Bariyeynta Cusub iyo Muslimiinta Galbeedka..

Halkan waxa ka muuqda ciwaanka muxaaddarada. Dhanka kale waxaan halkan ku lifaaqay linkiga muxaaddarada. (https://youtu.be/mVG3GFl6UPA). Dr. Khascal Maajidi waa buuni ku xeeldheer cilmiga diimaha iyo ilbaxnimooyinka, waxa uu leeyahay buugaag iyo muxaaddarooyin kala duwan oo la xidhiidha cilmigaas uu ku takhasusay. Dr. Khascal waxa uu naqdiyaa ilbaxnimada reer Galbeed ee ku hawlan sidii loo burburin iyo dadnimotiri lahaa bulshooyinka Bariga degan ee ay Muslimiintu ugu horreyso. Muxaaddaradan halkan ku lifaaqan Dr. Khascal Maajidi waxa uu kaga faalloonayaa Bariyeynta Cusub (N ew Orientalism/ الإستشراق الجديد). Bariyeyntu ama Istishraaqu waa in la derso bulshooyinka Bariga ku nool dhaqankooda, afkooda, diintooda, siyaasaddooda, maamulkooda, fankooda iyo dadkooda. Waa in si gaar ah aqoon durugsan loogu yeesho bulshooyinka Bariga adduunka ku abtirsada, si loo xukumi karo ama loo gumeysan karo. Istishraaqu waxa uu ka mid yahay waxyaabihii fududeeyey in reer Yurubku gumeystaan du...