Soomaalida iyo xanuunnada dhimirka.

 





*Hordhac:*


Soomaalida waxa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay bulshooyinka la dhiban jirrooyinka ku dhaca nafta iyo maskaxda, sida ay tilmaantay warbixin ay soo saartay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha caafimaadka ee loo soo gaabiyo [WHO], waxa ay sheegtay in saddexdii qof ee Soomaali ah mid ka mid ah in uu qabo xanuunnada maskaxda ku dhaca ee laga dhaxlo; dagaallada, colaadaha iyo weliba abaaraha joogtada ka noqday Geeska Afrika¹. Waa tiro aad u weyn in ka badan boqolkiiba soddon in bulshada Soomaaliyeed ay la ildaran yihiin xanuunnada dhimirka. Dhanka kale warbixin ay daabacday hay'adda maxalliga ah ee GAVO (General Assistance and Volunteer Organization), ayaa xustay in 1-3% in bulshada Somaliland ay la ildaran yihiin xanuunnada ku dhaca maskaxda, sida oo kale waxa ay xustay; in labadii guri ee isku dhow in mid ka mid ahi uu jiifo hal qof qaba jirrooyinka ku yimaada, hab dhaqanka qofka iyo maskaxda². Dhanka Puntland warbixin ay daabacday hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka [WHO], ayaa iyaduna xustay in; saddexdii guri ee isku xiga in ugu yaraan laga soo helayo, hal qof oo qaba xanuunnada dhimirka³. Guud ahaan Soomaaliya ma jirto tiro sax ah oo la xidhiidha inta qof ee Soomaali ah ee qabta—xannuunada dhimirka⁴.


Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee wax qorta ayaa ku doodday in bulshada Soomaaliyeed ay tahay ummad waalan, isaga oo cuskanaya xaqiiqooyin la xidhiidha sida ay bulshooyinku u waashaan marka ay la kulmaan; burbur, dagaallo, dhaqaale xumo, maamul xumo iyo kala qaybsanaan. Dr. Afrax buuggiisa; 'dal dad waayey iyo duni damiir beeshay', waxa uu aad ugu lafagurey arrimaha caddaynaya in Soomaalidu tahay bulsho jirran oo u baahan baxnaano nafsi ah, hadalkiisa oo kooban waxa uu odhanayaa: 


*".......ummad dhan ma waalan kartaa? Haddii aynu qaadanno fahanka ah in qofi waalan karo, waxa la mid ah in bulsho iyo ummad dhani waalan karto. Xeeldheeraha cilmi-nafsiga bulshada ee, Eric fromm waxa uu ku sheegay buuggiisa, 'the sane society,' in bulsho waalan karto, si la mid ah sida qofi u waalan karo, waxa uuna tusaale u soo qaadanayaa Yurubtii joogtey dagaalkii labaad ee dunida isaga oo ku tilmamaay bulsho miyir-doorsantay [unsane society]. Haddaba, haddii aynu qirno waalidu in ay tahay cudur madaxa ku dhufan kara mujtamac dhan, shaki kuma jiro Soomaalida maanta joogtaa in ay tahay; ummad waalantay ama mujtamac maan-doorsoomay. Wadar ahaan iyo waaxid ahaanba sidii aan u dhaqmayney dhawar iyo tobankii sanno ee u dambeeyey, waa si muujinaysa in aan nahay dad is madax-marey, maskaxdoodu hawl gabtay, maankooduna fayoobi ka fog yahay. Been ma sheegin abwaankii Soomaaliyeed ee ku heesay: 'Soomaalidu way bugtaa, besteed weeyoo la hubo.'—Tixdu shaki ma gelinayso in 'Soomaalidu bugto' waxayse su'aalo badan ka soo jeedinaysaa xubinta bugtadu asiibtay, halkan waxa aan ku jawaab celinayaa xubinta bugtaa waa tan ugu muhiimsan jidhka, waa midda haddii ay bukooto aanu jireyn xidid caafimaad qaba: waa MASKAXDA, waxa bukooday waa maan-wadareedka [collective mind], ee bulshada Soomaaliyeed. Maskaxdii baa khalkhal galay, maankii baa doorsoomay, miyir qabkii baa dhintay. Waa sababta aan intaas oo sanno u arki kari la'nahay irrid looga baxo meehannowga iyo mugdi ku dirirka. Marka bulshada Soomaaliyeed waa ummad nafsad ahaan bugta oo ubaahan: dhayid, daryeed iyo baxnaano gaar ah⁵.*


Si la mid ah doodda uu qabo Dr. Afrax waxa sida oo kale qaba: Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan. Dr. Bulxan waxa uu tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay qabaan jirrooyin nafsi ah oo isugu jira kuwo ay sababeen: deegaanka ay Soomaalidu degto iyo ilbaxnimooyinka Soomaalida saamaynta ku yeeshay. Dhanka kale waxa uu Dr. Bulxan tibaaxay in qofka Soomaaliga ah dhexdiisa uu loollanka ka furan yahay, loollankaasina uu u dhexeeyo: dhaqanka Soomaliyeed, Islaamka/Carab iyo ilbaxnimada reer Galbeedka, sida oo kale waxa uu xusay in loollankani saamayn ku yeeshay: dhaqankii, afkii iyo hab nololeedkii bulsho. Sida oo kalena waxa uu saamyn ku yeeshay nafsaddii Soomaalida, waxa ayna qaarkood sababeen xanuunno nafsi ah, doodda Bulxan oo kooban waxa ay odhanaysaa: 


*"..............Saddexdan loollani waxa ay abuureen in bulshadii Soomaaliyeed ay noqdaan dad kala af, dhaqan iyo aqoonba duwan. Tusaale ahaan: wadaaddadu waxa ay ku hadlaan af-Carabi—waxayna u lebbistaan sida Carabta iyaga oo iska dhigaya Carab. Siyaasiyiintu waxa ay ka soo biyo cabeen aqoonta reer Galbeedka, waxa ayna ku hadlaan, af-Ingiriisi, waxa ayna u lebbistaan sida reer Galbeedka. Caruurtii yar yareyd iyaguna waxa ay dhaqanka lebbiska, socodka iyo hadalkaba uga deydeen reer Galbeedka. Midabkii madoobaa waxa uu noqday mid laga faano. Gabadh walbaana waxa ay dooneysaa in ay is caddayso, oo ay dubka iyo diirkaba iska riddo, si ay ruux cad u noqoto; waxaana ku dhacay jirradii uu Frantz Fanon u bixiyey: 'Is-caddaynta/self-lactification.' Dagaalkani waxa uu keenay in ay lunto dhaqankii iyo shakhsiyaddii qofka Soomaaliga ah.*


*Soomaalidu waa bulsho ay ku badan tahay jirrada nafsiga ah ee lagu magacaabo; 'Body dismorphic disorder.' Jirradan tilmaamaheeda waxa ka mid ah: in qofku saluugo muuqaalka jirkiisa, afkiisa, qaabka hadalkiisa iyo dhammaan wax walba oo uu u malaynayo in ay iin ku tahay. Sidaa awgeed, waxa aynu arkaynaa in Soomaalida xanuunkani ku badan yahay, waayo, waa bulsho midabka iyo diirka madowba sannifsan; waxa ayna aad u diidaan muuqaalka jirkooda ee madow; waxa ayna aad isula xidhiidhiyaan in ay Carab yihiin, asalkooduna uu Carab ka soo jeeddo⁶."*


Waxa aan shaki ku jirin ummadda Soomaaliyeed in ay tahay bulsho nafsad ahaan bugta, una baahan dhaymo, iyo baxnaano nafsadeeed, sidaas oo ay tahay muddo ku siman soddon sanno ayey Soomaalidu bilaa dawlad tahay, mana helin baahiyihii ka caawin lahaa in ay gaarto bisayl bulsheed, siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Waxa ay weli Soomaalidu ku jiraan guuritaan iyo socod, mana helin goob ay saldhigtaan oo ay heeryada iskaga tuuraan, waxa caqliyaddooda ku jira socod aan joogsi lahayn, wax kale oo ay doonayaana ma jirto keli ah, waa nolol iyo meel ay ku negaadaan oo ay gabbaad ka helaan. Soomaalidu intii ay jirtay ma aysan helin dawlad dhab ah oo ka halcelisa dhammaan baahiyaheeda oo idil. Dr. Jaasim Suldaan oo ah xeeldheere aad wax uga qora aqoonta aadanaha [humanties], ayaa waxa uu tilmaamaa; in dawladnimada bini-aadanku u samaystay saddex shay. Ta koowaad, waa in ay dawladnimadu ilaaliso jiritaanka bini-aadanka [existance]. Ta labaadi, waa in dawladnimada lagu abuuro degenaansho bulsheed, siyaasadeed iyo mid dhaqaale [stability]. Ta saddexaadi, waa in dawladnimada lagu gaaro horumar bulsho, dhaqaale, siyaasad iyo mid biniaadantinnimo [development]⁷. Saddexdan kore ee uu Dr. Jaasim Suldaan tibaaxay ma jirto mid ka mid ah oo ay dawladnimada Soomaalidu ku guuleysatay. Sidaa awgeed Soomaali weli waa socod waxa ayna raadinaysaa waa dawladnimo. 


Haddaba qoraalkan kooban waxa aynu ku soo bandhigi doonnaa, afarta shay ee ay Soomaalidu aaminsanyihiin ama baaritaannadu tilmaameen in ay Soomaalida u sababeen xannuunnada ugu badan ee nafsiga ah. Dhanka kale waxa aynu qoraalka ku soo gudbin doonnaa caqabadaha hortaagan in ay Soomaalidu aqoonsato jiritaanka xannuunnada nafsiga ah iyo caqabadaha ka hortaagan in ay Soomaalidu guul ka gaaraan daweynta jirrooyinka nafsiga ee shaacsanaha ka ah bulshada Soomaaliyeed. Sidaa awgeed qoraalku waxa uu noqon doonaa; qayb ka faalloonaysa: waxyaabaha Soomaalida ku sababa jirrooyinka nafsiga ah iyo qayb kale oo ka faalloonaysa: caqabadaha hortaagan in Soomaalida laga daweeyo jirrooyinka shaacsanaha ka ah bulshada dhexdeeda. Waxa aynu iskuddayi doonnaa in aynu xiganno cilmi baadhisyada nafsiga ah ee laga sameeyey Soomaalida, ha noqdeen kuwo debadeed ama kuwo gudeed, si guud Soomaalida meel walba oo ay joogaan [gudo iyo debadba], waxa ay isku aragti ka haystaan jirrooyinka nafsiga ah. Sidaa awgeed ayaan si guud u xiggan doonaa daarsadaha nafsiga ah ee Soomaalida la xidhiidha, aniga oo aan kala qaadayn. Sababtuna waxa weeye markii aan akhriyey qaybo badan oo ka mid ah cilmibaadhisyada, ma jirto kala duwanaan u dhaxaysa sida uu u arko xannuunada nafsiga ah, Soomaaliga gudaha jooga iyo midka debadda jooga, waana midda keentay in aan si guud isugu qaado daraasadaha oo idil. Waxyaabaha Soomaaalida ku sababa xanuunnada nafsiga ah waxa ka mid ah: 


*1: JIRRO DAGAAL [War Trauma]*


Markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya sannadii 1991-kii, dalku waxa uu galay qalalaase iyo fawdo, waxa dhacay gummaad fara badan. Waxa birta iska aslay qabiillooyin badan, dalkuna waxa uu noqday mid kala tagsan oo inta badan ay ka taliyaan qab-qablayaal dagaal. Qab-qablayaashii waxa ay ku kaceen xadgudubyo ka baxsan bini-aadantinnimada, kuwaas oo isugu jira; dhac, boob, dhimasho, dhaawac iyo kufsi. Dhammaan dhibaatooyinkaasi waxa ay saamayn ku yeesheen dadkii loo geystay iyo dadkii goob joogayaasha ka ahaa, waxana ka dhashay saamayn nafsiyadeed oo halis ah [serious psychological impact], taasi waxa ay raad ku yeelatay maskaxdii dadkii dhibku ku dhacay ama la kulmay. 


Xilliyadii ay dagaalladu ka socdeen meelo ka mid ah Soomaaliya, waxa daraasad samaysay hay'adda Qaramada Midoobay u xilsaaran arrimaha caafimaadka ee WHO, daraasaddu waxa ay tibaaxday; in saddexdii qof ee Soomaali ah mid ka mid ahi uu qabo, jirrooyinka nafta iyo maskaxda ku dhaca ee ka dhasha: dagaallada, abaaraha iyo colaadaha⁸. Dhanka kale daraasad ay hay'adda VIVO ka samaysay Soomaaliland sannadii 2002-dii, ayaa sheegtay in 23.1% dadka qaba xanuunnada maskaxada in lixdii qofi mid ka mid ah uu ku luglahaa arrimo dagaal la xidhiidha⁹. Sidaas si la mid ah cilmibaadhis ay Soomaaliland ka samaysay hay'adda maxalliga ah ee loo soo gaabiyo GAVO, ayaa iyaduna sheegtay in 21.4% bulshada Soomaaliland ay qabaan jirrooyinka nafsiga ah ee ka dhasha dagaallada [war truama]. Waxa dhanka kale la mid ah warbixinnada ay hay'adaha reer Galbeedku ka sameeyeen Soomaaliya.


Jirrada dagaalka [war trauma], waa jirro uu qofku ka dhaxlo dagaallada iyo colaadaha. Jirradan nafsi tilmaamo nafsi ah oo muujinayo in uu xanuunkan qabo, tilmaamahaas waxa ka mid ah: in uu qofku dareemo rejo xumo, in qofka ay ka lunto xasuusto, in qofku la kulmo cillado la xidhiidha dareennada, in qofka ay ku adkaato in uu seexdo, in uu qofku dareemo cabsi iyo daal aad u badan, in ay qofka ku soo noq-noqdaan fekirro la xidhiidha dhacdooyinkii dagaalka iyo ugu dambayn in qofka ay ka lunto xogsaariddu [concentration]. Muddo ka dib marka ay tilmaamahan ay qof ka soo muuqdaan waxa uu qofku qaadi doonaa xanuunka afka qalaad lagu tilmaamo PTSD [Post Traumatic Stress Disorder], wax kale PTSD ma aha waa calaamadihii qofku nafsiyan uu dareemayey marka uu dagaal la kumay ka dib, oo baaqi sii ahaada. 


Markii ay Soomaalidu adduunkii qaxooti ka noqotay waxa ay jirradii nafsiga ahayd [war trauma/ PTSD], ula tageen dadyowgii ay martida u noqdeen, halkaasna waxa ay kala kulmeen caqabado badan oo saamayn ku yeeshay nafsaddoodii. Dhibaatooyinka ay Soomaalidu qurbaha kula kulmeen waxa ka mid ah: fahamka luqadda dadkii ay u tageen iyo dhaqan cusub oo ka duwan midka Soomaalida¹⁰. Taasina waxa ay dab iyo baasiin ku sii shidday jirradii nafsiga ahayd ee ay kala soo qaxeen dalkoodii [Soomaaliya], halkaana qaybo badan oo Soomaali ah waxa ay ka qaadeen xanuunno kale oo badan. Haddaba, jirrada koowaad ee Soomaalidu ka qaadeen dagaalladii dalka ka dhacay waa jirrada PTSD, midaas oo ah natiijo ka dhalata mushkilad argagax leh oo qofka ku dhacda ha noqoto mid; dhimasho, dhaawac iyo dilba ah. Dhammaan dhacdooyinkaas oo idilna waxa ay saamayn ku leeyihiin nafsadda iyo maskaxdda qofka. Soomaali haddii aynu eegno waa jirro nafsi ah oo ku badan sida ay caddaysay warbxintii ay soo saartay hay'adda Qaxootiga Adduunka ee UNCHR. Waana mid ka mid ah jirrooyinka nafsiga ah ee ay Soomaalidu ka dhaxashay dagaalladii waddanka ka dhacay xilligii burburka. 



*2: SABOOLNIMADA IYO SHAQO LA'AANTA [poverty and unemployment]*


Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ka mid tahay ummadaha adduunka ugu hooseeye marka laga eego dhinaca dhaqaalaha, caddaalada, caafimaadka, waxbarashada, shaqo-abuurka, nabadda, difaaca, dhismaha iyo wax-soo-saarka¹¹. Markii ay duntay dawladdii dhexe ee Soomaliya, bulshada Soomaaliyeed waxa ay safka hore ka gashay ummadaha dunida guudkeeda ugu dibu-dhacsan, waxa ay noqdeen bulshooyinka ugu saboolsan dunida, sida ay tilmaamayso warbixin is barbardhig ah oo lagu sameeyey 130 waddan oo daafaha dunida ku yaalla, Soomaaliya waxa ay gashay kaalinta 123 ee ah dawladda ugu dibu-dhacsan adduunka. Dhanka kale warbixinno Soomaaliya laga sameeyey ayaa muujinaya in heerka faqirga [poverty rate], uu marayo 97.9%, dhanka shaqa la'aanta [unemployment rate] Soomaaliya ka jirta ayaa iyaduna lagu tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed 80% aysan haysan shaqo ay maalintii u kalahaan¹². Dhaqaalaha sannadkii soo gala qofka Soomaaliga ah ayaa iyadana waxa lagu sheegay, $284.

Shaqa la'aan baahansan ayaa ka jirta dhulka ay Soomaalidu degto, ku dhawaad 75% bulshada Soomaaliyeed waa dhallinyaro inta badan dhallinyaradaaasi ma haystaan fursado shaqo oo ay noloshooda ku maareeyaan. Soomaaliya mar walba oo uu waqtigu socdo waxa kordhaya heerka nolosha dunida, dhanka kalena waxa badanaya saboolnimada iyo shaqo la'aanta ay dhallinyarada Soomaalidu wajahayaan.
Aqoonyahannada darsad dhaqaalaha marar badan waxa ay shaqa la'aanta Soomaaliya ka jirta ku fasireen in ay sabab u tahay dhawar arrin oo is biirsaday, waxana ka mid ah: dawlad la'aan, hoggaaan xumo, xaalufinta dhirta [desertification], iyo dagaallada¹³.

 

Faqriga iyo shaqo la'aantu waxa ay saamayn ku yeelatay nafsadda iyo maskaxda bulshada Soomaaliyeed. Aqoonyahannada ku takhasusay cilmi nafsigu, waxa ay xusaan in faqriga iyo saboolnimadu ka mid yihiin waxyaabaha keena jirrooyinka nafsig ah, sidaas oo ay tahay marka aynu raad raacno cilmi-baadhisyada la xidhiidha xanuunnada dhimirka ee laga sameeyey bulshada Soomaaliyeed waxa innoo muuqanaya in sababaha jirrooyinka nafsiga sababa ay qayb la xaadle ka yihiin faqriga iyo shaqo la'aatu, sidaa awgeed daraasadaha qaar waxa ay ku jiraan, midka kowaad ama labaad ee sababa xanuunnada dhimirka ee Soomaalida.


Tusaale ahaan, cilmi-baadhis ay soo saartay ha'yadda caafimaadka adduunka ee [WHO], ayaa tibaaxday in saboolnimada iyo shaqo la'aantu ay tahay shayga labaad ee Soomaalida ku sababa xanuunnada dhimirka, daraasaddani waxa ay soo baxday sannadii 2010-kii. Waxa kale oo ay daraasaddani sheegtay in saboolnimada iyo shaqo la'aantu ay keentay natiijo nafsi ah, arrimaha ay xustay waxa ka mid ah: rejo xumo [hopeless], iyo qulub [depression] ¹⁴. Sida oo kale cilmi-baadhis ay samaysay hay'adda GAVO ayaa iyaduna sheegtay in 25.7% jirrooyinka nafsiga ah ee Soomaalilaand ka jira ay keenaan saboolnimada iyo shaqo la'aantu. Daraasaddu waxa ay wareysi ka qaaday 50 qof oo qaba xanuunnada dhimirka, kuwaas oo sheegay in 52% jirrooyinka ay qabaan ay keentay saboolnimada iyo shaqo la'aantu¹⁵. Waxa kale oo ay daraasaddu xustay in dakhliga soo gala dadkaasi uu yahay mid aad u liita, tusaale ahaan: kontonkaas qof maalin walba waxa soo gala dhaqaale ka yar hal dollar, waa sida ay warbixintu tilmaantay e.


Haddaba, sida aynu warbixinnadan kala duwani ku aragnay saboolnimada iyo shaqo la'aantu waa mid ka mid ah waxyaabaha Soomaalida ku sababa jirrooyinka nafsiga [psychological disorders]. Waxa jira xanuunno gaar ah oo ay sababto shaqo la'aantu waxana ka mid ah; xanuunka afka qalaad lagu yiraahdo 'adjustment disorder', xanuuunkan tilmaamihiisa waxa ka mid ah: hurdo xumo, xiiso la'aan, rejo xumo, murugo, diiqad, khalkhal la xidhiidha dhanka maskaxda gaar ahaana xogsaaridda [concentration], iyo afkaaro la xidhiidha isdil [suicidal thoughts ]¹⁶. Dhanka kale saboolnimada iyo shaqo la'aantu waxa ay mid yihiin arrimaha qofka ku xejiya xanuunnada nafsiga [Perpetuating factors], sida ay tibaaxaan khuburrada cilmi nafsigu. Sidaa awgeed saboolnimada iyo shaqo la'aantu waxa ay safka hore kaga jiraan waxyaabaha Soomaalida ku sababa jirrooyinka nafsiga ah, waxana sida oo kale ka mid yihiin caqabadaha hortaagan in dadka laga daweeyo jirrooyinka, maadaama ay yihiin dad dhaqaale ahaan waxa soo gala uu yahay wax aad u hooseeya, taasina aysan u goyn karin qalab caafimaad iyo baxnaano nafsi ah. 



*3: MAAN-DOORIYAHA [substance abuse]*



Maan-dooriyuhu waxa uu ka mid yahay waxyaabaha Soomaalida ku sababa jirrooyinka dunneed [psychological disorder], warbixinnadu waxa ay tibaaxayaan in maandaariyuhu yahay midka ugu sarreeya ee Soomaalida ku keena xanuunnada nafsiga, sidaa awgeed mukhaadaraadku waxa uu saamayn xoogle ku leeyahay nolosha Soomaalida sida; dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo siyaasadda. Cilmibaadhis ay samaysay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa xustay in qaadku ka mid yahay waxyaabaha ugu horreeya ee Soomaalida ku sababa xanuunnada dhimirka. Warbixin maxalli ah oo ay soo saartay ururka GAVO ayaa tilmaantay in Soomaliland dhaqaale ahaan maalintii ay qaad ku bixiso lacag kor u dhaafaysa labo boqol oo kun oo dollar [$200, 000] ¹⁷. Dhana kale warbixin ay baahisay hay'adda VIVO ayaa xustay in bukaan la wareysatay ay 80% la ildarnaayeen xanuunka waalida [psychosis], intooda ugu badanna waxa ay xidhiidh la leedahay—QAADKA. 


Qaadku waa waxa ugu badan ee keena jirrooyinka nafsiga ah, waxa dhawaahan dambe soo raaca xashiishadda [marjuana], waxana inta badan aad u adeegsada dhalliyarada sida ay xustay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ¹⁸. Warbixinnada ay samayso WHO qaar ka mid ah waxa ku xusan in tirakoob la sameeyey lagu helay ugu yaraan 76% dadkii bukaanka ahaa inta aysan bukoon waxa xanuunka ku sababay ay tahay qaadka, dhanka kale warbixintu waxa ay xustay in 70 ka mid ah bukaankaasi ay weli qaadka cunaan¹⁹. Sida oo kale qaadku waa shayga ugu horeeya ee bulshada Somaaliland ku sababa xanuunnada dhimirka waxa uuna marayaa 35%. Qaadku waa mushkilad weyn oo haysata badanka qaaradda Afrika, Soomaaliduna waxa ay ka mid tahay ummadaha u jirraban mushkiladdaas


Qaadku waxa uu Soomaaliya ka soo galay dhanka Soomaali galbeed [Somali region], ka dib waxa uu u soo gudbay woqooyiga, bilowgii xornimada ka dib, waxa uu uga sii gudbay dhanka Koonfurta Soomaaliya. Marar badan qaadka waxa la isku dayey in la joojiyo, mar wax iskudayey gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga, balse waa fashilmay iskudaygaasi. Mar kale waxa iskudayday dawladdii kacaanka ahayd oo sannadii 1983 ayey joojisay, balse markii ay dawladdii kacaanku burburtay sannadii 1991-kii, qaadku dib ayuu u soo noqday, waxa uuna qaadku gaarey halkii ugu sareysay. Dhanka Koonfurta Soomaaliya, xilligii burburka oo ku beegan 2006, waxa iskudayey in ay qaadka joojiyaan ururkii Midowga Maxkamadaha kuwaas oo inta badan ka talinayey qaybo badan oo ka mid ah gobollada Koonfurta, nasiib darro markii maxkamaduhu burbureen qaadku dib ayuu u soo kacay oo Bari iyo Galbeed ayuu ka dhacay, waxana halkaa ku godgalay qorshayaashii la rabay in lagu joojiyo isla markaana lagu mamnuucayey qaadka²⁰.


Qaadku waxa la la xidhiidhiyaa jirrooyin nafsi ah oo isugu jira—waali [schizophrenia], shaki [paraniod], qulub [depression], khafiif [manic] iyo walaac [anxiety]. Intan oo jirro iyo kuwo ka badanba ayuu sababaa qaadku, qaarkood waa jirrooyin nafsi ah oo halis ah qofkana marka ugu dambaysa waxa ay gaarsiiyaan in uu isdilo [suicide]²¹. Si guud jirrooyinkan Soomaalida waa kuwo shaacsane ka ah, intooda badanna waxa ay ku badan yihiin ragga marka la barbardhigo dumarka. Sida uu maan-dooriyuhu u yahay mid gudaha Soomaaliya ugu badan ayuu sida oo kale waxa uu yahay mid ku badan qurbaha, tusaale ahaan; qoraal lagu daabacay wargeyska afka dheer ee EthnoMed ciwaanna looga dhigay "Somali Refugee Mental Health Cultutal Profile Literature Upate", ayaa lagu qorey hadal sidan u dhigan: *"Daraasad laga sameeyey magaalada Minnesota ayaa tibaaxday in 40% kiisaska waalida ah [psychotic cases ], ee dhallinyarada Soomaliyeed laga helay in sababta ka dambaysaa ay xidhiidh la leedahay xashiishadda—Marijuana. Xashiishaddu waxa ay kaalin weyn ku leedahay kicinta calaamadaha waalida [in triggering psychotic symptoms].²²"* Muuqaal baahiyaha caanka ah ee MMTV ayaa bulshda magalaada Hargeysa ku dhaqan weydiiyey, su'aal ah: maxaad ka taqaaniin cudurrada dhimirka? Maxaase keena? Dadweynuhu si aqoon iyo wacyi leh ayey uga warceliyeen weydiinta uu TV-gu weydiiyey, su'aasha ah maxaa sabab xanuunnada dhimir, badankood waxa ay kaga jawaabeen mukhaadaraadka gaar ahaanna—QAADKA, iyaga oo markaas og mushkiladda uu qaadku ku hayo deegaannada ay Soomaalidu degto.



Haddaba, qaadku waa aafo shaacsane ah oo burbur aad u weyn u geystay; dhaqaalaha, caafimaadka, qoyska iyo nolosha guud ee Soomaalida. Guud ahaan daraasadaha aan xigtay waa kuwo xilli hore la qaaday, balse maanta heerka qaadka iyo mukhaadaraadku waxa ay marayaan halkii ugu sarreysay waxana maanta la cunaa wax walba oo balwad ah, qaybo ka mid ah mukhaadaraadku waa kuwo la ogol yahay [legal substance abuse], sida: qaadka, sigaarka, badeecadda iyo—tubaakada. Mukhaadraadkan la ogol yahay waa kuwa ay dawladdu ka hesho kharashaadka ay ku kala xadayso baahiyaha dawladda kuna kala socod siiso mushaharaadka shaqaalaha. Waxa jira mukhaadaraad aan sharci ahayn [illegal substance abuse], waxa ka mid ah— khamriga iyo xashiishadda. Kuwan waa mamnuuc balse waxa lagu gadaa suuq madow, waana kuwa ugu badan ee dhaqaalaha laga sameeyo marka la barbardhigo mukhaadaraadka kale ee dawladdu sharciyeysay ama ay ogoshahay. Warbixin ay sannadii 2016-kii daabacday ha'yadda Qaxootiga adduunka ee UNCHR ayaa lagu xusay in qaadku yahay shayga labaad ee ay Soomaalidu soo dhoofsato, kaliya waxa ka horreeya sokorta. Dhaqaale ahaan sannadkii Soomaalidu waxa ay qaad ku bixisaa lacag kor u dhaafaysa $50Milyan. Mukhaaraadka sharciyeysan iyo kuwa aan sharciyeysanaynba waa labo aafo oo halis muuqata ku ah; caafimaadka ruux Soomaaliga ah, waana kuwa sababa jirrooyinka dulleed iyo—kuwa dunneed ee ay Soomaalidu la dhiban yihiin. 



*4: Jinka iyo sixirka [spirits and witchcraft]*



Jirrooyinka shaacsanaha ka ah bulshada Soomaaliyeed, waxa ka mid ah kuwa ay keenaan jinka iyo sixirka. Soomaalidu waxa ay aaminsanyihiin in jinku yahay waxa sababa jirrooyinka ku dhaca maskaxda, badankooduna waxa ay xanuunnada maskaxada u yaqaaniin waali oo kaliya, wixii aan waali ahayn uma tixgeliyaan in ay waali noqon karto. Eeg (UNCHR, 2016). Belaayada ka baxsan dabeecadda (demons), Soomaaalidu waxa ay la xidhiidhiyaan in ay tahay waxa sababa xanuunnada dhimirka, sidaa awgeed goobaha lagu sameeyo: cuudiska, huurinta, hanfinta, tufka iyo taxliisha, waa goobaha ugu badan ee ay dadku si joogto ah u tagaan, intooda ugu badanna waxa ay rumeysan yihiin in la derderay oo la durreeyey, una baahayihiin cuudin (exorcism). Dhaqannada qaar ayaa aaminsan in xanuunnada maskaxdu ay tahay wax uu Eebbe keeno, waana fasirka ugu dhow ee ay dadku ka bixiyaan marka ay qofka ku timaaddo cillado la xidhiidha dhanka; nafta iyo maskaxda²³. Dhanka dagaallada, cudurrada, gaajada iyo abaaraha, Soomaalidu waxa ay u fasiraan in uu yahay—ciqaab iyo qaddar Eebbe [God destiny and punishment]. 


Cilmi-baadhis ay 'GAVO' ka samaysay gobollada Soomaaliland ayaa la gu xusay in jinka iyo sixirku qayb ka yihiin waxbaayaha ay Soomaalidu u arkaan in uu sababo xanuunnada maskaxda, sidaa darteeed, daraasaddu waxa ay tibaaxday in jinku jirrooyinka uu sababaa ay tahay 2.9%, halka sixirku uu yahay 4%²⁴. Waxa jira arrimo aysan daraasaddu xusin, sida; xasadka iyo isha, oo iyaguna ah arrimaha ay Soomaalidu u sharraxaan xanuunnada maskaxda. Tusaale ahaan; waxaad arkaysaa qof nafsad ahaan buka, oo lagu leeyahay waa la xasday, ama waa la illeeyey. Il iyo xasad qofkan ka muuqda ma jirto, se caaalamadaha uu qofku bixinayo waa kuwii lagu garan jirey qofka qaba xanuunnada nafta iyo maskaxda. Marka xasadka iyo ishu waxa ay ka mid yihiin, hababka loo fasiro jirrooyinka nafsiga ah ee Soomaalida shaacsanaha ka ah. Waxa ay taasi tilmaan u tahay, halka uu joogo garaadkeenna aqooneed, fikir iyo ogaal.

Maqaal lagu baahiyey wargeyska afka dheer ee Bildhaan ciwaanna looga dhigay "Somali Mental Health", ayaa lagu xusay qoraal macnihiisu yahay: "Soomaalidu waxa ay rumeysan yihiin in jinku yahay waxa keena jirrooyinka dunneed, se bulshada reer Galbeedku ma jirto meel ay ugu xusan tahay in diinta iyo ruuxdu yihiin waxyaabaha sababa xanuunnada maskaxda. Dhaqanka Soomaaliyeed si guud ayuu u arkaa; jidhka, maskaxda iyo ruuxda, balse dhaqanka reer Galbeedku waa uu kala saarey; jidhka, maskaxda iyo ruuxda." Hadalkan kore ee aan ka soo xigtay maqaalka, waxa uu si cad u tilmaamayaa halka ay innala mareyso fahanka aynu ka haysanno xanuunnada maskaxda, iyo halka ay joogto fahamka aynu ka haysanno: jidhka, maskaxda iyo ruuxda. Cilmi ahaan maanta waxa sugan in ay saddexdan shay kala duwan yihiin, se innagu waxa ay innoogu jiraan hal khaanad oo isku mid ah. 


Diinta Islaamka dhexdeeda dood ayaa ka taagan ah: JINKU DADKA MA GALAA? Waxa jira in ay dooddan wadaaddo badan ku kala qaybsameen, qolo tiraahda jinku dadka waa galaa, iyo qolo kale oo tiraahda jinku dadka ma galo. Dooddan inta badan waxa la isula noqdaan aqoonyahannada ku xeeldheer kasma-nafeedka, maadaama arrintu ay la xidhiidho wax qarsoon oo aan la arki karin sida oo kalena aan la taaban karin, balse habka lagu ogaan karo ay tahay in loo fiirsado; dhaqanka, fikir iyo dooca qofka. Cilladaha nafsiga ah ee qofka soo food saara inta ugu badan waxa ay saamayn u geystaan, dhaqanka, fikirka iyo dareenka qofka, sidaa aweed ayey u yiraahdaan, ABC [affects, behavior and cognitive], isbeddelladan saddexda ah ee qofka ku yimaada ayaa lagaga gungaadhaa jirrada haysa. Haddaba, sida ay tilmaantay hay'adda Qaxootiga Adduunka ee 'UNCHR' jinka iyo sixirku waxa ay ka mid yihiin arrimaha ay Soomaalidu aaminsan yihiin in ay ku sababaan jirrooyinka dhimirka. Waxa kale oo ay 'UNCHR' xustay in sixirku shaacsane ka yahay Soomaalida dhexdeeda si la mid ah sida jinka oo kale, waxana caan ka ah magaca SIXIROOLE ²⁵. 


*Gunnaanad*


Waxa aynu qoraalkeena sare kaga faalloonay arrimaha Soomaalida ku sababa jirrooyinka ku dhaca nafta iyo maskaxda, waxa aynu soo aragnay warbixinno kala duwan oo laga sameeyey xanuunnada dhimirka ee Soomaalida, waxa qoraalka ku lafagurnay afarta ugu waaweyn ee keena xanuunnada dhimir ee Soomaalida, sida ay tibaaxayaan baadhitaannadii kala duwanaa ee laga sameeyey guud ahaan Soomaaliya, waxa aynu qoraalka si qumman oo miyir iyo caafimaad qabta ugu doodnay saamaynta ay jirrooyinku ku reebeen nafsadda Soomaalida. Sidaa awgeed waxa halkan innoogu eg qaybtii koowaad ee aynu kaga warramaynay waxyaabaha Soomaalida ku sababa jirrooyinka dunneed. Waxa innoo harsan qayb kale oo aynu kaga halcelinayno; caqabadaha hortaagan in Soomaalidu aqoonsato isla markaana laga daweeyo xanuunnada nafsiga. Dhaqanka Soomaaliyeed ma aqoonsana jiritaanka xanuunnada ku dhaca nafta iyo maskaxda. Bulshada Soomaaliyeed ma fahamsana in naftu bukoon karto si la mid ah sida uu jidhka qaybihiisa kala duwani u bukoodaan. Sidaa darteed hormada kale waxa aynu ku dooddi doonnaa arrimaha ugu muddan ee hortaagan in Soomaalidu aqoonsato jiritaanka xanuunnadu dhimirka, waxa kale oo aan kaga warrami doonnaa sida uu dhaqanka Soomaalidu u arko jirrooyinka nafta iyo maskaxda ku dhaca.


             Dhammad



Tixraacyo [References].

¹: http://www.who.int/hac/crises/som/somalia_mental_health/en/.

²: GAVO. (2004). Beseline Survey Report on Mental Health Situation in Somaliland.

³: WHO. (2010). A Situation Analysis of Mental Health in Somalia.

⁴: UNCHR. (2016). Culture, context and mental health of Somali refugees.

⁵: Afrax. (2004). Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay, Halabuur Communications, London.

⁶: Bulxan. (2013). In-Between Three Civilazations Volume 1, Tayosan International Publishing, Hargeysa.

.جاسم سلطان؛ قواعد في الممارسة السياسية ، ٢٠٠٨. نشر مؤسسة أم القرى :⁷

⁸: WHO. (2010). A Situation Analysis of Mental Health in Somalia.

⁹: GAVO. (2004). Beseline Survey Report on Mental Health Situation in Somaliland.

¹⁰: MD Perez. (2006). "Somali Depression Profile", EthoMed.


¹¹: Daud. (2010). Dhaliisha dhaqanka Soomaalida. 

¹²: Daud. (2010). Dhaliisha dhaqanka Soomaalida. 

¹³: "Faqriga iyo Soomaaliya", Somalitalk, March/ 7/ 2014. 

¹⁴: WHO. (2010). A Situation Analysis of Mental Health in Somalia.

¹⁵: GAVO. (2004). Beseline Survey Report on Mental Health Situation in Somaliland.

¹⁶: Diagnostic and Statistical Manual of Mental Disorders, 5th Edition: DSM-5, published by American Psychiatric Association, May 18, 2013.

¹⁷: GAVO. (2004). Beseline Survey Report on Mental Health Situation in Somaliland.

¹⁸: WHO. (2010). A Situation Analysis of Mental Health in Somalia.

¹⁹: WHO. (2010). A Situation Analysis of Mental Health in Somalia.

²⁰: Qaadku ma Maandooriyaa?, somalitalk, Oct 10, 2008.

²¹: Khat Use and Mental Illness: A Critical Review, August 2007.

²²: Rice. (2016). "Somali Refugee Mental Health Cultutal Profile Literature Upate", EthnoMed.

²³: Somali Mental Health", Bildhaan–An International Journal of Somali Studies, 2004.

²⁴: GAVO. (2004). Beseline Survey Report on Mental Health Situation in Somaliland.


²⁵: UNCHR. (2016). Culture, context and mental health of Somali refugees.

W/Q: Axmed Abshir Yuusuf (Xisaam Miido)





Comments

Popular posts from this blog

Hantiwadaaggii Soomaaliya: Guul mise Guuldarro 

Faallo kooban, buugga: Losing the Art of Survival and Dignity.

Goosan faallo ah: buugga "labo isma saarin."