Dhama' bulsheed.
Soomaalidu waxa ay ku jirtaa jaahwareer aan loo meel dayin, xaaladda ay Soomaalidu ku jirto anigu waxa aan la meel dhigaa, xaaladdii ay reer banii Israa'iil gashay xilligii nabi Muuse, kaas oo uu Qur'aanku u gu yeedhay; "Tiih." In Soomaalidu ay ku jirto tiih meelaha aadka looga dareemo waxa ka mid ah; nidaamka dooroshooyinka ee ku dhisan xisbiyada. Soomaalida taariikhdeeda hore iyo teeda dambe labaduba waa isku mid oo wax kala duwanaan ah oo u dhexeeysa ma jirto, tusaale ahaan: laga soo bilaabo 1954 illaa maantadan aynu joogno, doorashooyinka Soomaalida waxa sal u ah qabiil iyo tolleysi qabyaaladeed. Doorashadii koowaad ee 1954 laga bilaabo, xisbiyadu qabiil ayey ku dhisnaayeen. Doorashadaas qabsoontay 1954 waxa ka qayb galay 15 xisbi-qabiil. Xisbiyadii siyaasadeed ee waddanka ka jirey; sida SYL, SNL, NUF, GSL iyo xisbigii Dil iyo Mirifle. Dhimmidood waxa ay salka ku hayeen hayb qabiil iyo tolliimo siyaasadeed. Taasi maxsuulkeedii waxa uu noqday; in la dhaxlo dawladnimo ay hareysay musuqmaasuq, kutagrifal awoodeed iyo abtirsiimo siyaasadeed.
Maanta oo xilligaas laga joogo 69 sanno, xaaladdii Soomaalidu waa halkeedii, wax isbeddel ah oo la sameeyey ma jirto, dhib soo kordha mooyee, dheef soo siyaadda lama hayo. Soomaaliland oo qaadatay nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan, waxa siyaasaddeeda gundhig u ah; abtirsiimo siyaasadeed iyo tolleysi reereed. Nidaamkani waxa uu keenay kala qoqobaan iyo is aaminaad darro bulsheed, waxa xoogeystay oo sharciyad helay qabiilka. Waxa bari iyo galbeed ka dhacay, tolliimada siyaasadeed ee qabiilka ku dhisan. Waxa godgalay oo ceel haadaan ah ku libdhay, fikraddii iyo aragtidii bulsheed, waxa bullaalay oo bulshada ku dhex faafay nidaamka xisbiyada badan ee sharciyadda reereed haysta. Tan masxuulkeedii waxa ay bulshada dhaxal siisay in maanta dadka Soomaaliland ku nool ay isweyddiiyaan, weyddiin odhanaysa; "halkee baynu u soconnaa?" Weli dadku waxa aysan si waafi ah u fahamin halka ay dawladnimadu u socoto iyo tubta lagu wado. Weli waxa la garan kari la' yahay, dheefta laga hayo nidaamka xisbiyada badan. Tan macneheedu waa dhama' bulsheed.
Tubtaas Soomaaliland qaadday mid la mid ah ayey Puntland rabtaa in ay qaaddo. Bishan waxa deegaannada Puntland ka socday wax loogu yeedhay; "diiwaangelinta cod bixiyaasha dooroshooyinka." Nidaamka jaadkan ah ee ay Soomaaliland iyo guud ahaan Soomaalidu hore u eedday, waxa uu xoojinaa isla markaana uu sharciyad dawladnimo siinayaa qabiilka. Waxa uu dalluun dheer ku ridayaa si-aragga-fekredeed ee bulshada. Soomaalidu waa bulsho dayeysan oo meel ay meehannowga ku habsaday u ga baxdo la'a. Dhaqanka reerguuraaga xooladhaqatada Soomaalida iyo nidaamka dawladnimada casriga ahi, ma aha labo arrin oo is qaban kara, taa beddelkeeda waa labo arrin oo in la kala duwo mudan. Nukhbada Soomaalidu dawladnimada fahankeedii oo idil, waxa ay u qaateen sanduuq warqad lagu rido. Iyada oo noloshii bulsho ee dadka aan waxba laga qaban, haddii ay noqoto; waxbarasho, caafimaad iyo dhaqaale. Puntland tubta ay qaadday waa mid ay bulshadu isku seegi doonaan, waa tub iyo nidaam dheefteeda maanta lahayo. Soomaalidu waxa ay u baahan tahay nidaam dawladnimo oo xerudhalad ah, waxa ay u baahan tahay nidaam la jaanqaadi kara dhaqankeeda reerguuraannimo, waxay u baahan tahay nidaam dawladnimo oo qofka Soomaaliga ah ku sar go'an. Tan beddeelkeeda Soomaalidu uma baahna, nidaam dawladnimo oo xoojinaya tolloysiga iyo tolliimada reereed.
Puntland qaabka ay doorashada u waddo iyo sida ay bulshadu isu abaabuleyso waa hab iyo hannaan la mid ah sida ay dadka Soomaaliland isu abaabulaan. Abaabulka waxa ka mid ah sida ay reeruhu isugu xidhmayaan, habka ay diiwaangelinta iyo coddeynta u arkaan, halka uu marayo codka qofka reerka ka mid ah iyo si aragga qabiillada kale, dhammaan waxaas oo idil marka aad eegto waa tubta ay Soomaalilnad hore u qaadday, taas oo aynu ka faalloonay dhaxalka maanta laga hayo iyo sida ay bulshadu u dareemayso quus. Tan waxa ay caddayn u tahay in aanu jirin, wacyi koran oo bulsheed iyo sida ay Soomaalidu u gu jirto wax aan u bixiyey; "dhama' bulsheed." Qofka Soomaaliga ah baahida u gu weyn ee uu qabo waa dawladnimo, tubta iyo jidka loo marayo habkii lagu gaari lahaa dawladnimadaas, waxa ay noqotay mid aan ku dhisnayn cilmi, aqoon iyo wax isweyddiin.
Si kale Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, waxa uu qabaa in Soomaalidu boqolkii sanno ee u dambeysay ay ku jirtay, wax uu u gu yeedhay; "dhibaato siyaasadeed iyo mid busheed" waana sababta uu tibaaxayo buugga uu Dr. Bulxan qorey ee lagu magcaabo; "Politics of Cain: One Hundred Years of Crises in Somali Politics and Society." Inta ay Soomaalidu helayso nidaam dawladnimo oo qofnimadooda qeexa, arrinkoodu waxa uu ku jirayaa; "kud ka guur oo qanjo u guur."
Comments
Post a Comment