabaa'ilku shaki iyo cabsi ayey ka qabaan dawladnimada, waxa ayna qabaan waxa aan ugu yeedhay, "doog dawladeed." Sidaa awgeed labaduba waxa ay heshiis ku yihiin in aan la taageerin dawladnimo xididdo adag leh, sababtu waa in ay hore u arkeen dawlad dadqalato ah oo wixii jirayba cagta marisay. Maanta oo la burbursan yahay, waxa la arkaa dawladnimadii oo dadka lagu dulminayo laguna tacaddiyayo. Qabiilka iyo diintu waxa ay sees u yihiin meelaha uu kacaanku ku guuldarraystay.
Markii ay askartu afgembiga samaysay, axdigii koowaad ee Golaha Sare ee Kacaanku soosaaray wuxuu ka koobnaa 15 qodob, oo isugu jira; 7 qodob oo tilmaamaya waxa uu kacaanku dalka ka qabanayo iyo 8 qodob oo tilmaamaya siyaasadda uu kacaanku adduunka kale kula dhaqmayso. Qodobbadii siyaasadda tibaaxayey waxa ku jiray qodob odhanaya; "waxa dalka lagu hagi doonaa siyaasadda dhexdhexaadka ah ee aan labada quwadood midna raacsanayn." Talisku wuxuu ku dhawaaqay in uu dhexdhaxaad ka noqonayo loollanka ka dhexeeya dalalka Bariga iyo Galbeedka. Kacaanku ma qaadan siyaasad dhexdhexaad ah, se wuxuu judhiiba la saftay Midowga Soofiyeet, wuxuuna qaatay Hantiwadaag. Halkaas waxa ku fashilmay qayb ka mid ah qodobbadii siyaasadeed ee kacaanka lagu dhisayey. Marna dalku xataa ma qaadan wax u dhow siyaasad dhexdhexaad ah, wuxuu mar walba la jiray Bariga ama Galbeedka adduunka. Kacaanku inta uusan u burburin ciidan ahaan, wuxuu markii hore u dhintay siyaasad xumo iyo fahan la'aan la xidhiidha quwadaha caalamka iyo loollanka gobolka. Kacaanku siyaad ahaan ayuu haftay, oo habaabay, oo meehannow galay. Gefafka siyaasadeed ee kacaanku galay waxa ka mid ah qaabkii uu u la dhaqmay Midowgii Soofiyeet, kaas oo ahaa midka keli ah ee wax walba ka dhigay kacaanka.
Kacaanku wuxuu ka hor yimi farriimihii Soofiyeetka ee ku aaddanaa in kacaanku ka joogsado in uu dagaal ku qaado Itoobiya. Go'aankaas talisku iska diiday wuxuu qaadhaan ka geystay dhimashadii siyaasadeed ee kacaanka. Sababta oo ah Soofiyeetku wuxuu ahaa maamulka keli ah ee si walba u dhisay Soomaaliya. Wuxuu qalabeeyey oo tayeeyey, oo kor u qaaday qiimaha ciidanka Soomaaliya, wuxuu kaalin ka geystay dhaqaalihii waddanka, wuxuu garab istaag weyn siiyey Soomaaliya xilligii abaartii Dabadheer (1974 – 1975). Taas oo galaafatay nolosha boqolaal kun oo Soomaali ah. Midowga Soofiyeet wuxuu ahaa ka gacanta ku haya maamulka iyo ciidanka Soomaaliya. Siyaad Barre wuu ka gaws adaygay dadaalladii lagu baajinayey dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya. Taasi waxa ay keentay in Soofiyeetku ka baxo garabka Soomaaliya, maaddaama uu ahaa ka sida weyn u taageerayey. Taladaas uu Siyaad Barre iska diiday waxa ay u gogolxaadhay xasillooni darro siyaasadeed, bulsheed iyo dhaqaale.
Jabkii dagaalkii Itoobiya (1977 - 1978), wuxuu jidka u banneeyey dagaalkii sokeeye iyo kala xadhig furashadii Soofiyeetka iyo Soomaaliya. Xilliyadaas waxa xadhigga loo jaray Ruushka, waxa Soomaaliya laga cayriyey khuburro milateri oo Soofiyeet ah oo gaadhayey 1,500 oo qof (Abuubakar, 2008, b.30). Soofiyeetku wuxuu la saftay Itoobiya, wuxuuna ku taageeray dhaqaale ka badan 1 bilyan oo dollar. Intaa kaddib Soomaaliya waxa ay Galbeedka weyddiisatay hub, se way ku fashilantay. Halkaas kacaanku wuxuu kala kulmay qalbi-jab, waxana bilowday hoobadkii iyo habowgii kacaanka. Buuggiisa "Dagaalkii Ranjariska", Maxamuud Cabdi Cilmi wuxuu ku dooday in dagaalkii ay Soomaaliya ku qaadday Itoobiya uu ahaa dagaal aan ku dhisanayn; siyaasad, aragti, istiraatiijiyad iyo ujeeddo cad. Wuxuu xusay in uu ahaa dagaal jar-iska-xoornimo ah oo Soomaaliya u soo jiiday fashil iyo burbur bulsho. Kacaanku wuxuu ku fashilmay qaabkii uu u la falgeli lahaa quwadihii adduunka. Geesta kale kacaanku ma dhaqangelin qodobbadii ku qornaa axdigii Golaha Sare ee Kacaanka. Taasi waxa ay keentay guuldarro, burbur bulsho iyo in loxodka la dhigo maamulkii askarta.
Gunaanad
Dalku wuxuu Hantiwadaag ahaa muddo toban sanno ah. 1981-kii ayey Soomaaliya ku xidhantay Galbeedka. Ujeedka Hantiwadaagga loo qaatay waxa lagu sheegay in waddanka laga hirgeliyo horumar siyaasadeed iyo bulsheed. Muddadii tobanka sanno ahayd ee Hantiwadaaggu dalka ka shaqaynayey, dalku wuxuu ku tallaabsaday guulo iyo guuldarrooyin. Muddadaas waxa lagu kacay falal si walba uga baxsan insaaniyadda, falalkaas uu kacaanku galay waxa ay irridda u fureen qaranjab iyo dagaal sokeeye. Tobankaas sanno ee Hantiwadaaggu jiray wuxuu u gogolxaadhay qaranjab ummadeed, kala'irdhow bulsho iyo in Soomaaliya dib isugu soo noqon weydo. Cabdiraxmaan Baadiyow (2018), wuxuu xusay arrimo fududeeyey fashilkii kacaanka waxyaabaha uu xusay waxa ka mid ah; loollankii dagaalkii qaboobaa, dhaqaale xumo, jabkii dagaalkii Itoobiya, musuqmaasuq, akhlaaqxumo, kelitalisnimo milateri iyo go'itaankii garaarkii shisheeye. Intan oo idil waa fashilkii ay geysteen maamulkii askartu.
Nidaamkii Hantiwadaagga Soomaaliya marka la soo koobo wuxuu ku fashilmay; kacaanka oo diinta faragashay, taliska oo la yimi cunfi siyaasadeed, taliska oo ku kacay gaboodfallo ka dhan ah qabaa'ilka, siyaasadda kacaanka oo fashil ahayd, askarta oo aanan fahansanayn Hantiwadaagga, dhaqaale xumo baahsan oo dalku cagaha la galay iyo siyaasadihii horumarinta dhaqaale oo idilkood fashil ku idlaaday. Waxa la aaminsan yahay in Soomaaliya aysan qaadan Hantiwadaag sax ah, se Hantiwadaagga laga been abuurtay oo isaga qudhiisa tacaddi loo geystay. Maamulkii askartu Hantiwadaaggii uu qaatay waa ka Soomaalida ku xukumay in lagu tilmaamo "UMMAD FASHILANTAY." Fashilkaas ummadeed Hantiwadaaggu wuxuu ku leeyahay qaadhaan weyn oo sheegan. Wax walba oo siyaasad, aragti iyo feker ahaa ee Hantiwadaaggii Soomaaliya lagu horumarin laaha idilkood waxa ay ku dhammaadeen hal bacaad lagu lisay.
Dr. Maxamed Aaden Sheikh buuggiisa "Back to Mogadisho", wuxuu ku xusay in kacaanku jidkii ka bayray oo uu noqday mid ku sifaysan cadaadis iyo cabbudin. Maxamed wuxuu Siyaad Barre u soo jeediyey in uu dalka furfuro. Wuxuu ku wargeliyey baahida loo qabo; dastuur, baarlamaan iyo xisbiyo siyaasadeed. Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay qorshayaal siyaasadeed iyo dhaqaale, kuwaas wax lagaga qabanayo xaaladda daran ee uu dalku ku jiro. Siyaad Barre taladaas dheg jalaq uma siin. Maxamed wuxuu ka mid ahaa raggii uu kacaanku xidhay wuxuu xidhnaa muddo lix sanno ah. Mudane Maxamed wuxuu ahaa indheergarad bidix ah oo si weyn u la dhacsan afkaartii siyaasadeed, bulsheed iyo dhaqaale ee Marx. Wuxuu qabay in imbiriyalismka reer Galbeedku uu yahay seeska dibudhaca, wuxuu aaminsanaa in Hantiwadaaggu yahay jidka keli ah ee lagu samayn karo horukac bulsheed iyo dhaqaale oo degdeg ah. Geesta kale wuxuu qabay in dibu-habayn lagu sameeyo Hantiwadaagga ay dawladdu qaadatay. Wuxuu ahaa bidix islaaxi ah (reformist/إصلاحي), wuxuu aaminsanaa in ay jirto kansho Soomaaliya loogu beddeli karo dawlad casri ah oo horusocod ah.
Waddamada Afrika waxa ay Hantiwadaagga u qaateen in lagaga hortago tacaddiyadii iyo dhiigmiiradkii gumeystayaashii reer Galbeed. Afrika waxa aynigeed ka reebay gaboodfalladii iyo xasuuqii uu gumeystuhu kula kacay. Inta uusan gumeystuhu iman, tirada Afrikaanku adduun weynaha waxa ay ka ahaayeen 20%, se gumeystuhu markii uu yimi, sidii uu ugu waday tacaddiyo isugu jira: jidhdil, silcin, dhoofin iyo layn, tirada dadka Afrika waxa ay adduunka ka noqdeen 8%. Aqoonyahannada dersa Afrika waxa ay qabaan in Hantiwadaaggu ku guuldarraystay si guud Afrika. Soomaaliya oo xilli da'deeda ka mid ah, ahayd dawlad Hantiwadaag ah, waxa ay ka mid tahay goobaha uu Hantiwadaaggu ku fashilmay. Ali Mazrui wuxuu faaqiday in Hantigoosadka gumeysigu uu ku kacay falal isugu jira; dhiigmiirad iyo xagtooyo. Gumeysigu wuxuu tirtiray dhaqankii iyo akhlaaqdii Afrikaanka. Mazrui wuxuu aad uga soo horjeeday Hantiwadaagga, wuxuu aad u naqdiyey hoggaamiyaashii Afrika ee Hantiwadaagga qaatay. Wuxuu xusay in Afrika ay saamaysay afkaartii Lenin ee Hantiwadaagga ku saabsanayd.
Kacaanka waxa loo tiiriyaa warshaddii abuurtay waxa ayaandrro Soomaalida ku habsatay. Hawd (2014), wuxuu qoray; "maamulkii askarta ee beri Soomaaliya ka talin jiray, iskuna kooli jiray ‘Kacaanka Barakaysan', waa warshaddii soosaartay wixii hoog iyo ayaandarro ummadda Soomaaliyeed ku dhacay. Waa warashaddii samaysay wixii dhimasho, burbur iyo xanuun la soo maray welina socda." Maamulkii Hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed casharradii laga bartay weli waxa ay caqabad ku yihiin in la helo dawladnimo sal adag leh. Kacaanku wuxuu u curtay in uu Soomaalida u horseedo horukac ummadeed, se wuxuu tiirdhexaad iyo udubxoog u noqday kal’hayaankii iyo meehannowgii Soomaalida ku dhacay. Gaboodfalladii iyo cunfigii dawladeed ee uu kacaanku geystay waa waxa ugu weyn ee ay Soomaalidu dib isugu soo noqon la’dahay, waxa ayna sees u yihiin; ncaybka, xintan qabaa’ilka, uurmiiradka iyo naxliga Soomaalida dhexdeeda ka alloosan. Maahmaahda Soomaaliyeed ee tidhaahda “Ayax teg eelna reeb’, ayeynu ku soo koobi karnaa fashilkii gees walba ahaa ee Hantiwadaaggii Soomaaliya ku dhacay.
Tixraac
Samatar Said & Laitin David. (1987). Somalia: Nation in Search of a State. Boulder: Westview Press.
Bulhan H. A. (2008). Politics of Cain: One Hundred Years of Crises in Somali Politics and Society. Hargeysa. Tayosan International Publishing.
Abdullaahi Abdurahman. (2015). The Islamic Movement in Somalia: A Study of Islah Movement (1950-2000). London: Adonis & Abbey Publishers.
Issa-Salwe A. M. (1996). The Collapse of the Somali State. London: Haan Publishing.
Ingiriis M. H. (2016). The Suicidal State in Somalia: the Rise and Fall of the Siad Barre Regime, 1969 - 1991. Lanham: University Press of America.
Abdurahman Abdullahi. (2018). Making Sense of Somali History, volume two. London: Adonis & Abbey.
Abdurahman Abdullaahi. (2017). Recovering the Somali State: The Role of Islam, Islamism and Transitional Justice. London: Adonis & Abbey Publishers.
Abdullahi Abdurahman. (2018). Making Sense of Somali History, volume one. London: Adonis & Abbey.
Mazrui A. (1966). Nkrumah: The Leninist Czar. Indiana University Press. No. 26 (1966), pp. 8-17.
Trunji M. (2022). The NSS lacks legal base to exist. It has been abolished in 1990: Hiiraan online.
Engels & Marx. (2020). The Communist Manifesto (Baaqa Shuuciga). Turjume Cabdcasiis Guudcadde: Hargeysa, Hiil Press.
Cashuur A. M. M. (1976). Hantiwadaagga Cilmiga ah. Muqdisho: Madbacadda Qaranka.
Khadar M. M. (2022). Dhaqaalihii Jamhuuuriyadda Soomaaliyeed 1969 - 1991. Hargeysa: Hiil Press.
Yuusuf A. A. (2024). Iskudhoon: Akhris Dhab-abbaar ah oo ku Saabsan Soomaalida. Hargeysa: Qalinmaal Publishing.
Adam C. M. (2011). Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya 1952 - 2002. Boosaaso: Horyaal Printer Center.
Jaamac X. Kh. X (2021). Labo Isma Saarin: Xasuus Reeb Halgan Hubaysan. London Uk: Ciid Publisher.
Aroma Cabdiqaadir. (2005). Sababihii burburka Soomaaliya. Muqdisho: Aroma Publications.
عمر إيمان أبوبكر (٢٠٠٨). تجربة محاكم الإسلامية في الصومال. دار الفكر العربي؛ القاهر ـ مصر.
Comments
Post a Comment