Caqabadaha hortaagan aqoonsiga iyo fahanka xanuunnada dhimirka ee Soomaalida.
Hordhac
Sida aynu ku soo xusnay maqaalkeennii hore ee aynu ugu macdarnay; "Soomaalida iyo xanuunnada dhimirka", waxa aynu kaga warranay jirrooyinka nafsiga ah ee Soomaalida dhexdheeda shaacsanaha ka ah waxa aynu lafagurnay jirrooyinkaas iyo waxyaabaha sababa, innaga oo qodob walba gaarkiis uga faalloonay. Haddaba, hormadan labaad waxa aynu kaga warrami doonnaa caqbadaha hortaagan in Soomaalidu aqoonsato isla markaana laga daweeyo jirrooyinka ku dhaca nafta iyo maskaxda. Maqaalkan waxa uu noqdoonaa mid si waafi ah u iftiimiya caqabadaha ku hor-gud-ban daweynta iyo aqoonsiga xanuunnada dhimirka. Soomaalidu waa bulsho xoolo raacato ah, inta badan waxa noloshooda saamayn ku yeelatay deegaanka ay ku nool yihiin iyo—dhaqanka ay leeyihiin, sidaa awgeed mushkiladda ugu weyn ee Soomaalida ka haysata fahamka xanuunnada dhimirka, waxa loo tiirin karaa dhaqanka raacatada ah ee ay Soomaalidu leedahay.
Dhaqanku waa mid ka mid ah waxyaabaha bulshooyinka kala hormariya, ummad walba oo leh dhaqan xidh-xidhan oo fool xun, waa ummad ka dambaysa ummadaha filkeeda ah. Sidaa darteed buugga, culture matters: How values shape human progress", ee ay wada qoreen, L. Harrison iyo S. Huntington, waxay ku sheegeen; "in sababta koowaad iyo tan labaad ee horumarka iyo burburka keentaa ay tahay dhaqanka bulsho leedahay oo isbeddela." Maqaalkan xooggiisu waxa uu ku dooddayaa in dhaqanku yahay shayga hortaagan fahanka xanuunnada dhimirka. Qoraalku waxa uu xiganaya cilmi-baadhisyada muhiimka ah ee laga qorey xanuunnada dhimirka ee Soomaalida. Intii awooddayda ahayd waxa aan isku hawlay in warbixinnada kala duwan ee mawduucan la xidhiidha aan ka soo xigto caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan jirrooyinka dhimirka. Sidaa awgeed afar caqbaadoodo oo ay cilmi-baadhisyadu sheegeen ayaan halkan ku xardhi doonaa si aynu u fahanno mushkiladdu halka ay salka u tahay.
1: SILSILADAYN IYO BOOGEYN BULSHO [chaining and social stigmatize].
Soomaalidu waa bulsho aan fahan togan ka haysan jirrooyinka ku dhaca nafta iyo maskaxda, inta badan dadka qaba xanuunnada dhimirka waxa soo food-saara dhibaatooyin ay ka mid yihiin silsiladayn iyo boogayn bulsho, waana caqbadaha ugu waaweyn ee uu la kulmo qofka ay jirrooyinkani ku dhacaan, qoraal lagu daabacay wargeyska afka dheer ee Bildhaan looguna magac darey: "Somali Mental Health", ayaa lagu xusay in qofka Soomaaliga ah marka uu la kulmo jirro nafsi ah in bulshada Soomaaliyeed halkii ay qofka ka daweyn lahaayeen jirradan nafsiga ah in ay qofkii faquuqaan oo ay bulshada ka dhex saaraan [ostracized from the community]—qoraalku waxa uu tilmaamay in tani sii fogeynayso in bukaanka laga daweeyo xanuunka. Qoraalku waxa kale oo uu xusay in aysan Soomalidu fahan qurux badan ka haysan jirrooyinka nafta iyo maskaxda, sidaa awgeed xanuunka kaliya ee ay qofka ku faquuqaan waa waalida, iyaga oo aan fahan waafi ah ka haysan waxa ay waalidu tahay, qoraalku se waxa uu isticmaalay ereyga af ingiriisiga ah ee waalli 'Crazy' ereyagni maaha erey cilmi ah ee waa mid caadi ah²⁶.
Soomaalidu si ay u faquuqaan qofka qaba xanuunnada dhimirka waxa ay adeegsadaan maahmaahyo ay qofka ku niyadjabinayaan isla markaana ay ugu tilmaamayaan in uusan lahayn dawo iyo wax ka qabasho, maahamaahyadaas waxa ka mid ah: "dhimir tagey dhaqso kuma yimaado/ the man that is lost doesn't come back easily²⁷." Waxa kale oo kale mid ah; "nin waashay wuu ladnaaday mooyee wuu bogsaday ma leh²⁸." Carruuta yar yar waxa ay ku ciyaaraan dadka qaba xanuunnada dhimirka waxa ayna adeegsadaan ereyo muujinaya faquuq sida: 'qofka waalan, ninka waalan.' Waxa la mid ah dadka waaweyn oo iyaguna faquuqa qofka jirran. Faquuqa iyo boogeynta bulshadu kuma koobna dadka qaba xanuunna dhimirka, waxa la mid ah dadka qaba xanuunnada dhulleed sida AIDS-ka. Waxa kale oo ka mid ah faquuq lagu sameeyo qabiillooyinka qaar sida: Jareerta, Madhibaanka, Midgaanta iyo Boonta. Waana mushkilad weyn oo hortaagan isdhexgalka iyo fahanka xanuunnada dhimirka.
Xidhidda ama in qofka la silsiladeeyo waa caqbad kale oo la soo gudboonaada dadka qaba xanuunnada dhimirka, intooda badanna waxa ay la xidhiidhaa fahanka ay Soomaalidu ka haysato—xanuunnada dhimirka. Cilmi-baadhis ay samaysay hay'adda Qaxootiga Adduunka ee UNCHR ayaa xusay in dadka qaba jirrooyinka ku dhaca nafta iyo maskaxda in ay la kulmaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin xidhid iyo silsiladayn. Dumarka iyo ragga si isku mid ah ayaa loo xidhaa, dumarka waxa loo xidhaa in aysan bixin, si aan hadhow loogu arag wax uur ah, raggana waxa loo xidhaa si aysan dadka u dhibaatayn, waxa kale oo loo xidhaa si aysan bulshadu u ogaan in bukaanku qabo xanuun dhimir²⁹.
Cilmi-baadhis kale oo ay daabacday hay'adda caafimaadka adduunka ee [WHO] ayaa tibaaxday in dadka qaba xanuunnada dhimirka in miyi iyo magaaloba ay la kulmaan silsiladayn, cilmi-baadhistu waxa ay xustay in ragga iyo dumarka dhanka silsiladayn lagu kala duwan yahay, waxa kale oo ay xustay in 90% dadka qaba xanuunnada dhimirka, in hal mar oo noloshooda ka mid ah ay la kulmeen silsiladayn. Waxa kale oo ay daraasaddu intaas ku dartay in silsiladayntaasi marka dambe qofka dhaxalsiiso in uu is-dilo [suicide conclusion]. Warbixinta 'WHO' waxa ay si gaar ah uga warrantay cusbitaaalka weyn ee magaalada Boosaaso iyo xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin bukaanka qaba xanuunnada dhimirka, waxa ayna xustay in bukaankaasi ay la kulmaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin silsiladayn, bilmetal: sannadihii 2003 - 2004, cusbitaalka waxa la keenay 373 qof oo bukaan ah, waxana silsiladayn la kulmay 106 ka mid ah bukaankaas. Si kale sannadihii 2004 - 2005, waxa cusbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso la keenay 411 bukaan oo qaba xanuunnada dhimirka, waxa silsiladayn la kulmay bukaan gaaraya 50 qof³⁰. Dhanka Soomaaliland silsiladayntu waa arrin shaacsane ka ah goobaha lagu bixiyo adeegyada caafimaadka sida: Hargeysa iyo Barbera³¹.
Silsiladayntu waa mushkilad weyn oo ku gadaaman dadka qaba jirrooyinka dhimirka. Tani waxa ay dalluun ku ridaysaa hannaankii dadkan adeeg caafimaad lagu gaarsiin lahaa, waana caqabad ka mid ah caqbaadaha hortaagan in bulshada laga daweeyo jirrooyinka dhimirka, sidaa darteed haddii loo fiirsado inta qof ee ka bogsaday jirrooyinka dhimirka waxa ay noqonayaan tiro aad u kooban marka loo eego aafooyinka daran ee ku gadaaman noloshooda, waa arrin sii durkinaysa rejadii bukaanka noloshooda wax lagaga qaban lahaa. Waxa la mid ah faquuqa lagu sameeyo dadka qaba jirrooyinka dhimirka, taas oo qofkii bukaanka ahaa ku sii xejinaysa jirrada. Arrintani waa dhaqan foolxun oo ay Soomaalidu leedahay, oo u baahan in la beddelo, si dadku u helaan fursad ay ku sheegan karaan tabashadooda la xidhiidha—jirrooyinka dhimirka. Inkasta oo ay faquuqiddu (stigmatize), tahay arrin ay la kulmaan dhammaan dadyowga qaba jirrooyinka dhimirka gudo iyo debadda, haddana xaddiga faquuqidda bulsho, waa lagu kala duwan yahay, oo waxa aan odhan karaa Soomaali wax la mid ah ma jiraan, xilliyada qaar qof caafimaad qaba ayey isku hawlaan in ay faquuqaan, si ay u dhaxalsiiyaan jirrooyin dunneed oo marka dambe qofka dhaxalsiiya in uu noqdo ruux hawl gab ah, waana halka uu Dr. Bulxan ka yiri: "Soomaalidu waxa ay abuuraan mushkilad aysan hadhow xallin kari."
2: DHAQAALE XUMO IYO GOOBAHA CAAFIMAADKA OO YAR [poor financial and scarcity of health facilities].
Soomaalidu waxa ay ka mid tahay bulshooyinka ay ragaadisay dhaqaale xumada ka jirta qaaradda Afrika. Bukaanka qaba xanuunnada dhimirka intooda badan ma helaan dhaqaale hagaagsan oo u ogooya adeeg caafimaad, sidaa awgeed dhaqaalaha soo gala maalintii waa wax ka yar hal Dollar³². Waana arrin ka mid ah caqabadaha hortaagan bukaanka la dhiban jirrooyinka dhimirka, warxibin ay daabacday hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu xusay in dadka qaba xanuunnada dhimirka in muskhiladda koowaad ee haysataa ay tahay dakhliga aadka u hooseeya ee soo gala, waxa kale oo la xusay in aysan helin adeeg caafimaad oo dhamaystiran midkaas oo ka halceliya jirrooyinka dhimirka.
Dhaqaale xumadu waxa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay caqabadaha bukaanka ku xejiya xanuunka, waxa kale oo lagu tiriyaa in ay ka mid tahay arrimaha sii durkiya siina fogeeya jirrooyinka dhimirka³⁴. Sidaa awgeed aqoonyahannada ku xeeldheer xanuunnada ku dhaca nafta waxa ay soo jeeddiyaan in qofka bukaanka ah waxa ugu horreeya ee uu u baahan yahay ay tahay in uu helo caawimaad nafeed iyo bulsheed [psychosocial support], taas oo qofka bukaanka ah u fududaynaysa in uu si fudud uga bogsado ama loola tacaalo jirrada nafsiga ah, waxa kale oo ay qofka ka caawisaa in uu dareemo in la garab taagan yahay, taas oo ruuxa ka illaalinaysa in jirradu ku sii fogaato.
Hay'adda maxalliga ah ee GAVO (General Assistance and Volunteer Organization), cilmi-baadhis ay ka samaysay deegaannada Soomaalilaand sannadii 2004-tii, ayaa lagu xusay arrimo badan oo haysta bukaanka qaba jirrooyinka dhimirka, arrimaha ay cilmi-baadhistu xustay waxa ka mid ah: in bukaanka la ildaran jirrooyinka dhimirka aysan helin adeeg caafimaad oo hagaagsan, waxa kale oo daraasaddu tibxaaday in goobaha caafimaad ee laga helo adeegyada dhimirka in ay aad ugu yar yihiin Somaaliland. Tusaale ahaan: xilligii ay hay'addu cilmi-baadhista wadday waxa Soomaalilaand ku yaallay labo goobood oo bixiya adeeg caafimaad oo aad u liita, waa cusbitaalka weyn ee Hargeysa iyo Barbera, daraasaddu waxa ay xustay in labadaas cusbitaal ay qabaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin: maamul xumo, nadaafad xumo, tirada adeeg bixiyaasha caafimaadka oo aad u yar, aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha oo aad u hooseysa³⁵.
Dhanka kale warbixin ay samaysay hay'adda UNCHR ayaa tilmaantay in guud ahaan Soomaaliya aad ugu yar yihiin aqoonyahannada ku takhasusay xanuunnada dhimirka, waxa kale oo ay warbixintu xustay adeegyada caafimaad ee ay helaan bukaanka qaba jirrooyinka dhimirka in iyaduna ay tahay mid aad u liidata. Daawooyinka lagu dabiibo xanuunnada dhimirka inta badan Soomaaliya waxa ay ku yimaaddaan hannaan caawimo ah, waxa warbixinta lagu xusay in shaqalaaha bixiya adeegyada caafimaad ee maskaxda in intooda badan lagu tababaro, maadaama aan dalka laga helin isla markaana ay ku yar yihiin dadka aqoonta fiican u leh xanuunnada dhimirka.
Dhanka deegaannada Puntland waxa sida oo kale ku yar qalabka iyo adeegga caafimaad ee ay bixiyaan cusbitaallada lagu dabiibo dadka qaba xanuunnada dhimirka, waxa sida oo kale hooseeya dakhliga lacageed ee bukaanka soo gala. Si la mid ah Somaaliland, deegaannada Puntland waxa ku yar khubarrada aqoonta durugsan u leh xanuunnada ku dhaca nafta iyo maskaxda. Dhamamaan Soomaaliya waxa ku gadaaman dhibaatooyin dhaqaale, caafimaad iyo maamul. Waxa jira caqabado badan oo hortaagan in la fahmo jirrooyinka dhimirka, maadaama dalku yahay mid kala tagsan. Waxa jira sida aynu xusnay caqbado ay ka mid yihiin dhaqaala yari iyo wacyi la'aan. Badanka goobaha caafimaad ee Soomaaliya laga hirgaliyo [koonfur iyo waqooyi], waxa ay ku yimaadaan hab gargaar ah, maadaama aysan dawladdu muhiimad aad u weyn ku bixin daweynta iyo daryeelidda bukaanka qaba jirrooyinka dhimirka. Sidaa awgeed caqbadda labaad ee aynu xusnay waaa dhaqaale xumada iyo adeegga caafimaad oo ku yar guud ahaan Soomaaliya.
3: CILAAJYADA IYO DAAWO DHAQAMEEDKA [combination of religous and herbal medicine].
Dr. Frantz Fanon oo ahaa xeeldheere ku takhasusay xanuunnada ku dhaca dhimirka, sida oo kalena ahaa halgamaa iyo qoraa, marar badanna wax ka qorey bulshooyinka la gumeystay gaar ahaan Africa ayaa waxa uu buuggiisa: "Looma'ooyaan/ the Wretched of the Earth/ معذبو الارض", ku xusay: in QADDARTU dawr muhiim ah ka ciyaarto nolosha bulshooyinka dib u dhacsan; tusaale ahaan: Faanon waxa uu leeyahay; "la gumeystaha waxa uu culayska gumeystaha kaga dhuuntaa diinta [qaddarta], dadyowga dulmani QADDARTA ayey kaga dhuuntaan masuuliyadda saaran, waxa ayna iska dhaadhiciyaan in wax kasta oo dhaca Eebbe sabab u yahay.' Waxa kale oo uu Fanon leeyahay; "la gumeystaha waxa uu QADDARTA ka helaa dheellitiran gudeed iyo degenaansho u eg midda dhagxaantu ku suganyihiin.³⁶" Fanon waxa uu buuggiisa: 'The Wretched of The Earth', aad ugu dheeraaday sida ay bulshooyinka dibu-dhacsan noloshooda ugu badan tahay khuraafaadka iyo aaminaadaha aan sal iyo raadtoonna lahayn.
Haddaba, Soomaalidu waxa ay ka mid tahay ummadaha la dhiban khuraafaadka, waxa noloshooda kaalin muuqda ku leh, goobo lagu magcaabo: "CILAAJYO", goobahan waxa ay dadku u tagaan si joogto ah, waxana dadka loogu sameeyaa arrimo isugu jira: saar, mingis, fooxis, cuudis, huurin, hanfin, tuf iyo taxliil. Waa goobo la mid ah xarumaha caafimaadka. Warbixinnada laga sameeyo goobahan waxa ay tilmaamayaan in uu yahay suuqa caafimaad ee ay dadku si joogto ah u booqdaan, tusaale ahaan: Hay'adda maxalliga ah ee GAVO warbixin ay 2004-tii ka samaysay Soomaaliland ayaa lagu xusay, in goobaha cilaajyadu ay yihiin meelaha ugu badan ee ay dadku si maalin la'ah u booqdaan, ugu yaraan maaliintii waxa booqda dad gaaraya 20 qof. Xilliyada qaar bukaanka qaba xanuunnada dhimirka waxa la geeyaa goobaha cilaajyada ka hor inta aan la gayn dhakhaatiirta dhimirka³⁷.
Xarumaha cilaajyada dadka waxa lagu dabiibaa Qur'aan, waxana bukaanka lagu daaraa sameecado waaweyn oo ku xidhan Qur'aan taas oo bukaanka xilliyada qaar u keenta jirrooyin dulleed [physical diseases], sida in uu qofku qaado dhego xanuun ama cillado la xidhiidha dhanka maqalka, maadaama dhegihiisa lagu xiray sameecado ka tan badan maqalkiisa. Xarumaha qaar waxa bukaanka lagu dabiibaa; hanfin, sida aynu marar badan ka aragnay wadaad la magac baxay, Rusheeye. Midkaas oo bukaanka ku hanfiya kuna rusheeya foostooyin biyo ah, isaga oo tilmaamaya in ay daawo yihiin, waa khuraafaad iyo aqoon darro halkii ugu dambaysay.
Dhanka kale goobaha cilaajyadu waxa ay adeegsadaan daawo dhaqameed, xilliyada qaar bukaanka waxa la isugu daraa; cuudis, hanfin, tuf, taxliil iyo daawo dhaqameed. Cilmi-baadhis ay samaysay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu tilmaamay 17% bukaanka qaba jirrooyinka dhimirka, in lagu daweeyo daawo Soomaali. Minkiska waxa lagu daweeyaa 10%, halka Koranic lagu daweeyo 73%. Daawo dhaqameedka Soomaalidu waxa ay leedahay qaybo kala duwan, mid walbana waxa uu leeyahay hannaan loo adeegsado iyo hawl ay qabato. Nimco Nuur maqaaal ay qortay uguna magacdartay: "daawo dhaqameedka: Mingiska iyo Saarka, marin-habaabinta bukaanka", ayaan jeclahay in aan xigto aniga oo dhawraya xuquuqda qoraaga, nuxurka qoraalka Nimco waa kan;
Bulsho kasta waxaa ay leedahay caadooyin iyo dhaqanno u gaar ah ama ay la wadaagto dadka kale oo uu ka dhexeeyo midab, diin, af iyo deegaan. Haddaba, qaybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay aaminsan yihiin: Mingis, Saar, Boorane, Ayaaman, Goobile iyo Wadaaddo; kuwaas oo kolba sida dantu ugu oggolaato la isugu dabiiba dawo-dhaqameedka Mingiska.
Run ahaantii, dadka aaminsan Mingiska waxaa ay u badan yihiin haween, taas oo la xidhiidha baahida nafsiyadeed ee ay dumarku u qabaan in ay haqab-tiraan oon ku gedaaman jamashadooda iyagoo haddii loo fuliyo durbaba dareema caafimaad iyo firfircooni degdeg ah. Sidaa awgeed, is-weydiintu waxa weeye in la ogaado sababaha bukaanku u dareemayo inuu baxnaano iyo bogsasho ka helay golihii Mingiska.
Duulasha laga tumo bukaanka waxaa loo sii kala saaraa; shar-wadayaal iyo samo-wadayaal iyadoo Mingisku ka mid yahay Shar-wadayaasha oo sida la qabo dhibaato ku keeni karta qofka aaminsan haddii aan loo yeelin sida uu rabo ama aan laga tumin. Dhinaca kale, Ayaaman (Ayaana) ayaa ka mid ah samo-wadayaasha kaas oo dadka la dhaqmaa ay aaminsan yahiin inuu ka soo waxyoodo khayrka. Kuwa Ayaamanku weheliyo waxaa ay ku dooddaan in ay leeyahiin garab-daar u soo tebiya samaha waxa ayna jecel yahiin in loo dhego nuglaado taladooda.
Mingis
Mingis ama Saar waxaa uu u qaybsamaa noocyo badan sida; Maamma, Akhaambush, iyo Fiqi Burraale, hase ahaatee, guud ahaan, si isku mid ah ayaa looga tumaa bukaanka. Mingisku waxaa uu ka siman yahay in lagu daweeyo qaab baanasho ah (therapy), waxaana bukaanka loo goleeyaa fagaare looga tumo. Galaha Mingiska waxaa shardi ah in uu kulmiyo qoddobo aasaasi ah sida: caraf, dhar qurux badan, ciyaar iyo booddo, heeso lagu ladhay luuq (laxan), iyo cunto dhadhan fiican³⁸.
Xarumaha cilaajyada iyo daawo dhaqameedku waxa ay ka mid yihiin caqabadaha hortaagan fahanka iyo aqoonsiga jirrooyinka dunneed, waana mushkilad weyn oo ku gadaaaman dhammaan bukaanka oo idil. Waxaana muhim ah in dhibtan lagu baraarugo, si loo wacyi geliyo dadka arrinkan ka ganacsada. Sida laga warqabo maanta xanuunnada dhimirku waxa ay leeyihiin hannaan casri ah oo loo dabiibo, waxa jira aqoonyahanno ogaal durugsan u leh jirrooyinkan, se innaga [Soomaali] oo wacyigeenna aqoonneed uu hooseeyo ayaa keentay in ay innagu yaraadaan aqoonta la xidhiidha xanuunnada ku dhaca nafta iyo maskaxda. Xidhiidh toos ah ayaa ka dhexeeya khuraafadka iyo aqoonta, mar walba oo bulshadu ku badato aqoonta, waxa yaraada oo baaba'a khuraafaadka. Si kale mar walba oo bulshadu ku yaraato aqoontu waa mar walba oo khuraafaadku bishaan oo bullaalaan.
4: MAQNAANSHIYAHA KAALINTA DAWLADDA [lack of government role].
Sida uu tibaaxay faylasoofkii weynaa ee Aristotle: "ma jiro bini-aadam ku filnaan kara baahiyihiisa gaarka ah haddii ay dhacdo dawlad la'aan." Aqoonyahannada ka faallooda culuumta aadanaha—humanities, waxa ay isku raacsan yihiin in aysan maanta noolaan karin bulsho bilaa dawlad ah. Aadanuhu inta uu jirey waxa uu ahaa mid leh hannaan uu isku maamulo, kuna kala dambeeyo, maamulladaasi waxa ay soo mareen heerar kala duwan, heerka ugu sarreeya ee bini-aadamku isku maamulo waa dawlad. Iinsaanka kawnka saaran dawladnimada waxa uu u samaystay saddex arrimood oo muhiimaddooda leh: 1). Waa in dawladnimada lagu ilaaliyo jiritaanka bini-adaamka (existance). Sida uu tilmaamay Thomas Hobbes oo ka mid ah aqoonyahannada sida weyn uga warrama dawladnimada, bini-aadamku markii uu kaynta joogey waxa uu ku noolaa qaacido ah: "keenna awoodda leh baa jiraya/ Survival of the fittest." Xilligan bini-aadamku waxa uu ku jiray dagaal iyo loollan aad u weyn, waxa uuna bini-aadamku u dhawaa xagga iilka.
2). Dawladnimada waxa loo samaystay in lagu gaaro degenaansho nololeed (stability), waa in bini-aadamku fursad u helo in uu gaaro xasillooni bulsheed, siyaasaded iyo nololeed. 3). In dawladnimada lagu gaaro horumar bulsho, siyaaaad, dhaqaale iyo bini-aadam (development), heerkani waa midka ugu sarreeya ee dawladnimada bini-aadamku xaqiijiso. Saddexdan shay ee dawladnimada loo samaystay, Soomaalidu midna dawladnimadoodu ma gaarin, (ma gaarin in jirintaan bini-aadamka la ilaaliyo oo abaaro ayaa dadkeena laaya, degnenaansho hadalkeeda daa, horumarna isagu dalluun buu beri hore ku dhacay). Waase halkii uu Aadan-Carab iska weydiinayey; "ma riwaayad baa calankani saw ruuxna kuma naaxo." Sidii baanay dawladnimadu u daadegin: "sidii baan xafiis meel fog jira ugu muctaadaa, e." Sidii baan weli isu su'aalayaa: "bal muxuu micneeyoo na taray ministarkaan doortay!" Sidii bay Soomaalidu u leedahay: "denbi ku hadli maayee ma arag dawladdaan rabey!."
Caqabadaha haysta xanuunnada dhimirka ee Soomaalida waxa ka mid ah maqnaanshiyada kaalintii dawladda. Hay'adda GAVO oo Soomaaliland daraasad ka samaysay ayaa ku doodday in kaalintii siyaasadeed ee dawladda Soomaaliland kaga aadanayd xanuunnada dhimirka ay tahay mid maqan. Daraasaddu waxa ay tibaaxday in aysn jirin shuruuc iyo xeerar ka halceliya dhibka ay ku sugan yihiin bukaanka qaba jirrooyinka dhimirka. Waxa kale oo ay tibaaxday in dastuurka Soomaaliland uusan ku jirin hal maqaal oo si waafi ah u sharxaya xuquuqda ay leeyihiin dadka qaba xanuunnada dhimirka. Dhanka kale daraasaddu waxa ay xustay in bukaanka qaba jirrooyinka dhimirka la gu la kaco falal aan xaq ahayn, sida in la xidho iyaga oo jirran oo aan la marin baaritaan caafiamad. Sidaas si la mid ah warbixin ay baahisay hay'adda Qaxootiga Adduunka ee UNCHR ayaa lagu xusay in guud ahaan Soomaaliya aysan jirin shuruuc iyo qawaaniin gaar ah oo ay leeyihiin dadka qaba xanuunnada dhimirka. Ma jirto xeer diidaya in uu guursado qofka qaba jirrooyinka dhimirka. Waxa jira rumayno ah in haweenka qaba xanuunnada dhimirka ay ubadkooda u gubin karaan jirrada dhimirka. Waxa dhacda qof qaba jirro dhimir oo ka dhashay qoys hodan ah, in loo guuriyo gabadh maskax ahaan fayow, se sabool ah. Waxa arrinta looga faa'iideystaa saboolnimada. Mushiladda afraad ee caqabadda ku ah fahanka xanuunnada dhimirka waa in ay maqan tahay kaalintii ay dawladdu lahayd, waana halkii Aadan-Carab e, "denbi ku hadli maayee ma arag dawladdaan rabey!."
Gunnaanad
Maqaalkeenna waxa aynu kaga faalloonay caqabadaha hortaagan aqoonsiga iyo fahanka xanuunnada dhimirka. Waxa jira dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhaqaale xumo, boogayn bulsho iyo silsaladayn. Tusaale ahaan, warbixin ay baahisay wasaaradda horumarinta caafimaadka Soomaaliland, ayaa lagu xusay mushkiladaha haysta xanuunnada dhimirka ee Soomaaliland, arrimaha ay xustay waxa ka mid ah: dhaqaale xumo, oo wasaaraddu waxa ay ku doodday in dhamamaan adeegyada caafimaad ee Soomaalilaand yimaadda in ay ku yimaaddaan hannaan cawimo ah. Waxa kale oo ay daraasaddu xustay suququlka goobaha caafimaadka iyo dhakhaatiirta xanuunnada dhimirka. Dhanka kale warbixintu waxa ay tilmaantay arrimo isugu jira; boogeyn bulsho, saboolnimo, iyo maqnaashiyaha kaalinta dawladda³⁹.
Daraasaddu waxa kale oo ay ka faallootay waxayaabaha bulshada Soomaalilaand ku sababa xanuunnada dhimirka, waxyaabaha ay tibaaxday waxa ka mid ah: qaadka, shaqo la'aanta, saboolnimada, dhibaatooyinka qoyska iyo tacaddiyada jinsiyadeed ee carruurta [child sexual abuse]. Muskhiladuhu dhimmidood waa inta aynu maqaalka kaga faalloonay, waana arrimaha caqabadda ku ah hannaanka loola xidhiidhayo jirrooyinka dhimirka. Waxa saaran aqoonyahannada Soomaaliyeed in ay xalliyaan dhibaatooyinka halista ku ah fahanka jirrooyinka dhimirka. Ummadda Soomaaliyeed waxa ay wajahaysaa; dhibaatooyin dhaqaale, siyaasadeed, bulsheed iyo dhaqan. Intooda ugu badannna waa natiijo ka dhalatay dibu-dhaca aynu galnay. Si aynu u food-saarno mushkiladahan shaacsanaha ah ee bulshadeenna dhex-dhooban waxa aynu u baahannahay dadaal, aqoon iyo wacyi. Waana arrimaha ugu muddan ee lagu wajaho mushkilad walba oo bulshada haysata, waxana tusaale innogu filan sida ay ku bilaabmeen kacdoonnadii ka dhacay qaaradda Yurub, taariikhda casriga ahna loo yaqaanno: "xilligii fufka/Age of Enlightenment."
TIXRAACYO [References].
²⁶: Somali Mental Health", Bildhaan – An International Journal of Somali Studies, 2004.
²⁷: UNCHR. (2016). Culture, context and mental health of Somali refugees.
²⁸: WHO. (2010). A Situation Analysis of Mental Health in Somalia.
²⁹: UNCHR. (2016). Culture, context and mental health of Somali refugees.
³⁰: WHO. (2010). A Situation Analysis of Mental Health in Somalia.
³¹: GAVO. (2004). Beseline Survey Report on Mental Health Situation in Somaliland.
³²: International Journal of Mental Health System. (2022). Mental health crisis in Somalia: a review and a way forward.
³³: GAVO. (2004). Beseline Survey Report on Mental Health Situation in Somaliland.
³⁴: Diagnostic and Statistical Manual of Mental Disorders, 5th Edition: DSM-5, published by American Psychiatric Association, May 18, 2013.
³⁵: GAVO. (2004). Beseline Survey Report on Mental Health Situation in Somaliland.
³⁶: Fanon. (2021). LOOMA'OOYAAN, Hiil Press, Masar.
³⁷: GAVO. (2004). Beseline Survey Report on Mental Health Situation in Somaliland.
³⁸: Nimco Nuur. (2013). "daawo dhaqameedka: Mingiska iyo Saarka, marin-habaabinta bukaanka", Mareeg, Helisinki.
³⁹: SOMALILAND NATIONAL MENTAL HEALTH POLICY. Second Edition, (2020),
W/Q: Axmed Abshir Yuusuf (Xisaam Miido).
Comments
Post a Comment