Goosan faallo ah: buugga "labo isma saarin."
Buuggan "labo isma saarin" waa buug miisaan culus waxa uu si heer sare ah u soo bandhigayaa taariikh ay yar tahay in aynu faca soo koraya u tebinno. Waxa xiise gaar ah buugga u yeelaya waa sida uu u ga faalloonayo wax walba oo saamayn kulahaa jabhaddii SSDF, saamayntaasi ha noqoto mid nafsadeed ama mid maaddi ah. Waxa jira ciwaan uu qoraaga buuggu u bixiyey; "mushkiladda dhimirka ee soo siyaadday" ciwaankan waxa uu qoraagu kaga faallooday saamaynta ay xanuunnada dhimirku ku yeesheen raggii hormuudka u ahaa jabhadda, waxa uu tibaaxay rag madax ahaa oo ay haleeshay jirrooyinka dhimirka ee kala duwan, ragga uu tilmaamay waxa ka mid ah: Cabdiraxmaan Abshir Gurrac (Bolonyo) oo ka mid ahaa madaxda u gu sarreysa ee jabhadda. Caydiid Kabacune waxa uu ka mid ahaa abwaannadii jabhadda ku jirey, isaga oo jabhadda jooga ayaa waxa ku dhacay cudurka dhimirka. Dr. Xasan Cali Mire waxa uu ahaa ninkii u gu horreeyey ee Soomaali ah ee qaata shahaadada PhD. Xasan waxa uu guddoomiye ka noqday SSDF, markii uu Mingiste xidhay Cabdillaahi Yuusuf. Xasan waxa uu ku dhintay Gaalkacayo isaga oo ay ku dhacday xasuus guur (amnesia).
Jirrooyinka dhimirku jabhadda dhexdeeda waxa ay ahaayeen wax shaacsane ah oo cid walba ay haleeshay. Yuusuf Sheekh Cali waxa uu ka mid ahaa wadaaddada jabhadda ku jira waxa uu Idaacadda Kulmis ku lahaa barnaamij diini ah, isaga oo Maxamed Siyaad Barre ku tilmaami jirey; nijaas dadka loo soo direy. Waxa uuna fatwoon jirey in dagaalka Maxamed Siyaad Barre la gula jiro uu yahay; dagaal sharci ah oo JIHAAD AH. Yuusuf isaga oo jabhadda jooga ayaa waxa ku dhacay cudurka dhimirka, waa dambe isaga oo magaalada Buurtinle jooga ayaa waxa dilay gaari. Dadka jabhadda ku jirey waxa ay ahayeen labo kooxood marka la joogo dhanka xanuunnada dhimirka; koox iyaga oo jabhadda jooga waxa haleelay cudurka dhimirka. Kooxda kalena markii uu dalku burburey ayaa waxa ku soo baxay jirrooyinkii dhimirka ee ay ka dhaxleen dagaalladii ay la galeen taliskii Maxamed Siyaad Barre. Xuseen Khaliif X. Jaamac qoraaga buuggu waxa uu xusay rag weli nool oo la tacaalaya jirrooyinkii dhimirka ee ay ka dhaxleen dagaalladii ay Siyaad Barre la galeen, raggaas qaar ka mid ah dalka gudihiisa ayey ku nool, qaar kalena dalka debaddiisa.
Buugga "labo isma saarin" way yar tahay in aad ka weydo xaashi aysan ku jirin qof qaba xanuunnada dhimirka, ama qof laga warinayo in uu u go'ay jirro dhimir. Dadka ay ku dhaceen xanuunnada dhimirku, macne gaar ah ayey aniga ii leeyihiin, waayo markii dagallada laga soo noqday, saamayn weyn ayey dadkaasi ku yeesheen noloshii bulsho ee Soomaalida. Waxay ahaayeen dad qaba noocyada kala duwan ee xanuunnada dhimirka. Soomaalida waxa lagu tilmaamaa in ay safka hore kaga jirto bulshooyinka la ildaran jirrooyinka dhimirka ku dhaca. Ummad jirro qabta ma gaari karto horumar bulsheed iyo mid ummadeed. Marka hore waa in bedqabkeeda caafimaad laga shaqayo, gaar ahaan maskaxda iyo saykoolojiyadda bulshada.
Dadkii dagaallada galay, waxay noqdeen dadka hormuudka u ah siyaasadda Soomaalida; waana dad aan maskax ahaan fayoobayn. Haddii aad maanta eegto dadka hordhooban siyaasadda Soomaalida, waa dadkii hoggaaminayey dagaalladii sokeeye ee dhacay xilligii burburka. Dadkaasi waxa ay dhaxleen jirrooyin nafsadeed oo baaxad weyn, waxa ayna raad ku yeesheen nidaamkii siyaasadeed ee Soomaalida. Tan waa sabab la la xidhiidhin karo xasillooni darrada siyaasadeed iyo midda bulsho ee Soomaalida ku habsatay. Si kale dadka hordhooban siyaasadda Soomaalida ee aynu ku tilmaamnay in ay horumuud u ahaayeen dagaalladii wejiyada badnaa ee burburkii Soomaaliya, waxa ay dhaxleen luqadda qoriga, tan waxa ay arday u gu noqdeen macallinkii Kacaanka Oktoobar, Maxamed Siyaad Barre.
Bulshadu marka ay gasho dagaallo waxa ay dhaxlaan jirrooyin dhimir oo kala duwan; tan waxa hore u tilmaamay xeeldheeraha cilmi-nafsiga bulshada (social psychologist), ee Erick Fromm waxa uuna si waafi ah u gu dooday buuggiisa hirgalay ee lagu magcaabo; "the sane society/ bulsho miyir qabta." Fromm waxa uu tilmaamay in bulsho waalan karto sida uu qofi u waalan karo, waxa uuna tusaale u soo qaatay Yurubtii joogtay Dagaalkii 2aad ee dunida isaga oo ku tilmaamay wax uu u gu yeedhay; "bulsho miyir-gaddoontay/ unsane society." Dr. Maxamed Daahir Afrax isaga oo xiganaya Erick Fromm kana halcelinaya nolosha bulsho ee Soomaalida waxa uu yidhi:
"........haddaba, haddii aynu qirno waallidu in ay tahay cudur madaxa ku dhufan kara mujtamac dhan, shaki kuma jiro Soomaalida maanta joogtaa in ay tahay; ummad waalatay ama mujtamac maan-doorsoomay. Wadar ahaan iyo waaxid ahaanba sidii aan u dhaqmayney dhawar iyo tobankii sanno ee u dambeeyey, waa si muujinaysa in aan nahay dad is madax-marey, maskaxdoodu hawl gabtay, maankooduna fayoobi ka fog yahay. Been ma sheegin abwaankii Soomaaliyeed ee ku heesay: 'Soomaalidu way bugtaa, besteed weeyoo la hubo.'—Tixdu shaki ma gelinayso in 'Soomaalidu bugto' waxayse su'aalo badan ka soo jeedinaysaa xubinta bugtadu asiibtay, halkan waxa aan ku jawaab celinayaa xubinta bugtaa waa tan ugu muhiimsan jidhka, waa midda haddii ay bukooto aanu jireyn xidid caafimaad qaba: waa MASKAXDA, waxa bukooday waa maan-wadareedka [collective mind], ee bulshada Soomaaliyeed. Maskaxdii baa khalkhal galay, maankii baa doorsoomay, miyir qabkii baa dhintay. Waa sababta aan intaas oo sanno u arki kari la'nahay irrid looga baxo meehannowga iyo mugdi ku dirirka. Marka bulshada Soomaaliyeed waa ummad nafsad ahaan bugta oo u baahan: dhayid, daryeed iyo baxnaanno gaar ah."
Soomaalidu dagaalladii ay gashay iyo dadkii hormuudka u ahaa dagaalladaas, waxa ay saamayn weyn ku yeesheen nidaamkii dhaqan-dhaqaale iyo midkii bulsho ee Soomaalida. Maanta Soomaalidu waxa ay ku jirtaa meehannow aan loo meel dayin iyo mugdi ku dirin aan jiho lahayn, Soomaalidu waxa ay maanta la ildaran tahay dhibaatooyin bulsheed iyo dakharro nafsadeed kuwaas oo ay ka dhaxleen waayihii, nololeed ee ay deriska la noqdeen. Waxa fahan u baahan in ay Soomaalidu jirran tahay, jirrada u gu weyn ee Soomaalida ku habsatay waa in ay madax iyo hoggaan u yihiin dad la ildaran jirrooyin nafsadeed iyo dakharro maskaxeed. Si kale haddii aan u dhigo Soomaalida waxa maanta hoggaan u ah; dad-tiiraanyeysan (traumatized), oo luqadda keli ah ee ay fahmayaan ay tahay qori-ku-dirir iyo kursi-u-qooq. Buugga "lama isma saarin" waa buug gudo ballaadhan oo si waafi ah oo xallad leh u soo tebinaya dhacdooyin iyo mahadhooyin uu qoraagu deris la noqday; waa buug laga akhrisan karo saykoolojiyadda qofka jabhadka ah iyo sida uu u dhaqmo.
Buuggu kuma koobna oo keli ah, jirrooyinka la xidhiidha dhimirka ee jabhadda qayb ka mid ah hormuudkeeda ku dhacay. Dhanka kale buuggu waxa uu ka faalloonayaa, loollankii ka dhex jirey jabhadda gudeheeda. Qoraagu waxa uu tilmaamay in ay jabhadda isku herdinayeen kooxo isugu jira: siyaasiyiin, Islaamiyiin iyo shuuciyiin xagjir ah. Si kale u dhig qoraagu waxa uu ku dooday in jabhadda ay ku jireen kooxo uu u gu yeedhay; "muxlidiin." Kuwaas oo aan aaminsanayn wax diin iyo awood sare oo la caabudo. Kooxda Islaamiyiinta ama wadaaddada ee jabhadda ku jirey, waxa ay qabeen dood odhanaysa; "jabhadda ha lagu dhaqo feker Islaami ah ama dhaqan Islaami ah" kooxdaas waxa u gu muuq iyo madax taagnaa Xirsi Magan oo ahaa nin u janjeera dhanka Islaamiyiinta.
Xirsi Magan waxa uu ka baxay jaamacadda Colombia ee ku taalla magaalada New York ee cariga Mareykanka isaga oo ku takhasusay Antorboolojiga—cilmiga barashada isirka dadka. Xirsi Magan waxa uu ahaa nin mucaaradnimo u dhashay sida uu tibaaxay qoraagu. Xidhiidhka isaga iyo Cabdillaahi Yuusuf Axmed u dhexeeyeyna waxa uu ahaa mid shaacsane ah oo dadka oo dhami ka war qabo. Xirsi Magan ayaa 2008-dii Jidda lagu weyddiiyey; ayaa fiican Cabdillaahi Yuusuf iyo Maxamed Siyaad Barre? Asaga oo aan ka fiirsan ayuu yidhi: "Maxamed Siyaad Barre waa ka ragannimo badnaa Cabdillaahi Yuusuf. Cabdillaahina waa ka tol fiicnaa Maxamed Siyaad Barre, waayo ma dhacdeen in tolkii Cabdillaahi u ga cararaan Villa Soomaaliya. Reerka Cabdillaahi ka dhashay waa ku dhammaan lahaayeen, mana oggolaadeen in Cabdillaahi ay cidla' u ga wada cararaan." Xirsi Magan waxa uu la badheedhi jirey naqdinta iyo mucaaradnida Cabdillaahi Yuusuf.
SSDF waxa ay heli jirtay taageero dhaqaale iyo mid ciidan. Waddanka Liibiya waxa uu safka hore kaga jirey waddammada taageerada wanaagsan siiya SSDF. Sida uu qoraagu meelo badan oo buugga ka mid ah ku doodayo taageeradii kala duwanayd, ee laga helay waddanka Liibiya waxa loo maamulay si ka fog xilkasnimo iyo daacad. Qoraagu waxa uu tilmaamay in maamulka jabhaddu ay ahaayeen koox musuqmaasuq badan, oo wixii taageero ah oo ay helaan iyaga isku kooba. Tan waxa uu qoraagu u sababeeyey in natiijadeedii ay noqotay in jabhadda SSDF ay maamul ahaan iyo siyaasad ahaanba ay wiiqanto. Baabuurka u gu qaalisan Addis Ababa oo VOLVO ah waxaa wata madaxa maaliyadda jabhadda, wax ayna Xabashidu u taqaannaa ”Ninkii VOLVO:da” (bogga 138). Wiilasha jiidda dagaalka jooga mushahar ah ma helaan, madaxda jabhaddana carruurtoodu iskuullo xul ah bay Addis Ababa dhigataan. Cabdillaahi xigtadiisa ayuu urursadaa, lacagta uu cid siinayana afka ayuu ka amraa ee warqad sharci ah ku ma qoro, doorasho iyo dimuqraadiyadna ma jirto. Sida la tilmaamo, buuggunu ku doodayo, SSDF waxaa ragaadiyay, markii dambena iilka ku hubsaday siyaasad xumo iyo talo maroorsi.
Tan waxa ay summad u ahayd musuqmaasuqa baahsan ee jabhadda maamulkeeda ku faafay. Qoraaga oo sawir waafi ah ka bixinaya xaaladda maamulka jabhaddu ku sugnayd waxa uu yidhi; "habdhqankii Xamar yaallay iyo kii SSDF waxba kuma kala duwanayn." Nin kale waxa laga sheegaa in Cabdillaahi Yuusuf uu ka daran yahay Maxamed Siyaad Barre, waxa faaftay dacaayad odhanaysa; "kaligiitaliyey ayeynu ka soo cararnayn, kaligiitaliye kale ayeynu afka u ga galnay" iyaga oo markaas ula jeeday Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Waxa lagu tilmaama Cabdillaahi Yuusuf in uu ahaa nin xukun iyo maamul jecel, tan si uu u helo waxa uu u qaaday jid walba oo geynayey hadafkaas.
Buugga "labo isma saarin" waa buug xiiso iyo xallad gooni ah leh, waa buug aan kula talinayo in uu akhriyo qof walba oo raba in uu wax ka ogaado jabhaddii SSDF iyo maamulkeedii. Waa buug si qurux iyo qaayo leh u tibaaxaya noloshii jabhadeed ee SSDF iyo qaab fekerka dadeed ee jabhadda. Goosankan waxa aan u ga danlahaa in aan akhristaha ku baraarujiyo, saamaynta ay jirrooyinka dhimirku ku lahaayeen SSDF, si uu sawir dhammaystiran u ga qaato xaaladda aynu maanta nool nahay iyo dadka siyaasaddeenna hordhooban ee maamulka iyo madaxda innoo ah. Dadkaasi waxa ay u badan yihiin rag ku lug lahaa dagaalladii kala duwanaa ee Soomaaliya ka dhacay xillii burburka. Si kale buugga iyo goosankan gaabanba waxa aynu ka qaadanaynaa caqliyaddii iyo habfekerkii maamulkii SSDF iyo in aysan waxba ku kala duwanayn, maamulkii Maxamed Siyaad Barre.
Waxa jira qaybo kale oo uu buuggu ka war bixianyo sida; qaabka ay SSDF ku samaysantay, xidhiidhka SSDF iyo Itoobiya, xidhiidhka SNM iyo SSDF, dagaalladii jabhadda, taageeradii jabhadda, habmaamulkii Cabdillaahi Yuusuf, xadhigii Cabdillaahi Yuusuf iyo saamaynta uu jabhadda ku yeeshay, fakashadii rag ka mid ahaa jabhadda, Idaacaddii Kulmis iyo saamaynta ay ku yeelatay dhagaha dadka Soomaaliyeed, waxa keenay in duurka la galo iyo in Soomaaliya oo ahaa qaran aan cago badan ku taagnayn in dhulka la dhigo, burburkii SSDF, waxa burburka keenay, Siyaad Barre ma jirtay waddo kale oo aan qori ahayn oo uu xilka ku wareejin lahaa, sababta keentay in jabhaduhu qabaa'il noqdaa, sababta ay u midoobi waayeen SNM iyo SSDF, kaalinta ay aqoonyahanku ku lahaayeen jabhadda, musuqmaasuqa baahsan ee jabhadda maamulkeeda ku faafay, taageeradii Liibiya, Israa'iil, Itoobiya iyo Yeman, kala duwanaanta u dhexeysa SNM iyo SSDF xagga hoggaanka iyo ciidanka.
Comments
Post a Comment