Posts

Showing posts from April, 2023

Si araggeenna hoggaaminta

Image
  Eebbe SWT oo nebi Muxammed NNKH la hadlaya waxa uu ku yidhi: "naxariis Eebbe xaggiisa ka ahaatay awgeed ayaad ugu debecsanaatay, haddii aad ahaan lahayd qof kakan oo qalbi engegen, agtaada way ka yaaci lahaayeen; ee cafi, Eebbe dambi dhaaf u weyddii, taladana ka qayb geli. Marka aad wax go'aansato Eebbe tala saaro, Eebbe wuu jecel yahay cidda talasaarata."  Ayaaddan Qur'aanka ah waxa ay si dhammaystiran uga faalloonaysaa tilmaamaha ugu muhiimsan ee laga rabo in uu yeesho qofka hoggaamiyaha ah. Qofka hoggaamiyaha ah waa in uu yahay: ruux naxariis iyo debecsanaan leh, waa in uu yahay qof dadka cafiya, oo indhaha ka laabta khaladaadka ay dadku galaan. Waa in uu yahay ruux dimuqraaddi ah oo dadka talada ka qayb geliya, waa in uusan noqon macangag talomaroorsade ah. Waa in uu noqdaa qof go'aan qaadan kara, isla markaana go'aanka fulin kara.  Sida Soomaalidu u aragto hoggaaminta waa mid cagsi ku ah ta uu Qur'aanku ka warramayo. Qofka Soomaaliga waxa uu ku odha...