Alle-koodnimadu ma doorasho caqliyaa mise waa xanuun nafsiya?.
Qoraaga iyo kasmanafeedka reer Mareykan ee Paul Vitz, waxa uu leeyahay; "Qof kasta oo Mulxid ah kuna ad-adag aragtidiisa ilxaadka, si kasta oo uu u soo ban dhigo sababo caqli iyo maan gal ah oo ku riixday in uu qaato fikirka ilxaadka waxaa mar walba soo baxaysa in ay jirto sabab nafsiya, mid shakhsiya iyo mid bulsho oo saamayn ku leh inuu qaato ilxaadka." Guud ahaan dunida waxa ku soo badana dadyowga alle-kooda ah. Sida ay sheegtay Jaamacada Harvard University, labaatanka sanno ee soo socota afkaarta dunida hagaysa waxa ay noqon doontaa, saddex kooxood; kow, kooxda u dooda galmadda dadka isku jinsiga ah (Homosexuality), labbo; kuwa maandooriyaasha, saddex; kooxda u dooda alle-koodnimadda (atheism). Aqoonyahanadda wax ka qora, arimaha ilxaadka waxa ay xusaan in ay jiraan sababo nafsiya, kuwo shakhsiya iyo kuwo bulsho oo ka qayb qaatay in dadku qataan fikirka ilxaadka, dadkaas waxa kamida; Dr Amr Sharif oo ah aqoonyahan wax ka dhiga jaamacada Ain Shams ee waddanka Masar.
Waxa kale oo kamida, Dr Tariq Habib oo ah xeeldheere ku takhasusay kasma-nafeedka; waxa uu sheegaa in dhamaan dadyowga qaata ilxaadka ay qabaan xanuuno nafsiya, oo ay ugu horeeyaan shikiga, khalalka ku yimaada maskaxda, kuwa dareemada iyo kuwo fikirka ku saabsan. Dhanka kale Dr; Cabdirxamaan Dakir oo ah isna aqoonyahan ku takhasusay aqoonta nafta waxa uu yiri, sannadihii 2016-2017, dadyowgii iigu imanayayey goobta caafimaadka 46% kamida waxa ay ka cabanayeen mashaakil nafsiya oo ku saabsan arimaha diinta siiba dooda jirintaan Eebe. Waxa kale oo ay ka cabanayeen, xanuuno nafsiya oo iskugu jira; qulubka, walbehaarka, iyo xanuunka afka qalaad lagu dhaho ( obsessive compulsive disorder/اضطراب الوسواس القهري), oo ah natiijo ka dhalata ismood siisyo been ah (delusions/أوهام).
Sidoo kale Ali Al-Omari oo ah aqoonyahanadda aadka uga warama arimaha ilxaadka waxa uu yiraahdaa; "dhamaan intooda badan culumadda cilmi nafsiga casriga ahi, waxa ay isku waafaqsan yihiin, in ilxaadku yahay maxsuul ka dhashay sabab nafsiya, waxaana kamida sababahaas; qulubka, kali ahaansha iyo murugada, kuwaas oo marka dambe qofka dhaxalsiiya in uu isdilo." Dhanka kale prof Jeffrey Lang oo ah mulxid diinta Islaamka qaatay, mulxidnimadiisa marka uu kawaramayo waxa uu yiri; "sannado badan oon mulxid ahaa ma jirto, insaan lamida mulxidka oo ku nool kalinnimo." Prof Jeffrey Lang waxa kale oo uu sheegay in sababaha ku riixey inuu mulxid noqdo ay tahay, qalafsanaanta iyo macagagnimada waalidkiis, midkaas oo ku bixisay inuu isweydiiyo su'aalaha ku saabsan jiritaanka Eebe.
Ilxaadka waxa kale oo la xiriiriyaa in ay tahay sabab ka dhalatay duruuf nololeed iyo arimo shakhsiya; tusaale ahaan buugga caanka ah ee uu qorey kasma-nafeedka (psychologists) reer Mareykan Paul Vitz, ee lagu magcaabo "Iimaanka aabbe-laawaha: Saykoloojiyadda Ilxaadka" (=Faith of the Fatherless: The Psychology of Atheism /نفسية الإلحاد: إيمان فاقد الأب" Dr, Vitz waxa uu ku doodayaa in ilxaadku uusan ahayn wax ku salaysan sabab caqli ah balse ay tahay wax ka dhashay sababo xaga nafsada ah oo ay ugu horeyso Aabe la'aantu. Vitz waxa uu sheegay in mudo ku siman 20 sanno uu ahaa mulxid, waxyaabaha ku riixayna aysan ahayn wax cilmi loo cuskan karo, balse uun ahayd dhibaatooyin nafsiya (psychological traums). Qoraagu waxa uu ku doodayaa in mulxidiinta Eebe dafirsani ay yihiin, kuwo ay sabab u tahay Aabe la'aantu, ragga uu tilmaamay in aabe la'aani ku dhacday waxa kamida; Friedrich Nietzsche, David Hume, Bertrand Russell, Jean-Paul Sartre iyo Arthur Schopenhauer, dhamaan mulxidiintaasi waxa ay wadaageen, in ay aabahood waayeen, iyaga oo da'yar taasina ay ku dhalisay in xanuunka aabe la'aantu ay ku riixdo alle-koodnimo.
Dhanka kale Sigmund Frued oo lagu tilmaamo hoggaamiyaha ruuxiga ah ee alle-koodka, waxa uu leeyahay; mar kasta oo ay meesha ka baxdo saameynta aabuhu ku leeyahay ilmaha, waa markasta oo ay fududaato in ay ubadku lumiyaan iimaankooda. Sidoo kale Mary Ainsworth oo ah aqoonyahanad ku xeel dheer cilmiga nafta (psychology), waxa ay tiraahdaa; "ruuxa waaya hooyaddii iyo aabihii waxa uu u dhow yahay in la'aantood ay sababto inuu noqdo, alle-kood." Aqoonyahanadda cilmiga nafta dhamaantood waxa ay isku raacsan yihiin in maqnaanta labbada waalid ay saamayn ku leeyihiin ubadka, waxa kale oo ay carabka ku adkeeyaan in xitaa daryeel la'aanta waalidka ay ku bixiso ubadku in ay noqdaan kuwo macangag ah oo naxariis laawayaal ah.
Dr, Paul Vitz waxa kale oo uu buugga ku xusay wax uu ugu yeerey, "aabbe iin leh /defective father." Ereybixintani waxa ay tilmaamaysaa in ciladaha ku riixa mulxidiintu, in ay dafiraan jiritaan Eebe inay qayb ka tahay aabohood oo daciifa ama iin leh, waxa uu sheegay ragg aabayaashood iin ama daciifnimo lahaa, waxaana kamida ragga uu xusay; Sigmund Freud, Thomas Hobbes, Madalyn Murray O'Hair iyo ragg kale oo badan. Waxa kale oo uu xusay in garaacida iyo dilka ubadka la dilo ay dhaxalsiiyo in ay noqdaan dad dhiig cabayaal ah oo dhiigga ummada xalaaleysta, sidoo kalena mustaqbalka ku dambeeya muxidiin, ragga uu xusayana waxa kamid ah siyaasiyiin waaweyn oo dunida soo marey dad badana gu'maaday, sida; Adolf Hitler, Joseph Stalin iyo Mao Zedong. Tani waxay muuninaysaa samaaynta taban ee ay gaaricida iyo barbaarinta xumi ku leeyihiin, korniinka iyo mustaqbalka ubadka waxana jira daraasado fara badan oo mawduucaas laga sameeyey.
Dr; Amr Sharif, oo ah dadyowga aadka wax uga qora arimaha ilxaadka, buuggiisa "الحاد الإيمان مشكلة نفسية." Waxa uu xusaaa in daryeel darada, dayaca ubadka iyo xanaanada gaarka ah ee aysan helin ubadku marka ay yar yihiin, siiba aysan ka helin hooyadood in ay ku bixiso in ay mustaqbalka dhaxalsiiso, inay noqdaan alle-kood aan naxariis lahayn, wuxuu sheegay faylasoofyo waaweyn oo hooyadood waayey markii ay yar-yaraayeen kadibna noqday mulxidiin, raggaas uu tilmaamay waxa kamida;
Arthur Schopenhauer, voltair, Nietzsche, Bertrand Russell, Jean-Paul Sartre iyo Jill Johnston. Aragtida Amr Sharif, waxa taageereysa Mary Ainsworth oo ah haweenay ku takhasustay cilmi nafta, ahna ardayad kamida dadkii uu wax barey aqoonyahankii weynaa ee reer ingiriis ee John Bowlby (1907 - 1990), sidoo kalena kamid ah dadka horumariyey aragtida xidhiidhka ( attachment theory/ نطرية الإرتباط), ee uu leeyahay John Bowlby, waxa ay leedahay; "xidiidhka xun (dismissive attachment/ ارتباط التحاشي), ee u dhexeeya hooyadda iyo ilmaha, ee ah midka ku salaysan kalsooni daradda, dayaca, daryeel la'aanta iyo dhigeysi la'aanta baahiyaha ilmaha, waxa ay dhaxal siisaa in ilmuhu noqdo ruux aan ku kalsoonaan xidhiidhada dadka kale, marka dambena waxay keentaa inuu dadka ka fogaado, waxaana qaba 20% dadka kamida." Ka duruga bulshaduna waxa ay keeni kartaa in marka dambe ruuxu uu dafiro jiritaanka Eebe sida ay qabaan aqoonyahano uu kamid yahay Ali Al-Omari.
Dhanka kale Kasmanafeedka Israa'iiliga ah ee Benjamin Beit-Hallahmi, waxa uu sannadii 2007, faafiyey daraasad uu u bixiyey “النمط النفسي للملحد”, daraasadani waxa ay cadeysay in 50% dadka Alle-koodka ahi, waayeen waalidkood iyaga oo ka yar da'da 20-ka, badankoodna aysan ku soo barbaarin nolol dhalaanimo oo xasilloon. Daraasadu waxay kaloo cadeysaysay in dhibaatooyinka iyo fahamdarada qoyska ku yimaada (Dysfunctional Family/إختلال الأسرة ). in ay qayb ka tahay in da'yartu qaataan fikirka ilxaadka. Ilxaadku sidaynu kor ku soo xusnay waa xanuun ka dhashay sabab nafsiya.
Saaxiibkey Khalid Samaale oo arimahan hore wax uga darsay ayaan waxaan ku soo hadal qabsanyaa maanso la xiriirta mawduucan oo uu hore u curiyey, waxay leedahay.
Siday ulumada nafsigu
Badhkood ay aamineen
Amase ogaalkood garteen
Alle koodnimo xanuun
Inay tahay mid nafeed
Weliba ruux ay yaraan
Dhibaatooyin alkuman
Asiibaan oo helaan
Ayaa laga keensadaa..
Maxaa ka dhashay Alle-koodnimada?
Natiijada Alle-koodnimada ka dhalatay waxa ay noqotay in ay lunto anshaxii iyo akhlaaqdii suubanayd ee admigu lahaa, sida uu tilmaamo, Cabdilaahi Cujeri. Dr; Cujeri waxa uu buuggiisa "ميليشيا الحاد." Ku sheegay in mulxidiintu aysan wax akhlaaqa agtooda oolin kana horyimaadeen, fidrada iyo abuurka san ee aadmiga, isaga oo taas kawaramayana waxa uu yiri; "Alle-koodka maanta jooga waxa ay dafireen jiritaan akhlaaqda waxa ayna yiraahdeen, akhlaaqdu waa wax la socotay diimaha ay dadku samaysteen, waxayna ka horyimaadeen fidrada iyo abuurka san ee aadmiga, midkaas oo garan kara in dulmigu xun yahay, cadaaladuna wanaagsan tahay. Isaga oon qofku tagin ama uusan dhigan dugsi falsafi ah kaliya waa wax aadmiga ku abuuran akhlaaqdu."
Immanuel Kant ayaa laga hayaa, "haddaad maanta ogaan lahayd inaan Caddaab jirin maxaad fali lahayd?. Haddiiba jawaabtaadu tahay inaad samayn lahayd waxyaabo xun xun oonad hadda ku kaci karin baqdinta naarta awgeed, ogow waxaa tahay ruux damiir daran." Immanuel Kant waxa uu ku doodaya in ficilka iyo hadalka wanaagsani uu yahay gudashada waajibaadka dadnimo. In wanaag la sameeyo kuma xirna abaal marin ama ciqaab uu qofku ka cabsanayo, ciqaabtu waxa ay ka qayb qaadanaysaa jiritaanka akhlaaqda.
Hamza Tzortzis ayaa Lawrence Krauss oo ah Mulxidiinta casriga weydiiyey, su'aal u dhignayd sidan; ma u aragtaa galmada dadka maxaarimta ah (hooyadda, walaasha, habaryarta iwm), wax khalad ah? Lawrence waxa uu ku jawaabay; anigu umaan arko wax khalad ah. Dhanka kale Richard Dawnkins waxa uu qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qorey ku cadeeyey in ilma iska soo ridku yahay fal anshax iyo sharci ah ilaa inta uusan xanuun jirin, waxa uuna ku sababeeyey; "uur jiifka hooyada waa ka dadnimo yaryahay doofaar walba oo qaangaadh ah." Sidoo kale Karl Marx akhlaaqda marka uu ka waramayo waxa uu yiraahda; "Akhlaaqdu waa farsamo ay soo roggeen dadka awooda leh, si ay ugu gumeystaan dadka tamarta yar." Marx akhlaada waxa uu ku macneeyey in ay tahay gumeysi.! Oraahda Marx waxa lamida midka Nietzsche, ee ah " Akhlaaqda, dulqaadka, deeqsinimadda iyo samafalku, dhamaantood waa farsamo ay samayteen dadka tamarta yar si ay hantida ugaga miirtaan dadka tadhahay."
Guntii iyo gunaanadkii, Ilxaadku maanta waxa uu noqday diin gaar ah oo la qaato, sida oo kale waxa uu leeyahay dhamaan astaamaha diinta, haddii ay noqoto faafinta, barashadda iyo qoraalka. Ragga casrigan ugu waaweyn ilxaadka waxa kamida Richard Dawkins, Daniel Dannet, Lawrence Krauss, iyo Christopher Hitchens. Buuggtoodu waxa ay kamid yihiin buuggaagta ugu iibsiga badan dunida; tusaale ahaan Richard Dawnkins —Nabiga mulxidiinta cusub, buuggiisa (The God Delusion/ وهم الإله), waa buugga ugu iibsiga badan ee laga qoro ilxaadka inta taariikhda la hayo, sida ay sheegtay majaladda New York times, ku dhawaad 3 milyan ayaa laga iibsaday afka ingiriisiga oo kaliya. Shirkada Amazon waxa uu ka noqday buugga labaad ee loogu iibsiga badan yahay marka la barbardhigo buuggta kale ee la qoro. Dhanka kale Waxa jira doodo badan oo muujinaya in ilxaadku yahay natiijo ka dhalatay, duruuf nololeed, mid qofeed iyo mid bulsho. Doodahaasna waxa u qalin qaatay aqoonyahanadda cilmiga nafta oo uu ugu horeeyo, Kasma-nafeedka weyn ee reer Mareykan, Prof Paul C. Vitz.
Xigasho:
1: نفسية الإلحاد: إيمان فاقد الأب
2: الإلحاد مشكلة نفسية
3: رحلة عقل
4: ميليشيا الحاد
5: د طارق حبيب
6: علي العمري.
Comments
Post a Comment