Saamaynta Suufiyadu ku lahayd nidaamka dhaqan-dhaqaale ee Soomaalida.
Duruqdii kala duwanayd ee Soomaaliya ka jirey, gumeysiga ka hor iyo kaddiba waxa ay saamayn togan ku lahaayeen bulshadii racatada ahayd ee Soomaaliyeed. Waxa ay qayb ka noqdeen sidii wacyiga diineed ee bulshada Soomaaliyeed kor loogu qaadi lahaa. Duruqdaas kala duwani waxa ay ku suntan yihiin, waxyaabo badan oo faa'iido u leh bulshada Soomaaliyeed, bilmetal: Dr. Cabdiraxaam Baadiyow mujalladda koowaad ee buuggiisa: "Making Sense of Somali History/ تاريخ الصومال رؤية تحليلية جديدة", waxa ku jira cutub uu u bixiyey: "Dib-u-qaabaynta Bulshada Soomaaliyeed: saamaynta duruqda Suufiyada iyo gumeysiga/إعادة تشكيل المجتمع الصومالي: تأثير الطرق الصوفية و الإستعمار." Cutubkan waxa uu qaybihiisa hore kaga faallooday, saamaynta togan ee ay Suufiyadu ku lahayd nidaamka bulsheed ee Soomaalida, saamayntaas waxa aynu ku soo koobi karnaa qodobbadan:
1: Suufiyadu waxa ay u guntadeen in bulshada Soomaaliyeed ee caammada u badan in laga saaro jahliga diimeed isla markaana bulshada la baro diintooda. Sheekh walba oo Soomaaliyeed oo caan ahi oo bulshada waxbarey waxa uu ka soo kitaab jiitay duruqdii Suufiyada ee kala duwanayd.
2: Suufiyadu waxa ay qayb ka noqdeen in bulshada Soomaaliyeed la magaaaleeyo (making sense of Somali history, volume one, bogga: 109). Soomaalidu waa bulsho raacato ah, oo la rabo in la baro culuumta diinta la xidhiidha. Sidaa awgeed bulsho had iyo goor hayaan ahi, wey adag tahay in la baro cilmi. Sida aynu la socono barashada cilmigu waxa uu u baahan yahay degenaansho qofeed iyo bulsheed. Sidaa darteed Suufiyadu si ay Soomaalida diinta u barto, waxa ay qayb ka noqdeen in ay noqdaan bulsho degen oo awood u leh in ay barato culuumta shareecada; halkaa waxa ka askumay in qayb ka mid ah Soomaalida ay noqdaan bulsho madani ah. Maxamed Xaaji Ingiriis waxa uu leeyahay: "duruqdii kala duwanayd ee Suufiyadu waxa ay waddanka ka abuureen waxa la gu magcaabo magaaleyn "urbanization" magaalooyinka ay asaaseen waxa ka mid ah: Hargeysa, Baydhabo iyo Buur-hakabo." Eeg (Hanoolaato, Maxamed Xaaji Ingiriis waxbarashada).
3: Suufiyadu waxa ay la falgaleen nidaamka dhaqan-dhaqaale iyo midka bulsheed ee Soomaalida. Waxa ay awood u yeesheen in ay la falgaan qaab-dhismeedka qabiil ee Soomaalida, waxa ayna isku dayeen in diinta iyo qabiilka la mideeyo, si dadku u helo degenaansho bulsheed. Taasi waxa ay keentay in la arko wadaad Suufi ah oo hadana tolkii madax u ah, isal markaana, dadka deegaanka nidaam caddaaladeed oo garsoora ku oogaya eeg (Making sense of Soomaali history, volume one, bogga: 106). Suufiyadu fahan qoto dheer ayey u lahaayeen qaab-dhismeedka Soomaalida, waxa ay ogaal fiican u lahaayeen in aan bulsho la xukumi karin, lana fahmi karin illaa la derso qaab-dhismeedka bulsheed, waana waxa ay aqoonyahannada cilmiga bulshadu ay dhiirrigeliyaan, si bulsho loo xukumo.
4: Suufiyadu waxa ay hormuud ka noqdeen gobonimadoonkii bulshada Soomaaliyeed. Bilmetal; Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, waxa uu awood u yeeshay in uu isku dhafo nidaamka qabiilka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka, si ay ugu fududaato in uu halgan dheer la galo gumeysigii saddex-geesoodka ahaa ee: Xabashida, Talyaaniga iyo Ingiriiska. Sidaa darteed waxa uu sameeyey, waxa aynu odhan karno: "shaacsane qarannimo." Waana halka uu Prof. Saciid Sh. Samatar Sayidka ka yiraahdo: "the father of the modern Somali nation." Waayo, Prof. Saciid Sh. Samatar waxa uu ku doodday in Sayidku ahaa: nin halgamaa ah oo dagaal la galay saddex gumeysi, waxa kale oo ku doodday in Sayidku ahaa nin raadinayey Dawlad Qaran oo Soomaaliyeed, luqadda uu adeegsanayey waxa uu ku tilmaamay; luqadda dadka raacatada ah ee fahanka dhow u leh gabayga.
5: Suufiyadu waxa ay isku hawleen in laga hortago wax walba oo bulshada kala qaybin kara, isla markaana nabaddooda halis gelin kara. Waxa ay ka durkeen in ay Soomaalida ku furaan dagaal diimeed, dhaawici kara midnimadooda, (wey jireen Suufiyo dagaal dhex marey, sida Qaadiryada iyo Saalixiyad oo kale, waana halka lagu dilay Sh. Aweys Baraawe), se ma jirin dagaal diimeed daba dheeraada midkaas oo la mid ah kan maanta oo kale jira.
Taariikhaha jaadkan ah laguma dhigto goobaha waxbarashada ee casriga ah. Waxa aynu ku tilmaami karnaa waa sooyaal tirtirid, waayo Soomaalida taariikhdeeda mar walba cidda awoodda leh ayaa sida ay doonto u qorta, waxa la aasaa taariikhda aysan rabin, si jiilka cusub loo siiyo sawir ah; ANNAGAA WELIGAY JIRNAY. Waase taariikh u baahan in qof walba si iskiis ah u baaro, si uu ugu akhriyo waaqaca bulsho ee maanta la nool yahay. Soomaalida taariikhda iyo wax qabadka bulsho in ay si dhammaystiran oo caddaaladeed u sheegto waxa kaga dhacay habaar, sidaa darteed Soomaaligu aqoon fiican u ma laha taariikhdiisa bulsho, mana jiro dareen taariikheed oo uu qofku xambaarsan yahay, midkaas oo la falgala ruuxdiisa qofeed.
Se taa beddelkeeda waxa jira taariikh been iyo huuhaa u badan oo ay reeruhu leeyihiin midkaas oo ku dhisan dad iska dhicin. Ma aha taariikh ummad kale looga warrami karo, waa taariikh ay reeruhu isugu faanaan, waana halkan meesha qofka Soomaaliga ah ka dhigtay in uu noqdo: "goblan taariikheed." Ma jirto farriin taariikhi ah oo aan dunida u gubiyo, waayo waxa aan jirin taariikh dhex ah oo ay Soomaalidu wadaagto, taasi waxa ay keentay in la noqdo bulsho aan lahayn wacyi taariikheed. Dr. Bulxan Soomaalida waxa uu ku tilmaamay in ay hayaan labo jirro: mid waa jirro taariikhda la xidhiidha "pathology of history." Midna waa mid la xidhiidha jiritaanka bulsho "pathology of ontology."
Comments
Post a Comment