Faallo akhris buugga: Dhaqaalihii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed 1960 - 1991.
Waxa aan saaka goor hore wakhti wada-qadannay buugga la magac baxay: "Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ,1960 -1991." Si guud buuggu waxa uu ka faalloonayaa dhaqaale xumada ragaadisay bulshada Soomaaliyeed, ku tiirsanaanta dawladaha shisheeye, faham la'aanta siyaasadda dhaqaalaha dunida iyo saboolnimada. Sidaa awgeed waxa aad fahmaysaa in; Soomaalidu marna gaarin isku fillnaansho dhaqaale iyo mid cunto. Richard Francis Burto oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaali wax ka qorey waxa uu Soomaalida ku tilmaamay: " DADKII WAX I SIIDA", taas oo muujinaysa in Soomaalidu weligeed iyo waaqeed ahayd bulsho baahan oo dawarsi ku nool. Buugga "Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed", waxa uu innooga warramayaa sida aysan dawladdii Soomaaliyeed ee rayidka ahayd ugu guulleysan in ay dalka ka samatabixiso baahida dhaqaale iyo midda cunto, buuggu waxa uu xusayaa; in dawladdii rayidka ahayd [1960 -1969], ay ahayd dawladda ugu badan ee qaadata gargaarka ay reer Galbeedku siiyaan Qaaradda Afrika.
Waxa kale oo buuggu xusayaa sida ay dawladdii Soomaaliyeed ay ugu tiirsanayd nidaamka dhaqan-dhaqaale ee reer Galbeedka. Waxa uu buuggu ku dooddayaa in dawladdii rayidka ahayd ay ku fashilantay in ay abuurto jewi wax soosaar oo dalka lagaga cidhib tirayo baahida dhaqaale iyo—midda cunto, dhanka kale waxa aynu fahmaynaa in aan laga faa'iideysan khayraadka dhulka Soomaalida ku duugan, waxana meesha ka maqanaa siyaasadihii lagu hirgalin lahaa qorshayaal dalka dhaqaalihiisa wax lagaga qabanayo, waana sababta keentay in dalku galo dhinnaansho ganacsi—Trade Deficit. Midaas oo ah in dalku waxa uu soo saaro ay ka badan tahay waxa uu soo dejiyo. Si kale u dhig, dhaqaalaha waddanka gudihiisa ka soo gala waxa ka badanaa midka dalka dibeddiisa ka soo gala. Taasna waxa loo cuskan karaa wax soo saar yarida dalka iyo siyaasad xumida hoggaanka dalka, taas oo keentay fashil dhaqaale.
Buuggu waxa kale oo uu ka faalloonayaa, sidii ay ahayd xaaladdii dhaqaale ee waddanku markii ay qabsadeen ciiddankii askarta ee uu hoggaaminayeye. Jan. Maxamed Siyaad Barre, waxa uu innoo carrabaabayaa sida foosha xun ee ay xukuumaddii kacaanku ugu guul darreysatay in ay dalka gaarsiiso isku fillnaansho dhaqaale iyo mid cunto. Waxa jira dadaalo fara badan oo ay samaysay xukuumaddii kacaanku, se dhammidood waxa ay u muuqdeen kuwo fashilmay, waxana jira sababo badan oo keenay fashilka waxana ka mid ah: siyaasadda xukuumadda oo aan caddeyn, nidaamka dhaqaale ee la qaaatay oo fashil keenay, gacmo shisheeye, iyo siyaasadda arrimaha dibedda oo aan sal dhigan. Markii uu Maxamed Siyaad Barre, dalka uu af-gembi ku qabsaday sannadii 1969-kii, waxa uu dalku galay jewi isbedeel oo midkii hore ka duwan, waxa ay dadku dareemeen in la galay doorronaan bulsho iyo mid dhaqaale, se filashadii bulshadu waxa uu guul darreysatay markii si fiican loo aqoonsaday fashilka, xumaha iyo ceebaha dhex-ceegaaga nidaamka talisku hormuudka u yahay.
Sannad ka dib markii uu talisku dhashay, waxa dalku qaatay nidaam dhaqaale oo la magac baxay; hanti-wadaaga cilmiga ku dhisan= scientific socialism/ الاشتراكية العلمية." Nidaamkan dhaqaale ee uu waddanku galay waxa uu la yimi isbeddel cusub iyo dhaqan ugub ku ah taariikhda dhaqan-dhaqaale ee Soomaalida, taasi waxa ay sababtay in dalka laga hirgaliyo dhammaan siyaasadihii Hanti-wadaaga, waxana dalka lagu soo rogay qorshayaal cusub, kuwaas oo la xidhiidha dhaqaalaha waddanka. Waxa la qarameeyey dhammaan shirkadihii laydhka, wakaaladihii waddanka iyo bangiyadii lacagaha, ha noqdaan kuwo shisheeye ama kuwo aan shisheeye ahayn, waxa uu kacaanku la yimi siyaasado fashil may oo ku aadan wax soosaarka waddanka.
Bulshada Soomaaliyeed waxa ay leeyihiin khayraad aad u tiro badan kuwaas oo bad iyo berriba ah. Xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka hoggaankiisa qabtay, marna kuma guulleysan in ay hirgaliyaan siyaasado lagaga faa'iideysanayo kharaadka qiimiga badan ee dhulka Soomaalidu degto qaniga ku ah. Dhulka carrasanka ah ee in wax lagu beero aqbali kara waa 13% intooda badanna waxa ay ku yaaliin Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan xadka teedsan labada webi ee Jubba iyo Shabeelle. Xaddiga ah 13% waxa wax laga beeri jirey xaddi gaaraya 1% kaas oo u dhiganta 350,000 - 400,000 oo hektar. Khayraadka kale ee ay Soomaalidu leedahay sida; xoolaha nool, mooska iyo kalluunka. Dhammidood lagama faa'iideyaan haddii la isku dayey in laga faa'iideyatana siyaasadihii loo marey ayaa khaldanaa.
Tusaale ahaan; xoolaha nool ee waddanku qaniga ku yahay dawladdu hannaankeedii ku aadanayd way ku fashilantay, bilmetal; ma jirin daryeel fiican oo ay xooluhu heli jireen, intooda badanna waxa layn jirey abaaraha dalka ku soo noqnoqda. Abaartii Daba-Dheer oo kale waxa ay galaafatay; 1milyan oo lo'ah (25% lo'da guud ee waddanka), 500 oo geel ah (6% geela guud ee waddanka), 5.7 oo adhi ah (20% adhigii guud ee waddanka), abaraaha kale ee goos gooska ah iyaguna tiro intan ku dhow ayey waxyeelo u geysan jireen. Ma jirin siyaasad cad oo uu kacaanku ka lahaa abaarahaas dalka ragaadiyey. Wax soosaarka qaar waxa loo xilsaarey dawlado shisheeyey, tusaale ahaan; Mooska iyo Sonkorta waxa loo xilsaarey in ay soo saarto waddanka Talyaaniga, dhaqaalaha ugu badanna iyaga ayuu jeeboooda ku dhici jirey, Samatar (1993) waxa uu ku doodday in 75% dhaqaalaha Mooska uu ku dhici jirey gacanta shisheeyaha (Talyaaniga). Xilliyada qaar oo Talyaaniga laga codsaday in ay kordhiso xaddiga Mooska, way ka caga jiiday in ay codsigaas fuliso. Taasi waxa ay caddayn u tahay sida ay dawladdii kacaanku amnigii cunto ee bulshada Soomaaliyeed ugu gacan gelisay, gacan shisheeye. Waana khalad ka mid ah khaladadii ugu waaweynaa ee ay gasho intii uu kacaanku jiray.
Mawduucyada kale ee uu buuggu is dul taagayo waxa ka mid ah; GARGAARKA SHISHEEYE. Sid qoraaga buuggu xusayo muddadii koob iyo soddonka sanno ahayd ee ay jirtay dawladdii Soomaaliya, waxa dhuux iyo shidaal u ahaa; gargaar shisheeye. Xilligii ay jirtay dawladdii rayidka ahayd, waxa dawladda kab miisaaniyadeed oo ku dhow 70% siin jirey waddannada kala ah: Talyaaniga iyo Ingiriiska. Marna xukuumaddii rayidka ahayd iskuma dayin in ay gaarto isku fillnaansho dhaqaale. Gargaarka ay waddamada reer Galbeedku siiyaan waddamada soo koreya ee ay Soomaaliya ka mid tahay inta ay; gaajo tiraan waxa ka badan inta ay gaajo abuuraan, (Lappé, 1983). Dambisa Moyo, oo ka mid ah aqoonyahannada Afrikaanka ah ee aadka u dhaliila gargaarka shisheeyaha, waxa ay buuggeeda; 'Dead Aid', ku doodday oo ay tiri: "gargaarku waxba ma taro waxa uu keenay; hoos u dhac ku yimi dhaqaalihii, musuq baahsan iyo faqriga oo kordhay."
Lixdannadii Soomaaliya gargaarka ugu badan waxa uu ka iman jirey; ururka dhaqaalaha Yurub (European Economist Community), sanduuqa horumarinta Yurub (European Development Fund) iyo Bangiga Adduunka (World Bank). Markii ay dhalatay dawladdii ay askartu hoggaaminaysay waxa ay iyaduna ku tiirsanayd deeqaha ay bixiyaan waddamadii la isku odhan jirey; Midowga Soofiyeet. Bilmetal; dhaqaale gaaraya 70% ayuu Midowga Soofiyeet ku taageeri jirey, dhaqaalaha Soomaaliya. Intooda badan dhaqaalahaas waxa loo adeegsan jirey in lagu kala socodsiiyo hawlaha dawladda gaar ahaanna, horumarinta kaabayaasha dhaqaale. Dhanka kale buuggu waxa uu ka faalloonayaa, deynta ay waddamada reer Galbeedku ku taageeri jireen dawladdii Soomaaliya (1960 -1991). Qoraagu waxa uu inno soo min guurinayaa xoggo iyo wacaallo xambaarsan xaddiga deynta ee ay waddamada reer Galbeedku siin jireen dawladdii rayidka ahayd iyo middii ay askartu hoggaaminaysay. Waxa uu qoraagu si guud uga warramayaa saamaynya uu gargaarka iyo deyntu ku yeesheen kobocii dhaqaale ee waddankii Soomaaliya.
Qayabaha kale ee buuggu ka hadlayo waxa ka mid ah, saamaynta dhaqaale ee uu keenay nidaamkii hanti-wadaaga cilmiga ku dhisnaa midkaas oo ay dawladdii kacaanku dalka kaga dhawaaqday sannad ka dib, markii uu af-gembigu dhacay. Qoraagu waca uu ka warramayaa in uu Siyaad Barre ku fashilmay nidaamka hantiwadaaga ahaa, waxa uu xusayaa in hantiwadaagu MABDA' ka ahayn Siyaad Barre. Dhanka kale waxa la odhan karaa xilliyadii lixdannadii iyo toddobaatannaadkii badanka Afrika waxa ay u sii siqaysay dhanka hantiwadaaga, maadaama Midowgii Soofiyeet uu ahaa, isha kaliya ee ay Afrika dhaqaale kaga heli karto. Taasi waxa ay keentay in waddamada; Gaana, Tansaaniya iyo Gini ay qaataan nidaamka hantiwadaaga oo markaas uu calanka u siday Midowgii Soofiyeet. Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada eeday hantiwadaaga sida uu xusayo Dr. Abdi Ismaaciil Samatar. Samatar waxa uu ku doodday in hantiwadaagu waxba ka beddelin nidaamkeedii dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya waxa uuna hadalkiisa ku soo koobay; "qalad ayey noqonaysaa in lagu soo gunnaanado in hantiwadaagga cilmiga ku dhisani uu Soomaaliya ka saaray faqriga amaba u beddelay doorkii ay Soomaaliya ku lahayd dhaqaalaha iyo wax soo saarka dunida. Soomaaliya weli waa dal sabool ah, oo xoolaha u dhoofiya Carabta, Mooskana Yurub."
Dhanka kale hantiwadaagu waxa uu keenay in dalka ay ka tagaan dhammaan dadkii wax soo saarka lahaa, maadaama nidaamka hantiwadaagu uu keeni waayey isku fillaanasho cunto. Xukunkii askartu arrimaha ay la timi kuna dooddaysay waxa ka mid ah; in ay dalka gaarsiin doonto isku fillnaansho cunto, se marka loo fiirsado dhaqannada iska soo horjeeda ee ay xukuumaddu samaynaysay, waxa aynu odhan karnaa iyada ayaa dhaabad ku ahayd in waddanku helo isku fillnaansho cunto. Bilmetal; qiimaha raashinka laga soo saarayo dalka gudihiisa dawladdu waxa ay ku hayn jirtay qiime ka hooseeya, qiimaha raashinka la soo dejiyo. Taasina waxa ay dhaabad iyo niyad jab ku noqotay dadkii beeraha tabcanayey. Sidaa darteed waxa aynu odhan karnaa halkaa waxa ku godgalay fikraddii ahayd in; dalka la gaarsiiyo isku fillnaansho cunto, waana mid ka ah arrimaha loo cuskaday in ay dalka burburiyeen, sida ay ku dooddeen Dr. Samatar iyo Jamil Cabdalle Mubaarak, qoraaga buugga; "From Bad Policy to Chaos in Somalia: How an Economy Fell Apart."
Gebagebadii, ma jirey xilli la odhan karo BARISAMAAD? qoraagu waxa uu ku dooddayaa in aysan jirin marka dhanka dhaqaalaha la eego waxa lagu tilmaami karo; BARISAMAAD. Sidaa awgeed ayuu u yiri; 'Soomaalidu waaa bulsho halhays u leh 'shalay dhaantay' ." Dhanka kale qoraagu waxa uu tilmaamayaa in nidaamka dhaqan-dhaqaale ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya marna uusan cagihiisa ku is taagin waxa uu had iyo goor ku tiirsanaa gargaarka ay reer Galbeedku bixiyaan, waxa kale oo ku tiirsanaa deynta ay shisheeyuhu siiyaan waddamada soo koreya ee ay Soomaaliya ka mid tahay. Soddonkii sannadood ee ay Soomaalidu dawlad ahayd marna kuma guulleysan in ay abuurtaan jewi ay ku gaari karaan isku fillnaansho dhaqaale iyo mid cunto. Dawladdihii Soomaaliya soo marey waxa ay mar walba gacan hoorsan jireen; dalalka Carabta ee shidaalka hodanka ku ah, dalalka Galbeedka iyo Midowgii Soofiyeet. Soomaaliya waxa ay safka hore kaga jirtay waddamada ugu faqiirsan dunida sida uu xusay Peter Bridges oo Soomaaliya safiir ka soo ahaa muddooyinkii u dhexeeyey 1980 -1982.
Soomaaliya markii ay gobonnimada heshay dhanka dhaqaalaha waxa ay qaadatay nidaamka suuqa xorta ah [hantigoosad], si ay ugu yaraan u heli karto isku fillnaansho dhaqaale, se nidaamkaasi kuma guulleysan in uu Soomaalida gaarsiiyo doorranaan dhaqaale iyo mid cunto. Markii ay dhalatay dawladdii kacaanka ahayd ee uu Maxamed Sayaad Barre madaxda ka ahaa, waxa sannad ka dib xilligii afgemigu dhacay oo ku beegan 1970 kii, uu Siyaad Barre ku dhawaaqay in dawladdiisu qaatay, nidaam uu u bixiyey; 'hantiwadaaga cilmiga ku dhisan' si uu Siyaad Barre nidaamkan cusub u fahansiiyo ummada Soomaaliyeed waxa dadkan loogu hal-tebiyey; "XOOLO QAYBSI CILMI KU DHISAN." Hannaanka dhaqan-dhaqaale ee uu Siyaad Barre wadanka geliyey, isaguna kuma guulleysan in uu dalka ka samatabixiyo; ku tiirsanaanta gargaarka shisheeyaha, deeqa caalamiga iyo deynta. Sidaa awgeed waxa Soomaali ku dhaboobaysa weedhii uu Richard Francis Burton ku xardhay buuggiisa; "The First Footsteps in East Afrca", midaas oo uu Soomaalida ku tilmaamay; "DADKII WAX I SIIDA." Wedha Richard Burton, waxa xigtay oo buuggiisa ku qorey Peter Bridges, isaga oo leh Soomaalidu waa: "bulsho baahan." Xaalkuna weli waa sidii, Soomaali waxa ay tuugsataa dawladaha Carabta iyo kuwa Galbeedka. Waa halkii, Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim e, "Denbi ku hadli maayee ma arag dawladdaan rabay." Si kale u dhig waa halkii uu Aadan-Carab iska weydiinayey; "Ma riwaayad baa calankani saw ruuxna kuma naaxo."
Comments
Post a Comment