Is-qudh-goynta Indheergaradka.
W/Q: Cheick Abdourahman Bachir [Af-Carabi].
W/T: Axmed Xisaam Miido [Af-Soomaali].
Waxa jira labo jaad/nooc oo nolosha la isu dhaafiyo: macnawi ahaan iyo maaddi ahaan labadoodabana waa in aad dhaqaaqa taariikheed iskaga baxdid mid kastana waxa uu kaa doonayaa go'aan, qofka jidh ahaan isku khaarijinaya oo is dilaya waxa uu go'aansaday in uu galbado, maxaa yeelay noloshan ayuu ka daalay, daalkaasina dhab iyo dhalanteedba waa uu noqon karaa, kan labaad isaguna waxa uu ku xidhanyahay guuldarro, kaalinta aqoonta iyo qiimayn la'aanta farriinta Indheergaradka, kolkaas ayuu go'aansanayaa, in uu xagaa iyo aakhiro u galbado, saaxadda saamayntana iskaga dhex baxo.
Indheergaradku nolosha ayuu iskaga dhex baxayaa, sababta oo ah waxa uu waayay tiirarkii jiritaanka, qalinkuna gacantiisa ayuu ka fara baxay, oo cid kale ayuu u gacan galay, madaxda ayuuna u guulwadeeyaa, samaha fari maayo, xumaanna ka dhiidhiyi-maayo, qorimaayo maqaal gorfayneed, mid tilmaameed ama mid baadhitaan dhibaabe ah, waan aragnay koox indheergarato ah oo qalinkooda u qaatay tagtadii, kama aysan warramin waxyaabaha taaganta ah cabsi awgeed, taagantu way dhib badan tahay. Waa indheergarad ka baxay saamaynta ma rabo in uu ka warramo dhibaatooyinka jira, sidaas ayuuna ku galbadaa.
Is-khaarijintu waa dhacdo xun waana laga cabsadaa in loo bareero, waa nolosha oo laga tago iyo sooyaalka oo gabi ahaanba laga baxo, balse sidee isu-qudh-gooyaa indheergaradku? Wuu is-qudh-gooyaa indheergaradku marka uu ka baqo in uu dhibka u bareero, taagantana uu isu dhiibo. Markaa waxa uu ka baxaa samaynta sooyaalka waxa uuna ku meereystaa madaxda isagoo raadiyana dhuuni, sidaa ayuuna isu-khaarijinayaa indheergaradku.
Indheergaradku wuu is-khaarijiyaa marka uu u laafyoodo xaga dambe ee dadweynaha, uuna waramo marka loo baahdo. Ruuxa indheergaradka ah waxa uu naqdiyaa waxa jira, waxa uu saxaa sida ay wax u socdaan, waayo? Isagu maahan siyaasi u ordaya madaxtinimo. Indheergaradku waxa uu u ordaa in uu saxo waxyaabaha siyaasadda ka jira, taas ayaana ah baahi loo baahan yahay. Horumar jirimaayo haddii uusan jirin qorshe, indheergaradku waa dadka sameeya qorshayaasha. Indheergaradku marka uu dameeri dhaan raacday u noqdo madaxda, ama dhanka loo badan yahay uu dabagalo, markaas indheergaradku mustaqbal ma laha, wuxuuna hayaa dhabbadii is-dilka
Wuu is-qudh-gooyaa Indheergaradku goorta uu u hoggaansamo dhaqanka gumeystaha, gumeysigaasi ha noqodo mid dawladeed ama urureed, jaadka gumeysta ugu xun ee waqti xaadirkan waa waxa loogu yeero "bulshadda rayidka ah." Kaas oo ka shaqeeya hagaajinta xilliyadda qaar dano reer galbeed ama Carbeed.
Indheergaradku maaha ruux dantii ku fooggane ah, kama warramo gudniinka dumarka iyo waxa la mid ka ah. Indheergarad maaha ruuxa dantiisa soke u arka in dadka la dimuqraadiyadeeyo waliba sida ay u arkayaan reer galbeedku, indheergarad maaha ruuxa dantiisa ka dhigaya in la haggaajiyo maamulka si gooniya u shaqeeye, yancnii (indheergaradku maaha qof dhinac kaliya ka raran ama u sed bursan, ee waa qof balaadhan).
Indheegaradka had iyo goor wax lagu qudhaamo wuu is-khaarijiyey wuuna galbaday. Indheergarad maaha qofka ku dhex nool teendhooyinka ururada oon arkayn dibada waxa jira kaasi waa indheergarad kooxeed, ma aha indheergarad ummadeed. Waxana suganta in uu ka baxayo sooyaalka, wuxuuna hayaa waddadii is-dilka
Indheergaradku wuu is-khaarijiyaa goorta uu noqdo qalin la'aan, qalinkuna raja beel buu noqdaa marka uu wax iftiimin waayo, intee indheergarad ayaa ku dagmay u hoggaansanaanta qalinkooda, dunidana ka tagay qalinkoodiina uu ku dhacay gacanta kali-taliyaasha, intee indheergarad ayaa ka deeqtoomay wax bixinta, waqtiguna dhaafay, isaga oo wax ku qoraya hab aan aqooni ku dhisnayn ama u qoraya fac tagey, wuxuu nool yahay xili kale wuxuuna hayaa dhabbadii is-dilka.
Indheergaradku wuu is-qudh-gooyaa marka uusan haggaajin naftiisa, kaliya waxa uu aaminsanyahay in seefta iyo dantu ay la jirto xaakimka, xaqu waxa uu noqday dhanka laga adkaaday. Marka Indheergaradku qoro wuxuusan ogeyn saxnaantiisa, ama uu faafiyo wax iska hor imanaya, markaa ayuun buu qalinku ka dhicin gacantiisa, wuxuuna noqodaa indheergarad hub la'aani hayso, waxana soo idlaata wanaajintiisa. Halkaana waxa ka samaysanta jidkii is-khaarijinta
Waxa jira indheergarad ku naf baxa jeelka dhexdiisa, ama la xiro marka uu diiday in uu is-dilo. Waxa jira indheergarad ku naf baxa daaraha madaxda ama isku dhex dila maktabadaha, waana marka uu go'aansado in uu yahay ruux qalinkiisu xor ahayn. Waxa ina dhex jooga indheergarad hadla marka siyaasi idmo, kaasi waa addoon uun. Waxa kale oo ina dhex jooga indheergarad codkiisu kor yahay oo diyaar u ah kedisooyinka (wixii hadba bulshadda soo food saara). Indheergaradka hore dhaqan ahaan ayuu isu-khaarijiyey wuxuu noqday dhuuni-raac, halka kan labaadi dhinto isaga oo sooyaalka ku haray, dadka dartood ayuu u gubtay.
Leo Tolstoy waxa uu dhintay isaga oo sabool ah, laakiinse isma-khaarijin, Maalik bin Nabi wuxuu dhintay isaga oo sabool ah, balse kama uusan bixin caalamka lagu sameeyo afkaarta. Ibn Taymiya waxa uu ku naf baxay jeelka dhexdiisa, balse geeridiisii ka dib waxa uu la kulmay waxbadan, Sayid Qudub waa la dilay, balse afkaartiisii bari iyo galbeed ayey ka dhacday. Miishaar ayaa lagu dilay weriye Jamal Khashuqi balse cidii dishay heedaartayn ayaa ku dhacday. Maxamuud Cisat jeelka ayuu ka soo baxay waxa uuna qorey kutub waaweyn, waxa kale oo uu noqday hormuud siyaasadeed oo kulmiya aqoonta iyo siyaasadda. Halka boqolaal indheergarad ahi is-dileen ayna noqdeen dad aan fariin xambaarsanayn, maalin maalmaha kamid ah waxa ay ahaayeen xiddigo balse hadda cid hadal haysa maqlimaysid.
Marka uu indheergaradku ka deeqtoomo wax bixinta, waxa uu u diyaar garoobay geeri. Wax bixintu waxa ay noqon in laga jawaabo rabitaanno markaana waxa uu u jihaystaa isdil. Marka uu ka cabsado inuu u bareero dhibaatooyinka, uuna dhaho wax aan la rumaysanayn waa u dhamaatay waa indheergarad bilaa ruux ah. Haddii uu hadlo marka uu wax doonayo oo kaliya, waxa uu ka mid noqday kuwa Eebbe aayaadkiisa lacag ku bedesha, dadka indhohoodiina wuu ka dhacay. Dadku waxa ay leeyihiin indho soofaysan iyo awood aqooneed oo gaar ah, taas oo ay ku kala gartaan xumaha iyo samaha waanna wax aadmiga ku abuuran.
Indheergaradku wuu is-khaarijiyaa goorta uu ka dhaco bini-aadantinimadda, aqoon ma leh ruuxa aan bini-aadantinimo lahayn. Waxa layaab ah in dadka diinta sheegtaa qaarkood ay sharfaan dhagaxa madow, ayna hilmaamaan insaaniyadda. Dhagaxu wuu jirin haba la sharfee, balse insaanka ayaa ka muhiimsan, insaanku waa kan ugu fadliga badan dhamaan waxa uu Eebe abuurey.
Indheergaradku wuu is-khaarijiyaa goorta uu noqdo bilaa jiheeye. Maanta waa kacaan, beri na waa kacaan ka soo horjeed, waanna nooc kamida indheergaradka aan jiheeyaha lahayn. Dabinada dhexdooda ayey fariistaan maadaama aysan lahayn jiheeye. Mee hadafkii kohor iyo ka diba? Waxay haystaan afkaar iska hor imanaysa.
Indheergaradka dhibta ahi waxa uu u nool yahay in uu dadkiisa nooleeyo, wuxuu raadiyaa sidii ay dadkiisa u farxi lahaayeen, aragtidiisa waxa uu siiyaa jiilal si ay u arkaan iftiin, ma aha indheergarad maalin jire ah. Wuxuu isku dayaa in uu noqdo mid jiritaan dhaba leh. Wuxuu u diyaar garoobaa mustaqbalka iyo kadisooyinkiisa, wuxuna u bareeraa ciidanka is-khaarijinta.
Aragtiyuhu waa labbo jaad, aragtiyo nool iyo kuwo dintay. Aragtiyaha nooli waxay iskugu jiraan kuwo wax nooleeya iyo kuwo wax dila. Maalik bin Nabi ayaa muddo aan fogeyn aragtiyahaas wax ka qorey, wuxuuna uga warramay si heer-sare ah. Balse cidna dheg jalaq uma siin, Maalik wuu dhintay isaga oo ay dadku weynaynayaan. Kuwii aragtiyihiisa aan qaadan maanta waxay fadhiyaan dabinno. Horumar jirimaayo haddii aysan jirin aragti, aragtidu waxay u baahan tahay samayn, samayntuna waxay u baahan tahay dhiirranaan, waana xiligii dhiirranaanta. Haddii dhiirranaan jirin loollanku waa hal bacaad lagu lisay.
Waxa suuragal ah in indheergaradku uu qoro buugg iyo maqaalo, tiro badan, waxase adag in uu keeno buug iyo maqaalo mar la arag ah, kuwaas oo xambaarsan aragtiyo cusub oo ka halcelinaya waayaha kakan ee kolkaa la marayo, Diktoor Maxamed Shinqiidi ayaana aragtiyihiisii toolmoonaa ku soo falkiyay buuggiisa caanka ah ee (الأزمة الدستورية في الحضارة الإسلامية) waxaana ufiirsasho mudan in aynu xusno dadka qaar in ay u maleeyeen in ustaadku naqdiyay farriinta, sidaas ayuuna mid ka mid ahi u qoray in dhibku aanu farriinta ahayne, ee uu xusay in uu yahay waaya aragnimada, ee aanay ahayn, qaayasooradda, waxa ayna ka dhigan tahay seeska qaanuunka, oo kuma qorna nusuusta dastuuriga ah, halkan ayaynu ka odhanaynaa, indheergaradku taaganta qayb uun kama aha, ee waxa uu qorsheenayaa taaganta si uu timaaddada u farshaxameeyo.
Hore ayuu Rene Decartes u yiri; "Mar haddii aan fekerayo, waan jiraa." Is le'egtan falsafadaysani waxa ay bedeshay ruuxa aqoon ahaan is dilay: waan fekerayaa, dabadeed waan is khaarijinayaa, halkan ayaana ka go'aan qaadanayaa in aanan fekerin, kolkaas uun buu ka baxayaa macnaha bani-aadantinimadda. Muuq ahaan insaan ayuu ahaan, macne ahaana waxa uu go'aansaday in uu xisaab la'aan isu dilo.
Waad u noolaan kartaa il-bidhiqsiyada dartood, oo waa ka hadli kartaa xaqiiqooyinka iyo dhacdooyinka, hayeeshe indheergaradku, ma ahan kan aan la noolayn weydiimaha ka dhex oogan bulshadiisa, hayeeshee indheergaradku waa kan dhuganaya xaaladaha kolkaas taagan, waxa uuna leeyahay aragti iyo fekrad ka geddisan, kuwa dadyowga kale, waxa uuna dadka u tibaaxaa, xalal, aragtiyo, iyo mashaariic, haddii ay doonto ha ka fogaato fikradaha Dadka, maxaa yeelay kolka uu indheergaradku dadkaas uun la mid yahay, dhibaatooyinka ayuu qayb ka yahay, mustaqbalkana qayb kama noqonayo, qofka sidaas ahna aragti ahaan iyo indheergaradnimo ahaan ayuu galbaday, ka sheekaynta laab lakaca ah dhibta ayay ka sii badisaa ee xal waara uma hesho, indheergaradku aragti ahaan ayuu isu khaarijinayaa, kolka uu ka istaago deeqtoonka ama wax bixinta. In garaadka wax laga bixiyo wax sahlan ma aha. Indheergaradka qayb kamida waxa ay doortaan wadada fudud een dhibka lahayn, wadada fududina waa halka ay ka unkanto is-qudh-goynta indheergaradka; (indheergaradku waa qofka doorta una bareera dhibaatooyinka qalafsan).
Comments
Post a Comment