HARGEYSI WAA TUMA
Hargeysi waa magaalo ka duwan magaalooyinka ay Soomaalidu degto. Waa magaalo lagu kala tagay haddii ay noqoto dhanka dhaqaalaha, aqoonta, siyaasadda iyo dhammaan dhinacyadda kala duwan ee nolosha. Si guud, dadka Hargeysa jooga waxa ay u qaybsamaan laba qaybood, kolka la joogo jaanibka aqoonta: Dad aqoon leh, waxna akhriya iyo dad marka aan si guud u eego caammo ah. Dhanka kale, xagga dhaqaalaha waa laba kooxood: Dabaqad sare oo maalin walba dhaqaaleheedu kordhayo iyo dabaqad hoose oo dhul taal u badan; si kale haddii loo dhigana ‘qaadaa ma dherge ah.’
Magaalada Hargeysa, marka la ga eego dhanka aragtiyaha iyo afkaaraha yaalla, waxa aan odhan karaa: waa magaalo ay taallo afkaar walba oo dunida inteeda badan ka jirta. Dadyowga magaalada yimaadda waxa ay noqdaan, inta aan ka arkay labo kooxood: koox aragtiyahaas la falgalasha iyo koox noqota ban-joog ah, oo waxa jira iyo hawsha socota aan badaheeda ku jirin; balse dhegta uun ka maqla wixii hadba cusub oo la hadal hayo—waana koox ka badan kooxda kale.
Waxa jira, marmarka qaar, in ay afkaaraha magaalada yaallaa isku dhacaan, oo ay iska hor yimaaddaan. Dadyowga qalin daara afkaarahaasi waa dad aan badnayn oo faro-ku-tiris ah; waana qolyo dhiirran oo mayal adag, inta aan ka arkay. Markaasna waxa badata xidhida dadka iyo hadal haynta dhacdooyinka markaas jira, haddii ay noqoto barta Faysbuugga, oo ay Soomaalidu aad ugu foogantahay adeegsigiisa. Balse si guud afkaaraha magaalada yaallaa waxa ay u wada nool yihiin si nabadi ku jirto; ama si kale haddii aan u dhigno—waa dab shidan oo aan kuleylkiisa la dareemayn—qolo walbana hawsheeda ayey wadataa, waxayna isku dayeysaa in ay afkaaraha kale ee jira ay muquuriso. Muquurintu ma aha tii gacan-ka-hadal ka ahayd, ee waa mid ku salaysan farsamo iyo xeelad inta la ogyahay ka durugsan.
Waxa cajiib ah, in kooxaha fikir ee magaalada ku wada nool laga soo helayo qolo walba; dad kala duwan oo heerar aqooneed oo kala jaad ah takhasusyo ka wata. Waa meel haddii aan erey bixin kale adeegsado, uu ka jiro ‘dagaal qabow oo dhanka afkaarta ah.’ Ku darso magaaladu waa caasimadda Soomaalilaan. Haddii aan fiirinno dhanka siyaasadda, xukuumadda immika jirta waxa ay qabatay doorosho iyadana lagu kala baxay, oo noqotay odhaahdii Soomaaliyeed ee ahayd: “nin iyo xabaashii loo kala tag.” Doorashadu waxa ay soo saartay, haddii ay noqoto gollaha deegaanka iyo kuwa wakiilladaba, dadyow kala duwan oo afkaaro kala duwan wata, dadyowgaas kala duwan oo iskugu jira siyaasiyiin, waddaado iyo bahdii fanka. Waa gole dhinacyadii bulshadu ku dhan tahay.
***
Haddaba, qoraalkan yar waxa uu isku dayi doonaa in uu xoogga saaro, is la markaana uu soo koobo, tilmaamaha ay Hargeysa kaga soocantahay magaallooyinka kale—haddii ay noqoto dhanka dhaqaalaha, aqoonta, afkaarta iyo waliba fanka. Waxa uu qoraalku isku dayi doonaaa in uu sawir guud ka bixiyo dhaammaan arrimahaas aynu soo xusnay, si aynu u fahanno magaalada aynu ka warramayno.
1. Hirdanka fikir ee ka jira Hargeysa dhexdeeda
————
Hargeysi waxa ay la ciirciireysaa loollan afkaareed oo halis badan. Magaalada waxa jooga, haddii aan eegno xagga diinta, kooxo kala duwan oo firqooyin kala duwan ku abtirsadda, sida: Selefiyadda, Ictisaamka, Ikhwaanu Musliinka iyo waliba Suufiyada dariiqooyinkeeda kala duwan. Dhammaantood, marka si guud loo fiiriyo, mid walba waxa uu leeyahay saamayn—in kasta oo dadyowga arrimahan u dhuundaloola ay carrabka ku adkeeyaan in saamaynta ugu badan cidda lihi ay tahay ‘jamaacooyinka selefig ah, ama si guud wahaabiyada lagu magacaabo; gaar ahaanna jamaacada Ictisaamka’, oo ku lug leh xagga dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhinacyadda kala duwan ee nolosha. Laakiin si guud ahaaneed, firqooyinkan kala duwani waxa ay u wada nool yihiin si ixtiraam iyo nabadi ku jirto; in kasta oo marmarka qaar ay minbarrada masaajidda si ba’an isaga weeraraan, oo ay ku loollamaan waxyaabaha ay ku kala duwanyihiin, haddana weerarkoodu afka ma dhaafo.
Aragtiyaha kale ee dhex mushaaxayaa magaalada waxa ka mid ah: fikirka loo yaqaanno Dheddigoodka {Feminism}. Waxa jira dumar badan oo baraarugsan, oo dareemaya in xuquuqdoodii la duudsiiyay, haddii ay noqoto xuquuqda magaaladda iyo tan dalkaba. Waxa se weheliya rag badan oo aragtidan la qaba, taageerana siiya. Baraarugani waxa uu keenay: in ay samaystaan ururro iyo kulanno is-xaal-wareysi, kaas oo la xidhiidha fikirkooda. Waa dumar ku hubaysan aqoon iyo waaya-aragnimo. In kasta oo ay jiraan qolyo badan oo ka soo horjeeda fikirkaas, haddana waa aragti iyo afkaar aan la dhayalsan karin, dad badanna laf-dhuun-gashay ku noqotay.
Innaga oo aan dhex muquuranayn, aragtiyahan oo u baahan faahfaahin dheeriya, bal aynu eegno kuwa kale ee jira ee ay ka mid ka yihiin aragtiyaha la la xidhiidhiyo: Calmaaniyadda, Xorriyadda aan dabarka lahayn {Liberalism}, Hanti-wadaagga, Shuuciyadda iyo Ilxaadka. Dhammidood waa aragtiyo jira, aan se shaacsanayn; waxa ayna leeyihiin saamayntooda—inkastoo aysan isku wada tamar iyo taag ahayn—haddana waa kuwo aan la yareysan karin, sida ay sheegaan dadka aad ula socda isbedelladda aragtiyeed ee magaaalada ka jira ama dadka xog-ogaalka u ah xaalka guud ee magaalada.
Haddii aynu soo koobno, Hargeysi waa magaalo ay cammireen fikrado kala duwan oo ka soo kala jeeda: bariga dhexe, gaar ahaan [Khaliijka], waqooyi-bariga Afrika, gaar ahaan [Masar iyo Suudaan], qaar laga soo dhoofiyey reer galbeedka, gaar ahaanna [Yurub iyo Amerika], iyo aragtiyo dhalad ah oo aan iyagu meelna ka soo gelin magaalada, se u dhashay; waxaana ugu mudan midda Qabyaaladda iyo Toleysiga oo iyadda qudheedu door weyn ku leh nidaamka siyaasaddeed iyo kan wada noolaansho ee Soomaalillaan, guud ahaan iyo gaar ahaan caasimadda Hargeysa.
2: Heerka akhriska iyo dhiganayaasha.
—————-
Hargeysi waxa ay muddo ku suntanayd magaca ah ‘Hoyga Fanka iyo Suugaanta’, immika waxa ay ku darsatay ‘Hoyga Akhriska iyo Buuggaagta.’ Baraarugga akhriska ee Hargeysa ka jira, waxa uu soo bilaabmay muddo fog, ka dib markii ay unkameen kooxo akhris wadaag ah, oo ka dooda, gorfeeyana buuggaagta. Hargeysa waxa ay ka mid tahay, meelihii ugu horeeyey ee lagu qabto, bandhig buug, ilaa markii dambe ay gaar la noqotay, bandhigga sannad laha ah ee caalamiga ah: Hargeysa International Book Fair. carwadan waxa hormuud u ah Dr. Jaamac Muuse Jaamac, oo ah guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Isbedelladdan akhris ee ku dhacay magaalada, Hargeysa waxa ay keeneen in dadka wacyigooda guud uu kordho, Hargeysana ay hoy u noqoto meel lagu lafa guri karo aragtiyaha dunida ka jira.
Hargeysa waxa ku yaalla maktabado casri ah oo ku shaqeeya habka wax iibinta casriga ah ee online-ka, sida ‘Iqra Online’, oo buuggaagta ku iibisa qaab online ah; waxaa kale oo ka furan Sahan Books. Waxa ka jira shirkado casri ah oo buuggaagta daabaca, oo ay hormuud u tahay shirakadda Hiil Press; oo soo kordhisay in buuggaagta afafka qalaad ku qoran loo soo turjumo af Soomaali—waxa ayna leedahay mashruuc la magac baxay “Hiil Turjumid.” Hargeysa waxa ka jira baraarug akhris oo si xawli ah u socda, dadkuna ay ku kala tageen. Waxa magaaladda jooga dhallinyaro fara badan oo wacyigoodu korsan yahay.
Magaaladdu waxa ay gaar ku tahay bandhigyada buuggaagta; buuggaagtaasi ha noqdeen kuwo dhaqan, kuwo dhaqaale ama kuwo aragtiyeed. Guud ahaan, dadku aad bay u xiiseeyaan in ay ka qayb galaan xafladdaha buuggaagta iyo kuwa aqoonta tibaaxaya. Waxyaabaha cajiibka ah ee aan la yaabay waxaa ka mid ah: in bulshadda dhallinyaradeedu isku si u tagaan goobaha diiniga ah ah iyo kuwa maaddiga ah; taas oo ku tusinaysa sida ay u jecel yihiin in ay dhegeystaan aragtiyaha iyo loollanka dunida ka jira. Waxa baraarugga aqoonta qayb ka ah wadaaddada ku nool magaaladda Hargeysa, si guud firqooyinka jira waxa muuqata in wadaaddadu la socdaan isbeddelka xooggan ee dunida ku dhacay, badankooduna waxa ay bilaabeen arrimo iskugu jira: qorista buuggaagta, kasbashadda cuquusha dhallinyaradda iyo wacyigelinta ama durida duullaanka maskaxeed ee dunida ka jira. Waxa kale oo raad muuqda ku leh caqliyada dhalinta baraarugsan—mufakiriinta Soomaaliyeed iyo qoreyaasha; kuwaas oo aynu ku tilmaami karno kuwa wax ka qora arrimaha fikirka iyo diimaha. Sida oo kale, waxa aan meesha ka madhnayn raadadka fikir ee mufakiriinta iyo falaasifada qalaad, oo iyaguna soo dhex raacay kacdoonka akhris iyo ogaal ee ka aloosan daafaha iyo badhtamaha magaalada.
Hadda loollanka akhris iyo qoraal waxa uu u dhexeeyaa wadaaddada immika baraarugey iyo dhallinyaradda isbeddel doonka ah. Waxa soo baxaya buuggaag badan oo ay qorayaan waddaadadu. waxa kale oo jira buuggaag fara badan oo ay turjumayaan dhallinyaradda magaalada ku nool, siiba kuwa ku sunta qorista iyo turjumidda buuggta. Aragtidayda labadan kooxod ayaa dhanka akhriska iyo qoraalka ku hirdamaya, waxaana muuqata in loollankooddu bannaanka u soo baxay, oo dadka oo dhamina dareemay. Nin dhallinyaro ah oo aan ka sheekaysanay baraarugga akhris iyo qoraal ee Hargeysa ka jira iyo kooxaha uu u dhexeeya waxa uu yidhi: “Baraarugga immika jira, waa mid si xawli ah u socda, lamana saadalin karo halka uu saldhigan doono iyo cidda guulleysan doonta, waxase uu loollanku u dhexeeyaa waddaad baraarugey iyo waranle deyeysan.” Si kastaba ha ahaatee, Hargeysa waxa ka jira loollan xooggan oo dhanka akhriska iyo qoraalka ah, ama si kale haddii aan u dhigno ‘loollan dhanka afkaarta ah.’
3: Nidaamka dhaqan-dhaqaale ee Hargeysa.
———-
Qaybtan waxa aynu ku iftiimin doonnaa qaybsanaanta kala duwan iyo heshiiska dhaqaale ee ka jira magaalada Hargeysa. Middaas oo keentay in dadku noqdaan: Burjuwaasyiin jeeb wayn ah iyo kuwo bulsho dabaqada hoose u badan.
Dastuurka Soomaalilaan, oo ah kan ugu sareeya sharciga Soomaalilaaan ka jira, waxa ku qoran: “In nidaamka dhaqaale ee Soomaaliland, uu yahay mid xor ah. Sidaas oo ay tahay, waxa jirta in aanu xaalku sidaas ahayn, xornimada suuqana waxa ku gedaaman madmadawyo badan. Waa run oo waad furan kartaa makhaayado yar-yar oo ganacsi, weliba si xor ah, se marna suuro gal kuuma aha in aad iskaa wax ula soo degto ama jeeble wayn noqoto, oo waxa gacmaha kaa xidhaya musuqa baahsan ee ka jira suuqa iyo ammar ku taaglaynta ay Burjuwaasiyiinta garabka ka haysata dawladdu ku hayso suuqa. Guud ahaan ganacsatada waawayn ee Soomaalilaan, gaar ahaan kuwa Hargeysa, waxa ka dhexeeya heshiis ah in ay sicir isku mid ah ku gadaan alaabaha ay dalka keenaan. Tusaale: haddii aad markab alaab ah ku soo xidhato dekedda, waxa aad ku khasban tahay in aad iyaga heshiis la gashid, la’aantood wax kuu soconaya ma jirto, oo si dadban ayaa laguu dagaalayaa; adiguna tamar aad iskaga dhiciso ma lihid, oo waa Burjuwaasi garab-ku-daaq ah.
Dhanka kale, waxa jira ganacsiyo waawayn, oo ay kooto ugu xidhan tahay dad gaar ah. Tusaale ahaan, sida lagu xusay barnaamijka “Baadigoob” sannadkii 2017 doorashadii Muuse Biixi, khadka Internetka waxa kooto loogu xidhay shirkadda Some Cable, taas oo qayb wayn ka qaadatay doorashadii Muuse iyo guushiisii madaxtinnimada.
Marka ganacsiga qaybo badan loo qaybiyo, waxa jirta in bagaashka oo uu ugu yar yahay nacnacu uu nin keliya kooto ugu xidhan yahay. Ganacsigan wada kootada ahi, waxa uu dhaabad ku yahay qof walba oo raba in uu bilaabo ganacsi. Dhammaan alaabaha la soo dejiyo ee Hargeysa yimaadda, waxa ay kooto ugu xidhan yihiin dad kooban oo aan badnayn, kuwaas oo miirtay dhiigii shacabka.
Hay’adda cilmibaadhista ee loo soo gaabiyo ‘ADP’ kana hawl gasha geyiga Soomaalilan, ayaa warbixin ay soo saartay ku tilmaamtay “in suuqa xorta ah ee aysan dawladdu xakamayn iyo ganacsatadan wax walba kootada ku xidhatay in ay yihiin labada shay ee halista ku ah nidaamka dawladnimo ee Soomaalilaan.” Si kastaba ha ahaatee, nidaamka dhaqaale ee Hargeysa waa mid lagu kala sooc-may; Waana dhaqaale ay ku midaysan yihiin wadaad iyo waranleba.
Ganacsiga qaar waxa looga dambeeyaa wadaadda Ictisaamka, oo saamayn aad u weyn ku leh, dhanka bangiyada iyo xawaaladaha casriga ah. Inkastoo mar aan raadraacay aan helay ‘in aysan jirin dhaqaale buuran oo ka soo xarooda bangiyadda’, waxa se la ii sheeggay in dhaqaalo fara badani oo qolyahani helaan, uu ka soo xeroodo muwaacimooyinka khayriga ah, ee ka yimaada dalalka carabta—waana dhaqaalaha Burjuwaasiga ka dhigay wadaaddadan.
4: Hoyga Fanka iyo Suuggaanta
—————
Taariikh ahaan, waxa magaalada Hargeysa lagu tilmaamaa in ay tahay meel fanka iyo suugaanta asal u ah, waxa la sheegaa in ay ka badsato magaalooyinka kale ee Soomaalidu degto hal abuurka suugaanta iyo heesaagaba. Waxay caan ku ahaan jirtay masraxyada riwaayadaha iyo heesaha kala jaadka ah lagu soo bandhigo; masraxyadaas oo uu ugu magac waynaa tiyaatarkii qaranka ee Hargeysa National Theatre. Sida oo kale, waxa lagu xasuustaa kooxihii heesaha iyo riwaayadaha kala duwan ku soo bandhigi jiray dalka Soomaaliyeed in ay badiba ka soo jeedeen magaalada Hargeysa ama ay fankooda halkaas ka soo bilaabeen.
Marka intaa laga yimaaddo, Hargeysi waxa ay magaalooyinka kale kaga duwan tahay hadda, waa magaalo uu wali ka jiro baraarug iyo nooleyn ku aaddan dhanka ‘Fanka.’ Si guud ayaa loo xiiseeyaa dhammaan nooc yada kala duwan ee Fanka Soomaalida. Waxa magaalada jooga dhallinyaro badan oo aad u xiiseeya dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida, taas oo ay kaga duwan tahay badi magaalooyinka kale ee ay Soomaalidu degto. Waxaa jira bandhigyo suugaaneed oo ay dhallintu dhigtaan, middaas oo ay ku soo bandhigayaan hibdooda suuggaaneed.
Hargeysa waxa aad looga qaddariyaa qamaamuurta suugaanta Soomaalida, waxaana aad loo xiiseeyaa in wax laga dhiteeyo hormuudkii suugaanta. Bilihii ina dhaafay waxa aad loo buux dhaafiyey bandhigayadda saddexda buugg ee ‘Foolaad, Hawaale Warran iyo Joogaha Maqan.’ Waxa muuqatay in dadku sharfayaan, xiiseynayaan, xusayaan: raggii raadka ku lahaa Fanka iyo suugaanta Soomaalida. Badhigyaddani waxa ay muujinayaan saansaan sheegaysa in uu dib u soo noolaanayo Fankii Soomaalidu. Mukhtaar Ahmed, oo ah dhallinyarada aadka ula socota baraaruga ka jira magaaladda Hargeysa, mar uu ka faalloonayey Fanka Hargeysa waxa uu yidhi:
Bandhigga saddexda dhigane ee [Foolaad, Hawaale Warran iyo Joogaha Maqan], waxa ay dirayaan farriimo badan oo dahsoon. Middi waa in aanay suurogal ahayn in fanku, siiba suugaantu ay ka idlaato quluubta Soomaali badan, maxaa yeelay suugaantu waa dhaxalka qudha ee inooga hadhay wax kasta oo burburay haba yara liicdo e’. Farriin kale waa in sannadihii u dambeeyay geyiga Soomaaliyeed uu qoraalka iyo akhrisku sare u kaceen, taas oo isbeddelka laga dheehan karo sida waxyaabo badan looga falceliyo.
Farriin kale ayaa ah: in hadda uun ay Soomaalidu ku baraarugtay in la qiimeeyo, la sharfo, la xuso oo la wayneeyo haldoorka ay bulshadu leedahay, isla markaana la kaydiyo waayo-aragnimadooda, si dhallaanka dambe uga faa’idaystaan. Inta aynu ognahay, foolaadyo iyo haldoorro badan oo dhanka dhaqanka, suugaanta iyo siyaasaddaba leh ayaa wax badan laga qoray. Tan ayaa ah farriin kale oo ah in wax laga guntado dadka saamaynta toggan ku leh nolosheenna.
Si kastaba ha ahaato e, waxa bogaadin, maamuus iyo milgaba mudan, cid kasta oo si toos ah iyo si dadbanba uga qayb qaadatay in ay saddexdan dhigane ku soo biiraan kaydka suugaanta, akhriska iyo dhaqanka ee Soomaaliyeed. Arrintani waxa ay yididiillo iyo filasho wanaagsan ku abuuraysaa dadka jecel in ay arkaan ‘fanka Soomaaliyeed oo cago adag ku taagan.’
Hargaysa waxa u hirgalay magaca hoygii fanka, waxa ayna noqotay astaanta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, markasta oo aad dhegaysto ammaan Hargaysa gaar loogu yeelay, kama madhna halkudhigga aynu kor ku soo xusnay ee ah “Hoygii murtida iyo hooyadii abwaanka.” Fanaaniinta Soomaaliyeed meel ay joogaanba imaatinka Hargaysa waxay ka dhaxalaan haybad, oo waxa ay ka dhigantahay in ay siyaarteen xaramkii murtida iyo hawraarta. Muddooyinkii u danbeeyey waxa iska soo dabadhacayey safarrada ay fanaaniintu Hargaysa ku imanayeen, si ay u huwadaan shaalka haybadda una helaan shaanbadda halyeynimada fanka. Ma aha fannaaniinta oo keliya, balse waxa sidoo kale qulqul is daba joog ah ku soo jiray muddooyinkii ugu danbeeyay, dhammaanba bahda suugaanta jaadadkeeda kala duwan, gaar ahaanna qaybaha fanka iyo qoraalka, oo waxaynu arkaynaa qoreyaal tiro badan iyo dad bulshada dhexdeeda magac ku leh oo Hargeysa ku soo qulqulaaya. Isku soo wada xooriyoo, Hargeysa waxa ay hoy u tahay, qaaamuurtii fanka Soomaaliyeed iyo qoorwaynta suugaanta kala duwan ee Soomaalida.
***
Guntii iyo gunaanadkii, tilmaanta iyo tibaaxda guud ee magaalada Hargeysa, waxa aynu ku soo koobaynaa: Hargeysa sooyaalkeeda lagu ma soo ururin karo hal qormo ama laba qormo, balse tilmaantuna ka dari mayso e, Hargeysa waxay horumar ka samaysay dhinacyada kala ah; fanka, suugaanta, ganacsiga, tacliinta iyo dacallada kale ee nolosha; haddana weli waxa ay hiigsanaysaa meel lagu gaadhi karo hore u socod iyo hakad la’aan. Waxa aan qabaa taas in ay jidkeedii hayso; waayo waxa ka dhiman ayaa ah wax la dhammaystiri karo. Hargeysa waxa ka socda horumar, ledgan iyo is riix-riix, tiro badan, waa magaalo fikir ahaan, dhaqan ahaan, bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaaba koreysa. Waxa aan rajaynayaa in horumarka iyo deggenaanshaha ka muuqda uu ku faafo gebi ahaan, geyiga ay Soomaali degto. Runtii waa midda igu dhalisay in aan aragti iyo tilmaan uun ka bixiyo Hargeysa. Waxa aan qabaa in ay tahay magaalo ay ku nool yihiin, Soomaali ka duwan Soomaalida kale, waa magaalo dadkeedu uu bisayl fara badani ka muuqdo.
FG: Dhammaan macluumaadka qoraalka ku duugan waa aragtidayda iyo raadraacyo aan sameeyey. Waa suurtagal wax badan oo aan qorey in ay jiraan, kamana dhigna wax ceebi ku jirto, balse waa ifafaalo tilmaamaysa horumar. Cid gooni ah oo aan farta si gaar ah ugu goday, iyadana ma jirto. Sawirka aan Hargeysa ka bixiyeyna waa mid aniga qaab aragayga ka turjumaya, mana aha wax aan qayb dadka ka mid ah ku weerarayo, se waa adduun-aragayga, waana suurtagal in adduun-aragaygu khaldamo ama ay wax ka si noqdaan, taasna aadmi ayaan u ahay.
Dhammaad
Comments
Post a Comment