Dr. Bulxan iyo qofka Soomaaliga ah.


 

Dr. Xuseen Bulxan, waa xeeldheere ku takhasusay kasma-nafeedka [psychology], waa asaasaha iyo guddoomiyaha jaamacadda Frantz Fanon. 


Dr. Xuseen Bulxan, oo ka mid ah aqoonyahannada dhifka ah ee sida xeesha dheer u darsay nafsadda qofka Soomaaliga ah, ayaa buuggiisa: 'In-between three civilazations', waxa uu ku sheegay in qofka Soomaaliga ahi uu ku sugan yahay jaahwareer iyo legden u dhexeeya saddex ilbaxnimo, waa: dhaqanka Soomaaliyeed, ilbaxnimada reer Galbeedka iyo ilbaxnimada Islaamka ama Carabta. Dr. Bulxan waxa uu si waafi ah u bidhaamiyey in qofka Soomaaliga ahi, saddexdaas ilbaxnimo marba mid uu metelo aragtiyaha iyo afkaarta ay leedahay. Dhanka kale Dr. Xuseen Bulxan waxa uu tilmaamay in saddexdan ilbaxnimo ay saamayn ku yeesheen hab nololeedkii iyo qaab fekerkii qofka Soomaaliga ah.

Haddaba, galabta mar ay casar liiqii ahayd waxa aan soo fariistay meherad ay inta badan fariistaan saaxiibbo aannu aqoon isu leenahay, meheradda markii aan soo fariistay waxa joogay dhallinyaro aan badanayn, waxayse ka dooddayeen, dood ah; "Islaamka ma yahay Diin iyo Dawlad, mise waa diin, CAQIIDO kaliya ku kooban oo aan arrimaha dawladnimada si waafi ah uga halcelin karin." Dhallinyaradii dooddu waxa ay noqdeen labo koox, koox ku dooddaysay in Islaamku yahay Diin iyo Dawlad, iyo koox kale oo ku dooddaysay in Islaamku uusan ahayn Diin iyo Dawlad. Muddo markii aan u dheg raa-ricinayey doodda, ayaa hal mar waxa goobtii ay dooddu ka socotay soo fariistay nin dhallinyaro ah oo sida la ii sheegay bartay SHAREECADA DIINTA ISLAAMKA.

Ninkii dhallinyarada ahaa ayaa dooddii qayb ka noqday isaga oo ku doodaya in: Islaamku yahay Diin iyo Dawlad, isla markaana madaxda Muslimiinta ku dhaliilaya in aysan shucuubta Muslimka ku xukumin diinta Islaamka. Arrimaha kale ee ninka dhallinyarada ahi uu ku doodayey waxa ka mid ah, in: ay muhim tahay in ummadda Islaamku midoobaan oo ay hal QOF oo kaliya isku noqdaan, si ay u samaystaan hal ruux oo HOGGAAMIYE AH, aragtida ninkan dhallinyarada ah waxa qaba—culimmo badan oo Islaamiyiin ah. Haddaba, muddo markii ay socotay dooddu, waxa la isku af gartay in doodda halkaa lagu xidho, maadaama labada kooxba, mid walba uu aragtidiisa ku adkaystay, dooddana la isku qancin waayey. 

Halkaas, ayaa dooddii lagaga gudbay. Waxase  mar dambe la furey dood kale oo ku saabsan; 'gooni-isutaagga  SOOMAALILAAN.' Dooddani inta badan ma ahayn mid ku dhisan caqli iyo aqoon balse waxa ay ahayd mid ku dhisan; caadifad—iyo qabiil. Waxase cajiib ah oo dooddan iiga soo baxay arrin la yaable oo ah, in; NINKII dhallinyarada ahaa ee aaminsanaa in: Islaamku yahay Diin iyo Dawlad, isla markaana qabay in ay waajib tahay in ay midoobaan ummadda Islaamku, markan waxa uu difaacayaa; GOONI GOOSADKA SOOMAALILAAN—oo waxa uu ku dooddayaa in Soomaalilaan tahay dawlad madaxbanaan isla markaana muddan in ay hesho aqoonsi caalami ah, si ay danaheeda siyaasadeed uga gungaadho. 

Markii aan arkay iskhilaafka uu ku sugan yahay ninkan dhalliyarada ah, waxa aan go'aansaday in aan si dadban doodda qayb uga noqdo aniga oo su'aalo weydiinaya ninkan dhallinyarada ah. Waxana weydiiyey su'aalo u dhigan sida tan, waxana ku idhi:  

Waxaad hore u qabtay oo aad kudooddaysay in ay muhim tahay in SHUCUUBTA MUSLIMKU midoobaan? Wuxuu iigu warceliyey; HAA. Waxan ku iri, waxa aad hore u qabtay oo aad ku dooddaysay in Islaamka la isku xukumo oo laga tago wax walba oo Islaamka dhaawacaya haddii ay noqoto, qabyaalad iyo gaala-raacnimo? Wuxuu iigu jawaabay: HAA. Waxan ku iri;  haddii aad qabto intaas oo dhan, soo adigan taageersan GOONI GOOSADKA SOOMAALILAAN, soo adigan taageersan nidaamka qabaliga ah ee ay Soomaalilaan wax ku qaybsato, miyaadan dooddaadii hore iyo wixii aad aaaminsanayd ka hor imanayn? Miyuu Islaamku qabaa in dadka Muslimiinta ah la qaybiyo, oo koox koox laga dhigo? Haddii uusan Islaamku qabin, maxaad dad Muslim ah oo isku dhaqan, af iyo diinba ah, u kala goynaysaa oo aad u dhiirrigelinaysaa GOONI GOOSAD? 

Ninikii dhallinyarada ahaa, iigama uusan jawaabin weydiimaha aan weydiiyey, waxa uuna gartay in uu ku jiro—IS-KHILAAF. Waxa uuse iigu warceliyey oo uu igu yiri: "Saaxiib, hadba kaar baa la xoqdaa, ee dooddaasi mid hore oo Islaamka ku saabsan ayey ahayd, iminkana waxa ay ahayd mid aan reerkayga ku difaacayey." Hadalka ninkan dhallinyarada ah, lama aanan yaabin, oo hore ayuu Dr. Xuseen Buxlan iigu sheegay in qofka Soomaaliga ahi uu ku dhex jiro JAAH-WAREER IYO LEGDEN u dhexeeya saddex ilbaxnimo, waa: dhaqanka qabiilka, Islaannimada, iyo midka reer Galbeedka.  Hadda u fiirso, ninkan dhallinyarada ahi, mar waxa uu mataleyey oo uu difaacayey MABAADI'DA ISLAAMKA, mar kalena waxa uu difaacayey, MABDA'DA REERNIMADA. Sidaa awgeed ayaan qofka Soomaaliga ah u bixiyey: "Laba-dhinacle/ Bipolar." Taas oo aan markaan u fiirsaday ka soo dhex saarey in qofka Soomaaliga ahi uusan qaadi karin; MABDA'A aan ahayn midka reerkiisa. 

I. M. Lewis, oo ah gundhigaha daraasaadka Soomaalida [founder of Somaali studies], sida oo kalena ah aqoonyahan Soomaalida wax ka qorayey in ku dhow lixdan sanno, dhanka kale ah qoraaga buugga caanka ah ee: "A pastoral democracy." Lewis, intii uu Soomaalida wax ka qoreyey, waxyaabaha u soo baxay waxa ka mid ah in: qofka Soomaaliga ahi waxa uu ka samaysan yahayba ay tahay QABYAALAD, sidaa awgeed ayuu Lewis u soo jeediyey in Soomaalida qaab reero ah loola dhaqmo, waxa kale oo Lewis tilmaamay in caqiidada qofka Soomaaliga ahi ay tahay: "QABIIL." Sidaa daraaddeed ayuu ku doodday in qaab fekerka qofka Soomaaliga ahi uusan isbeddel ku dhicin, dhawrkii qani ee ugu dambeeyey. Aragtida Lewis waxa qaatay oo qaba aqoonyahanno Soomaaliyeed oo badan waxana ka mid ah: Prof Siciid Sh. Samatar iyo Dr. Maxamed X. Ingiriis. 

Guntii iyo gebagebadii, waxa suurtagal ah in aad marar badan aragtay qof sida ninkan dhallinyarada ah iska-horimanaya, waana wax marka goobaha doodda la joogo, caan ka ah, waayo waxaad arkaysaa qof: mabaadi'da reer Galbeedka ku dooddaya, isla cabaar ka dibna mabaadi'da reernimada ku dooddaya! Waa Sida uu Dr. Xuseen Bulxan sheegay e, qofka Soomaaliga ahi, jaah-wareer iyo legdan gudihiisa ah ayuu ku jiraa! Aniguna mar haddii xaalku sidaas yahay, waxa aan ku doodday in qofka Soomaaliga ahi uusan qaadi karin MABDA'A, ka duwan midka reerkiisa, haddii uu qaadana waa mid maqaar saar ah.

Comments

Popular posts from this blog

Faallo kooban, buugga: Losing the Art of Survival and Dignity.

Hantiwadaaggii Soomaaliya: Guul mise Guuldarro 

Goosan faallo ah: buugga "labo isma saarin."