Safarkaygii Boorama.

 




Tobankii dambe ee Ramadaan waxa aan u kicitamay magaalada Boorama, ujeedka ugu weyn ee aan u tagey waxa ay ahayd, in aan ka helo nasiino nafsiyadeed iyo mid maskaxeed, waxa kale ee soo raacayey waxa ay ahayd booqasho ku qotonta saaxiibbo hore oo aan in muddo ah is arag—iyo in aan soo arko xaaladda bulsheed iyo midda nafsiyadeed ee degmada Boorama. Maadaama magaaladii aan joogay ee Hargeysa ay ahayd magaalo cufan isla markaan ay dhex dhooban yihiin su'aalo badan oo la xidhiidha dhanka: bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo fikirka. Magaalada Boorama arrimaha ugu horeeya ee aad dareemayso marka aad soo gasho waxa ka mid ah nabadda iyo deggenaanshiyaha guud ee magaalada ka jirta; middaasina waxa ay kala mid tahay magaalooyinka kale ee Soomaalilaan, walow dhallinyarada magaalada joogta qaarkood ay qabaan dood taas ka duwan oo odhanaysa: "Boorama waa magaalo haddii aad saq-dambe suuqa ka timaaddo aadan u baqayn nafsaddaada iyo hantidaada." Amnigu waa mid ka mid ah qotimada horumar ee ay ku taagan tahay magaalada Boorama. . 


Nolosha magaalada Boorama, waa nolol jaban oo qof walba oo bulshada ka mid ahi ku noolaan karo; waa magaalo qabow inta badana magaalada waxa ka da'a roobab—cimiladeeduna waa mid dhexdhexaad ah. Boorama waxa ay ku taallaa dhul beeralay ah—waa goob qurxoon oo aad u degen qofkuna uu ku dareemi karo deggenaansho nafsiyadeed iyo mid maskaxeed. Ma jirto tiro koob sax ah oo la cuskan karo, se dadka magaalada ku nool waxa lagu qiyaasaa in ay yihiin 340 kun oo qof; nolosha gaarka ah ee magaaladda Boorama waa nolol fudud; tusaale ahaan: guryaha magaaladu waa guryo jaban—intooda badana waxa ay u badan yihiin guryo cusub, maadaaama magaaladu sannadihii ugu dambeeyey laga dareemayey koboc balaadhan oo dhanka dhismaha ah.


Dhanka kale korontada magaaladu waa koronto jaban, sida oo kale waxa la mid ah biyaha. In kasta oo ay jiraan cabasho la xidhiidha dhanka biyaha maadaama magaalada biyaheedu xilliyada qaar ay maqnaadaan, bilmatel; biyaha magaaladu waxa ay u soo dhacaan maalin dhaaf, xilliyada ay aadka u adag yihiina waxa ka mid ah xilliga Ramadaanta oo ay dadku biyo badan adeegsadaan. Gaadiidka dadweynuhu adeegsadaan waa Bajaajta, waxa se dhawaan magaalada soo gaarey adeegga dhaweeye oo dad badani ku dareemeen fududayd xagga gaadiidka ah, nolosha jaban ee magaalada Boorama ka jirta waa mida keentay in qul-qulka dadku ay aad u bataan gaar ahaanna—ardayda iyo qurbo joogta. 


Waxbarashadu waa summadda iyo sawraca lagu yaqaan magaalada Boorama. Burburkii dawladdii Hantiwadaga ahayd ee Soomaaliya, ka dib Boorama waxa ay hoy u noqotay arday Soomaaliyeed oo aad u tiro badan. Nolosha waxbarasho ee magaalada Boorama waa mid tayo sare leh marka loo eego dhulka ay Soomaalidu degto. Dhanka iskuullada Boorama waxa ku yaalla Iskuullo ay leeyihiin dad ajaanib ah iyo kuwo Soomaali ah. Sida oo kale magaalada Boorama waxa muddooyinkii dambe ku soo badanayey jaamacadaha, waxa dhanka kale saru kaca balaadhan laga dareemayey qul-qulka arday jamacadaha ee gobollada dalka oo dhan. Waxa jira in ay ardayda qaarkood magaalada uga soo waxbarasho doontaan; Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliaya. Jaamacadda Camuud waa jaamacadda ay inta badan ardaydu usoo waxbarasho doontaan. Camuud waxa muddooyinkii dambe laga dareemayey koboc aad u balaadhan haddii ay noqoto dhanka; ardayda, bilcda, dhaqaalaha iyo waxbarashadaba. Waxa kale oo jaamacadda laga dhex dheehan karayaa horumarka baaxadda leh ee ay ku talaabsatay. Camuud waxa ay maal gashatay da'yarta Soomaaliyeed kuwaas oo aan waxabarasho hagaagsan dalka ka helin ka dib burburkii dawladdii kacaanka ahayd ee Soomaaliya, waxa kale oo ay Camuud buuxisay firaaqii waxbarasho ee dalka ka jiray, sannadihii burburka.


 Jaamacadda Cammuud, kaliya loogama soo waxbarasho doonto gudaha dalka, waxa sida oo kale looga soo waxbarasho doontaa waddamo badan oo aynu oodwadaag nahay; Jabuuti iyo Itoobiya waxa ay ka mid yihiin meelaha jaamacadda looga yimaaddo, sida uu xusay guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Suleymaan Axmed Guulleed. Inkasta oo ay jamaacadda Camuud tahay hormuudka Jaamacadaha dalka ka jira, haddana waxa jira in aysan jaamacaddu bixin aqoomihii sida gaar ah u taabanayey bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan, culuumta aadanaha—humanities sida: Falsafadda, cilmiga bulshada iyo cilmi nafsiga. Aqoomahan aan tibaaxay waxa aan u arkaa—aqoomaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in la baro ardayga Soomaaliyeed. Se nasiib xumo aqoomahan jaamacaddu ma bixiso waxa ayna kala mid tahay jaamacadaha kale ee Soomaalida. Magaaladda Boorama waxa ay caan ku tahay magaca:  "Hoyga Aqoonta."—In kasta oo ay taasi jirto, haddana waxa magaalada ka jira habacsanaan dhanka; fikirka iyo bulshadda ah. Waxa magaaladda aad ugu yar goobaha akhriska iyo qoraalka, waxa kale oo aan weli magaalada soo gaarin fufka fikir ee Soomaalida bilowga ka ah; tusaale ahaan: haddii aad magaalada u fiirsato ma jirto shay go'an oo ay dhallinyarada magaaladu xiisayso ama ay ka sheekaysato, goobaha ay dadku isku dhex galaan ama ay ku kulmaan Boorama aad ayey ugu yar yihiin, dadkuna waa keli socod badankoodu. 


Jidadka iyo suuqyada magaaladu waa kuwo cidhiidhi ah, bilmatel: magaalada Boorama ma laha waddooyin hagaagsan oo ay gawaari badani ku kala gooshi karaan—se taa beddelkeeda waxa jira waddooyin dayacan oo aad u jajaban dadkuna ay isticmaalkooda ku mutaan dhib aad u badan, jidadka magaalada Boorama waxa ay ugu fool xun yihiin xilliga uu roobku da'o, maadaama ay jidadku u badan yihiin kuwo liita isla markaana godod ah, gaadiidkuna waxa ay kala kulmaan caqabado badan. Dhanka waddooyinka iyo jidadka guryaha hortooda mara waxa aad ugu yar iftiinka korontada, waxana meelaha qaar magaalada aad uga dareemaysaa qudcur iyo mugdi badan. Si kale haddii aan u dhigo magaalada Boorama waxa ay ka qurux san tahay dusha sare, balse marka gudaha magaalada loo dhaadhaco loona kuurgalo, waxa kuu muuqanaya fool xumooyin aad u badan, waxaadna dareemaysaa in aysan magaaladu helin xaqii ay dadkeeda ka mudnayd. 


Dadka magaalada Boorama ku nool, waa dad xidh-xidhan isla markaana uu aad ugu yar yahay is dhex galku, dhawr mar oo aan raad raacay, halka salka u ah xidh-xidhnaanta aadka u durugsan, waxa marar badan laygu fasirey—DADKA MAGAALADA U DHASHAY.  Is dhex gal la'aantani waxa ay saamayn culus ku yeelatay ardaydii waxbarashada u joogtay magaalada. Dhallinyaro badan oo magaalada wax ku barta waxa aan weydiiyey sida ay is dhexgal yarida magaalada ka jirta u saamaysay nafsaddooda. Dhallinyarada qaarkood waxa ay ii tilmaameen in Boorama ay tahay magaalo aad u qulub badan 'stress.' Waxa jira sababo badan oo ay u cuskadeen jiritaanka qulubka, waxana ka mid ah xidh-xidhnaanta bulshada magaalada. 


Sida uu xusay bulsho yaqaankii Faransiiska ahaa ee Émile Durkheim, xidh-xidhaanta iyo kelinimadu waa mid ka mid ah waxyaabaha keena isdilka 'Suicide', dhanka kale Durkheim waxa uu tilmaamay in is dhexgalka iyo bulshaynimadu ay tahay waxyaabaha yareeya isdilka 'Suicide.' Sida oo kale aqoonyahannada ka faallooda cilmi nafsiga togan—Positive Psychology, waxa ay tilmaamaan in isdhexgalka iyo xidhiidhada bulshadu ay yihiin mid ka mid ah waxyaabaha bedqabka maskaxeed ee qofka ka qayb qaata [mental wellbeing]. Aabbihii cilmiga bulshada ee C/raxmaan Ibn Khalduun waxa uu isna bini-aadamka ku qeexay; noole bulshay ah—Socail Animal. Sidaa awgeed aqoonyahannada cilmiga bulshada, waxa mudnaan door ah u leh bulshaynimada, waxa ayna aad uga digaan—kelinimada iyo xidh-xidhnaanta. 

Gebagabadii iyo gunnaanadkii Boorama waa magaalo nolol wanaagsan, oo nabada sida oo kalena deegaan dalxiis ah. Waxase sida aan soo xusay magaaladu u baahan tahay furfurnaan iyo horumar balaadhan, maadaama magaaladu sannad walba ay marti geliso boqollaal kun oo arday ah, waxay bulshada magaalada Boorama u bahaan tahay in ay ka baxdo muxaafadnimada xad dhaafka ah—extreme conservative. Nimco walba nusqaanteed lehe, si guud, bulshada ku dhaqan Boorama ma bulshaysna, oo xidhxidhnaan ayay wehel u yihiin, furfurnaansho ka dheer, Walow dadku ay yihiin shanta farood ee gacmahaaga ku yaal, haddana waxa muhiim ah in dadku isla falgeli karaan, wada xidhiidhi karaan; iyaga oo kala duwan—bulshana waa dad isla fal gali kara. 



Fg: goobta aan sawirka ku galay waa goobada jaamacadda Camuud, xilliga aan booqanay waxa jirey roob, nooma suurtagalin in aan sawirro hagaagsan ku galno.





Comments

Popular posts from this blog

Faallo kooban, buugga: Losing the Art of Survival and Dignity.

Hantiwadaaggii Soomaaliya: Guul mise Guuldarro 

Goosan faallo ah: buugga "labo isma saarin."