Nabaaddiino saaxiibbayaal.
Maanta waxa qalin-beddeshay mid ka mid ah ardaydii u gu wanaagsanayd ee aan fasal la fadhiisto. Haddii aan xasuusta dib u celiyo waxa aan dhex tegeyaa maalmo farxad, rayrayn iyo kalgacal leh. Ardayda maanta qalin-beddeshay waxa ay ahaayeen ardaydii aan soo gaarey iyaga oo sannadkii labaad ku jira kulliyadda cilmi nafsiga (psychology). Kulliyadda xilligii aan soo galnay waxa ay noo ahayd xilli wax walba nagu cusub yihiin; waxa nagu cusub jaamacad wax la dhaho, waxa nagu cusub wax cilmi nafsi la yidhaahdo, waxa nagu cusub gabdho waxa noo dhiga, waxa nagu cusub gabdho aqoon ahaan dhisan, isla markaana wax naqdinaya. Waxa aannu ku soo dhex dhacnay duni waxbarasho oo markaas noo bilow ah. Waxa hoog iyo habaar u sugnaaday qofkii aan helin: daryeel, gacan qabad, naxarsiis iyo jacayl. Waxa noloshu dil ku xukumisay ruuxa aan helin garbo uu ku duullo iyo xinniinyo la la garab joogo, waa halka uu ninkii Soomaaliyeed ka yiri weedha caanka ah ee odhanaysa: "xinniinyuhu ma aha kuwa kugu jira, ee waa kuwa la gula garab taagan yahay" weedhan waxa ay soo koobeysaa isla markaana fahan waafi ah ka bixinaysaa, sida ay u qurux iyo qaayo badan tahay marka uu qofku helo cid garab iyo gaashaan u ah, cid nolosha qaybaheed adag u fududaysa iyo cid sida uu wax u arko u la aragta.
Ardayda maanta qalin-beddeshay, waa arday bartay aqoon ay yar tahay cidda Soomaali ka baratay, waa aqoon ka mid ah aqoomaha qofka iyo bulshada la gu fahmo. Waa cilmi nafsi (psychology). Cilmigani waxa uu ka faalloodaa isla markaana isku hawlaa in uu tafsiir u helo saddex shay oo muhimaddooda leh waa; garaadka, dareenka iyo hab-dhaqanka qofka. Saddexdan ayey qayb walba oo cilmi nafsiga ka mid ahi ku dul wareegtaa, waa saddex rukun oo inta badan looga tusaale qaato caafimaad qabka qofka iyo bulshada. Sidaa darteed ardaydaasi waxa ay isku hawleen isla markaana; dhaqaale, wakhti iyo nafba u hureen sidii ay u baran lahaayeen, hannaanka uu qofku u fikiro, wax u dareemo isla markaana u dhaqmo. Marka cilmiga sidaa ah la eego Soomaalida dhexdeeda ma aha aqoon la tixgeliyo, ma aha aqoon bulshadu u aragto in ay muhim tahay. Aqoonta jaad kaas ah ayey ardaydaasi bartay, waxa ay ku barteen af aan kooda ahayn, waxa ay u barteen bulsho cilmigaas u aragta in la gu waasho, waxa ay xil weyn iska saareen sidii ay qaadhaan weyn u gu darsan lahaayeen toosinta iyo qaabeynta; hab fikirka iyo hab dhaqanka qofka Soomaaliga ah midkaas oo ay soo gaareen dhaawacyo iyo dakharro waaweyn oo saameeyey nolosha qof walba oo Soomaali ah. Dakharradaasi waxa ay keeneen dibu-dhac; dhaqaale, bulsho, fikir iyo siyaasadeed. Sidaa darteed ayuu Dr. Maxamed Daahir Afrax Soomaalida u gu tilmaamay; ummad MEEHANNOW ku jirta.
Intii aannu ku cusbayn cilmigan waxa ay ardaydani nagu kaalmeeyeen, sidii aannu u fahmi lahayn, isla markaana aannu intii awooddayada ah u maxalliyeyn lahayn aqoontan. Waxa ay nagu soo dhaweeyeen aniga iyo ardaydii kale ee cusbayd, si ay ka muuqato: bini-aadantinnimo, walaalnimo, Islaannimo iyo Soomaalinnimo. Waxa ay nagu qaabilleen weji furnaan iyo is dhul dhig, waxa ay noo qaboojiyeen isla markaana noo jilciyeen hadalka, waxa ay noola dhaqmeen sidii dad weligay is yaqaannay, waxa aannu mar walba isu haysannay in aannu nahay arday sannadka labaad ku jirta cilmi nafsiga, (hadde, annaga ayaa bilow ah oo wax waliba noo cusub yihiin). Markii aannu la yaabnay soo dhaweyntan cajiibka ah iyo furfurnaantan bini-aadantinnimadu ka muuqato, ayaan arday ka mid ah ardayda maalin kula kaftamay oo ku iri; horta saaxiib cilmigani muxuu kuu faa'iideeyey? Waxa uu iigu warceliyey isaga oo dhoola caddeynaya: DEE BINI-AADAM BUU NAGA DHIGAY. Waan la yaabay warcelinta saaxiibkay, se muddo markii aannu kulliyadda dhiganaynay ayaan fahmay hadalka saaxiibkay. Waxa aan fahmay in kasmanafeedku isku hawlo sidii uu qofku u heli lahaa nolol ay xasilloon ku dheehan tahay. Kasmanafeedku waxa uu dhiirrigeliyaa wax walba oo wanaagsan, waxa uu ceeb iyo dhalleecayn huwiyaa wax walba oo qofka ka dhabqiya degenaanshiyaha iyo xasilloonida. Waxa uu qofka ku xejiyaa in uusan bini-aadantinnimada ka dhicin.
Marka la ga yimaaddo in aannu hal cilmi wada dhiganaynay, waxa dhanka kale aqoonta jaamacadda noo dheeraa in aannu iyaga aqoon dheeraad ah ka qaadanno, waxa ay lahaayeen tilmaan iyo aqoon ay ku yar tahay in la ga helo bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Waxa ay lahaayeen dhaqan ay ka muuqato ilbaxnimo iyo bisayl aqooneed, waxa ku kulmay tilmaamaha kama kacdada ah ee la ga rabo qofka raba in uu aqoon kororsado. Waxa gaar ku ahaa: dhegeysiga: waa fan suququl ku ah bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka wax bartay. Dhegeysigu waxa uu kuu sahlayaa in aadan qofka go'aan ka gaadhin, ama aadan ku degdegin xukunkiisa; Soomaalidu waxa ay tiraahdaa: "barasho horteed ha i nicin" se anigu waxa aan leeyahay: "dhegeysi hortii cidna ha xukumin." Dhegeysigaasi qaadhaan weyn buu ku darsaday garaadkayaga. Dood wadaag; waxa aannu la jaal noqonnay arday dhaqankoodu yahay in ay dooddaan isla markaan ay rogrogaan wax walba oo cusub ama jira. Waxa aannu galnay dooddo kasmanafeedka marka la joogo fara ba'an ku haya, kuwaas oo inta badan xidhiidh la leh DIINTA. Tusaale ahaan, doodaha aannu galnay waxa ka mid aha; doodda jinka. Jinku dadka ma galaa? sidee u galaa? halkee ka galaa? awood ma u leeyahay in uu khiliifnimada dhulka bini-aadamka kala wareego? sidee u saameeyaa haddii uu galo dadka? Jinka iyo xanuunnada dhimirku xidhiidh nooc ma ah ayey leeyihiin? Soomaalida ma Jin baa haya mise jirrooyin nafsi ah? Weyddiimahan waa ta ay ku dul wareegaysay dooddayadu, waxa aannu mar walba ka dhaqaaqaynay xagal kasmanafeed, dooddu ka ma maqnayn diin.
Waxa aannu galnay doodda odhanaysa; bini-aadamku xorriyad ma leeyahay mise waa khasban yahay (Free will and determinsm) ? Dooddan waa mid ay ku kala qaybsan yihiin aqoonyahannada kasamanafeedka iyo wadaaddada diimuhu. Weyddiimaha aannu doodda ku la fagureynay waxa ka mid ahaa: deegaanka iyo hiddaha (nature and nurture) midkee saamayn weyn ku leh qofka? Maxaa caddaynaya in aadanuhu khasban yahay? Ama uu xorriyad leeyahay? Iskuullada kasmanafeedku dooddan halkee ka taagan yihiin? Ma jiraa xad kala sooc marka uu qofku xorriyad leeyahay iyo marka uu khasban yahay? Xorriyadda iyo khasabku ma wada kulmi karaan? Xorriyad maxaa ah? Maxaa khasab ah? Yaa xorriyad siiya ama khasba bini-aadamka? Doodahan jaadkan ah waa kuwo fara baas ku haya kasmanafeedka. Sida aynu kor ku xusnay kasmanafeedku waxa uu fasir u raadiyaa: garaadka, dareenka iyo dhaqanka qofka.
Sidaa darteed waa la ga maarmaan ah in la ga dooddo saddexdaas waxyaabaha saameeya. In la dooddo oo garaadka si waafi ah loo adeegsado waxa uu ahaa dhaqan wanaagsan oo aannu barannay. Sidaa awgeed waxa halhays noo ahaa: "aadanuhu dabci ahaan waa qof wax isweyddiiya." Dhaqanka doodda waxa la xidhiidhay, gorfeyn iyo naqdin. Waxa aannu baranayn dhaqan ah, in qofka la gu tixgeliyo aragtidiisa iyo hab-fikirkiisa. Dhaqanka jaadkan ahi Soomaalida waa mid ku yar, qofka Soomaaliga ahi waxa uu jecel yahay in fikirka mid la ga noqdo, se midabka iyo qabiilka aan mid la ga noqon. Sida uu dubkeennu u kala duwan yahay ayuu fikirkeenna iyo adduun-araggeennu u kala duwan yahay. Aqoonyahannada kasmanafeedku kala duwanaanta dadka marka ay ka faalloonayaan, qaar baa waxa ay ku dooddaan in qof walba uu ku nool yahay caalam u gaar ah, oo ka duwan caalamka dadka kale. Sidaa darteed waxa ay soo jeediyaan in la barto in dadku kala duwan yahay. Tilmaamahaas wanaagsan waxa ay summad iyo sawrac u yihiin in ay ahaayeen arday adduun-araggoodu ballaadhan yahay.
Waxa xusid mudan in aannu la kulannay gabdho ku hubaysan: aqoon, karti iyo aftahannimo. Waxa aannu u nimi gabdho dooddaya oo wax naqdinaya. Waxa aannu aragnay gabdho aysan ku jirin cabsida iyo dhaqanka ah wiilasha lagama hor hadlo ee aamus. Waxa annu soo gaarnay gabdho dhiirran, oo wacyi ballaadhan leh. Gabdho naxariis iyo dabacsanaani ka muuqato. Gabdho ay ku kulmeen dad la dhaqan, aqoon iyo wacyi aad u ballaadhan. Gabdho isu arka in ay bini-aadam yihiin, gabadho aan qabin cuqdad nafsi (inferiority complex), gabadho raba in ay wax ka beddelaan hab nololeedka Soomaalida. Gabadho raba in ay qaadhaan weyn ku darsadaan dib u dhiska ruuxda qofka Soomaaliga, midkaas oo ay soo gaareen dakharro waaweyn oo saameeyey maan-haggiisa. Waxa aannu halkaa ka baranay sida ay u qurux iyo qaayo badan yihiin marka ay gabdhuhu wax bartaan. Sida gabdhuhu qayb weyn u ga qaadan karaan dib u samaynta ruuxa Soomaaliga ah. Waxa noo soo baxay sida ay qofka u farxad gelinayso marka uu arko gabadh, aqoon iyo dhaqan wanaagsan leh. Waxa noo muuqatay in uu soo bixi doono jiil wanaagsan oo Soomaaliyeed. Waxa aannu dhalleecayn huwinnay dhaqanka Soomaaliyeed ee liiday dumarka, ee duudsiiyey xuquuqdii dibiiciga ahaa ee ay la haayeen, sida waxbarashada. Waxa aannu naqdinnay dhaqanka gabadha ku soo koobay in ay wax dhasho oo kaliya, kana ooday adduunka kalel.
Haddii aan dhan walba ka eego noloshii waxbarasho ee aan ardaydaas soo wada qaadannay, waxa aan ogsoonahay in aanan ka geyoon karin. Waxa aan ogsoonahay in ay leedahay dareen gaar ah, oo xilliyada qaar aan qalin iyo wax qorid awoodi kareyn. Sida uu nebigu (NNKH), tibaaxay hadal waxa u gu wanaagsan mid ka yar, isla jeerkaasna waxa tilmaamaya. Haddii aan tilmaan guud ku soo koobo ardaydaas maanta ka qalin-beddeshay jaamacadda Frantz Fanon, waxa aan leeyahay; waa arday ku hubaysan aqoon iyo akhlaaq. Waxa aan leeyahay saaxiibbayaal waxa aan idiin rejaynayaa timaaddo qurux badan, waxa aan idin leennahay halkaas ka sii wada aqoontiina iyo xirfaddiina. Nabad gala, oo meel khayr badan taga Eebbe idamkii.
---------------------------
FG: Ardaydan waxa ay naga sarreeyeen hal sanno kulliyadda cilmi nafsiga. Isfahankayaga iyo isdhexgalkagaya waxa keenay waxa ay ahayd: waxa aannu wadaagnay maadooyin guud (common course). Haddii aannu qaadanno shan maado. Waxa jirey labo ama mid aannu iyaga wada qaadan jirnay. Maadooyinka soo harey cid walba gaarkeed ayey u dhigan jirtay. Waa halkan goobta aannu iskala jaanqaadnay.
W/Q: Khalid Samaale iyo Axmed Xisaam Miido.
Honor-kii kulliyadda cilmi-nafsiga.
Comments
Post a Comment