Mar aan Qaxnay: Saamaynta Nafsadeed ee Dagaalka Laascaanood.

Soomaalidu waa bulsho la ildaran dhibaatooyin nololeed oo badan, xilli walba dhibaatadu waa mid jirta, se xilliyada qaar isbeddel togan ayaa la helaa. Isbeddelkaasi ma aha mid raaga, se waa mid aan cago badan ku taagnayn, waayo xaaladda dhaqan-dhaqaale iyo midda bulsho ee Soomaalida ayaa qaabkan ah. Waxa lagu doodi karaa 15 sanno ee u gu dambeeyey, in Soomaalidu ay heshay isdhexgal bulsho oo nisbi ah, tan waxa ay dadka qaar u la muuqatay in ay dhaxalsiin doonto, isdhexgal bulsho oo dhammaystiran iyo degenaansho nololeed oo heerkeedu sarreeyo. Aqoonyahannada dersa saykoolojiyadda iyo habnololeedka bulsho ee Soomaalida waxa ay isku waaqafsan yihiin in Soomaalidu xilli walba ay la jaal tahay dhibaatooyin bulsheed oo joogta, xilliyada qaar waxa dhacda in dhibaatooyinkaasi qaboobaan ama cadaadis fara badan inta uu ku dhaco ay yara degaan, se waa dhibaatooyin qoto-dheer oo aan si dhayal ah u degayn. Richard Francis Burton buuggiisa la yidhaahdo; "First Footsteps in East Africa" ...