Ciidaha Kirismaska
W/Q: Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi.
W/T: Axmed Xisaam Miido.
Weydiin: waxa aan ahay—arday Muslim ah, waxa aan waddanka Jarmalka ka diyaariyaa shahaadada (PhD), culuumta barashada qurubka (Atom). Eebbe ayaan ugu mahadcelinayaa in aan diintayda ilaashado, gutana waajibaadka Eebbe, walaalahayga kale ee waddanka joogana aan ku garabgalo u adeegida diinta iyo illaalinta jaaliyadda Islaamka ah ee waddanka ku nool. Dhibka se aan jeclahay in aan soo bandhigo, waxa ay tahay: maxaa noo banaan ka qayb galka xafladaha kala duwan, maxaase naga xaaraan ah? Sida dabbaaldegyada waddaniga ah iyo kuwa diiniga ah ee ay ugu caansan tahay ciidda, [dhalashada Masiixa/ميلاد المسيح], ama se loo yaqaan [kirismaska], kuwaas oo ay dadku u dabbaaldegaan si weyn. Ma bannaan tahay in midkeen, saaxiibkiisa waxbarashada, ama saaxiibkiisa shaqada, ama deriskiisa uu ugu hambalyeeyo ciiddan, isaga oo ugu hambalyeynaya qayb ka mid ah, ereyada wanaagsan ee caadiga ah?
Waxa aan walaalaha qaar ka mid ah ka maqlay in arrinkaasi ka mid yahay dambiyada ugu waaweyn Eebbe agtiisa, sababta oo ah, waxa aad u qirtay—taageertayna baadil iyo gaalnimo. Waxa aadna raalli kaga nooqtay in ay ku sii jiraan arrinkaas waxaana la wadaagtay, wax diintooda ku jira. Anigu waxa aan ku bogaadin jirey, weedh ama hadyaddo kuwaas oo aan ahayn in aan u qirayo waxa ay ku suggan yihiin, ama aan ku taageersanahay gaalnimadooda, kaliya waxa ay iga tahay dhaqan wanaagii iyo debecsanaantii uu Islaamku ina farey in aynnu dadka kula dhaqanno. Waxa muddan in aan sheego in, ay iyagu [Kiristanku], u soo kala dhakhsadaan sidii ay noogu hambalyeyn lahaayeen ciiddaha Muslimiinta, waxa ay noo keenaan hadyaddo, waxa se aan u arkaa, qallafsanaan iyo naxariis darro aan u qalmi qofka Muslimka ah: in aan kula kulmo dadka naxariistaas noo fidinaya; waji xidhan, macagagnimo iyo mooganaan ku aadan xafladdan. Sidani waxa ay muujin in qofka Muslimka ah laga durko iyo in Islaamka la fool xumaynayo, gaar ahaanna xilligan Islaamka lagu sheegayo in uu yahay mid ad-adag, oo ku tilmaaman argagixiso. Dhaqankan qallafsan waxa uu gaalada siinayaa daliil iyo marmarsiiyo ah, in ay diinteenna iyo ummadeenaba durraan. Waxa aannu kaa codsanaynaa in aad si qaayo leh, u caddeyso halka uu Fiqiga Islaamku ka taagan yahay, qadiyaddan xasaasiga ah, iyadda oo loo eegayo dheelitiranka sharciga ah. Waxa aan Eebbe idiin weydiinaynaa in uu idinku anfaco cilmigiina, idiina barakeeyo dadaalkiina.
Warcelinta Sh. Yuusuf Al-Qaradaawi: Eebbe ayey mahadi u sugnaatay, duco iyo bad-baado waxa ay korkiisa ahaatay Rasuulka Alle, intaa ka dib; waxa aan murug ku jirin in weydiinta uu walaalku i weydiiyey ay tahay arrin muhim ah oo xasaasi ah, sida uu isaguba sheegay. Weydiintan waxa layga weydiiyey waddamo kala—duwan oo ku yaalla: Yurub iyo Mareykanka, waxana i weydiiyey wiilal—iyo gabdho ku nool waddamadaas, waxa ayna la nool yihiin ummad Masiixiyiin ah, waxa ayna wadaagaan dano iyo duruufo badan oo ay noloshu waajibisay, sida: derisnimo, shaqo, iyo waxbarasho. Waxa uu qofka Muslimka ah ogsoon yahay dheeraadka uu u samaynayo qofka aan muslimka ahayn, Muslimiinta ku jirta xaaladaha qaarkood, sida: Maamulka gacan qabanaya ardayga Muslimka ah, dhakhtarka ku daawaynaya si niyad-sami ah qofka aan Muslimka ahayn, iwm. Sidii hore loo yiri: "Qofku waxa uu addoon u yahay, samafalka." Gabyaagiina waxa uu yiri; "Wanaag u fal dadka waxa aad ku addoonsan quluubtoodda e, badanaa inta qof lagu addoonsaday samafal."
Waa maxay kaalinta kaga aadan qofka Muslimka ah dad aan Muslimiinta ahayn, kuwaas oo aan Muslimiinta la collaytamin, diintooda la dagaallamin, kana saarin guryahooda, una muujin in ay ka saarayaan guryahooda. Qur'aanka kariimka ah, waxa uu dhigay xeerar ay ku dhaqmaan dadka Muslimiinta ah iyo kuwa aan Muslimiinta ahayn, labo aayadood oo ku jira Suuratul Mumtaxina ayaa ka warramaysa xidhiidhka dadka gaaladda ah, Eebbe waxa uu yiri; 'Eebbe idiin diidimaayo, gaaladda aan diinta idinkula dagaalamin, guryihiinana aan idin ka saarin, in aad u sammo iyo caddaalad fashaan, waayo Eebbe waxa uu jecel yahay kuwa caddaaladda fala—waxa se Eebbe idiin diidayaa in gaalada diinta idinkula dagaalantay, guryihiinana idinka saarey, isuna kaalmaystay sidii ay idiin saari lahaayeen, in aad xidhiidhisaan. Qofkii xidhiidhiya waxa uu ka mid yahay, kuwa dambi-falayaasha ah." Mumtaxina (8-9).
Labadan aayadood waxa ay sugeen, xidhiidhka u dhexeeya dadka muslimiinta nabadgeliyay iyo kuwa Muslimiinta dagaalka kula jira. Kuwa hore (kuwa nabadgeliyay muslimiinta) waxa ay aayaddu u jidaysay in loo sammo iyo caddaalad falo. Caddaaladu waa in aad heshid xaqaaga, samafalkuna waa in wixii aad xaqa u lahayd aad ka tanaasusho, samafalku waa uu ka dheeraad sarreeyaa caddaalada. Kuwa Muslimiinta dagaalka kula jira, aayaddu waxa ay reebtay in la xidhiidhiyo maadaama ay Muslimiinta la colleytameen, la dagaalameen, guryahoodana ay ka saareen si gardarro ah, illaa ay Muslimiintu dhaheen; Rabbigeen waa Alle, sida ay Qureysh iyo gaaladii Makka joogtay ay ku sameeyeen Rasuulka iyo asxaabtiisa.
Qur'aanku waxa uu u adeegsaday xidhiidhka dadka Muslimiinta nabadgeliyey, ereyga; [samafal], waana markii uu Eebbe yiri; [in aad u sammo fashaan], ereyga samafal waa kalmadda ugu weyn ee loo adeegsaday xaqa ugu weyn ee insaanka lagu leeyahay marka laga yimaado, xaqa Eebbe SWT waana, [u samafalka waalidka]. Waxa ay Bukhaari iyo Muslim ka wariyeen Asma Bintu-Abuubakar, in ay nabiga (NNKH) u timi kuna tiri, Rasuul Allow; 'Hooyaday ayaa ii timi iyada oo gaalad ah, oo baahan, ee ma xidhiidhiyaa? Rasuulku waxa uu yiri xidhiidhi hooyadaa.' Waxa la ogsoon yahay in halka uu Islaamku ka taagan yahay Ehlu kitaabka [Yuhuud iyo Nasaaro], ay tahay mid ka fudud, halka uu ka taagan yahay gaalada dab-caabudka ah. Qur'aanku waxa uu jideeyay in Kiristanku waxa ay gawracaan la cuni karo, iyo in sida oo kale la la xididi karo [in ay Muslimiintu cuni karaan cuntada Kiristanka, guursan karaanna dumarka Kiristanka], sida uu Eebbe ku sheegay Suuratul Maa'idda (5); 'Waxa aad gawracdaan Kiristanka iyo Yuhuudu waa u xalaal, dumarka dhawrsoon ee Mu'miniinta ahna waa idiin xalaal, waxa kale oo idiin xalaal ah in aad guursataan dumarka dhawrsoon ee xorta ah ee Kiristanka iyo Yuhuudda ah.'
Midhaha iyo dheefta guurkan ka dhalanaya waxa ka mid ah, in la helo kalgacalka labada lammaane, sida uu Eebbe yiri; 'Calaamadaha Eebbe lagu garto waxa ka mid ah in uu idinka abuuray nafihiina lammaane, si aad ugu degtaan. Waxa uu Eebbe dhexdiina dhigay kalgacal iyo naxariis.' [Ruum: 25]. Sidee ayuusan ninku u jeclaanayn afadiisa, oorida gurigiisa, saaxiibada noloshiisa, iyo hooyada ubadkiisa? Eebbe SWT waxa uu bidhaamiyey xidhiidhka lammaanayaashu leeyihiin, waxa uuna yiri; "Haweenku waxa ay idiin yihiin dhar, idinkuna [raggow] Haweenka waxa aad u tihiin dhar." [Baqara: 187].
Midhaha iyo waxyaabaha ka dhalanaya guurkaas waxaa ka mid ah; in ay labada qoys xididaan, waana labada xadhig, ee dabiiciga ah, saldhiggana u ah basharka, sida uu Qur'aanku tilmaamay, "Eebbe waxa uu basharka ka abuuray biyo, waxa uuna ka dhigay qaraabo iyo xidid." [Furqaan: 54]. Waxyaabaha kale ee ka dhalanaya; jiritaanka hooyonnimo iyo xuquuqda adag ee islaamka ee ay ku yeelanayso wiilkeeda. Miyay wanaagsantahay in samo iyo wanaag lagula saaxiibo, in ay soo marto, munaasabad sida ciiddan weyn oo kale, ka dibna annu noogu hanbalyeyn? Maxaa uu se noqonaya mowqifkiisa kaga aaddan qaraabadiisa—xagga hooyadii, sida, awoowaha iyo ayeeyda, abtiga iyo habaryarta, iyo caruurta ay ilma'abtiga iyo habarwadaagga ay yihiin, kuwaas oo lahaa xuquuqda xigtada iyo qaraabada, "Dadka xigtada ahi badhkood badhka kale isagaa ku mudan (oo ku habboon dhaxalka)." (Anfaal; 75). Eebbe waxa uu yidhi; "Ilaahay waxa uu idin farayaa caddaalada iyo wanaagga, iyo in aad wax siisaan qaraabada" (Al-Nahl; 91).
Haddii xaqa hooyanimo iyo qaraabanimo uu ku waajibinayo gabadha iyo wiilka Muslimka ah, xidhiidhinta hooyada iyo qaraabada taas oo muujinaysa dhaqan-wanaaga, laab xaadh-nida iyo naxariista qofka Muslimka ah. Xuquuqda kale way ku waajibaysaa qofka Muslimka ah in uu muujiyo dhaqanka ah insaan leh akhlaaq wanaagsan, Rasuulka sharafta leh waxa uu Abuu-Dardaa, u dar-daarmay hadalkiisii ahaa; "Eebbe ka baq meel walba oo aad joogto, xumaanta waxa aad ka daba geysaa wanaag, dadkana kula dhaqan akhlaaq wanaagsan." Nabigu waxa uu yiri; "Wanaag dadka kula dhaqan."—ma se odhan, 'Muslimiinta dhaqan wanaagsan kula dhaqan.'—sida uu nabigu ba inoogu boorriyay [dhimirsanaanta], marka aynnu la dhaqmayno gaaladda, waxa uuna rasuulku ka digay ad-adayga iyo ka-kanaanta.
Markii ay qaar ka mid ah, Yuhuuddu u soo galeen, nabiga [NNKH], waxa ay carrabkooda ku laabeen salaan, waxa ayna yiraahdeen; [Geeri kor kaaga ha ahaato Muxammadow], Caa'isho ayaa maqashay waxa ayna ugu warcelisay, geeri iyo nacladdi kor-kiina ha ahaato cadowgii Eebbow, nabigu arrinkaas Caa'isho wuu ku canaantay waxa uuna yiri nabigu; Caa'ishooy miyadaan maqlayn waxa aan ugu jawaabay? Waxa aan ku iri: 'Waxa aad sheegteen korkiina ha ahaado,[ haddii aad geeri sheegteenna, geeridu dushiina ha ahaato].' Caa'ishaay; "Arrin kasta Eebbe waxa uu jecelyahay in ay dhimirsanaani ku jirto."
Waxa la xaqiijinayaa in ay sharci tahay in dadkan loogu hambalyeeyo xafladdan haddii ay yihiin sida uu weydiiyuhu sheegay ee ah: in ay u soo dhakhsadaan hambalyeynta ciidaha Islaamiga ah. Waxa ina la farey in wanaaga aynu wanaag ku gudno iyo in aynu salaanta mid ka wanaagsan ku celino ama mid la mid ah ugu yaraan, sida uu Eebbe yiri; "Haddii la idinku salaamo salaan, ku salaama mid ka wanaagsan ama mid la mid ah." [Nisa: 86].
Ma wanaagsana in qofka Muslimka ah uu noqdo ruux ka dhaqan iyo akhlaaq ba hooseeya dadka kale ee aan Muslimiimta ahayn, waxana laga rabaa in qofka Muslimka ah uu noqdo kan ugu dheef iyo dhaqan ba wanaagsan, sida ku timi xaddiiska ah; "Waxa Muslimiinta ugu iimaan dhamaystiran kooda ugu akhlaaqda wanaagsan." Waxa uu nabigu [NNKH], yiri; "Waxa lay soo direy in aan dhammaystiro akhlaaqda teeda wanaaagsan." Waxa la wariyaa in nin Majuusi ah uu ku yiri, Ibn Cabaas nabaddi korkaaga ha ahaato. Ibn Cabaas waxa uu ninkii ugu warceliyey; naxariista iyo nabadda Eebbe korkaaga ha ahaato. Saxaabada qaar ka mid ah ayaa ku yiri Ibn Cabaas, maxaad u tiri; 'Naxariista Eebbe korkaaga ha ahaato', Ibn Cabaas waxa uu yiri; 'Miyuusan naxariista Eebbe ku noolayn?! Tan waa la adkeeyey, haddii aynnu rabno in aynnu gaaladda ugu yeerno diinta Islaamka, una soo dhaweyno, muslimiintana si aynnu u jeclaysiino, taasi kuma imanayso ka-kanaanta iyo ad-adayga inoo dhaxeeya inaga iyo iyaga.
Nabigu [NNKH], waxa uu ahaa mid dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan kula dhaqma gaaladdii Qureysheed intii uu Makka joogay, iyaga oo waliba dhib u geysanayey isaga iyo asxaabtiisaba. Kalsooni ayey nabiga ku qabeen, waxa ay u dhiiban jireen ammaanada ay u baqanayaan. Markii uu nabigu u anbabaxayey magaaladda Madiina, ammaanadii waxa uu uga tagay Cali [Rc], waxa uuna nabigu farey in uu Cali ammaanada ciddii la hayd u celiyo.
Haddaba, wax diidaya ma jirto in qofka Muslim ka ah ama Xarunta Islaamiga ah in ay xafladdan u tahniyadeeyaan [Kiristanka], hab hadal ah ama hab kaarar aan xambaarsanayn tilmaan muujinaysa caalamad diimeed, taas oo ka hor imanaysa mabaadi'da diinta Islaamka sida [Saliibka], waayo Islaamku wuu diiday fikrada Saliibka qudheedha: "Nabi Ciise ma aysan dilin mana aysan dal-dalin, waase loo ekeysiiyey." [Nisaa:156]. Waxa kale oo loogu tahniyadayn karaa, hadaladda caadiga ah. Kuwaas oo aan xambaarsanayn wax diintooda u qiraya ama raalli-galinay— waa uun kalmado caadiya oo ay dadku garanayaan.
Ma jirto wax diidaya in Kiristanka laga qaato wixii hadyado iyo abaalmarinno ah. Nabigu [NNKH], waxa uu dadka aan Muslimiinta ahayn ka qaadan jirey hadyadaha, sida: Al-Muqawqis-kii weynaa ee Qibdiga Masriga ahaa iyo wixii kale oo la mid ah, waxa se shardi ah in aysan hadyadahaasi ahayn kuwii laga xaaraantimeeyey qofka Muslimka ah sida, khamriga iyo hilibka Khansiirka.
Waan ogsoonahay, in qaar ka mid ah Fuqahadda, sida Sheekh Islaam Ibn Taymiya ay adkeeyeen ka qayb-galka arrinta ciiddaha gaaladda iyo Ehlu kitaabka [Yuhuud iyo Nasaaro], waxa uu arrinkaas Ibn Taymiyah kaga faallooday kitaabkiisa [اقتضاء الصراط المستقيم مخالفة أهل الجحيم]. Ani ahaan [Qaradaawi], waan la qabaa in aysan Muslimiintu u dabaal degin ciiddaha gaaladda iyo Ehlu kitaabka. Sida aynnu aragno Muslimiinta qaarkood waxa ay u dabaal degaan [Kirismaska], si la mid ah sida ay ugu dabaal degaan ciiddul Fidriga iyo ciiddul Adxaha. Arrinkaasi ma aha wax banaan, annagu waxa aannu leenahay ciiddahayaga iyaguna [gaaladdu], waxa ay leeyihiin ciiddahooda. Balse wax dhib ah uma arko in Kiristanka ciidahooda uu u hambalyeeyo, qofkii uu xidhiidh qaraabannimo, derisnimo ama saaxiibtinimo uu kala dhexeeyo. Waayo waa jaad ka mid ah xidhiidhada bulsheed, kuwaas oo keensanaysa: kalgacayl, iyo xiidhiidh wanaag—midkaa oo uu qirayo curfiga wanaagsan.
Ma qarsooma in Sheekh Islaam Ibn Taymiya uu qadiyaddan fatwooday xilligii uu joogay, haddii uu noolaan lahaa xilligeenan uuna arki lahaa sida ay xidhiidhada dadku isu dhexgeleen, aduunkiina uu u noqday tuulo yar, ishiisuna ay qaban lahayd baahida ay Muslimiintu u qabaan dadka aan Muslimiinta ahayn [gaalo], sidoo kalena uu arki lahaa sida ay Muslimiintu goobo badan macallimiin ugu noqdeen culuumta, sida oo kalena uu arki lahaa baahida ay Muslimiintu u qabaan in ay gaaladda u dhawaadaan, iyaga oo muujinaya dabacsanaan iyo soo dhaweyn.
Haddii uu arki lahaa, in tahniyada qofka Muslimka ah uu u tahniyadeeyo jaarkiisa, saaxiibkiisa iyo macallinkiisa in aysan xambaarsanayn wax raalli-ahaansho ah ama qiritaan gaalnimo ah. Hase yeeshe, wuxuu arkay in Masiixa [Nabi Ciise], laftiisu uusan u dabaaldegin ciidahan, isaga oo u arkaya in ay tahay fal diimeed Eebbe loogu dhawaanayo. Se, ciidahan waxa ay noqdeen inta badan: dhaqan, caado, iyo mid qaran oo ay dadku caadeysteen, si ay ugu damaashaadaan; fasax, cunto, cabitaan iyo hadyado ay is dhaafsanayaan qoyska iyo asxaabta.
Haddii Ibn Taymiya uu noolaan lahaa xilligeenan, uuna arki lahaa waxaas oo dhan; wuu beddeli lahaa fatwadiisa, ama adkaynta uu arrinka adkeeyey wuu yareyn lahaa, Eebbe ayaase og. Ibn Taymiya waxa uu ahaa mid fatwadiisa ku ilaaliya: waqtiga, booska iyo xaaladda, dhammaan waxaasi waxa ay la xidhiidhaan ciidaha diiniga ah. Se ciidaha wadaniga ah, sida; ciidaha xornimada, iyo midnimadda. Ama se ciidaha bulsheed sida; ciidaha hooyadda, caruurta, shaqaalaha, dhallinyarada iyo wixii la mid ah. Kuwas wax dhib ah kuma jirto qofka Muslimka ah in uu hambalyeeyo ama uu ka qaybgalo, isaga oo ah muwaadin ama ah qof degenaansho ka haysta waddanadaas. Se waa in qofku ku dadaalaa in uu ka durko waxyaabaha xaaraanta ah ee xilliyadaas dhici kara.
Comments
Post a Comment