21/ Oct/ 1969. Ammintii afgembiga.
Maanta oo kale 21/ Oct/ 1969, waxa ay ahayd ammintii uu Maxamed Siyaad Barre xukunkii dalka xoogga kula wareegay. Aqoonyahannada darsa burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya, waxa ay ku kala aragti duwan yihiin, sababaha soo dadajiyey burburkii dawladda. Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu ka mid yahay aqoonyahnnada fasirka u raadiyey arrimaha keenay qaran jabkii Soomaaliya. Mujalladda kowaad ee buugga "Making Sense of Somali History/ تاريخ الصومال رؤية تحليلية جديدة" ee uu qorey Dr. Cabdiraxmaan Baadiow waxa ku jira cutub uu u bixiyey: "إنهيار الدولة الصومالية: سياقات و آراء." Cutubkan Dr. Baadiyow waxa uu kaga faallooday waxyaabaha keenay in dawladdii Soomaaliya ee lixdankii la alkumay ay dunto. Waxa uu ku doodday in burburkii dawladdu uu marey saddex marxaladood oo muhiimaddooda leh, marxalad walba waxa jirey arrimo ku hoos jirey oo dhacay.
Marxladda koowaad ee burburkii Soomaaliya waxa ay ka bilaabmaysaa sannaddii 1969. Marxaladdan waxa dhacay arrimo ay ka mid yihiin: in la boobay doorashadii uu ku soo baxay madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke; in la dilay madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Iyo in uu Maxamed Siyaad Barre taladii dalka uu xoog ku qabsaday. Marxaladda labaad waxa ay ka bilaabmaysaa sannadii 1978. Marlaxaddan waxa dhacay dagaalkii ay Soomaaliya la gashay Itoobiya midkaas oo uu ka soo raacay foolxumo iyo guuldarro aad u weyn (1977 - 1978). Maraxladdan waxa fashilmay inqilaabkii la doonayey in Siyaad Barre xukunka lagaga tuuro, sida oo kale marxaladdan waxa samaysmay, jabhaddii u gu horreysay ee SSDF. Marxaladda saddexaad ee burburkii Soomaaliya waxa ay ka bilaabmaysaa sannadihii (1990 - 1991). Marlaxaddan waxa dhacay labo arrin oo murug badan; mid waa in qarankii Soomaaliya uu afka dhulka daray. Midina waa in dalku galay dagal sokeeye. Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow saddexdan marxaladood ayuu ku doodday in burburkii Soomaaliya ay martay. Waxa jira aqoonyahanno kale oo qaba fasir midkan ka duwan.
Markii uu dhacay qaran jabku, Soomaaliya waxa ay noqotay goob bahalo galeen ah, waxa ay marti galisay dadyow badan oo la gu raadjoogay raq iyo ruuxba. Soomaaliya waxa ay gashay dagaallo wajiyo badan yeeshay, waxa ay noqotay hoyga argagaxisada Geeska Afrika. Waxa ay safka hore ka gashay, meelaha loogu cabsida badan yahay dunida. Dad badan oo Soomaaliyeed waxa ay qabaan doodda odhanaysaa: "shalay dhaantay" waxa la gu baraaruggay sida ay u adag tahay in DAWLAD la dhiso. Dad badan waxa u muuqda in wax rejo ah oo soo naaso cadi uusan jirin. Qaar kale waxa ay leeyihiin: 'YAA HARAGGEEDII NAGAGA CESHA.' Xaalka Soomaalida sida uu maanta u yaallo dad badan marka ay arkaan waxa ay leeyihiin: 'waxa jiray wax badan oo la baaqsan karey.' Si kasta ha ahaatee waxa cad in aan qaran jabkii Soomaaliya looga horreyn sannadii 1969. Waxa cad in marka si mawduuci loo akhriyo burburkii Soomaaliya, in Siyaad Barre ay Soomaalidu eedday. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa: "Ayax teg eelna reeb." Dhaqanka uu Siyaad Barre ku soo kordhiyey siyaasadda Soomaalida, waa midda uu Dr. Maxamed Daahir Afrxa u bixiyey; "DUGSIGII KACAANKA." Hoggaanka maanta dalka bi'inaya waa dadkii ka soo kaba qaatay, taliskii kacaanka ee uu Siyaad Barre hormuudka u ahaa.
Jaanstuskan hoose waxa uu Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ku soo bandhigayaa saddexda marxaladood ee uu qaran jabkii Soomaaliya marey.
Comments
Post a Comment