Soomaaliland: halkan halkee ka aadnaa!
Soomaaliland waxa ay ku dhisan tahay oo muddada soddonka sanno ah ku jirtaa wax aan u gu yeedhay; "mawqif siyaasadeed." Qaddiyadda u gu weyn ee ay Soomaaliland dunida ka iibiso waa in ay ka go'day Soomaali inteeda kale. Tan haddii la eego ma aha wax ay dawladnimo ku dhismi karto. Dawladuhu waxa ay ku dhismaan labo mabda' oo kala ah; mabda' diimeed iyo mabda' fekredeed. Labadanba haddii la eego Soomaaliland midna kuma dhisna, waxa ay ku dhisan tahay oo ay ku jirto waa mawqif siyaasadeed oo ah; "waanu go'nay." Mawqifka jaadkan ahi ma aha mid jiri kara, sababtu waxa weeye ma aha wax ummad isu hayn kara.
Ummadaha iyo dawladaha waxa isu haya waa aragtiyo iyo afkaaro waaweyn oo ay aaminsanyihiin, taas ayey ummaddu horumar iyo ilbaxnimo ummadeed ku gaartaa. In Soomaaliland waxa isu haya uu yahay, mawqif siyaasadeed, waxa aan tusaale dhow u soo qaadan karnaa Laascaanood. Soomaaliland muddo 15 sano ah ayey Laascaanood maamuleysay, muddada intaas le'eg, ma jirto aragti iyo fikrad bulshada Laascaanood ku nool laga iibiyey. Ma jirto aragti dawladeed oo ay bulshadaasi aamineen oo dhuuxooda la falgashay, ma jirto ruux dawladnimo oo laabtooda degtay, mana jirto aaminaad dawladnimo oo bulshadaas gaartay. Intaas oo dhan iska dhaaf e, muddadii ay Soomaaliland joogtay Laascaanood, dadka Laascaanood ku nool waxa ay dhaxleen; shaki, kala qoqobnaan iyo aaminaad darro. Taasi waxa ay keentay in dadka Laascaanood ku nool ay garowsadaan in mashruuca Soomaaliland uu yahay "khuraafaad aan loo meel dayin."
Dawladnimadu haddii aysan ku dhisnayn labo mabda' midkood waa; mabda' diimeed iyo mid fekredeed e, cimriga dawladnimadaasi waa mid gaaban oo aan sii jiri kareyn, sababtu waxa weeye ummadda iyo bulshadu waxa ay u baahan tahay, aragti iyo fikrad ay aaminaan isla markaana ay qaadaan, taas oo la garan karo waxa ay u taagan tahay iyo macnaha ay xambaarsan tahay. Aqoonyahanno badan waxa ay u jeedaan mashruuca goonigoosadka ee Soomaaliland in uusan ahayn mid ka turjumi kara waayaha nololeed ee bulshada Soomaaliland ku nool. Waayo mashruucu waxa uu ku guuldarreystay in uu nolosha bulsho ee ummadda uu wax ka beddelo, waxa uu ku guuldarreystay in uu sameeyo; baadisooc iyo aqoonsi gaar ah. Waxa uu ku fashilmay in uu bulshada u abuuro mabda' diimeed ama mabda' fekredeed. Dad badan waxa u daaran weyddiintii Aadan Carab ee ahayd; "ma riwaayad baa calankani sow ruuxna kuma naaxo." Soomaaliland inkasta oo ay gaartay guulo mudan in lagu bogaadiyo, haddana weli waxa ay dadku tabayaan; aragti koran oo ay aaminaan. Tanina xilligan la joogo ma aha mid jirta. Waana sababta dadku isu weyddiinayo, weyddiimo badan oo madaxooda gadaya, maaddaama wacyigii ummadeed uu xoogeystay.
Soomaaliland waxa ay taagan tahay marxalad aan u bixiyey; "in time of crisis." Godad badan oo muddo la degnaa waxay u muuqdaan in laga guurayo, duufaannada gudaha iyo debadda ka dhacaya waxa ay horseed u noqon doonaan isbeddel cusub oo hor leh. Kacdoonka Laascaanood ka socda waa shaacsane fekradeed, waa isbeddel hor leh oo Soomaalidu u qaadday dhanka horumarka, waa ifafaale muujinaya in Soomaalidu u baahan tahay in ay qaaddo mabda' fekradeed oo koran oo ah "Soomaalinnimo" kaas oo la garan karo, isla markaana la fahmi karo dhaxalka iyo macnaha uu bixinayo. Isbeddel baa socda, mid in aynu se fahanno waa muhim; Soomaaliland waxa ay ku dhisnayd waa mawqif siyaasadeed, mawqifkeedii dhaliilo iyo turunturooyin waaqici ah baa dul hoganaya. Mar walba oo xaalku sii adkaadana weyddiinta uu qofku isweyddiinayo waxa ay noqonaysaa mid adag oo aan si fudud looga halcelin karin. Maaddaam aan si fekri ah loo macnayn karin, Soomaaliland maxay tahay? Maxayse ku dhisan tahay? Bulshadu way daashay, wixii la sugayey wax aan ahayn baa soo fuf baxay. Dad badan oo Soomaaliland ku nool waxa aynu ka maqalnaa; Soomaaliland xilligii Siyaad Barre iyo hadda labada kee bay biyo cabtaa? Weyddiintan waxa ay warcelin dhammaystiran u tahay sida xaalka Soomaaliland uu yahay.
Dadka dersa Soomaaliland waxa ay ku doodaan; in mashruuca Soomaaliland uu yahay mid aysan fahmi karim dadku, sababtu waxa weeye waxa adag in la macneeyo, waxa kale oo adag in la fasiro isla markaana dadka la gaarsiiyo. Bulshada xamaasaddii quluubtooda waa ka idlaatay, rejo beel iyo mustaqbal madow bay dadku u jeedaan. Dad badan waxa maskaxdooda ku wareegaya, hadalka caan baxay ee ah; "shalay dhaantay." Haddii aan cabbir kale adeegsado; Soomaaliland waxa soo dhaqaajiyey way garanaysaa, se halka loo socdo iyo wax la doonayo midna lama garanayo. Si kale waxa aynu leennahay Soomaaliland waxa ku habsaday "dhama'." Aan soo koobo e, kacdoonka Laascaanood ka socda waa ufo isbeddel horseedi doonta, dhanka Soomaaliland dhexdeedana waxa ka bilaabi doonta weyddiin bulshada laabtooda muddo jiiftay, se kansho la isku weyddiiyo loo waayey, weyddiintaas oo ah; halkaynu u soconnaa? Malaha si weyddiintan looga warceliyo ka fursan mayso in kutubta falsafadda dib loogu noqdo. Isbeddel baa socda e, aynu u dhugma yeelanno, taariikh baa qormaysa e, aynu indhaha si fiican u gu hayno.
Dhaawacyada ay Soomaaliland la ildaran tahay, waa noocyo badan yihiin, se wakhtigu marka uu socda waxa bulshada u soo baxaysa dhaawacyo badan oo malaxaystay, kuwaas oo aan daawo lahayn. Soomaaliland halka ay maanta joogto waxa weeye; "halkan halkee ka aadnaa." Illaa iyo hadda meel laga aado ma jirto, sida aan mar hore tibaaxayna Soomaaliland waxa ay taagan tahay; "maxaladdii foosha."
Waa qormo macquul ah se dhaliilo badan ayey leedahay kuwan ayaana kamid ah;
ReplyDelete1. SL, Soomaali kama ay gu'in ee Soomaaliya ayey ka go'aday. Dadka kale sida Jibuuti iyo DDS Soomaali maaha miyaa?
2. Baydka gabayga ah ee aad soo xigatay Aadab Carab ma leh ee Timacadde ayaa leh!
3. Laascaanood waxa aad ku sheeegtay in "Soomaalinimo" ka bilaaban tahay, aaway? Sow qabiil xanaaqay oo qabiilnimo ku dagaalamay maaha? Meeday qaddiyada dadka qaadi kartaa?
4. SL hoggaanka ayaa ka xun ee qaddiyadeedu waa mid fikrad ku dhisan oo leh juqraafi iyo taariikh hore, fikradaasina way waaraysaa se hoggaan xumadu waa haligi kartaa.