Dhama'a haysta Islaamiyiinta





Hordhac

Markii ay duntay khilaafadii Cusmaaniyadda dagaalkii koowaad ee dunida ka dib, waxa dunida muslimka soo foodsaraay dhibaatooyin aad u badan oo isugu jira: kuwo dhaqaale, siyaasad iyo fikir. Waxa bilaabmay baraarug cusub oo ku aadan sidii ummadda muslimka loo ilaalin lahaa jiritaankooda, waxana askumay xarkaad Islaamiya oo ku caan baxay magaca: "Islaam siyaasi/الإسلام سياسي", waxa ayna ku dooddeen in Islaamku uusan ku koobnayn caqiido oo kaliya, se uu yahay nidaam diineed oo shaamil ah, sidaa awgeed ayuu Xasan Al-Banna (asaasaha xarakada Ikhwaanul Muslimiinka), u yiri: "Islaamku waa: caqiido, cibaado, waddan, jinsiyad, diin, dawlad, ruuxaaniyad, kitaab iyo seef." Laga soo bilaabo maalintii ay duntay dawladdii Cusmaaniyaddu waxa askumay fuf diineed oo ku wajahan sidii loo soo celin lahaa khilaafada galbatay, waxana unkamay ururro Islaami ah oo mid waliba uu doonayo in; shareecada la isku xukumo, in la tuuro fahanka laga haysto dawladnimada casriga ah iyo—in la burburiyo xuduudadaha juquraafiyadeed ee uu gumeystuhu sameeyey.

Ururradaas Islaamiga ahi waxa ay qayb ka noqdeen—loollannadii siyaasadeed ee waddamada muslimka ka jirey, qaarkoodna waxa ay gaareen xukunka sida Ikhwaanul Muslimiinka oo kale, se xukunka kuma aysan sii waarin oo waa laga tuurey sida ka dhacday dalalka: Masar, Liibiya, Tuunis, Suudaan, Maqrib iyo Urdun. Dhanka kale waxa ay gaaleen dagaallo ba'an oo dad badani ku le'deen sida ka dhacday Soomaaliya burburkii dawladdii kacaanka ka dib. Haddaba, waxa isweyddiin muddan waxa weeye maxaa keenay in urarrada Islaamigu ay ku fashilmaan siyaasadda. Sida uu tibaaxay mufakirka iyo faqiiha istiraatiijiga ah ee Dr. Cabdalle Nafiisi, ururrada Islaamigu waxa ay la nool yihiin dhibaatooyin isugu jira; fahan xumo, xidhiidh la'aan, nidaam xumo, aqoon yari, iskaashi la'aan iyo hoggaan xumo. Arrimahan aynu kor ku xusnay waa dhibaatooyinka haysta dhammaan ururrada Islaamiga, sidaa awgeed ayuu Dr. Cabdalle Nafiisi u yiri: "Xarkaadka Islaamigu waa in ay ka haraan xukunka ay doonayaan, taa—beddelkeedana waa in ay caammada waxbaraan."

Haddaba, si aynu u fahanno arrimaha keenay in Islaamiyiintu ku fashilmaan siyaasadda, waxa muhim ah in aynu xusno waxyaabaha sababay fashilka siyaasadeed, sidaa awgeed waxa aynu qoraalkeenan kaga faalloon doonnaa dhama'a haysta ururrada Islaamiga, ee xidhiidhka la leh dawladnimada casriga ah. Qoraalkan waxa aynu ku xardhi doonnaa dhawr caqbadood oo haysta urarrada Islaamiga. Inkasta oo ay jiraan dhama' tiro badan, haddana waxa aan isku dayey in aan soo qaato dhawrka qodob ee ugu shilis, kuwaas oo ah kama kacdada fashilka siyaasadeed ee xarakaadka Islaamiga. Waayo mushkilad walba waxa ay leedahay goob sal u ah oo ay ka askunto, waana halka u baahan in la abaaro, si loo ogaado dhibtu halka ay taallo.

1: HOGGAAN XUMO.

"Qoom hoggaan xun iyo qoys hooyo xun, midna ma hanaqaaqo."

—Cali Maxamed Seenyo

Hoggaanku waa kama kacdada arrin walba oo bulsho rabto in ay guul ka gaarto, fashilka dawladaha, ummadaha iyo ururrada waxa inta badan lala xidhiidhiyaa hoggaan xumo. Hoggaanku waa halka lagaga cabbir qaato qummanida dawladda ama ururka, haddii hoggaanku khalkhal galo, waxa soo gaabta cimriga ummadaha iyo ururrada, waxa jirta maahmaah Shiinays ah oo odhanaysa: "Kalluunku madaxa ayuu ka qudhmaa" dhanka kale Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa; "Madaxa meel ka sarreysa oo la taabto ma jirto" dhammaan odhaahyadani waxa ay tilmaamayaan sida hoggaanku muhim ugu yahay meel walba oo ka mid ah nolosha aadanaha. Haddaba, qodobka koowaad ee haysta ururrada Islaamiga waxa aan odhan karnaa waa hoggaan xumo, arrintaasna waxa tilmaamaay aqoonyahanno uu ka mid yahay, Dr. Maxamed Mukhtaar Shinqiidi, oo waxa uu ku doodday wax uu u bixiyey; 'taagnaan hoggaamineed', waxa uuna arrinkaas aad ugu lafagurey qoraal uu ku daabacay wargeyska afka dheer ee Al-Jasiira Net, waxa uuna ugu magacdarey; "ملامح المأزق القيادي لدى الإخوان المسلمين"

Dr. Shinqiidi qoraalkiisa waxa uu aad ugu lafagurey caqabadaha haysta ururrada Islaamiga ah gaar ahaan ururka Ikhwaanul Muslimiinka, oo la odhan karo waa ururka ugu nidaamsan isla markaana ugu da' weyn ururrada Islaamiga siyaasiga ah. Qoraalkiisu waxa uu daraan yahay fashilka hoggaamineed ee haysta xarkada Ikhwaanul Muslimiinka oo waxa uu leeyahay: "Ikhwaanul Muslimiinku waxa ay la ildaran yihiin mushkilado sarteedu ay tahay hoggaan xumo, ururku ma leh cid leh tilmaamo hoggaamineed." Dr. Maxamed Mukhtaar Shinqiidi waxa uu maqaalkiisa ku tibaaaxay in markii la dilay asaasihii Xarakada Ikhwaanul Muslimiinka ee Xasan Al-Banna sannadii 1949-kii, in ururka Ikhwaanul Muslimiinku uu ahaa urur aan lahayn wax hoggaamiye ah in ku dhow saddex sanno. Sidaas si la mid ah Prof Hrair Dekmejian oo ah qoraa iyo cilmi-baadhe Mareykan ah isla markaana ka mid ah ragga aqoonta fiican u leh ururka Ikhwaanul Muslimiinka waxa uu yiri: "Ururka Ikhwaanul Muslimiinku dhibtiisu waxa ay taagan tahay jaadka hoggaamiyaheeda siyaasadeed iyo midkeeda aqooneed."

Dhanka kale Dr. Cabdalle Nafiisi oo ka mid ah ragga sida weyn u naqdiya Islaamiyiinta waxa uu si guud u tilmaamay in muskiladda haysata Islaamiyiintu ay tahay—HOGGAAM XUMO, sidaa awgeed ayuu isaga oo naqdinaya asaasihii xarakada Ikhwaanul Muslimiinka ee Sh. Xasan Al-Banna waxa uu yiri: " Xasan Al-Banna arrimaha uu beeldareeyey waxa ka mid ah in uu diyaaro kawaadir hoggaamineed oo isaga debadii xukunka qabta." Dr. Nafiisi waxa uu isna mushkiladda xarkaadka Islaamiga haysata u bixiyey; "taagnaan maamul" sida oo kale Nafiisi waxa uu ururrada Islaamiga ku dhaliilay in aysan u bislayn xukun, sababtuna waxa ay la xidhiidhaa HOGGAAN XUMO. Waana sababta uu Cabdalle Nafiisi u yiri; "Xarakaadka Islaamigu madaxdoodu waa khuddabo, ma aha dad mufakiirin ah, mana laha mufakiriin la mid ah Maalik Ibn Nabi iyo Sayid Qudub." Sidaa darteed Nafiisi waxa uu soo jeeddiyey in Islaamiyiintu ay xukunka ka fadhiistaan ugu yaraan konton sanno, si ay u soo saaraan kaadiriin siyaasadeed.

Mushiladda hoggaan xumadu waa arrin shaacsane ka ah dhammaan ururrada Islaamiga ah, tusaale ahaan, burburkii ku yimi xarkadii weynayd ee Al-Ahli, waxa la xidhiidhayaa hoggaan xumo, sidaa si la mid ah burburkii ku yimi ururkii Jihaadiga ahaa ee Al-Ittixaad waxa la la xidhiidiyaa hoggaan xumo, sida uu tibaaxay Cabdishakuur Mire Aadan qoraaga buugga: 'Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya.' Taasna waxa aad ka garan kartaa marka aad akhrido hadallada isdhaafka ah ee ay ku hadlayeen hoggaankii sare ee ururka Al-Ittixaad, tusaale ahaan, nin hoggaamiye ah ayaa waxa uu tilmaamayaa in dagaalkii ka dhacay Boosaaso ee dhex marey garabkii hubaysnaa ee ururka Al-Ittixaad iyo ciidan beeleedkii uu hoggaaminayey Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, in dagaalka dhacay aanu wax war ah ka hayn ama uusan kala socon. Sida uu tilmaamayo Cabdishakuur Mire Aadan, ma jirin hal hoggaamiye oo ammarkiisa si dhammaystiran loo qaato, xilliyada qaar waxa jirey go'aanno masiiriya oo ay gaarayeen dad xubno ka ahaa ururka, waana sababta keentay in ururka Al-Ittixaad lagu jebiyo goobo badan oo dagaal, sida: Boosaaso, Gedo iyo Kismaayo. Fashilka dagaal waxa uu salka ku hayaa hoggaan xumo iyo bisayl la'aan siyaasadeed, sida uu ku doodday qoraaga buugga Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya.

Dhanka kale fashilkii siyaasadeed ee ku yimi madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi waxa ay xidhiidh la leedahay hoggaan xumo sida uu ku doodday Dr. Cabdalle Nafiisi iyo Dr. Cabdiwahaab Sh. Cabdisamad, oo Cabadiwaahab waxa uu tilmaamay in fashilka siyaasadeed ee soo dadejiyey cimriga Maxamed Mursi in uu xidhiidh toos la leeyahay fahankiisa siyaasadeed oo aad u liitay, waxa uu Dr. Cabdiwahaab tibaaxay in Maxamed Mursi maamulkii Masar ka dhigay maamul xarako gaar ah u afduuban, isaga oo iska indhatirey ururradii kale ee Islaamiga ahaa iyo kuwii Calmaaniga ahaa ee jirey, waana midda cimri gaabnida Mursi soo dadejisay sida uu qabo Dr. Cabdiwahaab Sh. Cabdisamad. Qanaatka afka dheer ee Ru'yatul Lil-fikri, waxa marti ku ahaa mufakirka weyn ee reer Qadar ee Dr. Jaasim Suldaan, waxana lagu weyddiiyey barnaamij socday oo lagaga faalloonayey ururrada Islaamiga ah, weyddiin ah: "ururrada Islaamigu awood ma u leeyihiin in ay hoggaamiyaan ummadda/ هل جماعات الإسلامية قادرة على قيادة الآمة", jawaabta Dr. Jaasim Suldaan waxa ay noqotay "MAYA" isaga oo tilmaamay in uu jiro gaabis weyn oo la xidhiidha waaqaca la nool yahay, sidaa awgeed ayuu u yiri, mushkiladda waynu aragnaa.

Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi buuggiisa; أولويات حركة الإسلامية" waxa uu ku xardhay hadal muunjnaya dhama'a haysta Islaamiyiinta midkaas oo macnihiisu yahay: "Dhibta Islaamiinta haysata waa hoggaan xumo." Hadalka Dr. Qaradaawi waxa la mid ah midka uu hore u yiri, hoggaamiye ku xigeenkii hore ee xarakada Al-Nahda ee Sh. Cabdifataax Muuruu midkaas oo u dhignaa sida tan: "Hoggaankeennu waa daalay waxaan u baahannahay dhiig cusub oo qaada aragtida Islaamka, wadaaddadana waxa looga baahan yahay in ay xilligan fariistaan." Dhanka kale mufakirka Soomaaliyeed ee Sh. Cabdiraxmaan Bashiir waxa uu barta uu faysbuugga ku leeyahay ku baahiyey maqaal uu bixiyey: "Baraarugga Islaamiga ah ee Sooomaaliya: nidaamka siyaasadeed iyo shaacsanaha qabyaaladeed/ الصحوة الإسلامية فى الصومال : بين التنظيم السياسي ، والتمظهر القبلي" Sh. Cabdiraxmaan waxa uu maqaalkiisa ku sheegay in saxwadda Soomaaliya ka bilaabatay dhammadkii qarnigii labaatanaad in ay soo foodsaartay dhibaatooyin isugu jira: laablakac, bisayl la'aan siyaasadeed, qabyaalad, aqoonyari la xidhiidha culuumta aadanaha iyo nidaam xumo siyaasadeed ama waxa aynu ku tilmaami karno hoggaan xumo, waayo waxa uu ku dooddayaa in qofka Soomaaliga ah aan lagu tababarin nidaaminta iyo qorsheynta, sidaa awgeed ayuu u yiri: "Suufigii hore waxa uu dadka ku daawayn jirey lacag, daacigan cusub ee baraarugga ahina waxa uu dadka ku daaweeyaa lacag, waa maxay kala duwanaanshaha u dhexeeya? Suufigii hore waxa uu dadka ka saari jirey Jinka, waxa uuna lahaa xaruumo uu wax ku daweeyo iyo habab fudud oo uu dadka ku qanciyo. Daacigan cusub ee baraaruga ahi waxa uu leeyahay xaruumo uu dadka Jinka kaga saaro, waxa uuna leeyahay habab fudud oo uu dadka u qanciyo, waxaa ka mid ah: kuwo dadka biyo ku rusheeya, se kuwii hore [Suufiyada], waxa ay adeegsan jireen biyo yar, kala duwanaan yar baa u dhexeeya labadooda." Hadalkan kore waxa uu tilmaamayaa in Islaamiyiintu aysan lahayn wacyi hoggaamineed iyo mid fikradeed maadaama ay weli hayaan shaqadii ay qaban jireen wadaadadii asal raaca ahaa ee Suufiyada.

Hoggaan xumidu waa midda hagaagsisay dhammaan ururrada Islaamiga oo idil, waayo ma jiro hoggaamiye leh dad iskuwad iyo aragti dheeri, waana mushkiladda mar walba keenta in ay ku fashilmaan loollannada siyaasadeed ee ay Islaamiyiintu galaan. Dr. Cabdalle Nafiisi hoggaan xumida haysata xarkaadka Islaamiga waxa uu tibaaxay in ay xidhiidh la leedahay habka xisbiga ah ee loo barbaariyo qofka Islaamiga ah, tusaale ahaan, buugga; "الحركة الإسلامية ثغرات فى طريق" ee uu qorey Dr. Nafiisi waxa ku jira mawduuc uu bixiyey: "من المدنس إلى المقدس" waxa uuna kaga faalloonayaa in qofku marka uu soo galo xarako gaar ah oo Islaami ah in ay la mid tahay in uu ka soo galay debad ay qudhun iyo wasakhi taallay, una soo galay goob nadiif ah oo dhawrsoon. Arrinkaasi waxa uu keenayaa in qofku isu arko in uu isagu saxan yahay dadka kalena ay khaldan yihiin, halkaa waxa ku godgalaya kala duwanaantii qofnimo, taasi waxa ay keeni doontaa in uu soo baxo jiil aan aqbalin kala duwanaanta iyo dad isku wadka. Waana halka uu ka yiri Dr. Nafiisi: "Islaamiyiintu tarbiyaddoodu ma aha tarbiyad bulsho, ee waa mid xibsi."—waynu garanaynaa kala duwanaanta u dhaxaysa qofka ku ababa, kuna kora tarbiyad bulsho iyo midka ku ababa, kuna kora tabiyad kooxeed.

2: MAQNAANSHIYAHA CULUUMTA AADANAHA.

"Horumarka ummaduhu waxa uu ka bilaabmaa culuumta aadanaha."

—Cabdifataax Muuruu.

Aqoonta marka laga warramayo, waxa loo qaybiyaa labo qaybood oo waaweyn oo kala ah: culuum dabiici ah [natural science], waxana ka mid ah; caafimaadka, injineernimada, cilmiga beeraha, dhismaha iwm. Iyo culuum aadane [humanities], culuumtan inta badan waxa ay xoogga saartaa arrimaha bulshada la xidhiidha waxana tusaale u soo qaadan karnaa: dhaqaalaha, siyaasadda, falsafadda, cilmiga bulshada, kasmanafeedka iyo taariikhda. Dhammaan culuumtan oo idil waxa lagu magcaabaa culuumta aadanaha. Waa aqoonta lagu fahmo samayska nafsiyadeed iyo midda bulshadeed ee ummadda. Dr. Jaasim Suldaan oo ka mid ah aqooyahannada ku xeeldheer culuumta aadanaha waxa uu yidhaahdaa: "Culuumta aadanuhu waxa ay ka faallootaa xidhiidhka uu qofku la leeyahay naftiisa iyo dadka kale, waxa kale oo ay ka fallootaa: sida aadanuhu u fikiro, sida aadanaha loo beddeli karo, iyo arrimaha dhaqaajiya tariikhda, iinsaanka iyo bulshooyinka." Si kale culuumta aadanaha waxa lagu tilmaamaa in ay tahay khibrad bini-aadam [human experience].

Dr. Jaasim Suldaan waxa kale oo uu yidhaahdaa: "Bulshada reer Galbeed waxa ay xoogga saraan in ay fahmaan iinsaanka, qalabkii ay ku fahmi lahaayeenna waxa uu noqday culuumta aadanaha." Sidaa awgeed Dr. Jaasim Suldaan waxa uu Islaamiyiinta meel walba oo ay joogaan ku dhaliilay in aysan xoogga saarin barashada iyo dersidda aqoonta aadanaha. Si kale buugga caanka ah ee uu Dr. Jaasim Suldaan qorey ee lagu magcaabo: "xeerarka horumarka/ قوانين النهضة" marka uu ka faalloonayo hoggaamiyaha ay muslimiintu u baahan yihiin waxa uu yidhaahdaa: "Hoggaamiye marka ay noqoto dhanka aqoonta waxa aynu u bahaannahay hoggaamiye: wax ka garanaya diinta iyo dhaqanka, hoggaamiye leh aqoon maamul iyo mid hoggaamineed iyo hoggaamiye wax ka garanaya aqoonta aadanaha." Dr. Jaasim Suldaan aqoonta aadanaha waxa uu u arkaa cilmiga lagu fahmo horumarka iyo burburka bulsho.

Haddaba, mushiladda meel walba oo ay Islaamiyiintu joogaan haysata waxa weeye in aysan baran culuumta aadanaha taasna waxa innoo caddaynaya hoggaamiye ku xigeenkii hore ee Xarakada Al-Nahada Cabdifataax Muruu, waxa uuna leeyahay: "Islaamiyiintu waxba kama fahansana culuumta aadanaha, aqoonta si aynu ugu furno ubadkeenna waxa aynu dhahnaa waxa aad barataan dhakhtarnimada, iyo injineernimada. Waxa aynu soo saarnay dhallinyaro shaqaale ah, dhallinyaradan shaqaalaha ah wax xidhiidh ah lama laha arrimaha fikirka. Islaamiyiintu waxa ay ka fogaadeen aqoontii aadanaha, sidaa awgeed waxa aynu ka hawlgabnay in aynu fahanno waxa dhaqaajinaya; nidaamka bulsheeed, dhaqaaleed iyo siyaasadeed, sababtuna waxa weeye ma aynaan baran culuumta aadanaha." Sida oo kale Cabdifataax Muuruu waxa uu yiri: "Horumarku kuma yimaaddo dhakhaatiir iyo injineerro badan, se waxa uu ku yimaaddaa qofka garanaya hannaanka isbeddelka, adduunka kuma beddeli kartaan kutub fiqhi ah, se waxa ku beddeli kartaan cuquul wacyi iyo qiyam leh. Maanta waxa aynu mareynaa heer ay wadaaddadu ka dooddaan jinku lab iyo dhedig miyuu leeyahay."

Buugga uu qorey Cabdishuur Mire Aadam ee lagu magcaabo; "Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya" marka uu ka warramayo fashilka ku yimi ururradii Islaamiga ahaa sida: Al-Ahli iyo Al-Ittixaad, waxa uu xidhiidh toos ah kala dhexeysiiyaa wacyi xumadda aqooneed ee haysatay hoggaankii sarre ee ururradaas, tusaale ahaan; ururka Al-Ahli burburkiisa waxa qayb ka ahaa wacyiga liita ee hoggaanka, waxa la mid ah ururkii Al-Ittixaad oo isaga waxa aan odhan karnaa wacyi xumadu waxa ay gaartay heer 'QAR ISKA TUURNIMO AH.' Mufakirka weyn ee Soomaaliyeed ee Sh. Cabdiraxamaan Bashiir waxa uu barta degal ee uu faysbuuga ku leeyahay ku baahiyey maqaal uu kaga faalloonayo dhibaatooyinka haysata Islaamiyiinta Soomaaliya maqaalkaasna waxa uu u bixiyey: "Baraarugga Islaamiga ah ee Sooomaaliya: nidaamka siyaasadeed iyo shaacsanaha qabyaaladeed/ الصحوة الإسلامية فى الصومال : بين التنظيم السياسي ، والتمظهر القبلي." Sh. Cabdiraxaam maqaalkiisa waxa uu ku lafagurey dhibaatooyinka kama kacdada ah ee ku habsatay Islaamiyiinta Soomaaliya waxa uu yiri: "Baraarugga Islaamiga ah ee Soomaaliya ka hanaqaaday waxa uu ahaa mid laablakac ah oo waxa raadeeyey baraaruggii caalamiga ahaa ee dunida ka socday. Islaamiyiinta Soomaaliya waxa suququl ku ah mufakiriinta iyo culumada baaca dheer u leh culuumta aadanaha, horena waa ugu yaraayeen maantana way ku yar yihiin. Islaamiyiinta Soomaliya dhibta haysata waxa ay isugu jirtaa: dibu-dhac siyaasadeed iyo mid fikradeed, waxana ka maqan raggii fikirka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo cilmiga bulshada."

Dr. Axmed Saayid maqaal uu ku faafiyey wargeyska Al-Ummah waxa uu ciwaan uga dhigay "Xarakaadka Islaamiga iyo culuumta aadanaha/ الحركة الإسلامية و العلوم الإنسانية", hordhaca maqaalka waxa uu ku xusay hadal aad ii soo jiitay oo ah: "Waxan hubaa xarakaadka Islaamigu in aysan hayn cilmi-baadhisyo sugan oo nafsiyadeed ama bulsheed kuwaas oo la xidhiidha bulshooyinka ay ku dhaqayaan dacwadda." Sidaa si la mid ah Dr. Cabdalle Nafiisi isaga oo ka hadlaya barnaamijka 'Al-mawaasiin' ee Al-Jasiira waxa uu yidhi: "Islaamiyiintu ma hayaan hal daraasad oo tilmaamaysa sida Islaamku xal u yahay? Dhanka kale Dr. Yuusuf Qaradaawi buuggiisa: "أولويات الحركة الإسلامية" waxa uu ku darey ciwaan uu u bixiyey: "In la diyaariyo khubarro leh takhasusyo kala duwan/ إعداد متخصصين النوابغ فى شتى المجالات", waxa uuna Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi Islaamiyiinta ku dhaliilay in aysan fahansanayn taaganta la nool yahay iyo waaqaca mucaasarka ah (fiiri Isla buugga bogga 19). Dr. Cabdiwahaab Sh. Cabdisamad marka uu isbarbardhigayo Madaxweynihii hore ee Masar ee Dr. Maxamed Mursi iyo madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan waxa uu yidhaahdaa: "Kala duwanaanta u dhaxaysa Maxamed Mursi iyo Ordogaan waxa weeye mid waxa uu bartay aqoon farsamo (Mursi), midna (Ordogaan) waxa uu wax ka bartay culuumta aadanaha gaar ahaan dhaqaalaha." Sida oo kale Dr. Cabdiwahaab waxa uu qabaa in aqoontu saamayn ku yeelatay hannaanka hoggaamineed ee labada madaxweyne.

Maqaal uu Dr. Maxamed Shiqiidi ku baahiyey wargeyska Al-Jasiira Net, uguna magacdarey: "ملامح المأزق القيادي لدى الإخوان المسلمين" waxa uu ku yiri: "Islaamiyiintu maxa xiiseeyaan culuumta nidaaminta iyo istiraatiijiyadda ka faalloota." Sidaa si la mid ah Dr. Cabdalle Nafiisi waxa uu leeyahay: "Islaamiyiintu waxa ay xoogga saaraan in ay sameeyaan dad raacayaal ah [followership], kuwaas oo ku fiican talqiinka iyo in ay si dhakhso ah u fuliyaan ammarka." Hadalka Nafiisi waxa uu tilmaamayaa in aysan Islaamiyiintu ku dadaalin in ay soo saaraan dad wax naqdiya isla markaana u fikiraya si xor ah, waayo; qof wax loo laqimayo ma aha ruux xor noqon kara. Haddaba, qodobkeenan waxa aynu ku lafagurnay in dhibta haysata Islaamiyiintu meel walba oo ay joogaan ay tahay aqoon yari la xidhiidha culuumta aadanaha, waana caqabadda keentay fashilkooda siyaasadeed meel walba oo ay dunida ka joogaan. Sida aynu kor ku soo xusnay culuumta aadanuhu waa culuumta lagu fahmo qotimada dhaqaajiya; taariikhda, siyaasadda iyo fikirka ummadeed. Sidaa awgeed ururkii, bulshadii iyo ummaddii ay ka maqan tahay aqoontaasi waa bulsho hagaastay oo filkeed ka hartay.


3: MASHRUUC LA'AAN IYO WAAQACA OO AYSAN FAHANSANAYN.

"Islaamiyiintu ma hayaan barnaamij diyaara oo la dhaqan geliyo."

—Cabdalle Nafiisi.

"Islaamiyiintu ma fahansana waaqaca la nool yahay."

—Cabdifataax Muuruu.

Sida aynu qodobbadii hore ku soo xusnay Islaamiyiintu waxa ay la ildaran yihiin dhibaatooyin aad u badan, dhibaatooyinkaas waxa qayb ka ah fahan la'aanta la xidhiidha waaqaca. Sida aynu ka warqabno maanta dunida waxa ka dhacay isbeddel baaxad weyn kaas oo saameeyey nolosha bini-aadamka ha noqoto dhanka; dhaqaalaha, siyaasadda, waxbarashada iyo bulshada. Sida uu tilmaamay Dr. Yuval Noah Haraari maanta bini-aadamku waxa uu marayaa isbeddelladii ugu waaweynaa ee inta taariikhda aadanuhu jirtay uu maro. Sidaa awgeed isbeddelladaas dhacay Islaamiyiintu badankoodu waxba kama oga, qaar ka mid ah Islaamiyiintu dunida waxa ay u arkaan si la soo dhaafay. Sidaa darteed ayuu Dr. Maxamed Mukhtaar Shinqiidi u yiri: "Islaamiyiintu uma furfurna waaqaca bulsho iyo midda siyaasadeed." Sidaas si la mid ah Sh. Cabdifataax Muuruu waxa uu yiri: "Islaamiyiin fara badan wakhtigoodii ma noola." Hadalka Muuruu waxa uu tibaaxayaa sida Islaamiyiintu uga aradan yihiin waaqaca bulsho ee ay Muslimiintu nool yihiin.

Dhanka kale Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi waxa uu Islaamiyiinta ku dhaliilay in aysan fahansanayn waaqaca waxa uuna yiri: "Waxa jira gaabis haysta Islaamiyiinta midkaas oo la xidhiidha waaqaca mucaasarka ah ee la nool yahay." Sida oo kale Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi isaga oo tilmaamaya isbeddelka weyn ee dunida ka dhacay waxa uu buuggiisa: "Islaamka iyo dawladda" ku yiri hadal u dhigan sida tan: "Wadaaddo badan waxa ay diideen in dumarku u tartamaan golaha baarlamanka, ma oga in dunidu sidii hore ahayn, gabadhu ma aha gabadhii aynu garanaynay maanta dumarku waxbay barteen waxa ayna qayb ka noqdeen: waxbarashada, dhaqaalaha iyo siyaasadda, sidaa awgeed waxa muhim u baahan in dib loogu noqdo aragtida uu Islaamku ka qabo dumarka gaar ahaan golaha siyaasadda." Si kale Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi isaga oo tibaaxaya sida uu isbeddelka wayni ugu dhacay hannaankii hore ee aadanuhu u arkayey dawladda waxa uu yiri: "Waxa jira wadaaddo badan oo diiday in xaakimku yeesho muddo xaddidan iyaga oo u aanaynaya in aan taariikhda Muslimiintu lahayn xilli xaddiidan oo uu xaakimku joogo xilka. Waxa jira wadaaddo badan oo diiidday in siyaasadda lagaga qayb galo hannaanka xisbiyada badan: 'political parties system/ التعددية الأحزاب' waxa jira wadaaddo diiday in dadku madaxdooda u doortaan si dimuqraadi ah, waxa kale oo jira wadaaddo ku tilmaamay dimuqraadiyaddu in ay tahay camal gaalo. Waxa muhim ah in aynu xasuusnaano in dimuqraadiyaddu leedahay wax san iyo wax silloon. Waxa san waxa ka mid ah: dooroshooyinka iyo hannaanka xisbiyada badan."

Cabdifataax Muuruu waxa uu tibaaxay in loo baahan yahay hoggaamiye fahansan waaqaca la nool yahay iyo mustaqabalka soo socda, sidaa awgeed ayuu u yiri: "Dawladda casriga ahi waa dawlad ka dhaxaysa; gaal, Muslim, Islaami iyo mid aan Islaami ahayn, sidaa darteed waa muhim in aynu aragtideenna horumarinno." Waaqacu waa arrin u baahan akhris mawduuci ah, iyo aragti dheer, sidaa darteed inta badan Islaamiyiinta waxa lagu naqdiyaa in aysan lahayn wacyi hagaagsan oo la xidhiidha bulshada, waana arrinta keentay is fahan waaga u dhexeeya Islaamiyiinta iyo bulshada. Ummaddu si ayey rabtaa in ay u noolaato, Islaamiyiintuna waxa ay raadinayaa in ay keenaan waaqac ka duwan midka bulshadu rabto, sidaa awgeed Islaamiyiinta qaar ayaa ku adkaystay in loo sabro hoggaanka kaligii-taliyaha ah, qaar kale ayaa ku doodday in ay mamnuuc tahay in hoggaanka dulmiga wada la iska rido, qaar kale ayaa ku tagay in la sugo Mahdi soo socda waana halka uu mufakirka Soomaaliyeed ee Sh. Cabdiraxmaan Bashiir ka yiri; 'Muslimku waxa uu sugayaa Mahadi soo baxa, oo dhibta ka samata-bixiya."

Dr. Maxamed Ciyaash barnaamijkiisa caanka ah ee "التدين الواعي" waxa lagu weyddiiyey weyddiin ah: Islaamiyiintu maxay siyaasad ahaan u fashilmeen? Dr. Ciyaash waxa uu kaga warceliyey weyddiintaas hadal u dhigan sida tan: "Islaamiyiinta waxa haysta dhibaatooyin aad u badan waxana qayb ka ah wacyi xumo iyo dibu-dhac ogaal." Dhanka kale Dr. Ciyaash waxa uu Islaamiyiinta ku tilmaamay inaysan aqoon ahaan bislayn, intooda badanna waxa uu tibaaxay in ay yihiin horgalayaa, sidaa darteed waxa uu yiri: 'Waxan u baahannahay wacyi korsan oo laablack ka madhan.' Sidaa si la mid ah Sh. Cabdiraxmaan Bashiir maqaal uu baahiyey ciwaanna uu uga dhigay: "Baraarugga Islaamiga ah iyo dhibaatada fikir/ الصحوة الإسلامية وأزمة الفكر " waxa uu Islaamiyiinta ku tilmaamay in ay la nool yihiin dhibaatooyin dhanka fikirka iyo wacyiga la xidhiidha.

Arrinta wacyi xumada waxa raacda in uusan jirin mashuruuc diyaar ah oo muddan in la dhaqan galiyo. Dr. Nafiisi buuggiisa "ثغرات فى طريق" waxa ku jira ciwaan uu u bixiyey: "إفتقاد البرنامج الجاهز للتطبيق" ciwaankan Nafiisi waxa uu si waafi ah oo ogaal iyo indheergaradnimo ka muuqato ku tilmaamay in aysan Islaamiyiintu hayn wax mashruuc ah oo diryaara kaas oo muddan in la dhaqan geliyo, sidaa darteed ayuu waxa uu yiri: "Bulshadu ma fahansana ujeeddooyinka Islaamiyiinta, iyaguna dadka uma soo bandhigin waxa ay doonayaan, ma jiro barnaamij diyaar ah oo bulshada la hor geeyo." Soomaaliland xilligii uu Daahir Riyaale madaxweynaha ka ahaa waxa uu Riyaale isugu yeeray Islaamiyiinta dalka joogay waxa uuna ku yiri waxa aad ii keentaan diinta aad rabtaan in aad dalka ku dhaqdaan [mashruuc diyaara], cidina uma iman oo waddaday cabeen. Sidaa si la mid ah xilligii Cigaal Islaamiyiin ka soo horjeeday dastuurka iyo dawladnimada waxa uu Cigaal ku yiri Islaamiyiintii; 'Wadaaddow madaxtooyada iigu kaalaya oo wixii aad haysaan ii keena' iyaduna cidina uma imane masaajidday iska fadhiisteen oo wax ka soo qudhaameen. Dhanka Koonfurta iyo gobollada waqooyi bari, wadaaddadii Ittixaadku wax qorshe ah lama aysan iman, se taa beddelkeedii dalkii iyo dadkii burburka ahaa bay waxa ay la dhex galeen qori caaradii.

Dr. Cabdalle Nafiisi waxa uu ku naqdiyey Islaamiyiinta in aysan lahayn ruux dib-isugu laabasho ah "روح المراجعة" taas oo uu ku tibaaxay in ay iyaduna qayb ka tahay dhibta jirta, waana halka uu Sh. Cabdiraxmaan Bashiir ku tilmaamay: "خوف من مراجعة." Muraajacadu waa in uu qofku naftiisa uu naqdiyo isaga oo tibaaxaya guuldarrooyinka haysta, sidaa awgeed arrinka naqdisku waa arrin ka maqan Islaamiyiinta, waana waxa keenay huursanaanta iyo fahan la'aanta la xidhiidha waaqaca. Dr. Khaalis Jalabi waxa uu leeyahay; "Naqdintu waa baraarugga ogaalka hoose, Islaamiyiintu naqdinta uma arkaan arrin Islaami ah waayo waxa ay aaminsan yihiin in uusan arrinkaas ka hadlin Ibn Taymiya, Ibn Qayim iyo Shawkaani." Waxaynu leenahay wacyi xumada iyo qorshe xumadu waa arrimaha qaybta ka ah fashilka siyaasadeed ee Islaamiyiinta.

4: MIDNIMO LA'AAN IYO MAQNAANSHIYAHA ARRIMAHA MUDNAANTA LEH.

"Maqnaanshiyaha arrimaha mudnaanta leh, waa aafada ugu weyn ee haysata baraarugga Islaamiga ah."

—Yuusuf Al-Qaradaawi.

Sida uu tibaaxay Dr. Maxamed Ciyaash baraarugga Islaamiga ah ee cusub waxa uu ku bilowday hab laablakac ah oo lagaga falcelinayey dumiddii ku timi khilaafadii Cusmaaniyadda. Waxa kale oo garab socday isbeddelladii fikradeed ee dunida ka socday taas oo keentay in Islaamiyiin badani ay dhexgalaan aafo iyo arrin aan la saadaalinayn, halkaas waxa ka dhashay turunturrooyin badan kuwaas oo keenay in la fool xumeeyo suuraddii uu Islaamku lahaa, maadaama arrinku uu ku salaysnaa laablakac iyo caadifad aan loo meel dayin. Halkaa waxa ku godgalay daraasaynta iyo u dhugmo yeelashada waaqaca iyo taaganta la nool yahay, waxa kale oo ku godgalay in la eego arrimaha muhimka ah ee mudnaanta leh in la qabto, sidaa darteed waxa yimi khalkhal la xidhiidha dhanka 'mudnaanta/ priority." Islaamiyiin badan waxa ay qaadeen jidka aaran dubatada, waxa ayna noqdeen dad dhiig uun u hamuum qaba waxa ay sameeyeen gaboodfallo ugub ku ah dhaqanka Islaamka iyo midka bini-aadantinnimada, waxa ay horseed ka noqdeen foolxumaynta Islaamka, waxa ay; dil, dhac, boob iyo kufsiga ku sameeyeen dad muslim iyo gaalaba leh, Islaamiyiintaa waxa hormuud u ah: Al-Shabaab, Al-Qaacida, Daacish iyo Bookooxaaraam. Ururradaasi waxa ay ku suntan yihiin in qori caaradii dunida lagu beddelo. Waxa kale oo ay barbarwadaan gaalaysiin iyo cagajuglayn horleh oo ugub ku ah dhaqanka Islaamka sida ay ku dooddaan wadaaddada naqdiya ururradaas.

Cabdifataax Muuruu waxa uu ku doodday in Islamiyiinta qaar ay ka weecdeen jidkii nabadda, waxa uuna ku dhaliilay in ay qaadeen hilin ummadda Islaamka u soo jiiday foolxumo iyo dhib. Tusaale ahaan; ururka Al-Qaacida weeraradii iyo qaraxyadii uu ku qadaay daarihii ganacsiga ee New York, waxa uu ibo fur u noqday dagaal ka dhan ah muslimiinta oo idil, waxa dhacdadaas awgeed dhib ku mutay dalal badan oo muslim ah, sidaa awgeed Dr. Jaasim Suldaan buuggiisa "Dhibaatooyinka haysta Islaamiyiinta/ أزمة التنظيمات الإسلامية" waxa ku jira ciwaan uu u bixiyey: 'Halaagga adduunka mise hannuuninta adduunka/ الهلاك العالم أم هداية العالم' waxa uuna kaga faalloonayaa sida Islaamiyiinta qaar ay u qaadeen jid horseed u noqday mushilado badan oo muslimiinta haysta. Waxa kale oo sheegay in arrintani ay xidhiidh la leedahay odhaah odhanaysa: "Ila jir ama iga jir/ من ليس معنا فهو ضدنا" waxa uu tibaaxay in odhaahdani ay barbilow u noqtay halaagga tira beelka ah ee ay ku kaceen Islaamiiyinta qaar. Dr. Jaasim aragtidaas iyo cidda qabtaba waxa uu u naqdiyey si waafi ah oo garaadka caafimaadka qabaayi aqoon ka kororsan karo. Dhanka kale Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, Islaamiyiinta qaar waxa uu ku naqdiyey in aysan lahayn fahan la xidhiidha mudnaanta 'priority' waxa uuna tilmaamay in Islaamiyiinta qaar ay jeexeen waddo aan loo meel dayin sida "JAHAADKA" oo kale. Waxa uu tibaaxay Islaamiyiinta qaar in aysan ka fikirin weyddiimaha ah: yaa la la jihaadaa? Goormaa la jihaadaa? Sidee loo jihaadaa? Weyddiimahan waxa ay keeneen in dadka qaar ay ku ridaan hilin khaldan.

Si kale Dr. Jaasim Suldaan waxa uu leeyahay Islaamiyiinta qaar dunida waxa ay u qaybiyeen qaybin hore oo laga gudbay; tusaale ahaan, Islaamiyiinta qaar dunida waxa ay u qaybiyeen: "dhul dagaal iyo dhul Islaam/ دار حرب و دار الإسلام" dhulka dagaalku waa dhulka ay gaaladu joogto, waa dhul muddan in lagu duulo oo wixii hanti, ubad iyo dumarba jooga in la qaato. Se maxay kuugu taallaa qaybiskaas waa laga tagay duniduna waxa ka dhacay carro-edegayn, wacyi xumada la xidhiidha isbeddelka dunida ka dhacay waxa uu keenay in dunidii ay noqoto goob furin dagaal ah, waana halka uu ka leeyahay Dr. Jaasim Suldaan: 'Dunidu ma dhul dagaal baa, mise waa dhul farriimeed/ العالم دار دعوة ام دار حرب." Dr. Jaasim waxa uu ku dooddayaa in dunidu tahay goob fariimeed, se aysan ahayn goob dagaalleed waxa uuna aad u xiganayaa nusuus Qur'aan iyo xadiis ah.

Qodobka arrintan xidhiidhka la leh waa midnimo la'aanta ka jirta Islaamiyiinta dhexdooda. Muslimiinta dunida guud keeda saaran waxa jira qaybsan weyn oo u dhexeeya midkaas oo ku salaysan: caqiido, siyaasad iyo dhaqaale. Taasi waxa ay saamayn ku yeelatay Islaamiyiintii u dooddayey in la soo celiyo khilaafo Islaami ah, waxa ayna dhalisay in ay af iyo addinba hadba kii la haleelo in la isku weeraro. Tusaale ahaan, sida uu ku doodday Sh. Xassaan oo ka mid ah wadaaddada sida weyn uga faallooda arrimaha Islaamiyiinta waxa uu yiri: "Muslimiinta qaarkood si Islaamka loo badbaadiyo waxa ay shayga koowaad ka dhigeen in Wahaabiyo lagu qaado dagaal cir iyo dhul ah." Sidaa si la mid ah waxa jira khilaaf iyo kala qoqobnaan weyn oo u dhaxaysa xarkaadka Islaamiga, bilmetal: Al-Shabaab iyo Al-Ictisaam oo hore u qabay hal aragti oo midaysan iminka la isma tusi karo oo waxa ay isku yihiin dab iyo baasiin (sida ay ku dooddaan aqoonyahannada arrimaha Islaamiyiinta ka faallooda), xilliyada qaar Al-Shabaab waxa ay dilal qorshaysan u geysteen hoggaankii iyo madaxdii ururka Al-Ictisaan sida; Sh. Cabdiqaadir Gacamay, Dr. Axmed Xaaji iyo Sh. Cabdinaasir Xaaji Axmed.

Si kale u dhig Salafiyada iyo Ictisaam isma arki karaan oo waxa ka dhexeeya dagaal afeed xilliyada qaar ku dhawaaday in uu isu beddelo gacan, xilliyada qaar waxa la isu ballansaday dooddo la xidhiidha halka khilaafkoodu yaallo. Sidaa si la mid ah Salafiyada iyo Ikhwaanka waxa ka dhexeeya dagaal afeed aan loo meel dayin. Dhanka kale guud ahaan Wahaabiyada iyo Suufiyada waxa ka dhexeeya dagaal 'caqiido' oo xilliyada qaar gaarey gacan ka hadal. Si kale dhacdo dhawaan dhalad ah, Sucuudigu waxa uu maalin dhaweyd warbaahinta caalamka u sheegay in uu jamaacada Tabliiqa ka mamnuucay in ay u soo Xaj tagaan magaalada Maka. Waxa uu ku eedeeyey in ay ARGAGAXISO yihiin. Midnimo la'aanta iyo khilaafka siyaasadeed, dhaqaaleed iyo caqiido ee u dhaxeeya xarkaadka Islaamigu waxa uu qayb ka noqday fashilka siyaasadeed iyo midka bulsho ee Islaamiyiinta qaar soo foodsaarey dhawaanahan. Midnimadu waa arrin muhim u ah hawl walba oo la qabanayo, khilaafku waxa uu keenaa in diinta loo fasiro hadba sida dantu ku jirto. Khilaafku waxa uu ibo fur u noqdaa gacan ka hadal, iyo dibu-dhac bulsho, waxa uu keenaa in ummaduhu ay taariikhda ka baxaan, waana qodobka kama kacdada u ah fashilka siyaasadeed ee Islaamiyiinta.

AFMEER

Qoraalkeenan kore waxa aynu kaga faalloonay dhibaatooyinka haysta Islaamiyiinta, waxa kale oo aynu ku xusnay in dhibaatooyinkaasi ay yihiin waxyaabaha keenay fashilka siyaasadeed iyo midka bulsho ee ku habsaday Islaamiyiinta. Qoraalkeenan waxa aynu ku lafagurnay afar qodob oo aan u arkayey in ay yihiin arrimaha kama kacdada ku ah guuldarrada siyaasadeed ee Islaamiyiinta. Waxa aynu si waafi ah u sharraxnay halka ay taallo dibu-dhaca ku habsaday xarkaadka Islaamiga, waxa aynu xiganayn aqoonyahanno waaweyn oo naqdiya Islaamiyiinta; intooda badanna sida aynu tibaaxnay waxa lagu nadqdiyaa: hoggaan xumo, wacyi xumo, qaybsanaan, jahli iyo dibu-dhac fikiradeed. Sidaa darteed qodobbadan aan tibaaxay iyo kuwo kale oo aan ka tagay waa waxyaabaha keenay in Islaamka la suurad xumeeyo, ama in Islaamka loo adeegsado hannaan ka duwan hannaankii loo soo dejiyey ee ahaa in adduunka iyo dadkaba lagu badbaasho.


TIXRAACYO:

1: يوسف القرضاوي؛ أولويات حركة الإسلامية فى المرحلة القادمة ، (1991) ، نشر مؤسسة الرسالة.

2: عبدالله النفيسي؛ الحركة الإسلامية ثغرات فى طريق ، (2012) ، نشر مكتبة آلآفاق.

3: جاسم السلطان ؛ الأزمة التنظيمات الإسلامية ، (2015) ، نشر الشبكة العربية.

4: عبدالرحمن بشير؛ الصحوة الإسلامية فى الصومال بين التنظيم السياسي ، والتمظهر القبلي ، (2021) ، نشر فى فيسبوك.

5: Dr. Cabdiwahaab Sh. Cabdisamad (Hanoolaato). Kooxaha diinta Soomaaliya iyo dhismaha qaranka Soomaaliya, March/ 12/ 2021.

6: Dr. Cabdiwahaab Sh. Cabdisamad (Hanoolaato). Fashilka dimuqraadiyadda Masar iyo mustaqbalka Ikhwaanka, March/ 11/ 2021.

7: عبد الفتاح مورو - محاضرة:_ من الاطاحة الإستبداد الى حماية التحول الدبمقراطي ، May/ 17/ 2016 ، مركز العربي.

8: د. محمد مختار الشنقيطي ، ملامح المأزق القيادي لدى الإخوان المسلمين ، Oct/ 3 / 2004 ، نشر الجزير نت.

9: د. أحمد زايد ، الحركة الإسلامية و العلوم الإنسانية ، (2022) ، نشر جريرة الأمة.

10: عبدالرحمن شير ، الصحوة الإسلامية وأزمة الفكر ، (2022) ، نشر فى فيسبوك.

11: Cabdshakuur Mire Aadan. (2013). Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya 1952 - 2022.

12: Abdi Faarax Jux wareysi (https://youtu.be/QzmsDXSOLnE.)

13: Muxaadaro, Sh. Mustafe X. Ismaaciil Haaruun. (https://youtu.be/j1n0L9Stsmg).

14:  (2022). Xalaqaat Maca Nafiisi. (https://youtube.com/playlist?list=PLsmKD0jvg8ur5Wehs01YTbz2JDsWJUUgG).

W/Q:  Axmed Xisaam Miido.

17/ Aug/ 2022.


Comments

Popular posts from this blog

Hantiwadaaggii Soomaaliya: Guul mise Guuldarro 

Faallo kooban, buugga: Losing the Art of Survival and Dignity.

Goosan faallo ah: buugga "labo isma saarin."