Faallo kooban, buugga: Losing the Art of Survival and Dignity.

Buuggan la yidhaahdo, "Losing the Art of Survival and Dignity: Transition From Self-Reliance to Dependence and Indignity in Somali Society" waxa qorey Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan. Tilmaanta uu buuggani qaadan karo waa in uu ka duwan yahay buuggaagta kale ee uu Dr. Bulxan qorey. Si gaar ah Bulxan waxa uu buuggan iridda ugu furayaa, duruufaha taaganta ah ee Soomaalida naafeeyey asaaggeedna ka raabay. Si kooban buuggu waa raadraac dhaqan, bulsho iyo ismaamul. Dr. Bulxan waxa uu buugga ku lafagurayaa isbeddelka gun iyo baarka ah ee Soomaalida ku dhacay iyo sida ay u noqotay ummada sooc ah, oo si walba ka duwan Soomaalidii hore ee la yaqaannay. Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan waxa uu inna soo hordhigayaa weyddiimo ay adag tahay in aynu maanta ka jawaabno, weyddiimaha uu qoraagu inna hor dhigay waxa ka mid ah: maxaa keenay in Soomaalidu ahaanshaheeda ka faanto? Maxaa sababay in dubkeenna madow la sannifo, oo kiimiko la isula tago? Maxaa keenay qaxa, dagaallada, gaajada, dawarsiga...