Doodda dumarka iyo siyaasadda.

 



Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa aan odhan karaa waa aqoonyahanka qudha ee si waafi ah u sharxay doodda ku saabsan: 'haweenka iyo siyaasadda.' Dr. Baadiyow waxa uu ka soo bilaabayaa kaalinta haweenku ku leeyihiin nolosha Soomaalida xilli fog oo ku siman gumeysiga ka hor, waxa uu si heersarre ah u iftiimiyey halka ay dumarku kaga jireen bulshada raacatada ah iyo bulshada beeratada ah, waxa uu tilmaamay in kaalinta haweenka ee labadaas bulsho ay ahayd mid aad u liidata. Waxa uu xusay kaalinta ay dumarku ku laahayeen gumaysi diidka, waxa kale oo uu bidhaaminayaa dawrkii ay haweenku ku lahaayeen siyaasadda xilliyadii [1960 -1991], waxa uu soo qaadanayaa haween ka dhex muuqday siyaasadda Soomaalida muddadii u dhaxaysay xornimada illaa burburka.

Dr. Baadiyo majallada labaad ee buuggiisa: "Making Sense of Somali History/ تاريخ الصومال رؤية تحليلية جديدة", waxa uu aad ugu dheeraaday kaalinta qiimiga badan ee ay dumarku mar walba ku lahaayeen nolosha Soomaalida, waxa uu xusay sida ay dumarku kaalin muuqata uga qaateen xilligii burburka, waxa uu aad ugu doodday in ay laga maarmaan tahay in dumarku helaan xuquuq siyaasadeed oo la mid ah tan ragga, waxa uu bidhaamiyey sida ay siyaasada Soomaalidu u ekaan lahayd haddii haweenku helaan xuquuq siyaasadeed oo la mid ah tan ragga. Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow si uu u difaaco metelaadda siyaasadeed ee haweenka waxa uu aad u lafagurey, halka uu Islaamku dhigay haweenka iyo raadka ay dumarku ku leeyihiin golaha siyaasadda.

Fuqahada Islaamka marka la joogo doodda: "dumarka iyo siyaasadda", waxa ay u qaybsamaan saddex jaad oo kala ah: kow, koox ku dooddaysa in dumarku aysan lahayn wax metelaad siyaasadeed ah. Labo, koox ku dooddaysa in dumarku leeyihiin metelaad siyaasadeed oo ka sokeysa xil madaxtinnimo. Saddex, koox ku doodday in dumarku leeyihiin metelaad siyaasadeed oo dhamaystiran xitaa madaxweyne. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu mar walba aad u taageeray in ay laga maarmaan tahay in haweenku helaan metelaad siyaasadeed oo dhab ah, si ay uga halceliyaan duruufta nololeed ee ay haweenka iyo carruurtu ku sugan yihiin.

Dhanka kale waxa uu Dr. Baadiyow ka warramay sida ay dumarka u arkaan Islaamiyiinta Soomaaliya, waxa uu soo qaatay labo xarako oo aragti ahaan iyo fikir ahaanba kala duwan waa ururkii Al-Ittxaad (Ictisaam), iyo ururka Islaax. Sida uu qabo Baadiyow, ururka Al-ittixaad waxa ay qayb ka noqdeen dagaalladii xilligii burburka iyaga oo dagaallo ba'an oo faraha la isaga gubtay ku galay deegaannada Kismaayo, Boosaaso, iyo Gedo. Baadiyow waxa uu ku doodday in xarakada Islaax ay qayb weyn ka qaatay sidii dumarku u heli lahaayeen xuquuq siyaasadeed oo la mid ah tan ragga, waxa uu soo qaatay muxaadarooyin tiro badan oo ay Islaaxu kaga qayb qaateen kaalinta dumarku ku leeyihiin goloha siyaasadda. Waxa uu sheegay in ay arkaasi kala soo gudboonnaadeen dhibaatooyin nafeed oo halis ah xilliyada qaarna gaarey hanjabaad dil, waxa kale oo ay ku muteen gaalaysiin.


Jaantuskan hoose waxa uu Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow kaga faalloonayaa isbeddellada siyaasadeed ee ay dumarku soo mareen. Xilli waxa jirtay aysan dumarku lahayn xuquuq siyaasadeed waana xilligii ka horeeyey gumeysiga, ammin waxa jirtay ay qayb ka noqdeen xubnihii ururkii wadaniga Soomaaliyeed ee SYL, xilli kale ayaa jirtay oo ay dumarku heleen xuquuqda codaynta. Isbeddeladaas horumarineed way socdeen illaa ay dumarku xaq u heleen in ay isu sharraxi karaan madaxweyne. Waxa aan jaantuskan hoose ku jirin metelaaddii siyaasadeed ee ay dumarku ku lahaayeen dawladdii rayidka, waxa halkaas ka muuqata in marka la isbarbardhigo dawladdii askarta iyo dawladdii rayidka, in dawladdii askartu ay dumarka Soomaaliyeed lahaayeen metelaad siyaasadeed oo gaarsiisan xildhibaan iyo wasiir ku xigeeen.



Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow, waxa uu buuggtiisa iyo maqaalladiisa aad uga warramay halka ay dumarku kaga jiraan nolosha Soomaalida, waxa uu mar walba aad ugu dheeraadaa qiimaha ay dumarka Soomaaliyeed ku leeyihiin, bulshada rayidka, waxa uu aad u ammaanay kartida ay dumarka Soomaaliyeed leeyihiin. Waxa uu aad u dhaleeceeyey sida ay nolosha Soomaalidu u tahay nolol ragannimadu ku xoog badan tahay, waxa uu ceeb iyo foolxumo ku tilmaamay sida ay labada dhaqan ee ay Soomaalidu leedahay [raacatada iyo beeratadu] u xaqireen kaalinta siyaasadeed ee haweenka. Waxa uu Dr. Baadiyow soo jeediyey in ay lama-huraan tahay in haweenku helaan xuquuq siyaasadeed oo la mid ah tan ragga. Waxa uu Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow aad uga warramay sida ay diinta Islaamku u maamuustay dumarka. Waxa uu soo jeediyey in dumarka Soomaaliyeed dhugmo u yeeshaan fiqiga Islaamka iyo halka ay fuqahadu ka taagan yihiin metelaadda siyaasadeed ee dumarka.

Kaalinta ay dumarku ku leeyihiin nolosha Soomaalida ha noqto mid bulsho ama siyaasadeed waa mid ka maran daysi shakhsiyadeed oo xad-dhaaf ah, taasna waxa kuu caddeynaya waaqaca nololeed ee ay dumarku ku nool yihiin, waxa kale oo caddaynaya cilmi-baadhisyada laga sameeyey haweenka, tusaale ahaan; warbixin uu machadka Heritage ka sameeyey lix magaalo oo waaweyn oo ka mid ah Soomaaliya kuwaas oo kala ah: Baydhabo, Beledweyne, Boosaaso, Garoowe, Kismaayo iyo Gaalkacayo, ayaa lagu xusay sida ay shacabka Soomaaliyeed u arkaan metelaadda siyaasadeed ee dumarka. Dadweynaha waxa la weydiinayey maxay dumarku ka dhex qabanayaan goloha siyaasadda? Jawaabta dadweynuhu waxa ay noqtay in 58% dumarku ay siyaasadda ugu jiraan dan bulsho, halka 8%, ay dumarku ugu jiraan dano shakhsiyadeed, halka 9% ay dumarku ugu jiraan dano qabiil. Warbixintani waxa ay muujinaysaa ifafaale cusub oo ku aadan mustaqbalka siyaasadeed ee haweenka. Inkasta oo ay jiraan caqabado fara badan oo ay daraasaddu xustay, haddana intani waa naruuro.




Comments

Popular posts from this blog

Faallo kooban, buugga: Losing the Art of Survival and Dignity.

Hantiwadaaggii Soomaaliya: Guul mise Guuldarro 

Goosan faallo ah: buugga "labo isma saarin."