Saamaynta Suufiyadu ku lahayd nidaamka dhaqan-dhaqaale ee Soomaalida.

Duruqdii kala duwanayd ee Soomaaliya ka jirey, gumeysiga ka hor iyo kaddiba waxa ay saamayn togan ku lahaayeen bulshadii racatada ahayd ee Soomaaliyeed. Waxa ay qayb ka noqdeen sidii wacyiga diineed ee bulshada Soomaaliyeed kor loogu qaadi lahaa. Duruqdaas kala duwani waxa ay ku suntan yihiin, waxyaabo badan oo faa'iido u leh bulshada Soomaaliyeed, bilmetal: Dr. Cabdiraxaam Baadiyow mujalladda koowaad ee buuggiisa: " Making Sense of Somali History/ تاريخ الصومال رؤية تحليلية جديدة", waxa ku jira cutub uu u bixiyey: " Dib-u-qaabaynta Bulshada Soomaaliyeed: saamaynta duruqda Suufiyada iyo gumeysiga/ إعادة تشكيل المجتمع الصومالي: تأثير الطرق الصوفية و الإستعمار." Cutubkan waxa uu qaybihiisa hore kaga faallooday, saamaynta togan ee ay Suufiyadu ku lahayd nidaamka bulsheed ee Soomaalida, saamayntaas waxa aynu ku soo koobi karnaa qodobbadan: 1: Suufiyadu waxa ay u guntadeen in bulshada Soomaaliyeed ee caammada u badan in laga saaro jahliga diimeed isla markaana bul...