Faallo kooban, buugga: Losing the Art of Survival and Dignity.

 





Buuggan la yidhaahdo, "Losing the Art of Survival and Dignity: Transition From Self-Reliance to Dependence and Indignity in Somali Society" waxa qorey Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan. Tilmaanta uu buuggani qaadan karo waa in uu ka duwan yahay buuggaagta kale ee uu Dr. Bulxan qorey. Si gaar ah Bulxan waxa uu buuggan iridda ugu furayaa, duruufaha taaganta ah ee Soomaalida naafeeyey asaaggeedna ka raabay. Si kooban buuggu waa raadraac dhaqan, bulsho iyo ismaamul. Dr. Bulxan waxa uu buugga ku lafagurayaa isbeddelka gun iyo baarka ah ee Soomaalida ku dhacay iyo sida ay u noqotay ummada sooc ah, oo si walba ka duwan Soomaalidii hore ee la yaqaannay. Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan waxa uu inna soo hordhigayaa weyddiimo ay adag tahay in aynu maanta ka jawaabno, weyddiimaha uu qoraagu inna hor dhigay waxa ka mid ah: maxaa keenay in Soomaalidu ahaanshaheeda ka faanto? Maxaa sababay in dubkeenna madow la sannifo, oo kiimiko la isula tago? Maxaa keenay qaxa, dagaallada, gaajada, dawarsiga iyo kala irdhowga bulsho? 


Sida afaafka hore ee buugga ka muuqda Bulxan waxa uu tilmaamayaa in Soomaalida isbeddel weyni ku dhacay. Bulshada Soomaaliyeed dhaqan ahaan waxay ahaayeen dad abaabulan oo ismaamula, lehna habmaamul iyo hannaan ay deegaanka ku xeedhan u la falgalaan. Dr. Bulxan waxa uu tilmaamay in Soomaalidu ahayd dad qab leh, oo ku nool nolol milgo iyo sharaf leh, iyaga oo khayraadkoodu suququl ahaa, kuna noolaa dhul saxare u eke ah, (semi desert). Weyddiin muhim ah ayaa jirta oo qoraagu isweyddiinayo middaas oo odhanaysa: "maxay maanta Soomaalidu u tahay dad u nugul cunfiga siyaasaeed, abaarta, gaajada, dhimashada iyo doogta (trauma)? Weyddiinta qayb ka mid ah qoraagu wuu ka warceliyanaa, se waa weyddiin u baahan in dhinacyo kala duwan laga eego.


Dr. Bulxan waxa uu buuggan ugu jilibdhigayaa; dhaqankii, habmaamulkii, ahaanshihii iyo falsafaddii nololeed ee Soomaalida, waxa uu si gundheer oo cilmi nafsiga casriga ah cuskan u dersayaa sida deegaanka ay Soomaalidu ku nooshahay uu u qaabeeyey, ismaamuulkooda, habfekerkooda iyo adduun-araggooda. Si kale Bulxan waxa uu warcelin u raadinaya, dhammaan weyddiimaas aynu xagga kore ku tilmaamnay. Taas oo malaha haddii aynu soo koobno lagu soo koobi karo, meeriskii abwaan Shube ee odhanayey: "duruufaha maanta yaal, dhibtaan la dayaysannahay da'deen innalama qabtee; dalkeenna maxaa ku furey? Dr. Bulxan waxa uu leeyahay: "Soomaalidu waxay maanta ku tiirsan yihiin sadaqada dadka kale waxayna filayaan in awoodaha soogalootiga ah ama waageeniga ah ay dhexdooda kala bedbaadinayaan." Si kooban Dr. Bulxan waxa uu sawir waafi ah ka bixinayaa qulubaageddiska Soomaalida ku habsaday.


Mar ayaan ku samayn doonaa faaqidaad iyo falanqayn intan ka ballaadhan, si aynu u fahanno nuxurka iyo farriinta uu innoo sido buugga Dr. Bulxan.

Comments

Popular posts from this blog

Hantiwadaaggii Soomaaliya: Guul mise Guuldarro 

Goosan faallo ah: buugga "labo isma saarin."