Akhris deggan oo ku saabsan wareysigii mar la'araga ahaa ee Fahad Yaasiin: [ iskuday in aan xagal kale ka akhrinno shakhsiyadda Fahad Yaasiin].

 


W/Q: Sh. Abdirahmaan Bashiir [Af-Carabi].

W/T: Axmed Xisaam Miido     [Af- Soomaali].


Garoonka siyaasadda laba dhaqdhaqaaq oo aad u weyn baa jira, midkood Farmaajihii tegay ayay raacsan yihiin, kuwa kalena Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ayay raacsan yihiin si ay u mucaaridaan madaxweynihii hore. Kuwaasna waxaa ka mid ah madaxweynaha hadda jooga ee Xasan Sheekh, iyo madaxweynihii hore ee Shiikh Shiriif Sh. Axmed, iyo siyaasiyiin kale—taasina waa shaacsane saaxadda siyaasadda ka jirta.

Waxa jira akhrisyo dhawar ah, dhammidoodna waxa ay ku jiraan goobtan, qaar ka mid ah dadka akhrista sameeyey ma aysan beddelin aragtida ay kooxda ka haysteen, waayo, waxa ay isku dayayaan in ay sameeyaan akhris mawduuci ah oo ku sal go'an indho kooxda uu ka tirsan yahay ah. Qofka ka tirsan kooxda madaxweynihii hore iyaga ayuun buu ula jiraa si walba. Qofka ka tirsan kooxda kalena waxa uu isna si walba ula jiraa kooxdiisa. Mid walba oo labada koox ka tirsan ka tegi maayo fikraddiisa, iskuna dayimaayo in uu akhristiisa dib u eego, si walba oo uu u arko god-doloolooyin iyo khaladdo.


Waxa aan muddo dheer ka fikireyey qaybaha uu ka kooban yahay wareysiga uu wado weriyaha xirfad laha ah ee Faarax Cabdiqaadir, waxa aan wareysiga u dhegeystay si xorriyad ah, waxa aan iskudayey in aan akhriyo fikradda uu soo bandhigayo Fahad Yaasiin. Sida oo kale waxa aan iskudayey in aan akhriyo waxa sadarrada ka dambeeya, waxa sida oo kale akhriyey waxa loogu yeedho; [akhrista jidheed/ body language], iyo sida uu Fahad Yaasiin ula falgalayo wareysiga, waxa kale oo aan isku hawlay in aan fahmo saxafigu ma yahay nin caqli badan? Mise waa nin la mid ah dadka kale?


Waxa aan iskudayey in aan akhriyo maxa— xilligan wareysigan keenay? Wareysigu miyuu xambaarsan yahay farriimo siyaasadeed oo la xidhiidha taaganta? Mise waa farriimo la xidhiidha xaaladda siyaasadeed ee guud ee Soomaaliya? Muxuu u dheeraaday wareysigu? Muxuu u noqday wareysigu midka ugu muhiimsan saaxadda Soomaaliya? Waxa aan sida oo kale akhris ku sameeyey sidee dad weynuhu ula falgaleen wareysigan?


Waxan dhegeystay wareysiyo hore iyo kuwo dambe, oo dhammaantood la—xidhiidha Fahad Yaasiin. Waxa aan iskudayey in aan fahmo kuwa ka hadlaya; aragtiyaha, fikradaha iyo mustaqabalka Fahad Yaasiin. Ninku qof caadi ah ma ah, waa nin aad u maskax badan, waa mar la'arag illaa heer, waxa uu leeyahay awooddo uu ku cabbiro, oo uu kula fal galo saxaafadda. Sida oo kale waxa uu leeyahay awooddo uu si kooban ku dhaho wixii uu doonayo, iyo awooddo uu dadka ku gaarsiiyo macluumaadka hab fudud.


Saaxadda siyaasadda Soomaaliya waxa aan ku arkay labo nin oo xambaarsan khiddaab siyaasadeed iyo mid fikradeed labadaasi waxa ay kala yihiin: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame—ma hadlo isaga oo aan lahayn tixraac siyaasadeed, lamana hadlo taageerayaashiisa isaga oo aan fikrad xambaarsanayn, ma aha siyaasi oo kaliya, waayo waxa uu leeyahay awood aan caadi ahayn oo uu ku qaadi karo fikradaha siyaasadeed. Sidaa oo kale waxa la mid ah Fahad Yaasiin, waa siyaasi iyo aqoonyahan safka hore ku jira, sida iiga muuqatay intii uu socday wareysigu. Fahad Yaasiin waxa uu leeyahay khiddaab isku xidhan, aragti siyaasadeed oo cad iyo tixraac uu ka dhaqaaqo. Sidaa awgeed waxa aan adkaynayaa in ay ka mid yihiin siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aqoonyahanka ah, ulama jeeddo in ay saaxadda keli ku yihiin, se waxa ay u taagan yihiin shaacsane siyaasadeed, waxayna agtayda la mid yiihiin, labo nin oo kala ah: Dr. Maxamed Khaatimiga Iiraan iyo Cali Cisat Bogafijka Boosniyaaniya.


WAREYSI JAADGOONNI AH
……………………

Waraysigani dhex maray weriyaha iyo Fahad Yaasiin, waxa uu ahaa mid ka geddisan waraysiyada kale ee ka qabsooma saaxadda Soomaalida, waa marka hore e, waa caynad goonni ah, kolkii muddo uu indhaha bulshada ka maqnaa, waana markii u horreysay ee uu ka tegay boosaskii amniga iyo shaqooyinkii sar-sare ee xukuumadda, laba sababood awgood:

1. Deggenaanshiiyo iyo khalkhal la'aan, ma uu aqbalin ninku [Fahad], kicinta weriyaha, se dhidibaddu waa ay u malaasnaayeen, isaga oo weliba degan.

2. Isku xidhnaanshaha fikradeed, iyo dhacdhac la'aan macluumaatka dabadii, bal'e wuxuu fekerka siyaasadeed u ahaa mid xanbaarsan macluumaadka ee aan liddiga ahayn.


Akhrista aan ku sameeyey afkaarihii ustaadkii weynaa ee Maxamed Xusayn Haykal iyo Dr. Cabadalle Nafiisi. Kan hore [Haykal], waxa aan ku arkay; xoggo badan oo go'aaminaya afkaartiisa. Kan labaad [Nafiisi], waxa uu leeyahay fikir adag, waana midda xambaarsan macluumaadkiisa. Waxa uu macluumadka u adeegsadaa sidii uu doono. Fahad Yaasiin waxa aan ku arkay midka labaad: waxa uu hayaa xoggo badan, balse in yar buu ka sheegayaa, waxa kale oo uu leeyahay fikrad adag waxa uuna macluumaadka u adeegsanayaa sidii uu doono.


Fahad Yaasiin waxa uu isku dayey in uu adeegsado labo arrimood oo muhiimaddooda leh, middi waa aqoonta xeesha dheer ee uu u leeyahay caalamka warbaahinta. Wuxuu garanayaa: muxuu weriyuhu doonayaa? Waxa kale oo uu garanayaa muxuu doonayaa in uu yiraahdo? Wixii uu rabay ayuu yiri. Balse ma odhan wixii uu doonayey weriyuhu. Arrinkaasi waxa uu u baahan yahay labo arrinmood oo kala ah: caqli badnaan iyo—aqoon. Arrinka labaad ee uu Fahad adeesaday, waxa weeye; khibaraddiisa xeesha dheer ee uu u leeyahay AMINGA. Waxa uu yiri wixii siyaasad ahaan anfacayey, waxa uuna ka fogaaday wixii aan siyaasad ahaan anfacayn.


Taasi waa sababta uu xoggo badan jeebka ugu qariyey arrimo la xidhiidha amni darteed, waa suurtagal in uu adeegsado xilliyada soo socda. Fahad waxa uu direy labo farriimood oo muhim ah, midi; waa in Fahad xukunkii ka tagay, balse uu weli awood leeyahay, waayo weli waxa uu hayaa xoggo. Midda labaadi, waa in aysan siyaasaddu ahayn booska aad joogto, balse ay tahay arrin kale, waana in cidda awoodda lihi ay weli awoodda leedahay. Qaar ka mid ah fallan-qeeyayaashu waxa ay leeyihiin: "awooddu ma aha qofka haysta qalab adag, se waa qofka haysta macluumaad dhab ah, awooddna u leh in uu akhriyo, turjumo oo gorfeeya wixii dhacaya, kaasi waxa uu leeyahay nooc awood ah."


MEELAHA UU WAREYSIGU KU WANAAGSANAA.
--------

Wareysigu waxa uu lahaa arrimo wanaagsan iyo arrimo liita. Maxay yihiin arrimaha wanaagsan ee uu wareysiga lahaa? Waxa jira shan arrimood oo wanaagsan, oo inna siinaya haddiii aannu nahay fallan-qeeyayaasha shakhsiyadda [Fahad], taasina waxa ay ku jirtaa wareysigii shanta xalqadood ahaa, ee socday muddada todobaadka ah. Shantu waa kuwan soo socda.


1: Ereyada oo si taxadar leh loo doortay; ereyadaasi ha noqdeen kuwo run ah ama been ah. Balse Fahad waxa uu si fiican u doortay ereyada uu ku hadlayo, waxa uuna ereyada u adeegsaday halkii kaga habboonayd wareysiga.


2: Fahad waxa uu ka la saarey dadka kula jira loollanka; dadka qaar waxa uu la galay loollan jiritaan ah, waxana ka mid ah dadka uu la galay: Ra'iisul wasaraha xilka ka degaya ee mudane Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ah ninkii ugu horreeyey ee amniga, marxaladdan haddana haya. Waxa uu kuwaas ogeysiiyey dagaal aan xuduud lahayn. Halka uu wareysigiisa iskudayey in uusan ku dhawaaqin dagaal weyn oo u dhexeeya isaga iyo madaxweyanaha hadda jooga ee Xasan Sh. Maxamuud, taasi waxa ay muujinaysaa garaad badnida siyaasadeed.


3: Fahad mar waxa uu xogtii uu hayey u adeegaaday si mawduuci ah, mar kalena waxa uu u adeegsaday in uu ku jiheeyo hadafkiisa siyaasiga ah ee cad. Sidaa awgeed sida aynu hore u odhanay; Fahad wax walba ma sheegayo, se waxa uu sheegayaa wax u muuqanaya halis, waxa uuna qarinayaa wax kale oo ka halis badan, taasina waxa ay ku tusinaysaa caqli badnaanta sirdoon.


4: Fahad waxa uu adeegsaday luqadda wejiga; mar in yar ayuu qoslayaa, in badanna waa uu dhoola caddeynayaa. Inta badan waxa uu eegayaa wejiga weriyaha, waxa uuna warcelinayaa isaga oo dhoola caddeynaya. Mararka qaar waxa uu iska dhigayaa qof aan fahmin hadalka weriyaha, isaga oo doonaya in uu gadaal ka fahmo waxa dariiqa siyaasadeed socda. Halkaas waxa iiga caddaatay in uu Fahad qaatay tababarro badan oo ku saabsan habka loola dhaqmo saxaafadda. Sidaa awgeed marna gacantiisa uma dhaqaajin dhanka wejiga, sida oo kale marna ma eegin meel kale in yar mooyee, waxa uu dhugmada siinayeye dhanka weriyaha.


5: Fahad iskuma dayin in uu qariyo shakhsiyaddiisa fikradeed sida ay inta badan sameeyaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Fahad weli waxa uu ku faanayaa fikirka diiniga ah ee [SALAFIYADA], welina kama uusan tagin iskuuulkaas, balse waxa uu diiday in uu qori qaatay xilli ka mid ah xilliyada. Halkaasna waxa aan ka fahmay, in ninku arrintan ku kalsoon yahay.


Shantan arrimood waxa aynu ka helaynaa saddex farriimood oo kala ah: awoodda shakhsiyadeed iyo degenaanta shakhsiga ah ee Fahad, in ninku yahay halgamaa horreeya oo aan dhaqan u lahayn in uu ka tanaasulo mawqifkiisa, waxase suurtagal ah in uu u han-qaltaago si uu yoolkiisa u gaaro. Waa maxay arrimaha liita ee wareysigu lahaa.


1: Inkasta oo aanan si fiican u garanayn, haddana wareysigu waxa uu ahaa mid hore loo diyaariyey, weriyuhu waxa uu weydiinayey su'aalo diyaarsan, Fahad na waa uu garanayey waxa uu odhan doono. Wareysigu waxa uu ahaa mid aan kacsanaan badani ku jirin, inkasta oo uu weriyuhu xilliyada qaar soo bandhigayey su'aalo ay ku jiraan qarsoonaan iyo kicin.


2: Xilliyada qaar Fahad Yaasiin waxa uu eegayey samada weliba marka la weydiiyo su'aalo adag oo halis ah. Weydiimahan ku saabsan luqadda jidhka [body language], aqoonyahannada ku takhasusay waxa ay yiraahdaan: "in samada la eego waxa ay tilmaamaysaa labo arrimood oo kala ah; caajis ama fikir." Qaar kale waxa ay yiraahdeen: "in samada la eego waxa ay tilmaamaysaa caro iyo niyad jab. Inta wareysigu socday waxan arkay in ninku shakhsi ahaan uu qabsaday cabsi; se marna ma awoooddin in uu indhihiisa ka joojiyo xagga sare. Ma weydiimaha soo noq noqnaya ayuu ku caajisay? Ma waxa uu doonayey fikir dheeraad ah? Ma waxa uu ka cadhaysnaa waaqaca? Mise arrinta ku socota ayuu ka niyad jab?


3: Dadka qaar waxa ay yiraahdeen, waxa uusan Maalik Khamriga ka odhan. Waxa uu ka hadlay xoggo aad u badan, xilliyada qaar waxa ay ahayd dhimso aan caddaymo lahayn, sida awgeed waxa aynu u baahannahay addillo. Sida oo kale waxa aynu u baahannahay barnaamijyo la mid ah; [Shaahid Calal Casar] iyo barnaamij la mid ah midka Al-Jasiira ka baxa ee [Al-Muqaabala], midaas oo ay inta weydiimo xaddidan yihiin ay haddana kooban yihiin. Sida oo kalena jawaabuhu inta ay kooban yihiin ay caddaymo la socdaan. Waxa waajib ah in aynu dhegeysanno qofka kale, ee sida cad iskaga difaacaya eedaymaha.


4: Waqtigu aniga faa'iido iima lahayn, waxa waajib ahayd in la sugo illaa inta uu madaxweynaha cusubi uu shaqadiisa bilaabayo, sida oo kalena xukuumaadu ay shaqadeeda bilaabanayso. Sidaa awgeed ayaan u arkaa in wareysigu deg deg yahay, taasina waxa ay burinaysaa siyaasadda degen ee Fahad Yaasiin.


Si guud wareysigu waxa uu ahaa mid qurxoon oo xiiso leh. Kaliya ma ahayn wareysi siyaasadeed, balse waxa uu ahaa wareysi fikradeed oo u dhaxeeya weriye xifad leh iyo aqoonyahan siyaasi ah oo khatar ah, kaas oo soo ciyaaray dawrara kala duwan, sida in uu yahay: mar la'arag hoggaamiyayaasha sameeya, waxa uuna leeyahay awood aan caadi ahayn oo uu kula qabsado daruufaha kala duwan, waxa uu leeyahay tilmaan shaqo, iyo awood la qabsi oo uu xaaladda kula qabsado. Laga soo bilaabo yaraantiisii waxa uu ahaa hoggaamiye, waxa uuna qabtay shaqada hoggaaminta isaga oo yar. Balse siyaasadda Soomaaliya ee hadda jirta oo leh dhaqankeeda iyo xeerarkeeda qabyaaladeed, ayaan u ogolaan in uu dhaqan hoggaamineed ku sameeyo sidii uu doonayo. Si kastaba ha ahaatee waxan arkaa in marxaladdani ay u baaba'ayso si tartiib tartiib ah.


Muhim ma aha in aan Fahad la jiro, iyo in aanan la jirin. Waxba igama gelin cidda uu ka hadlayo, sida oo kale waxba igama gelin booska uu Fahad nolosha kaga jiro, sababtoo ah dhammaan waxaasi way baaba'ayaan. Balse waxa aan danaynayaa afkaarta mar la'araga ah ee wareysiga ku jirey, iyo sida ay u dhamaystirnayd afkaarta la soo bandhigayo. Waxana iskudayey in aan akhriyo waxa hadalka ka dambeeya, waayo taas ayaa ah kaalintayda indheergrad. Indheergaradku waa midka sameeya nolosha, caqligayga meelna ugama banaana aragatiyaha haraaga ah gaar ahaanna, qabyaaladda taalla saaxadda Soomaaliaya.


Muhim ma aha in aan rumaysto dhammaan wax walba oo uu Fahad yiri, sida oo kale muhim ma aha in aan diido wax walba oo uu Fahad yiri, se muhiimaddaydu waxa weeye in aan fahmo muxuu Fahad yiri? Sidee u yiri? Goormuu yiri? Ma waajibaa in uu yiraahdo maya? Indheergaradku uma fikiro, sida uu u fikiro qofka shaaraca jooga, se indheergaradku waxa uu leeyahay caqli wax shiida, iyo akhrista wax gadaal taal, iyo akhrista waxa hore taalla. Dhammaan waxaas oo idil wuxuu u uruuriyaa si uu wax u sheego.


Muhim ma aha in aan la jiro kuwa Fahad Yaasiin u sacabba tumaya, sida oo kale muhim ma aha in aan la jiro kuwa iyaga oo aan wacyi lahayn diidaya dhammaan hadalkii Fahad. Balse waxa aan garanayaa in ninku [Fahad] yahay nin muhim ah oo halis ah. Fahad waxa uu leeyahay cadow, cadowgiisa waxa ka mid ah; ururro siyaasadeed, kooxo iyo shakhsiyaad. Dhanka kale Fahad waxa uu leeyahay gaashaanbuuro, gaashaanbuurtaasna waxa ka mid ah; dawlado, ururro siyaasadeed iyo shakhsiyaad. Qofkii aan cadow lahayn waa raahib iyo daaci. Qofkii aan saaxiibbo lahayn waa ruux ku fashilmay siyaasadda. Sidaas ayey sunnada Eebbe ee noloshu ku socotay, laga soo bilaabo nebi Aadan illaa saacaddan aynu joogno.

Comments

Popular posts from this blog

Hantiwadaaggii Soomaaliya: Guul mise Guuldarro 

Faallo kooban, buugga: Losing the Art of Survival and Dignity.

Goosan faallo ah: buugga "labo isma saarin."