faalleynta iyo qodobeynta buugga "Kala haadkii muqdisho, xasuusaha Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya 1991;." Out of Mogadisho A memoir of the Soomali Civil War in 1991."
Qoraaga buugga; Yuusuf Maxamed Xayd.
Turjume; Boodhari Warsame.
Hordhac qoraagga buugga.
------------------------------------------
Sida buugga ku xusan; Muddane Yuusuf Maxamed Xayd, waxa uu sannadii 1947-kii, ku dhashay deeggaanka Hawd, meel u dhow magaalada Wardheer, ee koonfurta Soomaliya. Waxbarashadiisii waxa uu dugsiga hoose iyo sare ku soo qaatey Harar iyo Addis Ababa. Yuusuf 1970-kii waxa uu u guurey magaalada Muqdisho. Waxa uu ku takhasusay taariikhda iyo afka Ingiriisiga, taas oo uu Qaybta koowaad ee waxbarashadiisii ku qaatey, heerka labbaad waxa uu ku qaatey, Daraasaadka Afrika. Mudane Yuusuf waxa uu qaatey, shahaadooyin iyo Dibloomooyin badan oo la xiriira waxbarashada, saxaafada, daraasaadka horumarineed, iyo xiriirka caalamiga ah. Qoraaggu waxa uu ku soo shaqeeyey xirfado badan oo ay kamid yihiin, Barre, manhaj dayaariye, Agaasimaha guud ee Radio Muqdisho, Agaasimaha Talefeeshinka Qaranka Soomaliyeed iyo Agaasimaha Qorshaynta iyo Tababaradda ee wasaarada warfaafinta Soomaaliya. Qoraaggu waxa uu Maraykanka St. Louis Public School ka ahaa, Barre soo saaraha manhajka ardayda labada luqadood, waxa kale oo uu casharo la xiriira Warbaahinta Caalamka (international media), ka bixin jirey Jaamacadda Webster ee St. Louis, ee dalka Mareykanka.
Faalaynta.
---------------
Buugga "Kala haadkii muqdisho, xasuusaha Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya 1991;." Waa xasuus qor uu qoraaggu kaga waramayo dhacdooyinkii uu u soo joogey ee dhacay mudooyinkii uu Dagaalka Sokeeye socday, waxa uu bulshada u iftiiminayaa qaabkii ay nidaamkii dawladeed ee Soomaliya ka jirey mar qura dhulka afka u daray, waxa uu qoraaggu aad ugu nuux nuuxsanaya sida ay qaabiilooyin careysan oo xil raadisa, mar kaliya u kala direen qaran waynihii Soomaliyeed, waxa uu soo gudbinayaa bililiqadii ka dhacaday xarumihii dawlada markii dagaalku bilaabmay. Waxaynu buugga kala baxaynaa jirrada dawlada rabta inay dunto ku dhacda, iyo qaababka lagu garto, qoraagu waxa uu ka sheekaynayaa, in waxyaabihii nidaamkii Siyaad Barre riday ay ka mid ahaayeen, dad qaar u af-duubnaa inaysan boos sarre iyo siyaasad cad ku lahayn haykalkii dawladeed ee markaa jirey, waxa kale oon ka fahmaynaa, dulmigii nidaamkii kaligii-taliska ahaa, uu ku hayey bulshada taas oo ay kamid tahay in birimagaydadii bulshada uu Siyaad Barre dhagta dhiiigga u daray, taas oo uu qoraaggu u sababeynayo inay tahay mid ka mid ah waxyaabihii keenay in qaranku xadka ka baxo, in kastoo jirrooyinkaasi ahaayeen kuwo hoosta kaga jirey, nidaamka. Waxa kale oo cajiiba oo uu Qoraaggu inoo bidhaaminayo, sida mar qura jabhadii careysnaa ee hal mar dalka daf soo yiri ay uga tagtay wadaniyad jacaylkii iyo kufaankii qabkii Soomaliyeed, jabhaduhu waxay shacabka kula kaceen, kufsi, xoolo urursi iyo dil qabiilo gaar ah ku saabsan sida uu qoraggu meelo badan oo buuggga ka mida ugu faahfaahinayo. Qoraaggu waxa uu inoogga warramayaa sida hal mar oo kaliyaata qabyaaladii 1970-kii la aasey ay dhulka hoostiisa uga soo kacday, dad badan oo ka faallooda arrimaha qabyaalada waxay u cuskadeen inaysan qabyaaladu dhiman balse waji kale oo aan dadku fahmayn Fiila Soomaliya lagu geeyey waana mida keentay in mar qura xagga Fiilada ay ka bilaamato qaraabo kiilnimo xoogeysatay, oo sida ay u muuqatay ku awood yeelatay Fiiladda. Bogagg tiro badan oo buuggga ka mid ah waxa uu qoraaggu kaga warramayaa sida ay Jabahdii dalka qabsaday ay magaaladii Muqdisho uga dhigeen, Magaalo ka hooseysa qayrkeed, waxay dhaceen hantidii dad weyanaha waxay jajabiyeen qalabkii xafiisyadada iyo kuwii Hay'adaha dawlada, waxay bililiqaysteen hooyooyinkii iyo maatidii bulshada. Xamar mar kaliya waxa ay noqoto mid ka duwan Xamartii 60-kii.
Boggaga 25-30, waxa uu qoraggu kaga warramayaa mar isaga iyo Barayaal kale oo ka tirsanaa Kuliyadda Tababarka Maclinimiinta ee Lafoole ay booqasho ugu tageen Maxamed Siyaad Barre, u jeedku waxa uu ahaa in madaxweynaha loo bandhigo, in ay waddaan buugg xasuus qor ah oo ku saabsaan Maxaxweynaha Taariikhdiisa laga bilaabo maalinkiii uu dhashay ilaa markii uu talada dalka la wareegayey, Maxamed Siyaad Barre waxa uu sheegay taariikh xanuun badan oo ku saabsan qaab koriinkiisii taas oo saamayn ku yeelatay duntiisa hoose ama miyirka hurda (unconscious mind), waxa uu xusay in Madaxweyne Siyaad Barre qoyskiisu ahaayeen qoys xoolo dhaqato reerguura ah, oo 20'meeyadii dagi jirey gobolka Galgaduud, waxa kale oo uu xusay in dhammaan qoyskoodu ka qayb qaateen halgankii Daraawiishta ee la isaga caabinayey gumeystihii Ingiriiska, Talyaaniga iyo Xabashida. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Aabihii Siyaad Barre —oo ku magac dheeraa Garabaweyne—iyo walalakii Faarax Dhikilo ay go'aan sadeen in ay qoysaskooda u raraan gobolka "Gedo." Nasiib daro iyagga oo wadadda sii socda ayey shufto waddada ku dishay Faarax Dhikilo oo ahaa Madaxweynaha adeerkii, waxa uu sheegay in xaaska Adeerkii Aabbihi dumaalay, mudo yar ka dibna ay uur qaadey. Isaguna uu dhashay markay reerku gaareen Gedo. Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in markii uu toban jir siday adeerkii la dilay, Aabbihii oo wardoon ahaana, uu ku dhintay dagaaladii Cumar Samatar kula jirey gumeystihii FaajiistahaTalyaaniga, ka dib markii dhaawac soo gaarey uu u naf baxay, awoodna looma yeelan in Aabihii si quman loo aaso, waxase lagu riday Maydkii Aabihii Ceel Mareeg la yiraahdo. Waa dhacdo kale oo ku sawir maysa, Wiil yar oo ku koraya dhul oomane ah oo dagaal ka socdo, dhacdooyinkan isdaba jooga ah ee dhiillada ah waxay saamayn ku yeelanayaan maskaxda, wiilkan yar. Waxa uu madaxweynuhu ku dheeraaday taariikh nololeedkiisii waxa uu sheegay in ciidamadii Talyaaniga ee loo diyaarinayey inay ku duulaan Itoobiya uu ka qayb galay waxa uu ku nuux nuuxsaday in uu Itoobiya kala kulmay dad ku kala duwan; diin, af, dhaqan iyo caadooyin kale, wuxuu sheegay inuu waayo aragnimo ka kororsaday markii dambe noloshiisa anfacday. Qaab korriinka Siyaad Barre waa midii ka dhalatay nidaamkii qalafsanaa uu mudada 21ka Sano ahaa uu waddanka ku dhaqayey, qaab koriinkiisii waa mida sawirtay aduun aragiisii qofeed, waxa uu ahaa Madaxweyne adag adag, oo ay hal hays u tahay maah-maah uu isagu samaystay oo oranaysa "Xukun jilicsan iyo gus jilicsan midna khayr male."
Boggaga 71-89, waxa uu qoraagu ula baxay "Kalageyn Qabiil." Waxa uu si waafiya ugu soo ban dhigayaa sida mar qura colaaddii socotay ay iskugu bedeshay mid qabiillo gaara lagu bartilmaameedsanayo (Daarood), waxa uu qoraagu qalinka ku adkeeyeen in colaad aan la saadaalin doonin ay qayb ka noqdeen odey dhaqameed yadii qabiillooyinka, waxa markii hore loo haystay in arrinku yahay mid fudud marka labada dhinacba laga fiirsho waxase hooggeed ba'ay markii colaaddii isu rogtay mid qabiil sal u ah, ama hayb gaara. Xamar waxa ay hoy u noqotay jabahado hubaysan oo quwaddo aan la dhayal san karin mid walba gaar keed u leh, waa awooddo isku sidkan, awooddahani waxay sabab u noqdeen in Muqdisho noqoto goob gubata, oo dadkeedu dariska maciin bidaan qaarkoodna kaamamka shisheeye ku naf-baxaan. Waxa halkaas dib u soo noolaatay qabyaaladii waxana awood yeeshay shirarka naxliga qabyaalada ku salaysan ee magaalada muqdisho lagu qabanayo, waxa kordhay da'yarta naftooda u waayaya difaacida qabiilka, waxa salka galay rajada ummada, waxaana halkaas ka aloosmay qaraabo kiilnimo aan la garanayn waxa ka dhalayana xitaa kuwii hoggaamiynayey Jabahadaha. Waxaa la miciin-biday dawlado shisheeye oo ay ugu horeyso Itoobiya waaxaana mar kale Soomaali deris la noqotay in dhexdeedu dhiigga dhegta isu daraan.
Boggaga (111-121), waa qayb kale oo yaable, haddana xiisaheeda leh qoraaggu waxa uu ula baxay ama cinwaan sarre uga dhigatay "Bixiyow i bixi!." Waa firxad markan waxa aad sawiran kartaa Xamar oo dadkii u dhashay ay qaxayaan qofkastana uu ku jiro tabaabushaheedii qaabkii uu naftiisa ula baxsan lahaa, wadooyinka magaaladu waa haad la' qof dhaqaaqaya ma jiro, dadkii wadooyinka tubnaan jirey la waa, qaar waxay naftu u sheegatay inay naftooda kala cararaan halkan baladu ku habsatay, magaalada qaarkeed qaraxyo ayaa ka dhacay sida muuqatana way ololaysaa. Boggaga 141-151, waxa uu qoraagu ugu magacdaray, "Maydka 'Cadawgu' duugid ma leh." Sida ka muuqata waxa kordhay maydadka labada dhinac ee dagaalka, waxa suuqyada magaalada Muqdisho waran maydad dad shacab ah iyo kuwo loo dilay si gaara (Qabiilnimo), urta maydka ayaa meel walba ka soo uraysa waxa in yar loogu jiraa marka si guud loo sawiro in xanuuno magaaladu ka dilaacaan, waxa halka hooose ee magaalada ka dhacay qaraxyada madaafiicda waxa marka qaar sidii caleemo u soo daadanaya rasaas qabowday oo meel fog laga soo riday. Qoraagu waxa uu sawir guud ka bixinayaa markii uu tagay "Baar Bakiin", qaabka ay ahayd waxa uu tilmaamayaa in muuqaalka uu ugu tegay Baar Bakiin ay ahayd mid laga argagaxo, "Dad dhintay maydadkooda ayaa la taalleeyay, si gaadiidka waddada maraya loogu gooyo." Qaar kale oo maydadka kamida waxa loo sameeyey sidii dhul jiif oo kale, [Runtii waxaan oran karaa waa fal ka baxsan bini-aadan tinimada iyo islaanimadda, Nabiguna NNKH markii uu ka warameyey dadka walaala ah oo dhexdooda xumaato dhibka ka dhex dhaca waxa uu ku tilmaamay inay diinta xiirto, diintana waxa kamida qofka oo sharaftiisa la dhawro marka uu nool yahay iyo marka uu dhinto. «فإن فساد البين هي الحالقة، لا أقول تحلق الشعر، ولكن تحلق الدين»]
Geeridii qoyska gashay, boggaga kala ah 181-189, qoraaggu waxa uu ku soo bandhigayaa geeridii argagaxa lahayd ee hal mar ku habsatay qoyskooda, waxa uu qoraaggu qalinka ku sugayaa, in intii dagaalku socday maalinkii ugu murugada badanayd ay ahayd, in Maalin gelinkeedii dambe uu soo gaarey war sheegaya in walaalkiis (qoraagga), Cabdi iyo Xasan, oo ahaa wiilkiisii keli ahaa abtigii Cabdicasiis Ismaaciil (Dakharre). Iyo Aamina Jaamaca oo uu abti u ahaa ay malleeshiyo USC raacsani dishay. Sidii caadadooda maalmeed ahayd mawlaca Sheekh Nuur, Cabdi, Cabdicasiis iyo saaxiibatood waxay ka uruurinayeen maydadka yaallay, si ay u aasaan. Iyaga oo hawashaa haya ayaa iyaga iyo afar qof oo kale la dilay. Xasan ayaa markii uu maqlay u cararey Mawlac Sheekh Nuur, si uu uga wardoono aabihii, hadii ay u suurawdana uu maydkiisa soo qaado si loo aaso. Nasiibdarro, intii uu sii socday ayey malleeshiyaadkii USC qabteennoo dileen, halkaas ayuu isna ku naf go'ay. Qoyska iyo dadka kaleba ma awoodin inayn maydadkooda soo qaataan, si aasid Islaameed oo sharafsan loogu sameeyo. Dhacdooyinkan aragagxa leh ayaa meesha ka muuqday, qaybo badan ayaa jira oon buugga ka tegay waxase aan isku dayey inaan soo koobo, qaabkii ay xaalaaddu ahayd markii dalku galay Dagaalka Sokeeye.
Ugu dambeyntii—taariikhdu marna ma cafin doonto kuwa tolkood luggooyay, waddaniyadii Soomaaliyeed xabaalay, rejaddii shacabka wiiqay, dhismihii qaranka dhulka dhigay, ummadii kala irdheeyey, qabyaaladdana sare u qaadey, si ay awood qof ahaaneed oo dhalanteed ah u hantaan (Madaxtinimo).
W/Q: Axmed Xisaam Miido
Comments
Post a Comment