Posts

Showing posts from January, 2023

Dhama' bulsheed.

Image
  Soomaalidu waxa ay ku jirtaa jaahwareer aan loo meel dayin, xaaladda ay Soomaalidu ku jirto anigu waxa aan la meel dhigaa, xaaladdii ay reer banii Israa'iil gashay xilligii nabi Muuse, kaas oo uu Qur'aanku u gu yeedhay; "Tiih." In Soomaalidu ay ku jirto tiih meelaha aadka looga dareemo waxa ka mid ah; nidaamka dooroshooyinka ee ku dhisan xisbiyada. Soomaalida taariikhdeeda hore iyo teeda dambe labaduba waa isku mid oo wax kala duwanaan ah oo u dhexeeysa ma jirto, tusaale ahaan: laga soo bilaabo 1954 illaa maantadan aynu joogno, doorashooyinka Soomaalida waxa sal u ah qabiil iyo tolleysi qabyaaladeed. Doorashadii koowaad ee 1954 laga bilaabo, xisbiyadu qabiil ayey ku dhisnaayeen. Doorashadaas qabsoontay 1954 waxa ka qayb galay 15 xisbi-qabiil. Xisbiyadii siyaasadeed ee waddanka ka jirey; sida SYL, SNL, NUF, GSL iyo xisbigii Dil iyo Mirifle. Dhimmidood waxa ay salka ku hayeen hayb qabiil iyo tolliimo siyaasadeed. Taasi maxsuulkeedii waxa uu noqday; in la dhaxlo dawlad...

Soomaaliland: halkan halkee ka aadnaa!

Image
  Soomaaliland waxa ay ku dhisan tahay oo muddada soddonka sanno ah ku jirtaa wax aan u gu yeedhay; "mawqif siyaasadeed." Qaddiyadda u gu weyn ee ay Soomaaliland dunida ka iibiso waa in ay ka go'day Soomaali inteeda kale. Tan haddii la eego ma aha wax ay dawladnimo ku dhismi karto. Dawladuhu waxa ay ku dhismaan labo mabda' oo kala ah; mabda' diimeed iyo mabda' fekredeed. Labadanba haddii la eego Soomaaliland midna kuma dhisna, waxa ay ku dhisan tahay oo ay ku jirto waa mawqif siyaasadeed oo ah; "waanu go'nay." Mawqifka jaadkan ahi ma aha mid jiri kara, sababtu waxa weeye ma aha wax ummad isu hayn kara. Ummadaha iyo dawladaha waxa isu haya waa aragtiyo iyo afkaaro waaweyn oo ay aaminsanyihiin, taas ayey ummaddu horumar iyo ilbaxnimo ummadeed ku gaartaa. In Soomaaliland waxa isu haya uu yahay, mawqif siyaasadeed, waxa aan tusaale dhow u soo qaadan karnaa Laascaanood. Soomaaliland muddo 15 sano ah ayey Laascaanood maamuleysay, muddada intaas le...

Adduunku waa loollan.

Image
  Nolosha bini-aadamka waxa asalka u ahi waa loollan. Loollankaasi xilliba heer buu joogaa. Tusaale ahaan; loollanku mar waxa uu joogaa qofka iyo nafsaddiisa; waa kii nabigu NNKH yidhi: "jihaad waxa u gu wanaagsan midka uu qofku la galo nafsaddiisa iyo doonistiisa." Si kale nafsadda marka la joogo, loollanku uu qofku ku jiro waa saddex geesood waana waxa uu aabbaha cilmi nafsiga casriga ahi ee Sigmund Frued u bixiyey: "internal conflinc." Loollankaas guda ahi, Frued waxa uu ku tibaaxay: Id, Ego iyo Super ego. Frued waxa uu ku tagay in saddexdaas marna aysan heshiin, loollankoodu waa abadi. Marka qofku nafsaddiisa uu soo dhaafo waxa uu loollan la galaa, walaalihiis iyo ciddii hadba u dhow, tanna waxa si fiican u fasirey alfred adler, markii uu sharxayey dooddiisii ahayd; birth order.  Qoyska marka laga yimaaddo, si guud dadku waxa ay galaan loollan iyaga dhexdooda ah, waana midda Eebbe SWT uu Qur'aankiisa ku leeyahay: "haddii aannu Eebbe dadka qayba qaybta k...