Mar aan Qaxnay: Saamaynta Nafsadeed ee Dagaalka Laascaanood.

 



Soomaalidu waa bulsho la ildaran dhibaatooyin nololeed oo badan, xilli walba dhibaatadu waa mid jirta, se xilliyada qaar isbeddel togan ayaa la helaa. Isbeddelkaasi ma aha mid raaga, se waa mid aan cago badan ku taagnayn, waayo xaaladda dhaqan-dhaqaale iyo midda bulsho ee Soomaalida ayaa qaabkan ah. Waxa lagu doodi karaa 15 sanno ee u gu dambeeyey, in Soomaalidu ay heshay isdhexgal bulsho oo nisbi ah, tan waxa ay dadka qaar u la muuqatay in ay dhaxalsiin doonto, isdhexgal bulsho oo dhammaystiran iyo degenaansho nololeed oo heerkeedu sarreeyo. Aqoonyahannada dersa saykoolojiyadda iyo habnololeedka bulsho ee Soomaalida waxa ay isku waaqafsan yihiin in Soomaalidu xilli walba ay la jaal tahay dhibaatooyin bulsheed oo joogta, xilliyada qaar waxa dhacda in dhibaatooyinkaasi qaboobaan ama cadaadis fara badan inta uu ku dhaco ay yara degaan, se waa dhibaatooyin qoto-dheer oo aan si dhayal ah u degayn.



Richard Francis Burton buuggiisa la yidhaahdo; "First Footsteps in East Africa" waxa ku jira cutub uu u bixiyey; "Soomaalida, Sinjigeeda iyo Dabeecadaheeda Gaarka ah." Burton cutubkan waxa uu kaga faallooday saykoolojiyadda iyo hab-dhaqanka Soomaalida, waxa uu tibaaxay in Soomaalidu ay tahay dad u nugu dhiillada, isla markaana aan si fudud loo qancin karin. Waxa kale oo uu tilmaamay in Soomaalidu ay tahay dad dirir u joog ah. Waxa si fudud u ga dhex qarxa dagaallada, ayuu ku dooday Richard Burton. Soomaalidu weligeed iyo waaqeed waxa ay ahayd bulsho dirir u joog, oo colaadda deris la ah, waxa jiray arrimo badan oo sababi jirey dagaallada iyo colaadda geyiga Soomaalida caanka ka ah. Waxyaabaha u gu badan ee dagaallada iyo iskudhaca Soomaalida keena waxa aynu la xidhiidhin karnaa in ay taariikhdu qaadhaan weyn ka tahay, tan waxa hore u tibaaxay Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan.


Buugga la magac baxay "in-between three civilazitions" ee uu qorey Dr. Bulxan waxa uu ku dooday: dadka aan garanayn taariikhdooda in ay la kulmaan labo dhibaato oo asal u ah dhibaatooyinkooda nololeed. Labadaas dhibaato waxa ay kala yihiin; jirro taariikheed (pathology of history), iyo jirro jiritaan (pathology of ontology). Dr. Bulxan waxa uu ku leeyahay; "bulshada qabta jirrada taariikhda waxa ay soo noolaysaa iskudhac iyo mahadho la xidhiidha tagtadii." Bulshada qabta jirrada jiritaanka (pathology of ontology), waxa ay ku hawlan yihiin qaabka muuqaalkooda iyo jidhkoodu u eg yahay. Waxa ay had iyo goor wakhti ku bixiyaan sidii ay u heli lahaayeen halka ay ka soo jeedaan iyo cidda ay yihiin. Bulxan waxa uu qabaa in Soomaalidu ay tahay bulsho qabta labadan jirro ee aan xusay, waxa uu leeyahay; "Soomaalida taariikhdeeda jirro ayaa ku jirta oo si haagaagsan u ma garanayaan, halka ay ka soo jeedaanna ma ogsoona." Dr. Bulxan waxa uu leeyahay bulshada qabta labadan jirro ma gaari karaan, xasillooni siyaasadeed iyo horumar dhaqaale (political stability and economic development). (Fiiri buugga In-between three civilazitions, bogga 1). Bulxan waxa uu soo jeediyey in ay Soomaalidu taariikhda ka heshiiso isla markaana ay baadhid ku samayso mahadhooyinkii taariikheed ee dhacay, si aysan saamayn u gu yeellan lodka dambe.



Dagaalladii hore ee Soomaalida ka dhex dhici jirey inta badan waxa sababi jirey: daaqa, biyaha, geela iyo dumarka. Se dagaalladan dambe ee Soomaalida ka dhexdhaca waxa gundhig u ah, gaboodfallo la xidhiidha dawladnimada. Qabaa'ilku waxa ay kala tirsanayaan xadgudubyo loogu gaystay magaca dawladnimada, halkii loo raaci lahaa maamulkii iyo shakhsiyaadkii gaboodfallada ku galay magaca 'dawladnimada'  Soomaalidu uma aysan raacin e, taa beddeelkeeda waxa ay wixii dhib dhacay ku goonni yeeshay, qabaa'il iyo reero aan xitaa ood wadaag ahayn, se magaca qabiilka dusha sare uun ka wadaaga. Haddaba, halkan weeye meesha ay taallo dhibaatooyinka casriga ah ee Soomaalida ku habsatay. Soomaalidu kama aysan heshiin; dagaalladii, burburkii, naxligii reeraha, aanooyinkii qabaa'ilka iyo wax walba oo dhib ah oo la xidhiidha noloshooda, taas oo saamayn ku yeelan karta habnololeedkooda bulsho iyo wada-noolaanshiyahooda ummadeed. Iyada oo aan laga heshiin wixii gaboodfallo ahaa ee magaca dawladnimada awgeed lagu gaystay. Sida oo kalena aan laga heshiin dhibaatooyinkii bulsheed ee dhacay xilligii burburka, ayey Soomaalidu intii qabiil ah ee is-fahmi kartay, samaysatay dawlad maqaarsaar ah oo noloshooda bulsho aan si hagaagsan u ga halcelinayn. Bulshadu marka ay ka soo baxdo dagaallo, waxa muhim ah in ay bulshadaasi ka heshiiso dagaalladii iyo mahadhooyinkii ay tagtadu lahayd, si bedqab caafimaad oo bulsho loo helo. Haddaba, Soomaalidu sidan ma aysan yeellin, waana halka gundhigga iyo tixraaca u ah dhibatooyinka bulsheed ee ay maanta la ildaran tahay.



Magaalada Laascaanood waxa labadii bilood ee u gu dambeeyey ka socday wax ay dadka deegaanku u gu yeedheen; "kacdoonka buluugga ah" waa kacdoon ku salaysan "aayo-ka-tashi bulsheed." Bulshada degta deegaannada SSC waxa ay soddonkii sanno ee u gu dambeeyey la deris ahaayeen dhibaatooyin siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho. Waxa ku habsaday khilaaf loo waayey maareyn caqli iyo maangal ah. Waxa bulshada deegaannadaas hareeyey khilaaf siyaasi ah oo halis geliyey cidda ay ku abtirsadaan iyo halka ay maamul ahaan raacsan yihiin. Taas oo keentay in ay dhaxlaan dhibaatooyin bulsho oo ay u gu weyn tahay, amniga iyo bedqabka qofeed. Arrimahaas oo isu tagay ayaa keenay in uu qarxo kacdoon shacab oo buluug ah, tan waxa ay bulshada deegaanku kala kulmeen cadaadis iyo cabudhis kaga yimi maamulka Soomaaliland, taas oo markii dambe dhaxalkeedu noqday in uu qarxo dagaal aan loo meel dayin oo u dhexeeya; bulsho rabta in ay xorowdo iyo maamul raba in uu bulshadaas xooleeyo.


Muddo hadda ku dhow bil waxa magaalada Laascaanood ka socda dagaal culus oo u dhexeeya; maamulka Soomaaliland iyo dadka deegaanka oo raba in ay aayahooda ka tashtaan. Dagaalka Laascaanood ka socda waa dhacdada qudha ee laga dersi karo, halka ay gaarsiisan tahay; colaadda, naxliga, cuqdadda, qabiil-nacaybka, iyo uur ku taallada, ragaadisay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. Sida aan kor ku xusay gaboodfalladii lagu galay magaca dawladnimada iyo dagaalladii xilligii burburka dhacay, labadaba Soomaalidu kama aysan heshiin xal waara oo dadka noloshooda ka halceliyana lama helin. Sidaa awgeed naxli, nacayb iyo cuqdad raagtay ayaa bulshada Soomaaliyeed laabtooda degtay, kuna xididdaysatay. Naxliga, cuqdaddda iyo uurmariidku waa cudurro ku dhaca qalbiga oo la rabo in ay bulshadu ka caafimaaddo.



Dagaalka Laascaanood waxa uu bannaanka soo dhigay cufnaanta iyo weynida dhex jiifta quluubta dadka Soomaaliyeed iyo halka uu gaarsiisan yahay marka la eego qotonnaantiisa. Dagaalka Laascaanood waxa uu raad ku yeeshay; isdhexgalkii iyo nidaamkii dhaqan-dhaqaale ee bulshada. Waxa uu saamayn culus gaarsiiyey, qabii'lladii kala geddisnaa ee ku kala noolaa magaalooyinka Hargeysa, Burco, iyo Boorama. Waxa uu si gaar ah saamayn u gu yeeshay dhallinyarada ka soo jeedda ama ku abtirsata gobollada Woooqi Bari (Puntland), si kale haddii aan u dhigo dagaalku waxa uu saamayn ku yeeshay dhallinyaradii Daarood ee ku noolayd deegaannada Soomaaliland. Maaddaama markii uu dagaalku dhacay ay soo baxeen afxumooyin, naxli iyo cuqdad raagtay oo qabaa'ilka u dhexeeyey. Dagaalka Laascaanood waxa uu debadda u soosaarey wax walba oo qabaa'il oodwaag ahi, isu qabeen ama ay kala tirsanayeen. Tan weeye sababta aan afka u gu ballaadhinayo xanuunnada ama jirrooyinka ku dhaca quluubta.



Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa, "haddaan af xumaan, addin ma xumaado." Afxumada iyo caydu waxa ay dhaawac nafsi ah u geysan karaan meel aanay xabbadu u gaysan karin. Salaan Carrabay waa tii uu hore u yidhi; "afku wuxuu la xoog yahay magliga xowda kaa jara." Salaan waxa uu garanayey halista afku leeyahay iyo halka ay dhibaatadiisu gaari karto. Dagaalka Laascaanood waxa aan ka qorey afxumooyin, ciil iyo nabarro raagay oo dadka quluubtooda ku xididdaystay. Waxa aan u soo joogay magaalada Hargeysa iyada oo shacabka iyo maatida Laascaanood ku nool la la dhacayo Madaaciif iyo Kaarayaal in dadku ay lahaayeen hadallo xambaarsan ciil raagay iyo nacayb fogaaday. Hadalladaas waxa ka mid ah: "ha la xasuuqo Dhulbahante", "magaalada dhulka ha la dhigo",  "ha la edbiyo Dhulbahante wey kibreen e", iyo "Muusow ku fasax hubka, waxba ha u la hadhin e."


Hadalladan haddii aad si nafsi ah u akhriso waxa kuu soo baxaya dakharro nafsadeed oo halis ah, ciilqab iyo uur ku taallo ka fog qaayo-soorrada bini-aadamka. Waxa aan odhan karaa dadkaasi waxa ay ahaayeen dad is madax marey oo dhigay huga anshaxa iyo akhlaaqda. Sidan aan tibaaxay Soomaalidu kama heshiin waxna iskama odhan dhacdooyinkii ay tagtadu lahayd. Sidaa awgeed mar walba oo dhib weyni dhaco waxa soo baxaya naxliga iyo xasuusta taban ee maskaxda dadka ku daxalaysatay. Subax uu socday dagaal kharaar oo gamta la isu joogsaday, ayaan waxa aan soo raacay gawarida dadweyanaha ee magaalada u kala goosha, waxa ay dhegehaygu maqlayeen, haddallo afxumo ah oo la xidhiidha dhacdooyin murugo leh oo kacaankii luggooyo uu sameeyey. Hadallaadaas afxumada ah waxa ka mid ah; "ha la xasuuqo Siyaad Barre baa innagaba inna xasuuqay e" , "Daarood baa na laayey" iyo "ha la gumaado." Dhamaman hadalladan naxliga xambaarsan waa wax u baahan in loo daweeyo, si caafimaad qabta. Waana wax u baahan in guud ahaan Soomaalidu isaga timaaddo wixii uu falay Maxamed Siyaad Barre, si lodka dambe raad maskaxeed iyo mid nafsadeed u gu yeellan. Dhanka kale baraha bulshada (social media), waxa jirey afxumooyin iyo weedho taban oo ka imanayey xagga dhallinyarada kacdoonka wadda, kuwaas oo xambaarsanaa naxli xididdaystay iyo nacayb fog. Weedhaha taban waxa ka mid ah; "ha la laayo Iiddoor" , "Iiddoorku waa gaalo" iyo "wuxuu cadow ii gu noqday in uu Iiddoor yahay."



Nafsad ahaan haddii aad deggentahay oo xasilloon tahay waxa ay u badan tahay wax walba in ay hagaagsan yihiin oo kuu dhammaystiran yihiin, waxqabad iyo horusocodnimona aad ku talllaabsan karto, si kadis ah ama si aan kadis ahaynba dagaalka dhowaan ka qarxay gobolka Sool, wuxuu arday iyo dad badan oo deegaan ahaan degganaa ama ay hoy u ahaayeen Boorama iyo Hargaysa iyo magaalooyinka waawayn ee Soomaaliland ku abuuray xasillooni darro, deggenaansho la'aan iyo baqdin mustaqbaleed, taas oo sababtay in dad aad u badan oo arday u sii badan weliba ay baxsadkii iyo firxadkii gobolladoodii iyo degaannadoodii ku galeen, oo naftu halkaas bidday, illeen wax walba asalkoodii ayay ku laabanayaan e. Qofku marka uu joogo ama uu tago meesha qabiilkiisu deggen yahay, waxa uu dareemaa degenaansho nafsi ah, farxad iyo xidhiidh amni (secure attachment), sida uu qabo Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan. (Fiiri buugga, Politics of Cain, bogga 238).


Dagaalkii sokeeye ee dalka 1991-kii ka qarxay waxa uu ka tagay dareen aad u weyn oo ah in Soomaalidu nafsad ahaan iyo bani-aadantinnimo ahaan ba burburtay, oo la kala aammin baxay. Qabiil kastana uu qabiilka kale uu ka aammin baxay, oo kolka kowaadba lagaa boodayo haddii aad qofka isku qabiil iyo tolwadaag noqon weydaan. Maalmahaas oo illaa hadda socda waxay ahaayeen maalmo wax badan i seegeen, oo ay u gu weyn tahay in aan toddobaad ku dhowaad Istaagitaan ku jiray oo aan ka fekerayay in aan kala doorto baxsad ama negaansho oo labaduba aan isleeyahay mustaqbalkayga dhow iyo midkayga fogba si aad u weyn bay saamayn u gu yeelanayaan. Waxa kale oo iyana jirtay in lagu baqo gelinayo, hadal ahaan iyo wixii la halmaalaba amaba iskaa aad u baqanayso marka aad la kulanto arday aad isku lod ahaydeen oo baxsaday, deegaankiina ku laabtay. Maalmahan fekradaha qofka ku yimaadda, aad bay u tiro badan yihiin waxaa u yar in uu ka fekero qofku haddii ay arrintu cirka isku shareerto qabiilkii iyo reerkii uu sheegan lahaa, oo haybtiisa ku doorin lahaa. Waxa ay ahaayeen maalmo qulub iyo werwer badan siiba qofka su'aalahan iswayddiinaya, waayo su'aalaha ayaa keena in qofku si degdeg ah dareen farxadeed isaga tallaabo dareen murugo, wax ka yar ilbidhiqsiyo. Maalmo baxsad ah ayay ahaayeen nafsad ahaan iyo dulleed ahaanba haddii aan erayo ku soo koobo oo ku soo uruuriyo.



Xilli dambe ayaan suuqa ka imi aniga oo buug ka soo qaatay, nin dhallinayaro ah oo aannu akhris wadaag nahay. Waxa aan gacanta ku sitay buugga uu qorey siyaasigii, faylasuufkii iyo qoraagii reer Talyaani ee Niccolò Machiavelli ee la yidhaahdo; "The Prince" buuggaas oo af Soomaali loo turjumay. Waxa ay ii ahayd habeen farxad leh oo wax badan, oo aan ku farxo waxa aan ka soo maqlay jaallahaygii. Markii aan guriga soo galay waxa aan u soo galay dhallinyaradii xaafadda oo buuqaysa isla markaana mid walba uu taleefan gacanta ku sito, waxa jirey dhallinyaro taleefan dhegta ku haysay oo sida mar dambe la ii sheegay waalidkood la hadlayey. Waxa aan weyddiiyey waxa dhacay, waxa ay i gu yidhaahdeen; hebel iyo hebel baa tegaya oo qof walba caawa waa xidh-xidhtay ee maadan tagayn?! Markii aan xaaladdaas si nafsi ah iyo si bulshoba u qiimeeyey, waxa judhiiba maskaxdayda ku soo dhacay, ciwaan ku jira buugga uu qorey Yuusuf Maxamed Xayd ee la yidhaahdo; "kalahaadkii Muqdisho." Ciwaanka buugga ku jira waxa la yidhaahdaa: "bixiyow i bixi." Yuusuf waxa uu ciwaankan si farshaxannimo leh u gu soo bandhigay xaaladdii bulsho ee ay ku sugnayd magaalada Muqdisho markii uu ka qarxay dagaalkii sokeeye iyo sida uu qof walba u fekerayey iyo waxa uu ku fekerayey. Haddii aad rabto in aad ciwaankaas si gaar ah u akhriso. (Fiiri bogagga 111 illaa 121).



Xaaladdii "bixyow i bixi" ee si guud dhallinyarada soo wajahday waxa ay keentay in qof walba halka uu ku badbaadi karo uu u shandado xidh-xidho. Dhallinayarada qaar waxa ay ku noqdeen magaalooyinkii ay ka yimaaddeen; qaar kale waxa ay ka tallaabeen xuduudka oo waxa ay cag dhigeen magaalooyinka dawlad deegaanka Soomaalida, oo ay u gu horreyso Jigjiga.  Nin dhallinyaro ah oo aannu saaxiibo ahayn oo Jigjiga u fakaday, ayaa habeen isoo wacay isaga oo i ga xaal wareysanaya magaalada Hargeysa. Muddo markii aannu wada-hadlaynayey ayaan ku idhi; "hadda halkee joogtaa?" waxa uu i gu yidhi; "dhul Daarood." Warcelintan waxa dhumuc weynaantiisa fahmi kara qof ka war haya xaaladda nololeed ee Soomaalida iyo qabaa'ilkeeda. Aniga oo qoslaya marna naxsan, marna ammakaagsan ayaan ku idhi; "war waayahay e, waynu soo wada-hadlin."  In ardaydu deegannadooda u fakadaan waxa qayb ka ahaa, jaamacadaha ku yaalla Soomaaliland. Nin dhallinyaro ah oo ii warramay waxa uu i gu yidhi; "jaamacaddayadii waxa ay nagu tidhi, amnigiina ma damaanad qaadi karno, ee inta xaal isbeddelayo magaalooyinkiinii ku noqda."


Jaamacaduhu waxa ay dareensan yihiin nidaamka dawladnimo ee Soomaalidu in uu yahay, mid faashil ah oo aan ka gudbin tolliimada reereed. Waa waxa uu Ted Robert Gurr u bixiyey; "Annocracy." Waa nidaam dimuqraadiyad xigeen ah, oo aan ahayn nidaam dimuqraadi ah oo toos ah iyo nidaam kelitalis ah oo barxan. Se waa nidaam meel dhexe dhaca ama waxa la yidhaahdo; "middle zone." Si kale haddii aan u dhigo waa nidaam ay reero samaysteen oo in aanno qabiil laguu dilo ay dhici karto, maaddaama aynu nahay bulsho bilow ah (primitive society). Badanka dhallinyarada iyo qoysaska qaxay, waxa ay ka cabsi qabeen in aano qabiil loo dilo ama in si kale wax loo yeelo. Dhallinyarada qaxday waxa ay noqdeen labo koox. koox jaamacadihii u beddeshay magaalada Jigjiga iyo koox kale oo ku laabtay magaalooyinkii ay ka yimaaddeen.


Madaafiicda iyo Kaarayaasha lagu garaacayo Laascaanood, waxa dhinac socday hadallo ka baaxad iyo dhumuc weynaa Madaafiicda lagu duqaynayey magaalada kuwaas oo ka soo baxayey, afka hurweynta siyaasadeed (political elite), ee Soomaaliland. Bilmetal; waxa aynu ognahay in ay Dr. Adna Aadan tidhi hadal macnihiisu ahaa; "Laascaanood waynu duminaynaa, si magaalo qurux badan aynu u dhisno." Tan waxa ka halis badnayd weedha qudh-goyska ah ee odhanaysay; "dadkaa guura, ee dhulku ma guuro." Weydddiin culus dadku waxa ay iska weyddiinayaan sababta maamulka Soomaaliland Madaafiicda u la dhacayey, goobaha dadweynaha sida; cusbitaallada, masaajidda, goobaha korontada iyo biyaha. Ujeedka tan laga lahaa cid uun baa si gaar ah u ga warcelin doonta, se waa arrin ammakaag leh oo deraaso mawduuci ah u baahan. Arrimahan oo isu tagay waxa ay dadkii ka soo jeeday gobollada Sool iyo Sanaag ku ridday cabsi aan loo meel dayin iyo baqe aan xaddi lahayn. Dad badan oo aan anigu ku jiro waxa aannu qoreynay in maamulka Soomaaliland uu rabo in uu Laascaanood ku qabsado waddo walba oo u suurtagasha waana waxa uu Machiavelli u bixiyey; "the ends justify the means/ الغاية تبرر الوسيلة." Macne ahaan waxa weeye: "hadafyada aad u socoto ayaa ka muhiimsan waddooyinka aad u mareyso." Tan waa sababta carruurta iyo maatida loogu garaacayey Madaafiic aan loo meel dayin. Waana sababta si badheedha ah loo gubay gawaari iyo guryo, aan waxba galabsan.


Dagaalka Laascaanood waxa uu sababay qax iyo barakac aad u badan, waxa uu saamayn gaar ah ku yeeshay qof walba oo ka soo jeeda deegaannada SSC.  Inta uu dagaalku socday waxa soo baxay foolxumooyin badan, waxa shaacsane noqday xiqdiga, xasadka, uurmariidka iyo naxliga qabaa'ilka. Waxa dib u bullaallay hadallo dadka qaar ay u haysteen in laga gudbay iyo fekrado qaar u muuqday in ay aabaadeen. Dagaalku waxa uu si gaar ah saamayn u gu yeeshay bulshada gobolka Sool. Waxa abuurmay dareenno taban oo ku salaysan nacayb, waxa bari iyo bogox ka dhacay tolleysiga reereed, waxa dib u soo noolaaday uurmariidka qabaa'ilka. Wax god dheer ku shalway yididdiilladii laga qabay Soomaali casri ah oo si nabad ah u wada-noolaata.


Waxa godgalay rejadii ahayd, Soomaalidu dagaal way ka daashay oo in dhibaato u gu filan faraqay ku sidataa. Qof walba oo maanta ka barakacay ama ka qaxay magaalada Laascaanood waxa saykoolojiyaddiisa, dhiiggiisa, dhuuxiisa iyo dheecaankiisaba raacay, kuna baahay uur ku taallo iyo mahadho aan si dhayal ah ku tirmi doonin. Bal adigu maxaad ku fasiri lahayd waxa uu dareemayo qofka laga barakiciyey gurigii uu ku dhashay ee ay ehelkiisa iyo ubadkiisuba joogeen? Maxaad ku fasiri lahayd waxa uu dareemayo qofka maanta bacadka waran ee dagaalka ku waayey dad iyo duunyaba? Maxaad ku fasiri lahayd in uu dareemayo qofka maamul liddi ku ah rabitaankiisa, inta uu rugtiisii u gu yimi, uu ku yidhi ama aan ku maamulo ama dhulka ka guur oo bannay? Dabcan dareenno aynu fasir u raadin karno ma aha, oo maanta dareenka dhabta ah waxa la nool qofka dad iyo duunyaba ku waayey dagaalka dadnimo-tirka ah ee maamulka Soomaaliland ku soo qaaday carradii uu Eebbe bulshadaas ku uumay.



Sh. Cabdiraxaam Bashiir oo ka hadlay dagaalka Laascaanood waxa uu yidhi; "Soomaalidu waxa ay isu dilayso waa taariikh, aan amni laga helin." Si kale haddii aan u dhigo Soomaalidu taariikhdii iyo dhacdooyinkii tagtadu lahayd kama aysan heshiin amni waafi ahna kama aysan helin. Dhib walba oo maanta jirtana waxa ay xidhiidh la leedahay taariikh aan laga heshiin, lagana wada-hadlin. Inta xaalku sidan yahay dhibta Soomaalidu way ku jiri doontaa, sida muuqatana qof walba waxa uu ku qasbanaan doonaa in uu ku go'doomo halka reerkiisu degan yahay. Buugga "In-between three civilazations" ee uu qorey Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan waxa ku jira ciwaan uu si gaar ah u gu soo bandhigayo in Soomaalidu ay taariikhda dib u raadraacdo, si mahadhooyinkii ay reebtay wax looga qabto. Bulxan waxa uu ciwaankaas u gu yeedhay "Need to Examine the Past." (Fiiri bogga 5).


Maqaalkan kooban waxa aan u ga dan lahaa in aan ku tilmaamo in dagaalka Laascanood uu bannaanka keenay foolxumooyin iyo mahadhooyin quluubta Soomaalida degay. Waxa ay u jeeddaydu ahayd in aan tilmaamo sida aysan Soomaalidu u ga heshiin gaboodfalladii lagu gaystay magaca dawladnimada. Haba u gu horreyso dawladdii hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed, ee abuurtay dhibaatooyinka ay Soomaalidu maanta la ildaran tahay. Ma ihi ruux gaboodfallada garab siiya. Sida aan maanta u ga xumahay Madaafiicda lagu garaacayo Laascaanod, si la mid ah ayaan u ga xumahay dhibtii la gula kacay, magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. La i guma baran in aan taageero dulmiga iyo maamullada gaboodfallada wada. Tan waa sababta aan u ga faalloonayo in aan si bulsheed ama nafsadeed u soo bandhigo goboodfallada ka dhanka ah bini-aadantinnimada ee maamulka Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood. 


Dagaalka Laascaanood waxa uu qaadhaan weyn ku darsaday taariikhda casriga ah ee Soomaalida. Waxa uu noqon doonaa dagaal iyo taariikh laga sheekeeyo, la isuna gudbiyo. Waxa uu dhaawac aan dhayal u tirmi doonin ku yeeshay saykoolojiyadda dadka ka soo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, si gaar ahna bulshada reer Sool. Waa taariikh mugdi ah oo la tirsan doono, sida laga bartay taariikhda taxan ee Soomaalida. Tan waxa ay haadaan ku shalwin doontaa jiritaanka Soomaalida iyo wada-noollaanshahooda.  Lodka dambe waxa uu noqon doonaa wax ay xasuustaan kana sheekeeyaan, sida maanta looga sheekeeyo dhacdooyinkii silloonnaa ee taariikhda Soomaalida soo marey.




Tixraacyo
--------

1: (2013). Hussien Bulhan. In-Between Three Civilazations Volume 1, Tayosan International Publishing, Hargeysa.

2: (2018). Yuusuf Maxamed Xays. Out of Mogadisho A memoir of the Soomali Civil War in 1991. (Kalahaadkii Muqsisho Xasuusaha Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya 1991.). Turjume Boodhari Warsame. Garanuug.

3: (2017). Richard F. Burton. The First Footsteps in East Africa (Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika). Turjume iyo tafatire, Boodhari Warsame, Looh Press.

4:(2008). Hussien Bulhan. Politics of Cain: One Hundred Years of Crises in Somali Politics and Society, Tayosan International Publishing, Hargeysa.

5: (2011). ‎H. Norman Wright. The Complete Guide to: Crises & Trauma Counseling. Gospel Light Publications.

6: (2023). Abdirahman Bashir. Muxaaddaro: Yaa Gacanta ku hayaa Xalka Siyaasadeed ee Laascaanood?. Link (https://www.facebook.com/shabdirahmanbashir/videos/1591229344727177/?app=fbl).

Comments

Popular posts from this blog

Hantiwadaaggii Soomaaliya: Guul mise Guuldarro 

Faallo kooban, buugga: Losing the Art of Survival and Dignity.

Goosan faallo ah: buugga "labo isma saarin."