Faallo akhris buugga: Safiirka.
Buuggan waxaa qoray diblomaasi Peter Brigdes. Peter waa diblomaasi hore oo hawlgab ah, haddana ah macallin jaamacadeed. Waxa uu soddon sanno ku soo jirey diblomaasiyadda, weliba wakhtiyadii xidhiidhka caalamiga ah iyo siyaasaddu ugu xiisaha badnaayeen, ka hor intii aanu Soomaaliya ka noqon safiir. Buuggan waxa afka Soomaaligga u hal-tabiyey Kamaal marjaan oo ah Saxafi iyo qoraa, horayna u soo saarey laba buug, mid turjuman iyo mid uu qoray, oo kala ah: Aamina Al-mufti (basaasaddii dunida Carabta ugu caansanayd) iyo af-gembigii dhicisoobay (af-gembigii ka dhacay Turkey, 2016). Waxa uu dhawr iyo tobonkii sanno ee ugu dambeeyay ka hawlgalayay warbaahinta Soomaalilaan, isaga oo guddoomiye ka noqday wargeyska caanka ah ee Geeska Afrika iyo maareeye iyo tafaftire telefiishanka Codka Bariga Afrika.
Diblomaasi Peter Bridges waxa uu soo noqday, shaqaale ka hawlgala wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, qunsulka wadanka Panama, sarkaal dhinaca siyaasadda ah oo ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Mosko, masuul sare oo ka tirsan waaxada arrimaha dibadda ee washington, ku xigeeen ergeyga dublimaasiyadeed ee u jooga Rooma, iyo ugu dambeyntii safiirka guud ee safaaradda ay Maraykanku ku leedahay Muqdisho
Peter Bridges waxa uu Soomaaliya Safiirka ka ahaa muddooyinkii u dhaxeysay [1984-1986], taas oo noqonaysa labo sanno oo kali ah, Peter waxa uu masuulka ka ahaa maamulidda caawimaada bini-aadantinimo ee ay Washintong ugu deeqdo waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeye, waqtigan waxa Soomaaliya iyo meelo badan oo Afrika ka mid ah ka jirey, abaaro soo noq-noqda, nidaam xumo, dagaallo sokeeyo, iyo hardanka awood qaybsiga qabiilleed.
Peter Bridges waxa uu buugga kaga warramayaa, noloshii qalafasanayn ee Soomaaliya ka jirtay, qarnigii 20aad iyo qaab maamulkii dawladdii meliteriga ahayd, waxa kale oo uu kaga warramayaa darxumadii maamul xumo ee haystay Soomaliya. Buuggu waxa uu ka kooban yahay 336 bog, oo si fiican u iftiiminaya noloshii Soomaliya ee xilliyadii uu Peter safiirka ka ahaa Sooomaliya. Buuggu waxa uu soo bandhigayaa sida ay madaxadda Soomaliyeed u yihiin dad jecel shishiiyaha, waxa uu nasiib darro ku tilmaamayaa, khayraadka la baylihiyey iyo dhulka dihin ee aan laga faa'iideysan, taas oo ay qani ku tahay Soomaalidu.
Waxa uu Soomaalida ku tilmaamayaa in ay yihiin dad caan ku ah "Wax isiida" sida uu Richard Burton ku sheegay sanadkii 1855-kii buuggiisa Sahankii Geeska Afrika, waxa uu qoraaggu innoo bidhaaminayaa noloshii saboolnimo ee ka jirtay Soomaliya, soboolnimada waxa u dheereyd kororka xadigga ubadka dhalanaya, sannadkii cel-celis ahaan gabadha Soomaaliyeed waxa ay dhali jirtay toddobo carruur ah , taas oo Soomaliya ka dhigeysa waddamada ugu dhalmada badan qaaradda Afrika, kaliya waxa ka horreeyey waddanka Rwanda oo ay gabadhu dhali jirtay 8 carruur ah, intooda badan carruurtaasi waxay u dhiman jireen, nafaqo la'aan (malnutrition). Sanadkii 1984kii Soomaliya waxa ay qayb ka noqotay waddanka 8aad ee ugu saboolsan dhamaan dalalka aduunka, saboolnimada baahsan ee ka jirtay waqtigaas Soomaliya, waxa u dheerayd abaaraha soo noq-noqda, kuwaas oo fara ba'an ku hayey jiritaanka shacabka Soomaliyeed.
Waxa uu qoraaggu soo bandhigayaa nabaad guurka ay xoola dhaqatada Soomaaliyeed kula kacaan dhulka dihin, ee awoodda u leh in uu soo saaro, cuntada uu dalku u baahanyahay, sida buugga ku xusan 322km kuwaas oo ah dhulbeereed kuna dhow cirifka webiga Jubba iyo Shabeelle ayaa la kulmay xaalufin dhirreed, waxaaana dhirtaas intooda badan loo isticmaali jirey in ay shacabka Soomaliyeed ka raadiyaan dhaqaale, iyo in ay shitaan. Intaas oo dhibaatooyin ah iyada oo ay haysatay ummadda Soomaliyeed, waxaan sida oo kale aan meesha ka maqnayn dagaallada goos-gooska ah ee ay dawladda Itoobiya ku soo qaadi jireen, ciidanka iyo dadka rayidka ah.
Peter Bridges waxa uu ka falloonayaa, nidaamkii waxbarasho ee dawladdii kacaanka, waxa uu soo bandhigayaa in aysan Soomaliya lahayn nidaam waxabarsho, oo haggaagsan kaas oo soo saara waxa bulshadu baahan tahay, dhammaan sida uu sheegayo qoraagu ma jirin manhaj midaysan, dugsi hoose illaa jaamacad. Waxa taas u dheereyd majirin af- si rasmi ah loogu dhigan jirey waxbarashada; tusaale ahaan duggsiyada hoose, kuwa dhexe iyo kuwa sare wax lagu dhigan jirey af-Soomali, halka jaamacadda lagu dhigan jirey, af-Talyaani. Dalku ka hor inta uusan iman Peter malahayn xarun lagu tababaro macallimiinta, xaruntii Lafoole waxa lagu dhisay gargaar bini-aadantinimo oo ka yimi Washintong.
Dhanka Siyaasad xumada iyo maaareyn la'aanta deeqaha ka yimaadda deeq bixiyaasha caalamka (reer Galbeedka), waxa uu qoraagu innooga warramayaa in caawimaadaha ay Washintong siiso Muqdisho ay lunsanjireen ama ay qaybsan jireen dad tiro yar oo ka dhawaa madaxweynaha, tusaale ahaan; sida uu Peter xusayo 120Milyan oo dollar oo ay dawldda Mareykanku ugu deeqday Soomaliya, si wax looga qabto abaaraha iyo macaluusha ayaa waxa qaybsaday dad tiro yar oo ku dhawaa nidaamkii kalitaliska ahaa, qoraagu waxa uu isweydiinayaa lacagahan dadka yari qaybsanayaan, haddii abaaraha iyo shaqo la'aanta haysta dhallinta Muqdisho wax lagaga qaban lahaa, miyaa dib loogu baahnaan lahaa deeqo kale oo ka yimaadda shisheeyaha (Galbeedka), sida Peter sheegayo shaqa la'aantii haysatay dhallinyaradii Muqdisho waa tii markii dambe sababtay in xadka laga saaro xukunkii askarta.
Waxa aynu fahmaynaa in xidhiidh dhawi ka dhexeeyo, saboolnimada bulshada iyo bur-burka dawladnimada, sida Peter tilmaamayo waxyaabihii dawladii kacaanka xadka ka saarey waxa kamid ahaa, saboolnimo bulshada ragaadisay iyo nidaam aan ka jawaaabayn baahiyahooda asaasiga ah, bilmetal: Muqdisho oo ahayd magaalo madaxdii dalka, bulshada magaaladu mahaysan koronto dhamaystiran, biyo ku filan iyo caafimaad ku filan toonna. Tiro badan oo caruur Soomaliyeed ah waxay u geeryoon jireen xanuuno badan oo ka dhashay nadaafad darrada waddanka.
Peter Bridges waxa uu nasiib darro hoggaanka Soomaliyeed haysta ku tilmaamayaa khayraadka aan laga faa'iideysan ee dhulka Soomalidu degto qaniga ku ah, waxa uu la yaabayaa sida ay bulshada Soomaliyeed ee danyarta u badani ugu dhintaa, abaaraha dalka ku soo noqo-noqda, dhanka kale waxa shacabka deegaanada dhib ku ahaa roobabka deegaanada dalka ka da'a, tusaale ahaan; sanadii 1977-kii waxa dalka ka da'ay roobab isadaba joog ah oo watay dabaylo, waxa ay in kabadan 1,600 qof u geysteen dhimasho, tiro intaas kabadanna waxa ay kala kulmeen qax, iyo hoy la'aan maadaama guryaha shacbku ubadnaayeen guryo ka samaysan carshaan, qoryo iyo jiingado.
Dhibaato daran ayey dadka Soomaaliyeed kala kulmayeen abaaraha soo noq-noqda iyo roobabka xilliyada Gu'ga da'a, taas oo aysan dawladdu ka lahayn siyaasad cad, waxay shacbku u dhaxayn jireen mar ay harraad u dhintaan iyo mar uu daaad qaato, maantadan la joogo shacabka Soomaaliyeed waa sidii, waaa halkii aynu siddeetamaadkii taaganayn, ayeynu wali taaganahay, dadka Koonfurta dega waxa dhib weyn ku haya fataahadda wabiyadda Jubba iyo Shabeelle. Dawladii kacaanka ahayd kama aysan faa'iideysan biyaha wabiyada, waxa ay marar badan dawladda Talyaanigu kula talisay in ay u adeegsadaan waraabka beeraha, si ay uga bad-baadaan macaluusha shacabka haysata, nasiib darro taladaas loo soo jeedshay, ma aysan qaadan dawladdu.
Qaybta yaabka leh ee qoraaga buuggu xusayo waxa ka mid ah, caafimaad darrada iyo nafaqa darrida haysatay carruurta yar yar ee Soomaaliyeed, xanuuno maanta dunida laga dabar jaray ayaa faro ba'an ku hayey deegaannada Soomaalidu degto, tusaale ahaan: sida safiirku tilmaamayo waxa dhalaanka yar-yari u dhiman jireen xanuunada ka dhasha nafaad darrada, sida shuban biyoodka iyo xanuuno kale oo lamid ah, kuwaas oo ay carruurtu ka qaadi jireen, biyaha wasakhaysan ee ay cabayaan, maadaama ay adkayd awood buurana loohayan in dhammaan biyaha dalka la safeeyo, wayna adkayd sida qoraagu tilmaamayo, inta badan daawooyinka carruurta la gula tacaali jirey waxa ay u badnaayeen daawooyin ku yimi, hab caaawimaad kuwaas oo aanan tayadoodu wanaaagsanayn. Carruur badan ayaa daawooyinkaas deeqah ah, ku bad-baadey nasiib darro tiro intaas ka badan ayaa geeryoon jirey inta aysan caawimaaduhu soo gaarin. Bulshada aan haysan caafimaad ku filan, biyo ku filan iyo adeegyo asaasiya oo tayeysan waxa u dheerey dhalmada tiradda badan ee dhalanaysay, kuwaas oo qoysaska dhalaya iyo dawladuba aysan ka lahayn qorshe cad, sida uu qoraaggu soo guurinayo, waxa uu marar badan madaxweynne Siyaad Barre kala hadlay, carruurta tirada badan ee dhalanaysa, ee aan loo hayn, nolol iyo deegaan ku haboon, wuxuuna Peter madaxweynaha u soo jeediyey in dhalmada la yareeyo, balse madaxweyne Siyaad wuu diiiday, isaga oo markaas ku an dacoonaya, in dhalmadu ay dani ku jirto.
Dagaalka sokeeye ee dadka Soomaaliyeed ka alloosan waa mid qarniyo soo jiitamayey, sida uu tilmaamay Richard Burton, nolosha qalafsan iyo saboolnimada bulshada Soomaaliyeeed haystay waxa u dheerey dagaaladda sokeeye ee ay dhexdooda isku qaadi jireen, kuwaas oo ay ku le'en jireen dad u badan carruur iyo dumar. Abaaraha soo noq-noqda ee dhulka Soomaaliyeed uu caanka ku yahay waxa la daris noqday dadyow badan oo guryahoodii uga soo qaxay dagaallo sokeeye, tirada sannadkii ku dhiman jirey dagaallada sokeeye ee Soomaalida dhexdeda ka dhici jirey waxa lagu qiyaasi jirey boqolaal, haddii aysan gaarinba kumanaan.
Buugga Peter Bridges waxa uu innooga faalloonayaa noloshii dhan walba ahayd, ee shacabka Soomaliyeed, ku jireen, qarnigii 20aad. Waxa uu soo bandhigayaa, arrimo tiro badan oo aan lagu soo koobi karin, qoraal sidan u yar. Tusaale ahaan wuxuu ka warramayaa: shakhsiyaddii Siyaad Barre, dhaqanka Soomaalida, Soomaalida iyo qabiilka, xasuuqii gobollada Waqooyi, dagaalkii Itoobiya iyo Soomaliya, xidhiidhka Soomaalida iyo dawladaha shisheeye (reer Galbeed), iyo kuwo kale oo badan. Waxan odhan karaa, Peter waxa uu si wanaagsan u fahmay qaab dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, marka aad u eegto mudadii yarayd ee uu joogay Soomaaliya. Buugga waxa aynu si faah-faahsan ugu tagaynaa, xiriirka silloon ee ka dhexeeyey, madaxweyne Siyaad Barre iyo shacabkii uu hoggaaminayey, sida buugga ku xusan, Siyaad Barre waxa uu had iyo goor isku dayey in uu sameeyo, wax walba oo uu xukunkiisa ku difaacanayo, taas oo u sabatay in uu ku kaco, falal bini-aadantinimada ka baxsan. Buugga Safiirka waxa kale oo aynu ka fahmaynaa, foolxumada caddaalad darrada, xukun jacaylka, dad kala sooca, burburka dawladnimo, qaybyaaladda, musuq-maasuqa, calool u shaqaysiga, iyo dhaan raaca shisheeyaha. Runtii waa buugg xiiso leh, mudada aad akhriyeysana waxa aad la deris noqonayasaa murugo, waliba marka aad eegto xaalada siyaasadeed, mida bulsho iyo mida dhaqaale ee aynu wali ku jirno.
Comments
Post a Comment