Faallo Akhris, buugga: In-Between Three Civilazations.
Buuggan waxa qorey buuni iyo xeeldheere ku takhasusay kasma-nafeedka [psychology], waa Dr. Xuseen C. Bulxan. Bulxan waa qoraa qorey buuggaag fara badan, oo ay ka mid yihiin: Frantz Fanon and the Psychology of Oppression, Politics of Cain—One Hundred Years of Crises in Somali Politics and Society, iyo Losing of the Art of Survival and Dignity. Xuseen Bulxan waxa uu Jaamacadda Harvard ka qaatay shahaadada PHD-da. Waxa uu takhasus gaar ah u leeyahay daawaynta dhaawaca maskaxeed iyo halisaha nafsiyadeed—Treatment of Truama and other Pyschological Problems. Sidoo kale, Dr. Bulxan waa madaxweynihii hore ee Jaamacadda Hargeysa. Haatanna waa asaasaha iyo guddoomiyaha Jaamacadda Frantz Fanon, ee magaalada Hargaysa.
Haddaba, buuggan 'In-Between Three civilazations' Dr. Bulxan waxa uu ka ga warramayaa loolanka ka dhex aloosan saddexda xadaaradood: Ilbaxnimada dhaqanka Soomaaliyeed, Ilbaxnimada Carabta iyo Ilbaxnimada reer Galbeedka. Buuggu waxa uu soo bandhigayaa saddexdani qaabka ay u saameeyen hannaanka iyo nidaamka dawladnimo ee Soomaalida; waxa kale oo uu ka warramayaa saamaynta ay saddexdani u geysteen nafsadda qofka Soomaaliga ah—waxa kale oo uu buuggu tooshka ku ifinayaa halisaha ay saddexdani ku leeyihiin xasilloonida iyo degeneeshaha bulshadda Soomaaliyeed.
Buuggu waxa uu tibaaxayaa doodaha la xidhiidha meel ka soo jeedka Soomaalida, Soomaalida iyo Islaamka, saamaynta uu gumeystuhu ku yeeshay Soomaalida, xiddigiska iyo Soomaalida. Nuqulka aan isku dayayo in aan wax ka koobo, waa majaladdii koowaad [volume 1]. Sida uu Dr. Xuseen Bulxan ii sheegay, mawaduuca buuggu waxa uu ahaa saddex majaladood. Waxa aan la daabicin labo majaladood. Haddaba qaybtan waxa aan ku soo bandhigi doonaa mawduucyada xasaasiga ah ee uu buuggu tibaaxayo. Waxa aan isku dayayaa in aan sawir guud ka bixiyo, ubucda buugga, waxa aan soo koobidan ku samaynayaa, saddex ciwaan hoosaad, oo aan anigu u arkay qaybaha ugu muhiimsan ee buugga ku jira, isla markaana aniga i soo jiitay.
Midka koowaad, waa ciwaan hoosaad aan u bixiyey 'xanuunada ku dhaca jiritaanka.' Midka labaadna, waa 'xasuus guurka bulsheed', midka ugu dambeeya ee saddexaad waa 'afarta xilli iyo nafsadda Soomaalida.' Saddexdan ciwaan hoosaad waxa aan ka dhex sameeyey akhriska aan buugga ku sameeyey—waxa aanan u arkay xogaha ugu muhiimsan ee buugga ku jira. Qoraalka intiisa badan waxa uu noqon doonaa saddexdan ciwaan hoosaad in aan wax ka bidhaamiyo, haddii Eebbe idmo.
*Xanuunada ku Dhaca Jiritaanka*
Bulshadda aan taariikhdooda si dhaba u garanayn waxa ku dhaca laba xanuun: Pathology of history. Bulshada xanuunkani ku dhaco waxa summad iyo sawrac u ah in ay soo nooleyso dagaallo iyo dhibaatooyin daba dheeraada; waana dad aan taaganta nooleyn ee nool tagtaddii. Waxa ayna ka warramaan, oo ay ku soo celceliyaan, wixii khalad ah oo ay sameeyeen. Sigmund Frued waxa uu qolyahan ku magcaabay in ay ku jiraan 'Repetition Compulsion.'
Pathology of Ontology: bulshadani waxa uu xanuunku kaga jiraa dhanka jiritaanka iyo meel ka soo jeedkooda; waxa ayna had iyo goor ku hawlan yihiin—jirkooda, qaabka timahooda iyo tilmaanta muuqaalkooda—waxa marka dambe ku dhaca xanuuno nafsiya oo isugu jira—Cuqdad nafsi [inferiority complex], iyo Is-nacayb [self hate]. Bulshada labadan xanuun qabaa suurtagal ma aha in ay gaaraan degenaan siyaasadeed iyo horumar dhaqaale, waayo? Waxa ay tamartooda iyo taagtooda isugu geeyaan sidii ay u ogaan lahaayeen cidda ay yihiin iyo halka ay ka soo jeedaan.
Haddaba, bulshadda Soomaaliyeed waxa ay la dhiban yihiin labadan xanuun ee aynu kor ku soo xusnay; waana midda keentay in ay noqdaan bulsho dhexdeeda la isku haysto. Loollanku waa saddex geesood: middi waa iyaga jiritaankooda [indigenous], middina waa Islaamka iyo dhaqanka Carbeed, [Arab/Islamic], middina waa Yurub ama ilxbanimadda reer galbeedka [European/westren civilazation].
Saddexdan loollani waxa ay abuureen in bulshaddii Soomaaliyeed ay noqdaan dad kala af, dhaqan iyo aqoonba duwan. Tusaale ahaan: wadaadaddu waxa ay ku hadlaan af-Carabi—waxayna u lebbistaan sida Carabta iyaga oo iska dhigaya Carab. Siyaasiyihiintu waxa ay ka soo biyo cabeen aqoonta reer galbeedka, waxa ayna ku hadlaan, af-Ingiriisi—waxayna u lebbistaan sida reer galbeedka. Carruurtii yar yareyd iyaguna waxa ay dhaqanka lebbiska, socodka iyo hadalkaba uga deydeen reer galbeedka. Midabkii madoobaa waxa uu noqday mid laga faano. Gabadh walbaana waxa ay dooneysaa in ay is caddayso, oo ay dubka iyo diirkaba iska rido, si ay—ruux cad u noqoto; waxaana ku dhacay jirrada uu Frantz Fanon u bixiyey: 'Is-caddaynta/ self-lactification.' Dagaalkani waxa uu keenay in ay lunto dhaqankii iyo shakhsiyaddii qofka Soomaaliga ah.
Soomaalidu waa bulsho ay ku badan tahay jirrada nafsiga ah ee la yiraahdo; 'Body dismorphic disorder.' Jirradan tilmaamaheeda waxa ka mid ah in qofku saluugo—muuqaalka jirkiisa, afkiisa, qaab hadalkiisa iyo dhammaan wax walba oo uu u malaynayo in ay iin ku tahay. Sidaa awgeed, waxa aynu arkaynaa in Soomaalida xanuunkani ku badan yahay, waayo? Waa bulsho midabka iyo diirka madowba sannifsan; waxa ayna aad u diidaan muuqaalka jirkooda ee madow; waxa ayna aad isula xidhiidhiyaan in ay Carab yihiin, asalkooduna uu Carab ka soo jeeddo.
Dr. Xuseen Bulxan waxa uu inoo tilmaamayaa sida uu murugsanaanta ugu jiro meel ka soo jeedka Soomaalida. Waxa kale oo uu cabbirayaa sida ay halista inoo gu yihiin xanuunnada nafsiga ah ee inagu badani. Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkaynayaa halista ay inagu leeyihiin saddexda xadaaradood ee Soomaalida ku dhex legdamaya. Waxa uuna sawir guud ka bixinayaa dhibaatooyinka ina haysta in ay yihiin saddexdan xadaaradood ee isku dhex murugay natiijadii ka dhalatay. Waxana qurux badan in dhan uun la isugu bisho shubto, si aynu u gaarno doorranaan qofeed iyo mid bulsheed.
*Xasuus Guur Bulsheed*
Bulshada Soomaaliyeed waxa ku dhacay xanuun lagu magcaabo 'Xasuus guur bulsheed—Social Amnesia. Xanuunkani waxa uu ku dhacaa bulshooyinka aan qorin taariikhdooda, afkooda, dhaqankood iyo aaminaadohooda. Sidaa awgeed, ma jirto ama ba wey yar tahay, waxa ay qortay Soomaalidu. Inta badan qoraallada la cuskado ee laga qorey Soomaalidu, waa kuwo ay qoreen dad shisheeye ah.
Soomaalidu waa bulsho xoolo raacato ah—Pastral Society. Halka ay naq iyo baad ka aragto ayay maalin walba u xidhxidhan jirtey, illaa maantana u xidhxidhataa. Naqa iyo baadka la helo waxa uu keeni jirey dagaallo faraha la iskaga gubto. Hoyga, cuntada, biyaha iyo dhulku, waxa ay ahayeen waxyaabaha dhaliya dagaallada dhiigbaxa keena ee ay Soomaalidu soo jireenka ah u lahayd.
Deggenaan la'aantan bulsheed waxa ay keentay in ay Soomaalida ku dhacdo 'xasuus guur bulsheed.' Taariikhdu waa halka ay bulshaddu u dhimato, dhibaatada waxa keena iyo waxa ka dhasha, halka kali ah ee dib looga raadraaci karo waa taariikhda. Ka warran bulshada aan lahayn taariikh si dhab ah loo cuskan karo? Sidaa awgeed ayaan ugu magcaabay taariikhda Soomaalida ee la sheego, in ay tahay: Sooyaal la isku ekaysiinayo—dissimulated history
Magacyada todobaadku waa meel ka mid ah meelaha ay ku dhacday xasuus guurka bulsheed. Magacyada toddobada beri, Soomaalidu waxa ay u taqaanay: Sooroga (Sabti), Koobin (Axad), Laamin (Isniin), Labtako (Salaasa), Koodaar (Arbaca), Hakisa (Khamiis), Hakis-Bila (Jimce). Magacyadan dadka intooda badan way illaaween. Waxa adeegsiga afkooda ku batay magacyada Carabta. Magaalooyinka iyo miyiga dad yar oo kooban ayaa kuu sheegaya 'waxa afka Soomaaliga lagu yiraahdo toddobada beri.' Magacyada toddobada beri waxa ay lahaayeen ujeeddo iyo macne ay ka hal-celiyaan. Tusaale ahaan, Sooroga (Sabti], macneheedu waxa weeye waxa dib u soo bilaabmay wareegii usbuuca, waana maalinta koowaad ee toddobaadka. Sidoo kale, ayay magacyada kale ee toddobada beri u leeyihiin ujeeddo iyo macne gaar ah.
Dr. Xuseen Bulxan waxa uu tibaaxayaa sida uu innoogu dhacday xasuus guur bulsheed, oo aynu wixii afkeenna iyo dhaqankeenna ahaaba u illownay. Magacyada toddobada beri waa tusaale kooban oo muujinaya halista ay leedahay dhaawaca maskaxeed ee ina soo gaarey. Waxa jira wax badan oo afkeenna ku jira oo aynu illownay—sababta keentay wixii la rabo halagu sheego, se waa mid cad oo muujinaysa in aynu nahay ummad wixii ay dhaqan, sooyaal iyo soo-jireenba u lahayd illowday, waana calaamad tilmaamaysa burbur iyo dhaawac bulsheed oo weyn.
*Afarta xilli iyo Nafsadda Soomaalida*
Xilliyada (Gu'ga, iyo Jiilaalku) waa labada xilli ee qaabeeyey nolosha iyo nafta bulshada Soomaaliyeed. Tusaale: Xilliga Gu'gu waa xilli dad iyo xoolaba ay barwaaqo yihiin, waa xilli dagaallada iyo colaaduhu yar yihiin—waa ammin ku suntan, degenaan nafsiyadeed iyo mid bulsheed, waa xilli guurku bato, ciyaarta, farxadda iyo gabayguna hanaqaado. Waa ammin ay Soomaalidu ku tilmaamaan Nabad iyo Caanno. Waa waqti wax walbaa hagaagsan yihiin; noloshuna is haysato, wax yaraan iyo cidhiidhi kalena aanu jirin.
Xilliga 'Jiilaalku' waxa yaraada wixii baad iyo biyo ahaa. Waxa bata dagaallada, abaarta iyo dhimashadda. Waa ammin colaadeed, waxana xilligan loo yaqaanaa ammintii welwelka iyo walbahaarka—the season of anxiety and worry. Waqtigan waxa bata furniinka. Waxa jirta maahmaah caan ah, oo odhanaysa: 'Jiilaalka iyo ninku way legdamayaan, kolba ka naagtu raacdaa adag.' Xilliga Jiilaalka waxa ay Soomaalidu ku tilmaantaa 'Xilligii Colka iyo Abaarta—the season of enmity and drought.
Amminta 'Jiilaalku' waxa sare-u-kaca dhibaatooyinka bulsheed, waxa bata guuritaanka iyo socodka, maadamaa qof walba oo bulshadda ka mid ahi uu ka fekerayo siduu uu u noolaan lahaa. Waa ammin adag. Xilligan 'Jiilaalka' waxa kale oo sare-u-kaca wararka dhiillada xambaarsan, gaajada, dagaallada, xanuunada iyo dhimashada. Intani waa astaamaha caanka ah ee waqtigan lagu yaqaan; waxaanad garan kartaa in ay tahay xilli adag oo bulshada dhib ku ah.
Xilliyadan adagi, waxa ay saamayn ku leeyihiin nafsadda qofka Soomaaliga ah. Dagaallada iyo colaadaha xilligani uu caanka ku yahay waxa ay keeni karaan jirrooyin maskaxeed. Xuseen Bulxan, waxa uu inoo tilmaamayaa sida ay afartan xilli nafsadda qofka Soomaaliga ah u saamayso, waxa aynu fahmaynaa: in gacan-ka-hadalka, carada faraha badan iyo degdega qofka Soomaaliga ah, in ay tahay sabab la la xidhiidhin karo natiijo ka dhalatay afarta xilli saamayntooda. Wax badan oo aynu ka cabano waxa sal u ah deegaanka aynu degno iyo saamaynta uu innagu leeyahay.
********
Guntii iyo gunaanadkii, buuggu waxa uu xambaarsan yahay xoggo iyo wacaalo aad u fara badan. Waxa uu soo bandhigayaa sida ay taariikhdii Soomaalidu ugu luntay af-iskugu gudbin, waxa kale oo uu ka warramayaa asaaska iyo unkanka qabiillada Soomaaliyeed, dhaqannadii hore ee Soomaalida iyo hababkii ay wax u caabudi jireen. Tani waa jaad kale oo ka mid ah xoggaha shillis ee uu buuggu xambaarsan yahay, khalkhalka hiddasidaha Soomaalida iyo sida uu ugu badhxamo quruumaha kale, iyaduna waa qodob kale oo uu buuggu si waafi ah u sharraxayo. Dhaqanka qabiilka Soomaalida iyo qaabka uu u saameyey siyaasadda, diinta iyo bulshadda, waa qayb kale oo uu iyadana buuggu si heer sareysa ah u soo bandhigayo. Fursad wanaagsan oo aan kaga bogto, kuna soo koobo dhammaan xogta uu buuggu sido maan helin, waxa se aan intii awooddayda ahayd isku hawlay in aan iskiin baro Dr. Xuseen Bulxan iyo buuggiisa: In-Bewaan Three Civilazations. Waxa aan buuggan u soo jeedin lahaa akhrintiisa, dhallinta jecel in ay fahmaan saykoolojiyadda qofka Soomaaliga ah iyo qaab samayskiisa. Waan hubaa inuu maankooda ku biirin doono xoggo badan, oo ay la dhicidoonaan la na ashqaraari doonaan.
Comments
Post a Comment