Goosan faallo ah: buugga "labo isma saarin."

Buuggan "labo isma saarin" waa buug miisaan culus waxa uu si heer sare ah u soo bandhigayaa taariikh ay yar tahay in aynu faca soo koraya u tebinno. Waxa xiise gaar ah buugga u yeelaya waa sida uu u ga faalloonayo wax walba oo saamayn kulahaa jabhaddii SSDF, saamayntaasi ha noqoto mid nafsadeed ama mid maaddi ah. Waxa jira ciwaan uu qoraaga buuggu u bixiyey; "mushkiladda dhimirka ee soo siyaadday" ciwaankan waxa uu qoraagu kaga faallooday saamaynta ay xanuunnada dhimirku ku yeesheen raggii hormuudka u ahaa jabhadda, waxa uu tibaaxay rag madax ahaa oo ay haleeshay jirrooyinka dhimirka ee kala duwan, ragga uu tilmaamay waxa ka mid ah: Cabdiraxmaan Abshir Gurrac (Bolonyo) oo ka mid ahaa madaxda u gu sarreysa ee jabhadda. Caydiid Kabacune waxa uu ka mid ahaa abwaannadii jabhadda ku jirey, isaga oo jabhadda jooga ayaa waxa ku dhacay cudurka dhimirka. Dr. Xasan Cali Mire waxa uu ahaa ninkii u gu horreeyey ee Soomaali ah ee qaata shahaadada PhD. Xasan waxa uu guddoomiye ka...