Faallo akhris buugga: Halgan iyo Hagardaamo.
Bishii May ee sannadkan waxa maktabadayda akhriska soo galay buugga xasuus qorka ah ee—HALGAN iyo HAGARDAAMO, ee uu qorey Cabdillaahi Yuusuf Axmed, runtii buugga waxa uu igu soo galay hab PDF ah waxana u qabay xiiso gaar ah, taas ayaa keentay in buugga oo ka kooban 432 bog, in aan ku akhriyo Pdf. Xiisuhu waa mid ka ah waxyaabaha qofka dhiirrigeliya, aqoonyahannada cilmi nafsigu waxa ay ku daraan in uu ku jiro; 'dhiirrigeliyaasha gudaha/Intrinsic motivations.' Sidaa awgeed xiisahaygu waxa uu ahaa mid gudahayga ka imanayey waana sababta igu bixisay in aan buugga akhriyo, isaga oo aan ogahahay duruufta uu igu soo galay.
Buugga HALGAN iyo HAGARDAAMO, waxa uu Cabdillaahi Yuusuf kaga faalloonayaa noloshiisii iyo halgankiisii uu u galay, dawladnimada iyo siyaasadda. Waxa kale oo kaga faalloonayaa nololihii kala duwanaa ee uu soo qaatay haddii ay noqoto nolol; geel jirranimo, askarinimo, xabsi, jabhadnimo, dagaal iyo mid madaxtinimo. Waxa uu ka soo bilaabayaa; Soomaali oo gumeyste ku hoos jirta, Soomaali oo dawlad dimuqraaddi ah, Soomaali oo askari haysato, Soomaali oo bilaa dawlad ah, Soomaali oo qaxday dunida qaxooti ku ah, Soomaali oo isu dagaalaysa hab diimeed, iyo hab qabali ah, iyo Soomaali oo dawlad ku meel gaar ah samaysatay. Waxa uu dhanka kale ka warramayaa dadaaladiisii la xidhiidhay dawlad dhiska Soomaaliya. Waxa kale oo ka carrabaabayaa guulihii waa weynaa ee uu gaadhay intii uu halganka ku jirey.
Buuggu waxa uu ku qoran yahay af fudud isla markaana uu fahmi karo—qof walba oo raba in uu akhriyo, buuggu waxa uu sawir qurux badan kaa siinayaa nololihii kala duwanaa ee uu Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, soo marey waxa dhanka kale fahmaysaa nafsadda qofka askariga ah, maadaama dawladdii inna soo martay ay ahayd dawlad ay askari hoggaamiso, dhanka kale madaxdii jahadihii xukunka ka tuurey Maxamed Siyaad Barre waxa ay u badanaayeen dad askar ah, sidaa darteed ayeynu garwaaqsanaynaa halganka siyaasadeed ay ciidamadu ku lahaayeen xukunka Soomaaliya. Akhriska aan buugga ku sameeyey waxa uu ahaa mid degen isla markaana aan dhuganayey shakhsiyadda halgan ee Col. Cabdillaahi Yuusuf, dhanka kale waxa aan isha ku hayey isbeddeladii siyaasadeed ee waddanka ka jirey, aniga oo markaas akhrinayey dhacdooyinkii siyaasadeed ee uu waddanku soo marey.
Haddaba, faalladayda buuggu waxa uu noqon doonaa, dhawr qoddob oo koob kooban maadaama dhammaan xoggaaha uu buuggu xambaarsanyihiin ay tahay xoggo shaacsane ah oo bulshada oo dhammi ogtahay, isla markaana aan u baahnayn in dib loo soo min guuriyo ama loo falanqeeyo, sidaa darteed ayaan falladan kooban uga dhigay saddex qodob oo guud mar ah, dhanka kalena noqon kara dhugmo iyo wax isweydiin. Qodobadan aan ka warrami doono waxa ka mid ah: kow, Siyaad Barre ma qabyaali buu ahaa? Labo, arrimaha muddan in lagu xasuusto halgankii Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Saddex, waxyaabaha uu Siyaad Barre ku soo kordhiyey, hab xukunka siyaasadda Soomaalida
*Siyaad Barre ma qabyaali buu ahaa?*
Marka aad akhrinayso bogag ka mid ah buugga Cabdillaahi Yuusuf Axmed, ee HALGAN IYO HAGARDAAMO, waxa aad fahmaysaa damaca aadka u sareeya iyo shakhsiyadda dhabta ah ee Maxamed Siyaad Barre, waxa kale oo aad fahmaysaa, sida uu Maxamed Siyaad Barre u falayey wax walba oo uu xukunkiisa ku sii haysan karo. Marka indho ka maran caadifad iyo laab-lakac lagu akhriyo dhacdooyinkii isdaba jooga ahaa ee uu Siyaad Barre samaynayey, waxaad ogaanaysaa in Siyaad Barre uusan u dan lahayn QABIIL iyo—HAYB GAAR AH, laakiin Soomaalida oo ah bulsho caadifi ah wax walbana u akhrida isla markaana u turjunta hab qabiil ayaa ficil walba oo uu Siyaad Barre samaynayey ka dhigay mid qabiil sal u ah.
Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, oo ka mid ahaa raggii aadka uga soo horjeeday xukunkii Siyaad Barre, waxa uu dhacdo walba oo uu Siyaad Barre falo u hal tabinayey hab qabiil, tusaale ahaan: Af-gambigii dhicisoo bay ee 1978, ee uu hoggaaminayey G/sare. Maxamed Sh. Cismaan 'Cirro', waxa dadkii ka dambeeyey falka af-gembiga lagu xukamay dil toogasho, badanka dadka dilka lagu fuliyey waxa ay u badnaayeen qabiilka Majeerteen, se Cabdillaahi Yuusuf buuggiisa waxa uu dhacdadaas u hal-tabiyey hab qabiil, waxa uuna yiri: "Siyaad Barre waxa uu dagaal toos ah oo lagu burburinayo ku qaaday beesha Majeerteen."
Dhanka kale falalkii af-gembiga ka dib, uu Siyaad Barre ka sameeyey gobolka Mudug waxa uu sida oo kale u fasirey hab qabiil, wuxuuse xusay raggii horumuudka u ahaa gumaadkii iyo burburkii uu Siyaad Barre ka geystay gobolka Mudug, ragga uu xusay waxa ka mid ah: Maxamed Kaahin, G/le Dhegeweyne iyo Tansaaniya. Dhanka kale, Col. Cabdillaahi Yuusuf waxa uu dhaliil toos ah huwiyey raggii hormuudka ka ahaa, falalkii ka socday gobolka Mudug, gaar ahaanna askartii ka tirsanayd jabhaddii SNM, isaga oo cabbiraya waxa uu yiri: "Nasiibdarro saraakiishaas shacbiga xasuuqay, qaar ka mid ah weli maanta way joogaan oo magaalada Hargeysa ayey ku xarragoodaan iyaga oo sheeganaya inay mujaahidiin yihiin, oo magaca [SNM] ku soo dagaallamay."
Sidoo kale xasuuqyadii ay dawladdii Siyaad Barre ka fulisay gobollada waqooyi, waxa iyadana loo akhriyey hab qabiil, tusaale ahaan: marka ay Isaaqu rabaan in ay fasiraan gumaadkii uu kacaanku ka geystay gobollada waqooyi [Soomaalilaan], waxa ay dadka deegaanku u sharraxeen hab reereed, waana sababta illaa maanta ay ugu dhagan yihiin reerro gaar ah. Se waxa ay ahayd in nidaamkii Siyaad Barre loo sharraxo in uu ahaa nidaam lagu difaacayey hab walba oo suurgal ah, taas oo laga qaadanayo qaacidadii uu dhigay shaydaankii siyaasadda ee—Niccolò Machiavelli, midaas oo ahayd: "ujeeddadu waxa ay banaysaa waddo walba/الغاية تبرر الوسيلة."
Haddaba, Janaraal Maxamed Siyaad Barre, marka loo dhugmo yeesho ficil walba oo uu samaynayey waxa innoo muuqanaysa in Siyaad Barre uusan ahayn ruux qabyaali ah isla markaana u sed burinaya qabiilkiisa sida ay ku dooddaan dad badan oo siyaasaddiisa naqdiya. Siyaad Barre waxa uu ahaan kaligii-taliye macangag ah oo aan hadal iyo wanaag toonna qaadan, waxa uu ahaa nin luqadda kaliya ee uu fahmaa ay tahay awood, sidaa awgeed muraayadda uu Siyaad Barre dunida ku eegi jirey waxa ay ahayd maahmaah jacbudh ah oo uu isagu samaystay midaas oo odhanaysa: "xukun jilicsan iyo gus jilicsan midna khayr ma leh." Falasafadda uu Siyaad Barre nolosha ka rumaysanaa waxa ay ahayd awood, waxa uuna rumaysnaa qaacidadii, Charles Darwin ee odhanaysay: "waxa jiraya ninka awoodda iyo cududda leh/the survival of the fittest."
Sidaa darteed, Siyaad Barre nin xukun jecel ayuu ahaa, xukun jacaylkiisuna waxa ay keentay in cid walba oo u soo dhawaata uu qudhka u gooyo. Si loo caddeeyo in Siyaad Barre qabyaali ahaa waa in laga warceliyo weydiimahan soo socda: Siyaad Barre waddaado toban gaaraya ayuu dil toogasho ah ku fuliyey, ma qabiil ayuu u diley mise xukun? Siyaad Barre waxa uu dil toogasho ah ku xukumay ragg ka mid ah golihii kacaanka sare, ma qabiil buu u diley mise xukun? Siyaad Barre waxa uu dil toogasho ah ku fuliyey ciidamadii isku dayey af-gambigii 1978, ma qabiil buu u idilay mise xukun? Siyaad Barre waxa uu xasuuq ka gaystay gobollada Waqooyi [Soomaalilaan], ma qabiil buu u xasuuqay mise xukun? Siyaad Barre qabiillo ayuu xabbad nool isugu dhiibay, ma qabiil buu uga dan lahaa mise xukun? Weydiimahan oo dhan waa in looga jawabaa hab caqli iyo sabab cuskan ee waa inaan looga warcelin hab caadifad iyo qabiil cuskan.
Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, waxa uu buuggiisa dayaaco raqiis ah ugu sameeyey nidaamkii Siyaad Barre, waxa xusid muddan, in dhanka kale C/laahi Yuusuf uu isku dhererinayo Maxamed Siyaad Barre, isaga oo iska dhigaya nin la meeqaam iyo maamuus ah, sida uu tibaaxay, faylasoofkii weynaa ee reer Jaramal ee Friedrich Hegel: qofku waxa uu halgan iyo loolan u galaa sidii loo aqoonsan lahaa, isla markaana uu dadka kale uga heli lahaa ixtiraam iyo maamuus nafeed [self-esteem/التقدير الذاتي], waana mida aad ka akhrisan karto marka aad rogto bog walba oo buugga Cabdillaahi Yuusuf ka mid ah.
Gebagebadii marka laga tago in Siyaad Barre ahaa, ruux kaligii-taliye ah. Waxa muddan in la darso shakhsyaddii iyo hab maamuulkii Siyaad Barre, waayo sida uu Cabdillaahi Yuusuf bilowga buugga ku tilmaamayo waxa isweydiin muddan sidee, muddo koob iyo labaatan sanno ah, Siyaad Barre u maamulayey bulsho, reer baadiye ah, isla markaana jecel xorriyadda iyo dimuqraadiyadda. Waayo, I. M. Luwis oo ah aabbaha daraasaadka Soomaalida, sida oo kalena ah qoraaga buugga 'xoolo raacato dimuqraaddi ah/A pastoral democracy", waxa uu Luwis leeyahay: 'Soomaalidu waa bulsho dimuqraaddi ah, oo xorriyadda jecel.' Cabdillaahina waxa uu hadal noocan oo kale ah ka xiganayaa I. M. Luwis, isaga oo markaa is weydiinaya weydiinta kore. Siyaad Barre, waa hoggaamiye mar la'arag ah oo Soomaalida soo marey waxa muddan in daraasad gaar ah laga sameeyo; qofnimadiisii iyo hab maamulkiisii, waayo waxaan qabaa in Siyaad Barre, ahaa hoggaamiye ka duwan hoggaamiyaashii Soomaali soo marey, waana waxa loo yaqaan: 'exceptional leader/ قائد استثنائي.'
*Arrimaha muddan in lagu xasuusto, halgankii Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed.*
Halkagankii dheeraa ee uu Cabdillaahi Yuusuf u galay dawladnimada Soomaaliya, waxa jira arrimo muddan in had iyo goor la xuso isla markaana la wayneeyo. Sida laga war qabo, burburkii dawladdii Soomaaliya ka dib, dalka waxa soo foodsaarey dhibaatooyin fara badan kuwaas oo dhaabad ku noqday horu-socodka dalka iyo dadka. Markii xadka laga saarey nidaamkii Hanti-wadaaga ahaa ee dalka muddada dheer soo xukumayey, waxa soo baxay qabqablayaal fara badan oo mid waliba uu xukun doonayo, waxa dhanka kale soo if baxay ururro xagjir ah oo la yimid dhaqan dad qalato ah oo Soomaali ku cusub, waxa ay ururradaasi bilaabeen dagaallo, xasuuqyo, iyo afduubyo.
Dhibaatooyinkaas soo mudh baxay burburkii dalka ka dib, dadkii u istaagay in ay wax ka beddelaan waxa ka mid ahaa, Cabidillaahi Yuusuf Axmed, haddaba waxa muddan in aan xuso dhawr qoddob oo muhim ah in lagu xasuusto Col. Cabidillaahi Yuusuf Axmed, qoddobadaasi waxa ay isugu jiraan kuwo qabiil iyo mid bulsho waxana ka mid ah:
1: Gunnimadii uu diiday in uu qaato, ee ka soo baxay shirkii SAL-BALLAAR 1994. Shirka sal-ballaar waxa uu ahaa shir uu soo qaban qaabiyey Gen. Maxamed Faarax Caydiid, midkaas oo uu ujeeddadiisu ahayd in la dhiso dawlad Soomaaliyeed oo dalka samata-bixisa. Inkasta oo uu shirku hagaagsanaa, haddana waxa ka soo baxay go'aanno gunnimo iyo bahdil ku ah beesha Daarood, midkaas oo ujeedkiisu ahaa in mustaqbalka beesha Daarood lagu rido dalluun madow oo aan la gaari karin, go'aannada ka soo baxay waxa ka mid ahaa: in beesha Daarood aysan waxba ku lahayn saddexda hoggaan ee dalka ugu sarreeya waa: madaxweynaha, Ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka. Col. Cabidillaahi Yuusuf Axmed, go'aannadaas bahdilka ah waa uu diiday waxa uuna si cad uga soo hor jeestay waxa uu malmaluuqday Gen. Maxamed Faarax Caydiid, waxa uuna ka soo baxay shirka isaga oo markaas u kicitamay gobollada Waqooyi Bari.
Gunnimada uu Cabdillaahi, diidey waxa aan u fasiri karaa in ay xidhiidh la leedahay taariikh, waayo sida laga war qabo dawladnimadii ay Soomaali heshay, beesha Daarood waxa ay kaga jirtay safka hore, mar waxa ay heshay Ra'iisul wasaare, [Cabdirishiid Cali Sharma'rke], mar kalena madaxweyne [Cabdirishiid Cali Sharma'rke], xilligii af-gembigana Daaroodku waxa uu dalka maamulayey muddo, koob iyo labaatan sanno ah. Intan oo taariikh ah ma ah wax si fudud ku timi, waa magac, dhanka kalena waa taariikh, qabiil leeyahay [marka lagu akhriyo indhaha reerka ee ay Soomaalidu waxa ku fasirto], taariikhda uu Daaroodku ku leeyahay dawladnimada Soomaalida waxa ay Cabdillaahi u fududaysay in uu gunnimada diido, horena waa anigii u tilmaamay: taariikhdu waa muraayadda timaaddada.
2: Cidhibtirkii ururkii xagjirka ahaa ee Al-Ittxaad. Dawladdii Soomaaliya markii ay duntay 1991, dalka waxa ka soo baxay waddaado raba xukun, iyaga oo ka duulaya labo u jeeddo oo dastuur u ahaa midka koowaad, waxa uu ahaa: in dadka lagu xukumo diinta Islaamka. Midka labaadina, waxa uu ahaa: JIHAAD. Labadan arrini waa labada shay ee salka u ah, ururka Al-Shabaab, midkaas oo ah natiijadii ka dhalatay burburkii ururkii Al-Ittxaad. Haddaba, ururkii Al-Ittxaad waxa uu ahaa mid ka mid ah, ururradii hubaysnaa ee xukunka dalka qori caarradii ku doonayey, waxa ayna dagaallo dad badani ku le'deen ka galeen gobollada, Gedo, J/ dhex iyo gobollada woqooyi Bari.
Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, waxa uu dagaal ba'an ku qaaday ururka Al-Ittxaad, isaga oo ka safeeyey dhammaan gobollada buntilaan. Cabdillaahi waxa uu dareensanaa khatarta uu ururkani ku yeelan doono xasilloonida gobollada buntilaan waxa kale oo uu ka war qabay halista ay Geeska Afrika ku yeelan doonto haddii ururkani dalka gacanta u galo, sidaa awgeed, haddii uusan maanta Cabdillaahi Yuusuf, ka safeeyeen ururkaas gobollada buntilaan waxa ay maanta buntilaan la mid noqon lahayd Koonfurta Soomaaliya, midaas oo aynu ka war qabno amni xumada ay maanta la daala dhacayso, waana arrin kale oo muddan in la xuso.
3: Asaasitaankii maamulka Puntland. Cabdiilaahi Yuusuf, sida uu ku xusay meelo badan oo buuggiisa ka mid ah, waxa uu aad u dhawrayey midnimada iyo wada-jirka bulshada Soomaaliyeed, sidaa awgeed markii uu arkay in Soomaalilaan ay ku dhawaaday gooni goosad, waxa uu aad uga fikirey sidii aysan Soomaali u kala tagin. Waxa uu talooyin fara badan u jeeddiyey Soomaalilaan, se ma qaadan waxa ayna ku adkaysatay go'aankeedii hore ee GOONI-GOOSADKA, taasi waxa ay keentay in buntalaan uu asaaso, si loo dhawro midnimada Soomaaliya, dalkuna u kala go'in, waxa kale oo uu u asaasay in hab xukunkii hore laga guuro, lana qaado hannaanka federaalka inkasta oo uu caqabado badan kala kulmay, haddana ujeedkiisii waa u hirgalay, Soomaalina waxa ay sidaas ku qaadatay hannaanka federaalka. Qoddobka asaaska buntilaan waa qodob kale oo muddan in lagu xasuusto Cabdillaahi Yuusuf, maadaama ujeedka uu buntilaan u asaasay ay ahayd in uu ku dhawro midnimada Soomaaliya, isla markaana laga shaqeeyo sidii dalku u kala go'i lahayn.
4: Naqdintii uu ku sameeyey, falalkii ay gaysteen Gen. Maxamed Faarax Caydiid iyo Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan. Dad badan ayaa muqadas ka dhiga gaboodfalladii ay qabqablayaashu geysteen, midaasina waa wax ku khaldan caqliga iyo diinta. Se Cabdillaahi waxa uu sameeyey dhiirranaan iyo ku dhac, waana arrin kale oo muddan in la dhugto, waxna laga barto.
Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, waxa uu saameeyey guullo wax ku ool ah, dhanka kale waxa uu sameeyey khaladaad istiraatiiji ah iyo kuwo siyaasadeed, labadaba waxa muddan in gaarkooda loo xuso, loona naqdiyo. Qof walbana waxa uu leeyahay dhan xun iyo dhan wanaagsan, labadaba waa in la isu miisaamo si aan loogu dhicin caddaalad darro iyo xadgudub.
Waxyaabaha uu Siyaad Barre ku soo kordhiyey, hab xukunka siyaasadda Soomaalida*
Mushkiladaha uu Siyaad Barre qaab xukunka Soomaalida uu ku soo kordhiyey waxa ka mid ah: qofeynta awoodda dawladnimada [personalization of governance of power], in cid walba oo xukunka u soo dhawaata ama mucaarad ku ah la laayo, in la samaysto heeso u guulwadayn ah, in uu bulshada ka dhaadhiciyo in uu dhammaantood—AABBE u yahay, sidaa awgeedna uu muddan yahay mar haddii uu aabbe yahay in la ixtiraamo—la maamuuso oo la weyneeyo. Waxa kale oo uu ku soo kordhiyey in qabiillooyinka Soomaalida la isu adeegsado, [Isaaqa waxa uu adeegsaday Majeerteenka. Majeerteenkana waxa uu u adeegsaday Isaaqa, tani waxa ay ka dhigan tahay in aan maamulkiisa la la coloobin, se taa beddelkeeda ay qabiillooyinku isla coloobaan], waxa kale oo ka mid ah in, intii isku qabiil ahba hubka la isugu dhiibo, si awooddooda loo wiiqo. Tusaale ahaan: Jabhaddii SSDF oo u badnayd qabiilka Majeerteen, si awoodda SSDF loo wiiqo isla markaana loo burburiyo waxa uu Siyaad Barre u adeegsaday rag siyaasiyiin ah oo xukuumaddiisa ka tirsanaa, kuwaas oo uu siiyey: lacag iyo awoood furan.
Siyaad Barre, sida aan hore u soo tilmaamay waa mar la'arag sooyaalka siyaasadda Soomaalida ku cusub. Marka la eego saamaynta uu ka tagay waxa aynu ku cabbiri karnaa maahamaahdii Soomaaliyeed ee ahayd: "Ayax teg eelna reeb." Siyaad Barre waa galbaday, se dhaqannadii uu ku soo kordhiyey hab xukunka Soomaalida weli waa ay nool yihiin, taasina waxa ay ka dhigan tahay in Siyaad Barre uu nool yahay, sidaa awgeed waxa muddan in doorranaanta koowaad la siiyo, sidii loo cidhib tiri lahaa wixii ka haray dhaqannadii silloonaa ee uu Siyaad Barre ku soo daray hab xukunka siyaasadda Soomaalida. Ummadda Soomaaliyed, waa bulsho dumuqraaddi ah, oo xorriyadda jecel, waa ummad gumeysiga iyo cadaadiska neceb, waa bulsho qab weyn, waa dad qalafsan oo aan la maamulin karin waqti dheer, intaa oo dabeecadood iyaga oo Soomaalidu leedahay, haddana Siyaad Barre waxa uu ku guulleystay in uu ummadda jaadkaas ah uu maamulo muddo 21 sanno ah, waxa uu beddelay dabeecado hore oo ay Soomaalidu lahayd, waxa uu ka soo saarey ummad kale oo hab feker kale leh, waxa uu beddelay dareennadoodii, fikirkoodiii iyo adduun aragoodii, waana mida cajiibka ah ee la rabo in la darso.
Guntii iyo gunnaanadkii buugga Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed ee—Halgan iyo Hagardaamo, waxa ka muuqda wacaallo iyo xoggo si gaar ah in loo dul istaago muddan, kuwaas oo isugu jira: siyaasadda, dhaqaale, ciidan iyo dagaal. Dhanka kale waxa xusid muddan in buugga uu ku jiro buun-buunin iyo tookh aad u badan, bog walba oo aad buugga rogto waxa aad akhrinaysaa waa Cabdillaahi Yuusuf, oo kali ah, tusaale ahaan: tallooyin, taatikada dagaalka, kharashka, heshiisyada iyo shirarka dhammidood waxa ka qayb galay isla markaana aragtidii dadka kale qaatay Cabdillaahi Yuusuf, way kooban tahay inta buuggu xiganayo weedho iyo soo jeedinno dad kale, sidaa awgeed ayaan u arkaynaa in buugga cidda had iyo goor kula hadlaysaa ay tahay Cabdillaahi oo mutaxan, oo aan cid kale garabka ku hayn. Dhanka qoraalka buugga iyo hab u werinta taariikhda Cabdillaahi Yuusuf, waxa ka muuqda isku xidhanaan, uusan qofku ka caajisayn, waana qodob bogaadin mudan
Adiga laftigaaga saaxiib faalladaadan waxa ka muuqda isku xidhnaan uusan qofka ka caajisey. Maqaal aad qortay oo aan akhriyey kani waa ka ugu farshaxansan uguna macaan. Mahadsanid oo maamuusnid saaxiib.
ReplyDelete