Posts

Showing posts from September, 2022

Nabaaddiino saaxiibbayaal.

Image
  Maanta waxa qalin-beddeshay mid ka mid ah ardaydii u gu wanaagsanayd ee  aan fasal la fadhiisto. Haddii aan xasuusta dib u celiyo waxa aan dhex tegeyaa maalmo farxad, rayrayn iyo kalgacal leh. Ardayda maanta qalin-beddeshay waxa ay ahaayeen ardaydii aan soo gaarey iyaga oo sannadkii labaad ku jira kulliyadda cilmi nafsiga (psychology). Kulliyadda xilligii aan soo galnay waxa ay noo ahayd xilli wax walba nagu cusub yihiin; waxa nagu cusub jaamacad wax la dhaho, waxa nagu cusub wax cilmi nafsi la yidhaahdo, waxa nagu cusub gabdho waxa noo dhiga, waxa nagu cusub gabdho aqoon ahaan dhisan, isla markaana wax naqdinaya. Waxa aannu ku soo dhex dhacnay duni waxbarasho oo markaas noo bilow ah. Waxa hoog iyo habaar u sugnaaday qofkii aan helin: daryeel, gacan qabad, naxarsiis iyo jacayl. Waxa noloshu dil ku xukumisay ruuxa aan helin garbo uu ku duullo iyo xinniinyo la la garab joogo, waa halka uu ninkii Soomaaliyeed ka yiri weedha caanka ah ee odhanaysa: "xinniinyuhu ma aha kuwa kugu ...

Caqabadaha hortaagan aqoonsiga iyo fahanka xanuunnada dhimirka ee Soomaalida.

Image
  Hordhac  Sida aynu ku soo xusnay maqaalkeennii hore ee aynu ugu macdarnay; "Soomaalida iyo xanuunnada dhimirka", waxa aynu kaga warranay jirrooyinka nafsiga ah ee Soomaalida dhexdheeda shaacsanaha ka ah waxa aynu lafagurnay jirrooyinkaas iyo waxyaabaha sababa, innaga oo qodob walba gaarkiis uga faalloonay. Haddaba, hormadan labaad waxa aynu kaga warrami doonnaa caqbadaha hortaagan in Soomaalidu aqoonsato isla markaana laga daweeyo jirrooyinka ku dhaca nafta iyo maskaxda. Maqaalkan waxa uu noqdoonaa mid si waafi ah u iftiimiya caqabadaha ku hor-gud-ban daweynta iyo aqoonsiga xanuunnada dhimirka. Soomaalidu waa bulsho xoolo raacato ah, inta badan waxa noloshooda saamayn ku yeelatay deegaanka ay ku nool yihiin iyo—dhaqanka ay leeyihiin, sidaa awgeed mushkiladda ugu weyn ee Soomaalida ka haysata fahamka xanuunnada dhimirka, waxa loo tiirin karaa dhaqanka raacatada ah ee ay Soomaalidu leedahay. Dhaqanku waa mid ka mid ah waxyaabaha bulshooyinka kala hormariya, ummad walba oo leh...