Si araggeenna hoggaaminta
![]() |
Eebbe SWT oo nebi Muxammed NNKH la hadlaya waxa uu ku yidhi: "naxariis Eebbe xaggiisa ka ahaatay awgeed ayaad ugu debecsanaatay, haddii aad ahaan lahayd qof kakan oo qalbi engegen, agtaada way ka yaaci lahaayeen; ee cafi, Eebbe dambi dhaaf u weyddii, taladana ka qayb geli. Marka aad wax go'aansato Eebbe tala saaro, Eebbe wuu jecel yahay cidda talasaarata."
Ayaaddan Qur'aanka ah waxa ay si dhammaystiran uga faalloonaysaa tilmaamaha ugu muhiimsan ee laga rabo in uu yeesho qofka hoggaamiyaha ah. Qofka hoggaamiyaha ah waa in uu yahay: ruux naxariis iyo debecsanaan leh, waa in uu yahay qof dadka cafiya, oo indhaha ka laabta khaladaadka ay dadku galaan. Waa in uu yahay ruux dimuqraaddi ah oo dadka talada ka qayb geliya, waa in uusan noqon macangag talomaroorsade ah. Waa in uu noqdaa qof go'aan qaadan kara, isla markaana go'aanka fulin kara.
Sida Soomaalidu u aragto hoggaaminta waa mid cagsi ku ah ta uu Qur'aanku ka warramayo. Qofka Soomaaliga waxa uu ku odhanayaa: "hoggaamiyuhu waa in uu noqdaa qof qallafsan oo kakan, waa in uu yahay qof aan lahayn debecsanaan." Soomaalidu debecsanaanta dhanka maamulka iyo hoggaaminta gasha waxa ay u arkaan wax liidnimo ah waxa ayna yidhaahdaa hadallo ay ka mid yihiin; "hebel waa hoggaamiye debecsan, oo qabow." Soomaalida dhexdeeda qofka hoggaamiyaha ah ee laga arko wax uun oo debecsanaan ah waxa ay u sameeyaan xan odhanaysa, "hebel waa qof jilicsan."
Qofka bini-aadamka ah waxa ugu weyn ee noloshiisa qaadhaanka weyn ku leh waa deegaanka uu ku koro. Soomaalidu maaddaama ay ku nooshahay dhul oommane ah, qorfe ah isla markaana wax walba ay suququl yihiin, taasi waxa ay sababtay ama qaabeysay nafsadda ruuxa Soomaaliga ah iyo habfekerkiisa. Sidaa awgeed qofka Soomaaliga ah nolosha gebigeedaba waxa uu ku fiiriyaa mastarad ay ka dhex muuqato qallafsanaan iyo ma jixinjixinnimo.
Nolosha silica iyo saxarriika ah ee Soomaalidu deriska la noqotay, waxa aynu xididkeeda hoose la xidhiidhin karnaa, si-aragga ay Soomaalidu ka haysato hoggaaminta. Mushkilad walba oo maanta ka alloosan dhulka Soomaalida cidda keli ah ee ay taariikhdu u werinayso waa "hoggaamiye qallafsan oo talomaroorsade ah." Waxa ugu weyn ee halka aynu maanta joogno inna dhigay, waa adduun-araggeenna iyo habfekerkeenna bulsho. Haddii aynu rabno horumar bulsho waa in aynu beddelnaa habka aynu dunida u aragno.
Comments
Post a Comment