Soomaalida iyo xanuunnada dhimirka.

* Hordhac: * Soomaalida waxa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay bulshooyinka la dhiban jirrooyinka ku dhaca nafta iyo maskaxda, sida ay tilmaantay warbixin ay soo saartay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha caafimaadka ee loo soo gaabiyo [WHO], waxa ay sheegtay in saddexdii qof ee Soomaali ah mid ka mid ah in uu qabo xanuunnada maskaxda ku dhaca ee laga dhaxlo; dagaallada, colaadaha iyo weliba abaaraha joogtada ka noqday Geeska Afrika¹. Waa tiro aad u weyn in ka badan boqolkiiba soddon in bulshada Soomaaliyeed ay la ildaran yihiin xanuunnada dhimirka. Dhanka kale warbixin ay daabacday hay'adda maxalliga ah ee GAVO (General Assistance and Volunteer Organization), ayaa xustay in 1-3% in bulshada Somaliland ay la ildaran yihiin xanuunnada ku dhaca maskaxda, sida oo kale waxa ay xustay; in labadii guri ee isku dhow in mid ka mid ahi uu jiifo hal qof qaba jirrooyinka ku yimaada, hab dhaqanka qofka iyo maskaxda². Dhanka Puntland warbixin ay daabacday hay'adda Qa...