Bariyeynta Cusub iyo Muslimiinta Galbeedka..

 

Halkan waxa ka muuqda ciwaanka muxaaddarada. Dhanka kale waxaan halkan ku lifaaqay linkiga muxaaddarada. (https://youtu.be/mVG3GFl6UPA).


Dr. Khascal Maajidi waa buuni ku xeeldheer cilmiga diimaha iyo ilbaxnimooyinka, waxa uu leeyahay buugaag iyo muxaaddarooyin kala duwan oo la xidhiidha cilmigaas uu ku takhasusay. Dr. Khascal waxa uu naqdiyaa ilbaxnimada reer Galbeed ee ku hawlan sidii loo burburin iyo dadnimotiri lahaa bulshooyinka Bariga degan ee ay Muslimiintu ugu horreyso. Muxaaddaradan halkan ku lifaaqan Dr. Khascal Maajidi waxa uu kaga faalloonayaa Bariyeynta Cusub (New Orientalism/ الإستشراق الجديد). Bariyeyntu ama Istishraaqu waa in la derso bulshooyinka Bariga ku nool dhaqankooda, afkooda, diintooda, siyaasaddooda, maamulkooda, fankooda iyo dadkooda. Waa in si gaar ah aqoon durugsan loogu yeesho bulshooyinka Bariga adduunka ku abtirsada, si loo xukumi karo  ama loo gumeysan karo. Istishraaqu waxa uu ka mid yahay waxyaabihii fududeeyey in reer Yurubku gumeystaan dunida kale iyo in Galbeedku dulleysto dadyowga Bariga.

Magaca Istishraaq waxa lagu galay gaboodfallo ka dhan ah bini-aadantinnimada, sidaa awgeed dunida Galbeedka magaca Istishraaq (Orientalism), ma aha mid ka shaqeeya ammintan la joogo, waa laga guurey sababo la xidhiidha sumcadda magaca oo hoos u dhacday. Qarnigii 19aad waxa lagu tilmaamaa xilliga dhabta aha ee ay isbarteen Bariga iyo Galbeedka, wixii qarnigii 19aad ka horreeyey xidhiidhka dhex mara Bariga iyo Galbeedka waxa uu ahaa mid ku salaysan: daacayad, khuraafaad iyo been. Bariyeynta cilmiga ah (the Academic Orientalism), waxa uu si dhammaystiran u bilowday, duullaankii Napoleon Bonaparte ku qabsaday Masar. Napoleon waxa uu watay koox Mustashriqiin ah oo dersa dadka Bariga ku nool.


Bariyeynta waxa loo kala qaybiyaa: Bariyeyn qadiimi ah (Classical Orientalism) iyo Bariyeyn cusub (New Orientalism).  Bariyeynta qadiimiga ah waxa ay ku salaysnayd in bulshooyinka lagu duulo oo awood debadeed loo adeegsado, se Bariyeynta cusub waxa ay ku salaysan tahay in bulshada dhexdeeda la kala qoqobo, si dab iyo khilaaf loo suri karo, waana ta inta ugu badan ay reer Galbeedku u adeegsadaan dunida Bariga, si gaar Muslimiinta. Bariyeynta hore waxa uu si rasmi ah loo soo afxidhay shirkii ka dhacay Paris 1973, ee u qabsoomay Mustashriqiinta reer Galbeed. Isla shirkaas waxa dhidibbada loo taagay wax loogu yeedhay Bariyeynta cusub (New Orientalism), waxa uuse si dhammaystiran u dhaqan galay markii ay dhaceen qaraxyadii la la beegsaday daarihii ganacsiga ee New York sannaddii 2001.

Wixii sannadkaas ka dambeeyey Muslimiinta iyo reer Galbeedka waxa u bilowday dagaal iyo loollan sababay burbur dawladeed iyo mid ummadeed. Waana ta ay muxaaddaradani abbaarayso. Istishraaqa hore waxa saldhig u ahaa Yurub, se Istishraaqa cusub waxa fadhi iyo saldhig u ah Mareykanka. Magacyada Istishraaqa cusub loo adeegsado, kuna hawlgalaan waxa ka mid ah wax loogu yeedhay: Regional Studies, Think Tanks, Post-Orientalism iyo post-Modernism Orientalism. Wax kale arrimahani kama shaqeeyaan, keli ah waxa ay cilmibaadhisyo ka sameeyaan sidii reer Galbeedku dunida u maamuli lahaayeen, si gaar ah Bariga dunida.


Dr. Khascal Maajidi waxa uu muxaaddaradan ku gaala bixiyey; hannaanka uu ku samaysmay istishraaqa cusub, ragga hormuudka u ah, qaybaha uu beegsanayo Bariyeynta cusub, iyo si-araggooda ku aaddan Muslimiinta. Bariyeynta cusub waxa hormuud u ah: Francis Fukuyama oo ah qoraaga buugga hirgalay ee la yidhaahdo; "The End of History and the Last Man", Samuel P. Huntington oo ah qoraaga buuga caan baxay ee; "Clash of Civilizations" iyo Bernard Lewis oo qorey buuga; "What Went Wrong?." Lewis waxa uu ka mid yahay raggii ka dambeeyey fekraddii duullaanka Mareykanka ee Afgaanistaan iyo Ciraaq. Waxa lagu tilmaamaa in uu ahaa mustashriqii ugu weynaa qarnigii 20aad iyo bilowgii qarnigii 21aad.

Comments

Popular posts from this blog

Hantiwadaaggii Soomaaliya: Guul mise Guuldarro 

Faallo kooban, buugga: Losing the Art of Survival and Dignity.

Goosan faallo ah: buugga "labo isma saarin."