Itoobiya ma qabsan kartaa, magaalada taariikhiga ah ee Saylac
W/Q: Sh. Abdirahmaan Bashiir [Af-Carabi].
W/T: Axmed Xisaam Miido [Af-Soomaali].
Qoraaga reer Mareykan Michael Rubin, ee caanka ku ah sida uu muhiimada u siiyo, Juquraafiga siyaasadeed [geo-politics]—khabiirkana ku ah waxa loogu yeero Bariga dhexe ee weyn¹, waxa uu qorey maqaal mar la arag ah, kaas oo uu kaga faalloonayo arrin kaalin muhiima leh, taas oo ah: suurtagalnimada in Itoobiya ay qabsato magaalada Saylac, ee istiraatiijiga ah. Saylac waxa ay leedahay deked aan hadda u shaqayn arrimo siyaasadeed awgood. Michael Rubin aad ayuu u xiiseeyaa akhrista timaadadda siyaasadeed ee gobolka, waxa kale oo uu leeyahay dan fikradeed, maadaama uu ka mid yahay, dadka sida adag u taageera Israa'iil.
Michael Rubin, waxa uu maqaal ku faafiyey, wargeyska [The National Interest], ee Mareykanka ka soo baxa, maqaal kaas oo ah: "suurtagalnimada uu Dr, Abii Ahmed ku qabsan karo magaalada Saylac"—maadaama uu mar dambe ogaaday, gaar ahaanna dagaalkiisii u dambeeyey ee uu la galay jabhada xoreynta ee Tigreyga, in la'aanta deked gaar u ah itoobiya ay ku tahay waxyeelo istiraatiiji ah. Waxana suurtagal ah in Itoobiya ay soo-food saarto, dhibaatooyin dhismeed oo arrinta la xidhiidha, waana sababta uu u qorey maqaalka. Abii Ahmed waxa uu leeyahay labo indhood, mid waxa ay jirtaa xukunka, mida kale na dekedda Saylac ee taariikhiga ah. Waxa jira dad taageersan jihayntan siyaasadeed, sida uu tibaaxayo cilmi-baadhuhu. Saylac waa magaalo taariikhi ah, waxa ay isku xidhaa—magaalada taariikhiga ah ee [Herer], taas oo maanta qayb ka ah dhulka Itoobiyada cusub. Sidaa awgeed ma jirto wax diidaya adeegsiga/ isticmaalka marinka muhiimka ah ee haddana halista ah.
Waxa kale oo uu Michael qoraalkiisa mar la'araga ah ku faaqiday: loolanka caalamiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka. Shiinuhu waxa uu ku guuleystay in uu gudaha u galo gidaarka Afrika, gaar ahaanna—GEESKA AFRIKA. Shiinuhu waxa uu maanta saldhig weyn, oo aan caadi ahayn ku leeyahay [Jabuuti], taas oo maanta la nool xaalad siyaasadeed oo iyada gaar u ah, waxa ayna bilowday in ay u jeensato dhanka Ereteeriya. Dawladaasi waxa ay ku noolshahay, xaalad cakiran oo siyaasadeed oo kale, waxa ayna xidhiidh gaar ah la leedahay Itoobiya, umana harin Soomaaliya oo kali ah mooyee gaar ahaanna—Jamhuuriyadda Soomaalilaan, ee aan dunida laga aqoonsanayn. Haddaba, sida uu Michael ku doodayo waa in Mareykanku arrintan aad uga fikiraa.
*Wax uusan Michael Rubin, ka odhan dekedda Saylac*
Si fudud si aynu u fahanno mawduuca, waxaa lagama maar-maan ah in aynu wax ka garanayno Juqraafiga Siyaasadeed [geopolitics], waana mawduuc uu si weyn u dhalaaliyey—mufakirka siyaasiga ah ee Dr, Jamaal Xamdaan, midkaas oo uu ku lafa-gurey buuggiisa [عبقرية المكان], ciwaanka waxa aynu ka fahmi karnaa booska istiraatiijiyadeed ee ay ku taallo magaalada taariikhiga ah ee Saylac iyo walaalaheed kale ee; Jabuuti iyo Berbera. Magaalooyinkani waxa ay ku yaalliin goob istiraatiiji ah oo aad muhiim u ah. Waxa ayna muhiimadeedu sii kordheysaa marka uu waqtigu socdaba. Dhibtu se waxa ay ku arooraysaa labo arrin oo muhiimadooda iyo halistooda ba leh, tan kowaad: waa istiraatiijiyada ka jirta gobolkan, ay ku hoos nool yihiin dawladaha fashilmay ama diyaarka u ah in ay fashilmaan. Tan labaad: waxa ay ka dhalanaysaa soo banbaxa istiraatiijiyadeed ee gobolkan, taas oo laga helayo qabyaaladda iyo maqnaanshiyaha aragtida ummadeed ee bulshada Soomaaliyeed. Halkan waa suurtagal in la gaaro damaca jira, balse waxa daruuri ah in la adeegsado luqadda sharciga iyo siyaasadda si loo gaaro yoolka siyaasadeed.
Itoobiya waxa ay la ciirciireysaa cufnaan bulsheed oo ku go'doonsan xabsi juquraafiyadeed, halka dalalka ay cufnaantooda dadi yar tahay sida—Jabuuti ay leeyihiin marin badeedyo muhiim ah, waxa la mid ah Soomaalilaan oo aan wali haysan aqoonsi caalmi ah. Jabuuti waa waddan aan dadkiisu ka badnayn hal milyan oo qof, waxa ayna dekedda Jabuuti u adeegtaa Itoobiya wax ka badan [95%], baahideeda. Soomaalilaan waxa ku nool dad aan ka badnayn Afar milyan oo qof, waxa ayna leedahay xeeb badeed oo dheer. Dhanka kale Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay leedahay xeebta ugu dheer badweynta Afrika, dadkeeduna kama badna labaatan milyan oo qof. Halka Itoobiya lagu tiriyo waaweynta Afrika, waa dawladda labaad ee ugu dadka badan Afrika marka laga yimaado, Naajeeriya. Sidaas oo ay tahay waxa ay la kacaakufaysaa dhibaato marin badeed. Qayb reer Galbeedka ah waxa ay qabaan in aysan taasi caddaalad ahayn, ee ay tahay xadgudub siyaasadeed oo loo baahan yahay in la saxo. Qayb kale oo ka tirsan dawladda soo jireenka ah ee Itoobiya waxa ay aaminsanyihiin in: magaalooyinka Saylac, Jabuuti iyo Taajuura ay yihiin, qayb ka mid ah Itoobiya taariikh ahaan iyo juquraafi ahaan ba, lama huraanna ay tahay in lagu soo celiyo kharriiradda cusub.
Toban sanno ka hor ayay Itoobiya dib u dhistay ciidamadeeda badda, waxayna qorsheynaysay inay saldhigyo ciidan ka hesho Geeska Afrika, balse qorshahaas ayaan weli saxaafadda loo soo bandhigin. Balse akhrista mawduuceed waxa ay tilmaamaysaa in qorshuhu yahay labo arrin, oo mid saddexeeyaa uusan jirin. Tan kowaad; in ay Itoobiya ku duusho magaalada Saylac, ama in la galo heshiis tibaaxaya in Itoobiya laga siiyo saldhig ciidan dekedaha gobolka gaar ahaan: magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Jabuuti. Weydiintu se, waxa ay tahay labada caqli-gal keebaa xoog badan? Sababtu se maxay tahay? Caqliga siyaasiga ahi, waxa uu ku xidhan yahay xaaladda gobolka iyo xaaladda loolan ee caalamiga ah. Gobolku waxa uu maanta ku jiraa xaalad nasho-siyaasadeed, dhammaan waddamaduna waxa ay ka cabanayaan dabacsanaanta siyaasadeed ee sareysa. Ma jirto dawlad ka baxsan arrinka, xitaa Itoobiya ayaa ku jirta, dhammaan, laga soo bilaabo Soodaan, la soo marayo Itoobiya, Jibuuti, laga soo gaadhayo Soomaaliya, kuwaas oo dhammaantood ay ku noolyihiin burbur sagxadda ah, sidaas darateed ayaanay Itoobiya marxaladdaas u fulin karin tallaabadaas. Laakiin, taasina kama dhigna in tallaabadaasi aanay dhowaan soo ifbixi doonin, arrinku waxa uu u baahan yahay xaalad degganaanshiiyo gudeed iyo mid dibaddedba ah.
Digtoor Abii Axmed, doorar kala duwan ayuu ciyaarayaa, doorarkaasna waxaa ka mid ah; in uu dajiyay xiisaddii gudaha ka aloosanayd, taas oo uu u maray in uu xilka ka qaado siyaasiyiin rugcaddaa ah, oo ka tirsan qomiyadaha dhammaantood, qomiyadda Soomaalida marka laga reebo. Aqalka cad odayga ka taliya ee Mr Biden ayaa khadka taleefoonka kula hadlay, taas oo caddaynaysa in xilka qaadistaasi ama siidayntaasi ay ku timid, ka dib kolkii cadaadis dhanka dibedda ah uu kaga yimi, gaar ahaanna dowladaha reer Galbeedka. Tallaabooyinka dajinta ka dib waxaa la gudboon in uu u howl galo dibedda, hab istiraatiiji ah oo isu dheellitiran.
Sidee ayey siyaasiyiinta waddankeennu u fikirayaan? Waa maxay hiraalka [vision], siyaasiga Soomaaliga ah iyo midka Jabuuti marxaladdan? Sidee u akhrinaa xaaladanahan siyaasadeed? Dhammaan weydiimahaas oo dhan—waxa aynu ku lafa-guri doonnaa haddii Eebbe idmo qormo gooni ah.
Comments
Post a Comment