Posts

Showing posts from February, 2024

Hantiwadaaggii Soomaaliya: Guul mise Guuldarro 

Image
  Hordhac      Warshadaha saboolkiyo  Wadhatada la qaybsaday  Wiil ay dhashaan ahay  Weeraarta hoosiyo Waaheel rug sare furan  Marka laysku kala waco Ninka labada waaxood  Danyar weheshadaan ahay. —Maxamed Ibraahin W. Hadraawi, "Waxyi", 1983. Intii taariikhda insaanka taxanayd loollan dabaqadeed, siyaasadeed, bulsheed, diimeed iyo dhaqaale ayaa dadka u dhexeeyey. Loollankaasi mar walba waxa uu joogay marxalad goonni ah. Hantiwadaagguna waxa uu qayb ka yahay arrimaha fasirka iyo mudnaanta gaarka ah siinaya loollanka bulsheed halka salka u ah. Hantiwadaagga Cilmiga ah waxa uu sharraxaad iyo faaqidaad weyn ku samaynayaa arrimaha shidaaliya kala qoqobka, diigmiirashada iyo kala sarraynta bulshada. Karl Marx, Friedrich Engels iyo Vladimir Lenin waxa lagu abtiriyaa in ay yihiin abwaannada Hantiwadaagga Cilmiga ah. Hantiwadaagga waxa kacdoomeeyey oo aydhiyoolajiyadeeyey, oo shaacsaaray Marx iyo Engels, se waxa barbaariyey, oo naaxiyey oo fidiyey, oo...