Posts

Showing posts from May, 2022

Dr. Bulxan iyo qofka Soomaaliga ah.

Image
  Dr. Xuseen Bulxan, waa xeeldheere ku takhasusay kasma-nafeedka [psychology], waa asaasaha iyo guddoomiyaha jaamacadda Frantz Fanon.  Dr. Xuseen Bulxan, oo ka mid ah aqoonyahannada dhifka ah ee sida xeesha dheer u darsay nafsadda qofka Soomaaliga ah, ayaa buuggiisa: 'In-between three civilazations', waxa uu ku sheegay in qofka Soomaaliga ahi uu ku sugan yahay jaahwareer iyo legden u dhexeeya saddex ilbaxnimo, waa: dhaqanka Soomaaliyeed, ilbaxnimada reer Galbeedka iyo ilbaxnimada Islaamka ama Carabta. Dr. Bulxan waxa uu si waafi ah u bidhaamiyey in qofka Soomaaliga ahi, saddexdaas ilbaxnimo marba mid uu metelo aragtiyaha iyo afkaarta ay leedahay. Dhanka kale Dr. Xuseen Bulxan waxa uu tilmaamay in saddexdan ilbaxnimo ay saamayn ku yeesheen hab nololeedkii iyo qaab fekerkii qofka Soomaaliga ah. Haddaba, galabta mar ay casar liiqii ahayd waxa aan soo fariistay meherad ay inta badan fariistaan saaxiibbo aannu aqoon isu leenahay, meheradda markii aan soo fariistay waxa joogay dhall...

Ciidaha Kirismaska

Image
  W/Q: Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi. W/T: Axmed Xisaam Miido. Weydiin: waxa aan ahay—arday Muslim ah, waxa aan waddanka Jarmalka ka diyaariyaa shahaadada (PhD), culuumta barashada qurubka (Atom). Eebbe ayaan  ugu mahadcelinayaa in aan diintayda ilaashado, gutana waajibaadka Eebbe,  walaalahayga kale ee waddanka joogana aan ku garabgalo u adeegida diinta iyo illaalinta jaaliyadda Islaamka ah ee waddanka ku nool. Dhibka se aan jeclahay in aan soo bandhigo, waxa ay tahay: maxaa noo banaan ka qayb galka xafladaha kala duwan, maxaase naga xaaraan ah? Sida dabbaaldegyada waddaniga ah iyo kuwa diiniga ah ee ay ugu caansan tahay ciidda, [dhalashada Masiixa/ميلاد المسيح], ama se loo yaqaan [kirismaska], kuwaas oo ay dadku u dabbaaldegaan si weyn. Ma bannaan tahay in midkeen, saaxiibkiisa waxbarashada, ama saaxiibkiisa shaqada, ama deriskiisa uu ugu hambalyeeyo ciiddan, isaga oo ugu hambalyeynaya qayb ka mid ah, ereyada wanaagsan ee caadiga ah?   Waxa aan walaalaha qaar ka mid...

Itoobiya ma qabsan kartaa, magaalada taariikhiga ah ee Saylac

Image
  W/Q: Sh. Abdirahmaan Bashiir [Af-Carabi]. W/T: Axmed Xisaam Miido    [Af-Soomaali]. Qoraaga reer Mareykan Michael Rubin, ee caanka ku ah sida uu muhiimada u siiyo, Juquraafiga siyaasadeed [geo-politics]—khabiirkana ku ah waxa loogu yeero Bariga dhexe ee weyn¹, waxa uu qorey maqaal mar la arag ah, kaas oo uu kaga faalloonayo arrin kaalin muhiima leh, taas oo ah: suurtagalnimada in Itoobiya ay qabsato magaalada Saylac, ee istiraatiijiga ah. Saylac waxa ay leedahay deked aan hadda u shaqayn arrimo siyaasadeed awgood. Michael Rubin aad ayuu u xiiseeyaa akhrista timaadadda siyaasadeed ee gobolka, waxa kale oo uu leeyahay dan fikradeed, maadaama uu ka mid yahay, dadka sida adag u taageera Israa'iil. Michael Rubin, waxa uu maqaal ku faafiyey, wargeyska [The National Interest], ee Mareykanka ka soo baxa, maqaal kaas oo ah: "suurtagalnimada uu Dr, Abii Ahmed ku qabsan karo magaalada Saylac"—maadaama uu mar dambe ogaaday, gaar ahaanna dagaalkiisii u dambeeyey ee uu la galay jabha...

Safarkaygii Boorama.

Image
  Tobankii dambe ee Ramadaan waxa aan u kicitamay magaalada Boorama, ujeedka ugu weyn ee aan u tagey waxa ay ahayd, in aan ka helo nasiino nafsiyadeed iyo mid maskaxeed, waxa kale ee soo raacayey waxa ay ahayd booqasho ku qotonta saaxiibbo hore oo aan in muddo ah is arag—iyo in aan soo arko xaaladda bulsheed iyo midda nafsiyadeed ee degmada Boorama. Maadaama magaaladii aan joogay ee Hargeysa ay ahayd magaalo cufan isla markaan ay dhex dhooban yihiin su'aalo badan oo la xidhiidha dhanka: bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo fikirka. Magaalada Boorama arrimaha ugu horeeya ee aad dareemayso marka aad soo gasho waxa ka mid ah nabadda iyo deggenaanshiyaha guud ee magaalada ka jirta; middaasina waxa ay kala mid tahay magaalooyinka kale ee Soomaalilaan, walow dhallinyarada magaalada joogta qaarkood ay qabaan dood taas ka duwan oo odhanaysa: "Boorama waa magaalo haddii aad saq-dambe suuqa ka timaaddo aadan u baqayn nafsaddaada iyo hantidaada." Amnigu waa mid ka mid ah qotimada ho...