Doodda dumarka iyo siyaasadda.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa aan odhan karaa waa aqoonyahanka qudha ee si waafi ah u sharxay doodda ku saabsan: 'haweenka iyo siyaasadda.' Dr. Baadiyow waxa uu ka soo bilaabayaa kaalinta haweenku ku leeyihiin nolosha Soomaalida xilli fog oo ku siman gumeysiga ka hor, waxa uu si heersarre ah u iftiimiyey halka ay dumarku kaga jireen bulshada raacatada ah iyo bulshada beeratada ah, waxa uu tilmaamay in kaalinta haweenka ee labadaas bulsho ay ahayd mid aad u liidata. Waxa uu xusay kaalinta ay dumarku ku laahayeen gumaysi diidka, waxa kale oo uu bidhaaminayaa dawrkii ay haweenku ku lahaayeen siyaasadda xilliyadii [1960 -1991], waxa uu soo qaadanayaa haween ka dhex muuqday siyaasadda Soomaalida muddadii u dhaxaysay xornimada illaa burburka. Dr. Baadiyo majallada labaad ee buuggiisa: "Making Sense of Somali History/ تاريخ الصومال رؤية تحليلية جديدة", waxa uu aad ugu dheeraaday kaalinta qiimiga badan ee ay dumarku mar walba ku lahaayeen nolosha Soomaalida, waxa uu xusa...