Adduunku waa loollan.
Nolosha bini-aadamka waxa asalka u ahi waa loollan. Loollankaasi xilliba heer buu joogaa. Tusaale ahaan; loollanku mar waxa uu joogaa qofka iyo nafsaddiisa; waa kii nabigu NNKH yidhi: "jihaad waxa u gu wanaagsan midka uu qofku la galo nafsaddiisa iyo doonistiisa." Si kale nafsadda marka la joogo, loollanku uu qofku ku jiro waa saddex geesood waana waxa uu aabbaha cilmi nafsiga casriga ahi ee Sigmund Frued u bixiyey: "internal conflinc." Loollankaas guda ahi, Frued waxa uu ku tibaaxay: Id, Ego iyo Super ego. Frued waxa uu ku tagay in saddexdaas marna aysan heshiin, loollankoodu waa abadi. Marka qofku nafsaddiisa uu soo dhaafo waxa uu loollan la galaa, walaalihiis iyo ciddii hadba u dhow, tanna waxa si fiican u fasirey alfred adler, markii uu sharxayey dooddiisii ahayd; birth order.
Qoyska marka laga yimaaddo, si guud dadku waxa ay galaan loollan iyaga dhexdooda ah, waana midda Eebbe SWT uu Qur'aankiisa ku leeyahay: "haddii aannu Eebbe dadka qayba qaybta kale ku difaacayn ama ka horgeynayn dhulku waa uu fasahaadi lahaa/ وَلَوْلَا دَفْعُ اللَّهِ النَّاسَ بَعْضَهُم بِبَعْضٍ لَّفَسَدَتِ الْأَرْضُ." Aayaddu waxa ay si cad u tibaaxday in loollanka bini-aadamka u dhexeeya uu yahay mid had iyo goor joogto ah. Bini-aadamka adduunka saaran way ogsoonyihiin gaalkooda iyo muslimkoodu in adduunku uusaan ahayn meel lagu raaxaysto, se waxa ay aqoon durugsan ku gaareen in adduunka waxa salka u ahi uu yahay loollan joogto ah, oo aan dhammaad lahayn, sidaa darteed aqoonyahannada cilmiga bulshadu waxa ay fasir u raadiyeen: loollanka bini-aadamka maxaa asal u ah? mar haddii aynu aragnay in loollanku yahay wax adduunka iyo aadanahaba ka jira. Weyddiintaas warcelinteedii waxa ka soo baxay in loollankaasi yahay, waxa ilbaxnimo, taariikh iyo horumar ba ka samaysmaan.
Karl Marx oo ah aqoonyahanka gundhiga u ah fikirka shuuciyadda waxa uu ku tagay in dunidu tahay meel loollan ka jiro, loollankaasi waxa uu u dhexeeyaa bulshada, waxa lagu loollamayo waa khayraadka kooban ee bini-aadamku haysto. Marx waxa uu dooddiisa si heer sare ah u gu sharxay aragtidiisa odhanaysa: "social conflict theory." Si kale Marx waxa uu tibaaxay in loollanka u dhexeeya; Burjuwaasiyiinta iyo Boleretaaliyadda, in ay tahay waxa ay taariikhdu ka unkanto. Friedrich Hegel oo ahaa faylasoof Jarmal waxa uu qabay in loollanku asal u yahay bini-aadamka, sidaa darteed waxa uu qabay in loollanka bini-aadamku halka uu ka dhaco in ay tahay; AFKAARTA. Hegel waxa uu caan ku yahay aragtida odhanaysa: "loollanka afkaarta/ صراع أفكار." Hegel waxa uu ku tagay in loollanka afkaarta u dhexeysa in ay tahay halka ay ka samaysanto taariikhda iyo ilbaxnimada bini-aadamku.
Oswald Spengler oo ahaa taariikhyahan Jarmal ah isagana waxa uu qabay in loollanku yahay waxa asal u ah bini-aadamka, sidaa awgeed loollanka bini-aadamka u dhexeeya waxa uu gundhig u ga dhigay: dhimashada iyo nolosha. Isbeddelka nolosha iyo dhimashada ku imanaya ayey taariikhada iyo ilbaxnimada bulsho ka unkantaa, ayuu Spengler ku tagay. Arnold Toynbee oo ahaa faylasoof iyo taariikhyahan Ingiriis ah, waxa uu sidaa si la mid ah qabay in loollanku asal u yahay bini-aadamka. Aragtidiisa la yidhaahdo: "Challenge and Response" ayuu Arnold Toynbee si waafi ah u gu sharxay in taariikhda iyo ilbaxnimadu ka samaysanto hadba sida looga warceliyo dhibaatooyinka bulshadeed, ee leh; mid dad ama mid juquraafiyadeed. Ibn Khaldun oo ah aabbaha cilmiga bulshada waxa uu isana qabay, in tolnimadu "العصبية" ay tahay halka ay taariikhdu ka askunto.
Aqoonyahnnada cilmiga bulshadu waxa ay isku raacsan yihiin in dunidu tahay loollan. Loollankaasi hadba meel buu taagan yahay: mar waa dhaqaale, sida Karl Marx ku dooday. Mar waa aragtiyo iyo afkaar, sida uu ku tahay Hegel. Mar waa isbeddellada nolosha ku imanaya ee leh nolol iyo dhimasho, sida uu qabay Spengler. Mar waa dhibaatooyinka juqurafiyadeed ama bulsheed, sida uu tibaaxay Arnold Toynbee. Mar kale waa tolnimo iyo toleysi, sida uu tilmamay Ibn Khaldun. Sida aynu taariikhda iyo nolosha u fahanno ayey ku xidhan tahay horumarkeenna bulsheed. Aqoonta aadanuhu (humanities), waxa ay u abuuran tahay in ay fahanto oo ay dhugato sida uu bini-aadamku u dhaqmo iyo hannaanka uu u la falgalo adduunka iyo dadka ku xeeran. Innaga ka Soomaali ahaan adduun-araggeenna bulsheed waxa uu ku xidhan yahay hadba sida aynu u fahanno isla markaana aynu u la falganno; taariikhda, loollanka iyo ilbaxnimada basharka. Sidaa darteed adduun-araggeenna bulsheed waxa qaadhaan weyn ku darsan kara darsidda cilmiga bulshada, oo ah sida uu tibaaxay Sh. Mustafe X. Ismaaciil midka adduunka lagu maamulo, isla markaana lagaga taliyo. Dunidu waa loollan e, loollanka ma fahannaa, oo cilmi ma u yeelannaa.
Comments
Post a Comment